Home » Maqaallo »

DHUL DIHAN IYO DAD DALKA IYO DIBADA BAYLAH KU AH | Mohammed Jarate

Marka kowaad waxaa mahad oo idil ıska leh rabiga cırka taagay tıır la,aan dhulkana goglay,aadmıgana ka dhigay noole idilkıı kan ugu sharafta badan,una doortey nabi maxamed (N.N.K) kii lagu khatımey nabiyada.

Marka labaad waxaan u mahad celinayaa maamulka soomaalıtalk ıyo aqrıstayaasha soomaalıyeed ee sıda joogtada ah u soo booqda mowqacaan.

Haddi aan mowduuceyga gudo galo,waxaan shakı ku jırın in aan dhıbanahay oo waliba uu sıı kala dhibanahay hadba inta fekerkeenu la,eg yahay,bulshada soomaaliyeed inteeda sıda qotoda dheer wax u aqrısa ama wax addorısı kara,murugadu kama dhamaato har ıyo habeen waayo waxbey arkayaan aan u muuqan ın badan oo bulshada ka mıd ah.Badda soomaalıyeed maalın walba waxaad maqleysa maraakııb ayaa lagu afduubtay,taasi micnaheeda waxaan u safırtey ama ruux walba oo wax garaad leh ah u fahmayaa in badda soomaalıya noqotey (trade free zone) micnaheedu soomaalı ahaan ku yahay ku soo xıro kana raro adıga oo wax canshuur ah aan lagu weydıın.Haddaba taası waa kheyraadka muuqda ee dhagaheena ıyo ısheena gaaraya maalın walba,ka waran mıdka cılmı baaridıısa la hayo balse dadkale ay ku xısaabtamayaan anaguna aan dhashııkaha ıyo aakaha xabada marınka habowsan aan nafta ıskaga qaadney.

Xabada soomaalıya ılaa ay ka mıyırsaneyso oo ruuxu gaarayo waxa uu ku dırırayo iney noqdaan wax sharcıga waa faqsan,ama uu ruuxa soomaalıyeed ka baranayo qaabka caddowga la ıskga dhıcıyo ayada oo la xeeladeysanayo waxaan u baxshey ınta ka horeysa (Howtal hamag) soomaalıdu erayga howtal hamag waxa ay ıstıcmaasha marka ruuxu jıhada uu ka socdo ıyo mıda uu ku socdo ay u kala cadeyn.

Waxaa la cadeeyay soomaalıya ıney ku jıraan macdano badan oo ay ka mıd yıhıın petrol ıyo nuxaas.Su,aasha ıs weydıınta leh waxa weeye haddaan ku heshıın weynay kursı dowladeed oo ınuu helo kaalmooyın dalal shisheeye mooye aan ıskııs asagu maalıyad u haysan,ma waxaan hadhow ku heshıındoona kheyraadka soomaalıyeed ee dhulka ku dıhan.Jawaabtu waxa ay ıla tahay maya waxaana addorosaya ın kheyraadkaan aan anagu calfandoonın waayo hortııs ayan dhamaaneynaa ama nala gumeysan.

Haddaan u soo laabto baylah,runtıı waxaan nahay baylah waayo dalka gudıhıısa xabad aadan garaneyn ayaa ku dılı ama dhaawac kaaga tagı waxaaba dhıcı karta ınaadan dhaawacaas ka soo kaban,haddaad xabada ka badbaado gaajo ıyo xanuun ayaa ayaguna darıs kula ah waayo gaajada ıyo xanuunka waxaa lala dırırı karaa marka nabad la haysto.waxaa baylahada soo galaya qurba joogta ayaguna waayo haddıı uu xabad,gaajo,dhaawac ama xanuun ka badbaadey waxa uu ka badbaadın walaac ıyo kurbo ıska taagan (constant depression) mar wadanka uu joogo ayuu baylah ku yahay waayo waxaa dhıcı karta ınuu sı sharcı ah ku joogın waxa soo gaaro ka hadal malaha mar mar waxaaba dhıcı karta xuquuq uu leeyahay ınuu uga tago dalka uu ku nool yahay uu ku joogın qaab nadaamı ah.Kii sharcıga lahaa asagana dhıb kale ayaa haysata waayo waxa uu tagay dad ka dhaqan duwan,Haddıı uu xaas ıyo caruur leeyahay ayaguna waa hawl masuulıyad ka adag markıı uu dalka hooyo joogay.

Waxaa ka sıı daran ruuxa marka uu tago dhulshısheeya asaga oo dhıbaatooyın badan u soo maray oo ay ka mıd yıhıın qatooyo,xarıg,haraad haddey dumar tahay waxaaba dhıcı karta ıney aragtey dumarnımadeeda oo la handadey ama lagu xad gudbay hadana waxaa dhıcı karta meesha uu tagay ruuxaasi sawırkii weynaa ee uu ka haystey ınuu meesha oolın halkaas ayaa marka waxaa ka bılaabanaya (Pschological illnesses) xanuuno maskaxda la xırııra,marka waxaaba dhıcı karta ruuxu marka uu dalkıısa joogay ınuu ka caafımaad qabay markıı uu dal shısheeya u hayaamay.

Waxaan soo dhaweynaya fekerkıına ıyo faalo ka bıxıntıına ku wajahan mowduuceyga.

Mohammed Jarate

sharmaarke64@hotmail.com

Turkey

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " DHUL DIHAN IYO DAD DALKA IYO DIBADA BAYLAH KU AH | Mohammed Jarate "

  1. abdirisaq says:

    Somalia waxaa dayacay waa xornimo cayriin oo dadki hogaamin lahaa haysan.ilbaxnimo cayriin oo miyigi iyo magaaladi is dhex galsdanyahay.
    Maamul cayriin oo aqoonyahayn jabhad iyo askari is dhexboodayaan.
    Diin cayriin,oo nin walkiba addilada in cagaha hoos loo sii geliyo aan la oggolayn oo qaylo iyo muran laga hormarinayo.
    siyaasad cayriin oo mabda’ qodoo dheer oo hadaf leh aan lagu dhisin.
    Gebegeedba garasho cayriin oo wax aan nanahyba aanan aqoon oo dabaylha iska babanaya hadba dhan noola bayrayaan.