Home » Warar »

Qoraal ku saabsan wax qabadka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha federaalka oo ay u gudbisey gudiga dastuurka….

Warbixin uu ku saxiixan yahay Wasiirka Dastuurka DFKMG, Madoobe Nuunow oo ku saabsan wax qabadka wasaaradda dastuurka iyo arrimaha federaalka oo loo gudbisey gudiga dastuurka iyo arrimaha federaalka baarlamaanka 16/04/2010 oo nuqul kamid ah soo gaarey aan henay hoos ka akhri…

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Qoraalka wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalku waxa uu u qornaa sidan:


 


JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA
Xukuumadda Federaalka KMG ah Wasaarada Dastuurka iyo Arrimaha Federalka

Ref: WDAF/26/2010 |  Date: 16/.04/2010

Ku: Guddiga Dastuurka Federaalig ah ee Baarlamaanka

Og: Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliyeed

Og: Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG ah

Ujeeddo: Waxqabadka Wasaaradda Sannadka 2009 iyo Sannadkan bilaha Jannaayo ilaa Maarso 2010ka

Mudanayaal,

Salaan xushmad iyo qadarin leh kaddib, Anagoo TexraacaynoWarqadda summaddeedu tahay GDF/08/010 ee 12/04/10 ujeedadeeduna tahay uyeeris Wasiirka Dastuurka si uuGuddiga u siiyo Warbixinta Waxqabadka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha federaalka 2009 ilaa 2010ka.

Ayaa waxaan Guddiga sharafta leh u soo gudbinayaa warbixin la xiriirta waxqabadka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka ee sannadka 2009ka iyo Bilaha Jannaayo ilaa Maarso 2010, intii uu waqtigu inoo saamaxay oo ah sidan hoos ku qoran;-

kala saaridda shaqaalihii Wasaaradda Dastuurka iyo Wasaaradda Dib u Hesiisiinta oo horay isku ahaa hal Wasaarad.
Dhammaystirka iyo dib u habeynta shaqaalaha Wasaaradda oo ka kooban 22 qofood oo lagu qoray si waafaqsan sharciga shaqaalaha Rayadka ah ee dowladda iyo ilaala amniga qaabilsan.

3. dhismaha Waaxyaha Wasaaradda oo ka kooban saddex Waaxood iyo todoba qaybood.

4.Daraasad la xiriirta hawlaha Wasaaradda iyo hagaajinta wadashaqeynta Guddiyada iyo hay’adaha ku hawlan Dastuur u sameynta Dalka,

5.Kiraynta Xaruun ay Wasaaradu yeelato taasoo ah dhismaha Jirde Xuseen oo ku yaallo (Xamar-weyne) iyo qalabeynta xaruunta oo dhameystiran.(taasoo gacan ka geeysatay UNDP Somaliya,

6.Wasaaradda waxay yeelatay hal baabuur yar oo Mark II ah,oo uu Ra’iisulwasaaraha u iibiyey Wasaaradda.(Baabuurkaasoo horaantii bishan abriil 2010 ay dhaceeyn Burcad hubeysan loona gacangeliyey Al-shabaab.

7.Safaro shaqo Nairobi si loogu kuurgalo hawlaha Guddiga dastuurka Federaalka ee Madaxbanaan oo in mudda ahba shaqo u joogay Nairobi iyo Xallinta khilaafaad la xiriiray dhinaca wadashaqeynta oo u dhexeeyey Guddiga Dastuursameynta iyo Hay’adda UNDP iyo waliba Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan Arrimaha Dastuurka,iyo UNDP- MPIL, khilaaf kaas oo hadda lagu heshiiyey.

8. Tirada xubnaha Guddiga Dastuurka oo 15 ahaa lagu kordhiyey 15 lagana dhigay 30 xubnood iyada oo tirada cusubi ay ansaxiyeen Golaha Wasiirada, haatana horyaalla kalfadhiga 10aad ee baarlamaanka si uu u ansaxiyo, iyo dib u habeynta qaab-dhismeedkiisa si waafaqsan barnaamijkii Xukuummadda lagu siiyey kalsoonida iyo heshiiskii Jabuuti .

9. Wasaaradda waxay diyaarisay Sharci Nadaaminaya Habraac Qaab-dhismeed midaysan guud ahaan Guddiyada Dastuuriga ah ee ku xusan qodobka 68aad Axdiga KMG ah, hindise Sharciyeedkaas oo haatan horyaallo Kalfadahiga 10aad ee Golaha Baarlamaanka.

10.Waxaa kaloo Wasaaraddu gacanta ku haysa dhismaha Guddiyada Lagama maarmaanka u ah hawlaha dastuur u samaynta dalka iyo dhaqan gelinta hannaanka Federaaliga ah kuwaasoo ay ka mid yihiin:-

a). Guddiga Calaamadaynta Soohdimaha Dawlad- goboleedyada dalka,

b). Guddiga Tirakoobka dadka da’doodu sharcigu u oggol yahay inay doortaan Dastuurka cusub.

c) Guddiga Doorashooyinka iyo Aftida Dastuurka la sameeynaayo,

d) iyo guddiyo hawl fulin ah sida uu qabo sharciga loo adeegsanaayo diyaarinta iyo qoraalka Dastuurka.

11.Wasaaraddu waxay sameeysay, daraasado la xiriira sidii loo dabaqi lahaa shareecada islaamka,taasoo keentay in dib u habeyn lagu sameeyo tayada hawlwadeenada dastuur sameynta si loo diyaariyo dastuur saldhigiisu yahay

shareecada Islaamka.

12. waxaa safaro shaqo ku tagnay Waddamada Jarmalka Magaalada Heidelberg iyo Kenya Nayroobi oo ay nagu martiqaadeen hay’adaha UNDP iyo Max planck institute si looga wada tashado dardergelinta hawlaha sameynta dastuurka cusub iyo toosinta qaabka wadashaqeynta hay’adaha dhexdooda iyo midda annaga nagala dhaxeeya,

a)-waxaanu kulamo dhawr ah la yeelanay hay’adaha:- Unpos, deeqbixiyayaasha, UNDP iyo Consortium-ka ku hawlan arrimaha Dastuurka Somaliya.

13.Seminaar ku saabsan Tayeynta Aqoonta Shaqaalaha Wasaaradda ayna soo diyaariyeen hay’adaha kor ku xusan oo UNDP-du Hogaamiso, ayaa waxaa ka qayb- galay 3da Waaxood iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda,

waxaa seminaarkaas furitaankiisa khudbad ka jeediyey Ra’iisulwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Hon. Madoobe Nuunow Maxamed

waxaana goobjooge ahaa Safiirka Somaliya u fadhiya Dalka Kenya ee Nairobi Danjire Maxamed Cali Ameeriko.

a).Wasaaradu waxay ka qaybgashay Tababarkii Websitka dowladda, oo uga qaybgashay Gabar shaqaalaha ka tiran, seminaarkaas oo ay soo diyaarisay Waasaaradda Warfaafinta iyo hay’adda NDI.

14.Seminaar (Workshop) ay diyaarisay hay’adda Max Planck institute, laguna qabtay Waddanka Jarmalka Magaalada Heidelberg, ayna ka qaybgaleen xubno ka kala socday Guddiga Dastuurka ee baarlamaanka,(PCC-da), Guddiga Dastuurka Madaxbanaan (IFCC) iyo Wasaaradda Dastuurka, Seminaarkaas oo la xiriiray hirgelinta heshiis wadashaqeyn oo ay horey u wada galeen Wasaaradda iyo Max Planck Institute, (iyadoo xubnahaasi qaarkood aysan dib ugu soo noqon Dalka.

15.Diyaarinta qorshe hawleedka Wasaaradda laba Sanno 2009ka ilaa 2010ka oo ku mudaysan marxaladda kala guurka iyo waqtiga Dowladda ku meel gaarka ah.

16.Wasaaraddu waxay dib u habayn ku sameeysay Sharcigii lagu dhisay Guddiga Madaxbanaan ee Dastuurka Federaaliga si waafaqsan qaab-dhismeedkiisa cusub iyo qorshe-hawleed waqtiyeysan oo qeexaya hawlgelka hay’adaha u xilqaaman dastuur sameynta dalka sannadka 2010ka, shircigaas oo ay Golaha wasiiraadu ansaxiyeen haatana horyaalla Golaha baarlamaanka.

17.Wasaaraddu waxay ku guda jirtaa diyaarinta dhismaha Guddiyada 3da ah ee kor ku xusan, waxaana la horkeeni doona Golaha Wasiirada si Waafaqan sharciga guud ee habraaca qaab-dhismeedka guddiyada qaranka.

18. Latashiyo aanu la yeelanay Khuburo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib oo ku Xeeldheer Shareecada Islaamka, Shuruucda kale ee Caalamiga iyo Nidaamka Federaalismka.

19.Xoojinta Wadashaqeynta Dowladda Dhexe iyo Unugyada Federaaliga ah ee hadda jira iyo Abuurista Unugyo federal ee Cusub (waa dhisidda Dowlad-goboleedyada Dalka),

20. Wasaaraddu waxay ka mid ahayd Wafdigii uu hoggaaminaayey Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda FKMG ah Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo booqasho Todobaad ah ku tagay Magaalada Gaalkacyo wafdigaas oo kulamo la yeeshay Dowlad-goboleedka Puntland iyo Gelmudug,sidoo kale laba jeer oo kale ayaa wasaaraddu shaqo u tagtay gobolladaas,

21. Wasaaraddu waxay ka qaybgashay qorshihiisana wax ku laheyd Siminaar 50 xildhibaan loogu furay magaalada Naivasha ee Kenya,1/12/2009ka kaasoo lagu falanqeeynaayey Shirciga loo adeegsanaayo diyaarinta iyo qoraalka dastuurka cusub oo ay wasaaraddu soo diyaarisay, Golaha Wasiiraddu ansaxiyey, haatana horyaalla Kalfadhiga Baarlamaanka, seminaarkaasoo ay soo diyaariyeen hay’adaha ay hoggaamiso UNDP-da, waxaa seminaarkaas furay xirayna Guddoomiye-kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa

22. Ka qayb qaadashada hawlaha lagu diyaarinayo sharciga Caasimadda Muqdisho oo maqaam gaar ah siin doona Magaalo madaxda, hawshaas oo aanu kala qayb qaadanay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo iskaashi gees walba leh nagala dhexeeya.

23. Qorshaynta shir lagu falanqaynaayo dhaqangelinta shareecada Islaamka oo lagu qaban doono Waddanka Maleeshiya haddii alle idmo.

24.heshiis aan la galnay UNDP oo ku saabsan sidii ay gacan

uga gaysan lahaayd, loona dardargelin lahaa hawlaha Wasaaradda Dastuurka.

25. wasaaraddu waxay ka qayb gashay Seminaar ka dhacay Nairobi oo ay ka soo qayb galeen lix dal oo ku saabsaanaa dalalka ka soo doogay khilaafaad, sida dastuur loogu sameeynaayo.

26. Waxaan UNDP isla qorshaynay, qaarkoodna fuleen, in la joogteeyo Tababarada aqoon-kororsi ee Guddiga Dastuurka Federaalka, Shaqaalihiisa iyo Guddiyada kale.

Warbixinta seddexda bilood ee Janaayo – Maarso 2010ka

Iyadoo qorshaha Wasaaradda uu yahay in la soo bandhigo hadba meesha ay mareeyso howsha geeddisocodka Dastuur-samaynta Federaaliga , ayaa Waxaa ii sharf ah in aan idiin soo gudbiyo warbixin kooban oo ku saabsan hawlqabadka saddex biloodlaha ah ee Wasaaradda, Guddiyada Ifcc, Pcc iyo Hay’adaha nagu taageera Diyaarinta Dastuurka cusub taasoo waafaqsan shuruucdii ay Xukuumaddu horey u ansixisay una gudbisay Baarlamaanka. iyo Kutalagalka qorshe howleedka Xukuummadda ee sannadkan 2010.

Mudanayaal iyo marwooyin,

1. Kulanhawleedkii ugu horreeyey oo ay ka faa’iidaysteen 55 Xildhibaan ee Guddiyada Baarlamaanka Federaaliga ah laguna qabtay – Magaalada Naivasha ee Kenya 1-4 Jannayo 2010.

Ayna ka soo qaybgaleen Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaaliga, iyo Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska oo iyadana ka hadashay Barnaamajka Xuquuqda Caruurta.

Kulanhowleedkan wuxuu ku dhammaaday jawi aad u wanaagsan, oo ujeeddadii laga lahaana ay ahayd in xildhibaannada xog ogaal u noqdaan geddisocodka Dastuursamaynta Dalka, waxaana laga codsaday inay mashruurcan Xukuumadda ku taageeraan.

Kulanhawleedkan waxaa furay, hoggaamiyey soona gebogebeeyey Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Prof. Moxamed Cumar Dhalxa.

2. Isla bisha Janaayo waxaa kaloo qabsoomay Kulanhawleedka Tayo dhisidda Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaaliga , kaasoo lagu qabtay hotel Swara ee Nairobi.

Xubnaha Guddiga ka dib markii ay kasoo laabteen shirkii Bulshada Rayadka ee lagu qabtay Mombasa, waxaa loo furay Kulanhawleed Tayo dhisidda Xubnaha oo ay ku darsayeen habka iyo heerarka Golaha Sharcidejinta Federaaliga iyo Dawladaha Goboleed ee ugu door roon dhisidda Dastuurada, Kulankan oo socday muddo toddobaad ah, waxaa soo diyaariyey Max Planck Institute oo ka tirsan hay’adaha caalamiga ah ee la shaqeeya Mashruuca Taageera Dastuur-samaynta Soomaaliya ee UNDP. Waxaa kaloo ka qaybgalay khubaro caalami ah oo ku takhasusay samaynta dastuurada Federaaliga.

3. Isla Jannaayo waxaan ku guuleysanay ka soo Guurista Guddiga madaxbanaan ee dastuurka (Ifcc),Magaalada Nairobi, si uu ugu shaqeeyo Magaala madaxda Muqdisho iyadoo soo guuristooda ay gacan ka geysatay UNDP Somaliya taariikhda 21 jannaayo 2010

4. Isla Jannaayo, Kulanhawleedka Guddiga Dastuurka Federaalka ee Baarlamaanka oo Djibouti lagu qabtay 21 – 25 Jannayo 2010

Kulanhawleed lagu darsayey geeddisocodka Dastuurrodejinta Federaaliga iyo doorka ay ku leeyihiin Guddiyada dastuurka Baarlamaanka ayaa loo qabtay 30 xubnood oo ka mid ah Guddiga Baarlamaanka ee u xilsaaran arrimaha Dastuurka Federaaliga Soomaliya iyo xildhibaano kale oo goobjoogayaal ahaa, waxaana soo qabanqaabiyey AWEPA oo ay gacan ku siiyeen Unpos iyo UNDP iyo hay’adaha kala shaqeeya taageeridda Dastuur-samaynta Soomaaliya. Waxaa Kulankan si wanaagsan ugu soo qaybgalay dhammaan Safaaradaha Deeqbixiyeyaasha iyo wakiilka AU wafuuddaas oo uu hoggaaminaayey ku-xigeenka SRSG ee UNPOS iyo Dawladda Djibouti. Warbixin kooban oo ku saabsan arrimaha lagu falanqeeyey kulankan, waxayna ahaayeen arrimo muhiimad gaar ah u leh ka soo qaybgelayaasha iyo geeddisocodka sameynta Dastuurka Somaliya.

– Xafladda xiritaanka kulankan waxaa soo gebogebeeyey Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Barlamaanka Dawladda Djabouti iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Soomaaliya, iyagoo ay goobjoog ahaayeen Safiirada Dawladda Djabouti u fadhiya Soomaaliya iyo Sii-Haayaha Safaaradda Soomaliya ee Djibouti.

5. Project Board Meeting: Djibouti – 24-kii Jannayo 2010

Shirkan oo aan marna la qaban tan iyo 2006-dii ayaa inoo suurtogashay in markii ugu horreysay la qabto, si laysula meeldhigo qorshaha hawlqabadka iyo iskaashi-farsamadeedka Dastuur-Samaynta u dhexeeya Hay’adaha Dawladda Federaaliga iyo hay’adaha lala kaashanayo Mashruucan iyo si xilalkoodana u kala caddaadaan.

6. isla Djibouti oo Wasaaradda kaga qayb geshay kulan hawleed la xiriira Diyaarinta Qorshaha Dowladda, kaasoo ah kan muhiimadda koowaad u leh Xukuumadda ee Mustaqbalka oo ay soo diyaarisay NDI kana soo qaybgaleen Todoba Wasiir, iyadoo uu casharo ka bixinaayey Ra’iisulwasaarihii hore ee dalka Norway,

7.Isla Djibouti Kulanhawleedka Shareecada oo qabsoomay 06 – 10 Febraayo 2010ka

Kulankaasoo ku saabsanaa Shareecada Islaamka iyo Dastuurada dalalka Islaamka iyo Geeddisocodka Diyaarinta Dastuurka, Waxaa kulankan kasoo qaybgalay 58 xubnood oo isugu jira Culamaa’uddiin Soomaaliyeed ee Ahlu sunna waljameeca, xubno ka kala socday Guddiga Awqaafta iyo Arriimaha Diinta ee Baarlamaanka iyo Guddiga Dastuurka Baarlamaanka.

Waxaa kaloo kulankan ka qaybqaatay Guddoomiye ku-xigeenka kowaad Baarlamaanka Soomaaliya, Wassiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya iyo Wasiirka Daryeelka Naafada Soomaliya. Kulankan waxaa soo qabanqaabiyey Max Planck Institute iyo hay’adaha Caalamiga ah ee ku hawlan taageeridda Dastuur-Samaynta oo ay hoggamiso UNDP & Unpos Waxaa si qottadheer loogu falanqeeyey shareecada Islaamka iyo sida loogu gundhiga dastuurka Cusub, iyadoo aqoon cilmiyeysan iyo aragtiyo bisil ay isku dhaafsadeen Culumaa’uddiinka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo Khubaro Caalami ah oo ku takhasusay arrimaha Dastuurada dalalka Islaamka kana kala yimid dalalka Islaamka iyo dalalka dadweynahooda isugu dhafan yihiin dad Islam ah iyo dad diimo kale haysta ah.

Kulankan wuxuu ahaa mid ahmiyad gaar ah lahaa oo aad looga wada faa’deystay iyadoo Culamadii halkaas hadal loo riyaaqay ka jeediyey uu ka mid ahaa Sheekh Cabduraxmaan Bashiir oo ah Madaxa Culama’uddiinka Djibouti. Waxaa kulanka furay khudbad qiimo lehna ka jeediyey Wasiirka Awqaafka iyo Arrimaha Diinta ee Djibouti Walaalkeen Mudane Xaamud Cabdi Suldan waxaana soo gebogebeeyey Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Barlamaanka Djibouti mudane Xuseen Cumar Kawalier.Waxaa mahad gaar ah mudan Dawladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Djibouti oo ay si wacan inoo walwaalay muddadii aanu kulamadaasi ku lahayn magaalo-madaxda Djibouti.

7. Kulamo gaar ah:

(a) Djibouti: Intii aan joognay Djibouti waxaan la kulannay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Djibouti, Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Agaasimaha Madaxtooyada Dawladda Djibouti.

b) Djibouti:- waxaa kaloo kulamo gooni gooni ah la kala yeeshay Madaxda culimada Somalida iyo Djibouti Shekh Bashiir Ahmed Salaad iyo Shiikh Cabdiraxmaanka Bashiir Djibouti oo wada taageersan habka ay u socoto hawsha Sameeynta Dastuur waafaqsan Shareecada Islaamka.

(c) Nairobi: Muddaddii aan joogay Magaalada Nairobi waxaan kulamo gaargaar ah oo ku saabsan arrimaha Dastuur-Samaynta Soomaaliya la yeeshay:

(1) Madaxda UNPOS, UNDP iyo Mashruuca Taageera Dastuursamaynta Soomaaliya;

(2) Safiirka Midowga Europe u fadhiya Soomaaliya;

(3) Qunsuliyadda Boqortooyada Norway u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

(4) Isla Nairobi: waxaan kaloo la kulmay wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Dastuurka ee Dowlad- Goboleedka Puntland Mudane Jimcaale, si la isula meel dhigo loogana wada qaybgelo geeddi-socodka Dastuur-smeynta. Dalka,

-Mugdisho:- 24.02.2010 ilaa 11.03.2010 Hawlmaalmeedyada Wasaaradda ka sokow waxaan kulamo la yeeshay Madaxweynaha , Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisulwasaaraha, oo intaba Warbixin af iyo qoraalba leh ka siiyey hawsha geeddi socodka Dastuursameynta horumarka laga gaaray iyo aqabadaha jira amaba jiri kara mustaqbalka.

– Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka, oo aan kala qaybgelay kulamadooda shaqo ee ka baarandegidda sharciga loo adeegsanaayo diyaarinta iyo qoraalka Dastuurka oo iyaga gacanta ku hayey iyo Ansixinta Xubnaha cusub eeGuddiga Madaxbanaan lana qabto xafladdii lagu dhaariyey, taasoo Wasiirka uu ku tilmaamay dadaal dheeri ah oo ay sameeyeen Xubnaha Pcc-da.

kulamadii xubnaha Guddiga Madaxbanaan oo wadajira aan kula yeeshay Xaruunta Wasaaradda wadahadal iyo wadatashiyo kaddib waxaan isla garanay inay isu diyaariyaan ka qaybgelka kulanhawleedka lagu qabanaayo Djibouti 27/02/2010ka.

– Mugdisho:-Culumaa’udiin iyo odayaal dhaqan iyo xubno ka tirsan mas’uuliyiinta Gobolka Benaadir, kulamadaas waxaan uga wada hadalnay doorka ay kaga qayb qaadan karaan geeddisocodka dastuur u sameynta dalka. Siibba dhinacyada Civic Educationka.(Wacyigelinta iyo latashiyada Bulshada Gobolka Benaadir)iyo anagoo u gudbinay xogta hawlihii horey loo soo qabtay iyo qorshaha sannadkan 2010ka,

-Safar Djiboti:12.03.2010 Aniga iyo Wafdiga Xubnaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa waxaan u soo cambabaxnay Djibouti si aanu uga qaybgelno kulamo hawleedyada Maqgaalada Djibouti, oo leh dhawr waji:-

1.. Wajiga Koowaad:- Mideynta, isbarashada Ifcc-da, xog iyo aqoonsiinta xubnaha cusub,si ay u ogaadaan hawlihii horey loo soo qabtay iyo meesha hadda hawsha laga wadabillaabayo, diyaarinta qorshaha shaqo iyo miisaaniyaddooda, iyo in ay Wasaaradda dastuurka, Ifcc iyo UNDP-da ay isla meel dhigaan jadwel shaqo oo muddeeysan, sida:-

a. Qaababka ay shaqadu u socon doonto, Goobaha shaqada iyo waqtiga la soo bandhigi doono draftiga koowaad. Dastuurka iyo in ay isla gelaan heshiis (LOA),

b. Hay’adaha Consortiumka Khubarada iyo Lataliyayaasha oo laga rabo mid waliba inuu soo bandhigo qorshaha uu kaga qaybgelayo hawlaha geeddisocodka,

c. CIVIC Educationka iyo Doorka ay ka qaadaanayaan Dowlad Goboleedyada iyo Maamullada Dalka ka jira iyo sidii la isula meel dhigi lahaa arrimaha geeddisocodka ,

2. Wajiga Labaad:- Ka soo qaybgelka Guddiga Baarlamaanka Pcc-da oo isna ahaa Xog ogaalnimo sida ay hawshu u socoto, iyo isbarasho labada Guddi Pcc iyo Ifcc oo labaduba ku soo biiray xubno cusub.

a). Qaab dhismeedka hoggaanka Ifcc-da oo la soo gebagebeeyey 18 ilaa 20ka bisha Maarso 2010ka iyo qorshihiisa shaqo, qaabdhismeedkiisa iyo xeer-hoosaadka Guddiga, iyadoo la waafajin doono Sharciga loo adeegsanaayo diyaarinta qoraalka Dastuurka oo hadda uu horyaalla Baarlamaanka si uu u ansaxiyo.

4. Wajiga saddexaad: oo ah Xaflad si wadajir ah loogu soo bandhigaayo Waxqabadkii hore ee geeddisocodka hawlaha dastuurka federaaliga iyo qorshehawleedka ay ku midaysan yihiin, Wasaaradda, Guddiga Barlamaanka (Pcc), Guddiga Dastuurka Madaxbanaan (Ifcc) iyo Hay’adaha taageera hawlada dastuurka oo ay hoggaamisa UNDP Somaliya ee sannadkan 2010ka. Oo ujeeddada ka dembeeysa ay tahay in la soo bandhigo draftiga koowaad dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Somaliya.

Xafladda xiritaanka Seminaar 21 maalmood ugu socday Gudiga Dastuurka Madaxa Banaann ee DFKMG Hoteel Kempinski ee caasimada dalka Jabuuti oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Hon. Madoobe Nuunow Maxamed, Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Aw-qaafta dowlada Jabuuti Dr. Xaamud Cabdi Suldaan, ku Xigeenka Axmed Walad Cabdallah, Mr. Charles Petrie, Moura Barry oo ka socotey Hay’adda Horumarinta Bariga Afrik, islamarkaana ahayd Madaxa Deeq bixiyayaasha Caalamka, Mark Bowden oo isna ah xiriiriyaha bani’aadanimada ee qaramada midoobey ee Soomaaliya, xubino ka kala socdey Safaaradaha Mareykanka, Norwey, Switzerland iyo marti sharaf kala duwan ayaa lagu qabtey Hoteel Kempinski ee caasimada dalka Jabuuti 23/03/2010.

Mahadnaq & Caddeyn

Wwasiirka dastuurka oo gebagebadii Xaafladda ka soo jeediyey Erayadan kooban:-

waxaan xafladdan hortiina Magaca Shacbiga iyo kan Dowladda Somaliyeed Uga soo jeedinaynaa mahad ballaaran,Dowladaha, hay’adaha iyo shaqsiyaadka ka qaybqaatay Taageerada dhaqaale, Siyaasad, Aqoon,Amni, iyo waqti dheeri ahba) si ay Somaliya cagaheeda isugu taagto,una guuleeysto Barnaamijkan Diyaarinta qoraalka Dastuurka Jamhuuriyadda .

Waanu ognahay kuwa uurka , Isha, Gacanta iyo maskaxdaba inoo daba iyo kuwa intaba inoo fura, waanu kala garanaynaa saaxiibadeena iyo cadowgeena, insha allaah waxaan ku rajo weynahay in sannadkan dabayaaqadiisa soo bandhigno Draftiga Dastuurka cusub ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey Wasiirka Madobe.

Nairobi-30 – 31kii bisha Maarso 2010,Zen garden Nairobi Kenya, ayaa lagu qabtay kulan lagu qiimeeynaayo waxqabadkii UNDP shantii sanno ee la soo dhaafay iyo qorshaha shanta sanno ee soo socoto,waxaan ka qaybgelnay Aniga , Wasiiru dowlaha Qorshaynta iyo Iskaashiaga Caalamiga ah, Agaasimayaal Guud iyo Xubno ka socday Bulshada rayadka, Dowladgoboleedka Puntland iyo Maadaxda UNDP ee Gobolka iyo khubaro Caalami ah

Mahadsanidiin.

Hon. Madobe Nunow Maxamed

Wasiirka Wasaaradda

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Qoraal ku saabsan wax qabadka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha federaalka oo ay u gudbisey gudiga dastuurka…. "

  1. cabdulqadir says:

    Waxaan mahad aan xad lahayn u jeedinayaa daljirayaasha somalitalk maamaula, waxana allaah ka rajaynayaa inuu idinku guuleeyo dagalka aad kula jirtaan cadowga dalka soomaliyeed ee sokeeye iyo shihseeyaba leh. Waa nasiib daro in la waayo web kale oo ka hadla maslaxada umadaaan lagu soo duulay ama u ifiya meesha nabarku uga soo dhacayo.Taariikhda ayaa idin xusi doonta waxadna umada inteeda damiirku ku danbeeyo ugu qoran tihiin qalbiyadooda bog qaali ah.Waxaan idinka codsanayaa inaad halkiina ka sii wadaan dadalkiina.Waxaan idinku kordhin lahaa inay wadaan cadowgaas is bahaystay samaynta laba dastuur oo mid lagu talagalay in la tusiyo wax ma garatada iyo odayaasha subaglayaasha ah si loogu qanciyo una aqbalaan.ka bacdina kan sunta ah ee soomali asalkeeda lagu suulinayo la soo hoos xaluuliyo lagana saxiixo barlaman ku sheega,marka shariif sakiin hogaankiisa loo dhiibo sida socota. Laakin allaaah ayay leedahay umadaaani waxana allaah ka rajaynayaa inuu fashiliyo siduu u fashiliyay hagardaamooyinkii ka horeeyay midkan ay hadda wadaaan.