Home » Warar »

Prof. Maxamed Xasan Cismaan oo Muxaadaro ka jeediyey Kuliyadda Waxbarashada ee Garoowe (GTEC)

  • Maxamed Xasan Cisman waa aasaasaha DUGSI ACADEMY, Minnesota. Muddadii u dhaxaysay 1980 ilaa 1983, wuxuu ahaa hormuudkii kuliyaddii waxbarashada ee Lafoole. Muddo fara badan Maxamed waxaa uu ku noolaa dalka dibadiisa, gaar ahaan cariga Maraykanka.
    ____________________________________

Prof. Maxamed Xasan Cismaan waxa uu 31-kii bisha March ee sanadkan 2010-ka, ka soo jeediyey hoolka Kuliyadda Waxbarashada ee Garoowe-Garowe Teachers’ Education College- muxaadaro ku saabsan kaalinta macalinku ka qaato hurumarinta bulshada, waxaana ka soo qayb galay muxaadardaas ardayda wax ku barata kuliyadda iyo macalimiintooda.

Ka hor inta uusan ka hadlin kaalinta macalinka, waxuu qaadaa-dhigay dhowr waxyaabood oo ay ugu horaysay; Muhiimada Af-ka Soomaaligu u leeyahay bulshada Soomaaliyeed ee dal iyo dibaba ku nool ama miyi iyo magaalo. Isagoo arrintaas dhiiri-gelinaya, waxa uu ardayda weydiiyey erayo Af-Soomaali ah sida; loxos, wabax-guul, faaf-reeb, bacrimin iyo kuwo kale.

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay muhiimadda miyigu u leeyahay Soomaalida, gaar ahaan dhinacayada dhaqaalaha iyo dhaqanka , isagoo ku nuuxnuuxsaday sida miyigu u dhowro dhaqanka bulshada, kaasoo saldhig u ah noloshada bulshada Soomaaliyeed oo asal ahaan ka soo jeeda bulsho reer-guuraa ah.

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay hodantinimada dhulka Soomaaliyeed, marka laga eego dhinacyo fara badan sida; xoolaha, beeraha,badda, xabkaha iyo miraha. Professor -ku waxa uu tilmamay in dhulka Soomaaliyeed uu yahay meelaha ay noloshu ka suura geli karto iyada oo aan lagu tiirsanaan dal kale, qofkana ay ku filan tahay kheyrka ka buuxa dalkeena.

Prof. Maxamed waxa uu is-barbar dhig ku sameeyey warbarashada dibadda iyo tan dalka, isaga oo sheegay waxbarashada ka jirta dalka inay la mid tahay una dhiganto tan ka jirta dibada. Waxa kale uu sheegay in ay haboon tahay inuu qofku dalkiisa wax ku barto, taasoo dhowraysa qofka diintiisa, dhaqankiisa, wadaniyadnimada iyo shaqsiyada qofkaba.

Arrimaas oo dhan waxay gogol-dhig u ahaayeen, qayb ka mid ahayd waxyaabaha uu ka hadlayey Prof. Maxamed, taasoo ahayd inuu sawir ka bixiyo wanaagga dalka, madaama ay jiraan dad badan oo u hanqal taagaya dibad ku noolaanshaha.

Si qoto dheer wuxuu ugu nuux-nuuxsaday taariikhda macalinka Soomaaliyeed iyo kaalintii ay macalimiintu ka soo qaateen xoriyda dalka, waxbarida dadka iyo horumarintooda Xirfadda macalinimada ayuu ku tilmamay mid ka badbaadinaysa bulshada jahliga,faqriga, cudurada iyo dhibaatadadda, isla markaasna horumar gaarsiinaysa, kana madax bannaan siyaasad iyo qabiil.

Ugu dambayntii ardayda iyo macalimiintaba wuxuu ku dhiiri geliyey inay ku sabraan hawsha adag ee macalinku bulshada u hayo, lana iimaansado dheeta yar ee lagu qabo macalinimada, maddaama hawl muhiim ah loo hayo bulshada.

Mowducaan oo qaatay muddo labo saac iyo bar ah, intiisa badan waxay ahayeen su’aalo ay ardaydu weydiinayeen Prof. Maxamed Xasan Cismaan, kuwaasoo taabanay dhinacyadii badnaa ee uu ka hadlay Prof.-ku iyo jawaab-celinta ku aadanayd su’aalahaas.

Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay macallimiinta iyo maamulka Kuliyadda Waxbarashada ee Garoowe. Waxa kale oo marti sharafta ka soo qayb gashay ka mid ahaa Cabdirisaaq Maxamed Aaden (Prof. Lafoole) oo ah Guddoomiyaha  Jaamacadda Nugaal University ee Laascaanood. https://somalitalk.com/web/?s=Lafoole

_______________________________
Garowe Teachers’ Education College is the teacher Education College based in Garowe the capital city of Puntland. The core business of the college is the training of primary and secondary teachers through two-year college based pre-service programmes. The college also implements a school based teacher training and capacity building in-service program. For further information please visit.www.gtecsom.org

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Prof. Maxamed Xasan Cismaan oo Muxaadaro ka jeediyey Kuliyadda Waxbarashada ee Garoowe (GTEC) "

  1. Mohamed Haji says:

    Waa arrin lagu farxo mudanna in loogu hambalyeeyo Profoser-ka, aniga shakhsiyan aqoon uma lihi Profoser-ka, run ahantiina aqrinta faallooyinka walaalaha ay kor ku daabaceen aqrinteeda oo kaliya waxaan dareemaya in uu yahay muwaadin mas’uuliyaddiisa isu tagaay. ilaabhay cimirigisa ha barakeeyo.

    Kaliyada waxbarashada Garowe-na waxaan leeyahay guul iyo hor’umar.

  2. Waxaan si aad ah mahad ugu celinayaa Kuliyadda Waxbarashada ee Garoowe oo soo qabanqaabisay fadhiga lagu gorfaynayay “kaalinta macalinku ka qaato horimarinta bulshada” oo Prof. Mohamed Hassan Ow-Osman lagu casumay.

    Prof. Mohamed Hassan waxaan wada dagan nahay magaaladda Minneapolis ee gobalka Minnesota muddo ka badan 15 sano. Professor-ka waxaa lagu tiriyaa ragga fara kutiriska ah ee sida dhabta ah ula socda heerarkii kala duwanaa ee waxbarashada Soomaaliya ay soo martay.

    Pro. Mohamed Hassan ma aha oo kaliya macalin ee waa qoraa laga dhaxlay buugaag iyo qoraallo kale oo waxbarashada, dhaqanka iyo xanaanaynta ubadkaba ku saabsan. Pro. Mohamed Hassan wuxuu markastaa ka fikiraa sida dhulkii hooyo looga tayayn lahaa dhanka waxbarashada, beeraha, xoolaha nool, iyo khayraadka dabiiciga ee bad iyo bariba leh. Pro. Mohamed Hassan waa aqoon yahan xalaal ah oo Soomaalinimadu ka dhabtahay oo hadii isiga ama ragga la midka ah ay hoggaamin lahaayeen talada wadanka, aysan arini cakirnaanteen talana maanta halkaa taagnaanteen.

    Ugu danbayn, waxaan Ilaahay ka baryayaa in Prof. Mohamed Hassan cimrigiisa raajiyo kuwii wax ka kororsada aqoontiisana Ilaahay inaga dhigo.

    Mahadsanidiin

    ….tarabi

  3. HERSI says:

    aad baan ugu faraxasanay in aqoon yahano muhiim ah sida Prof Maxed Xasan Aw osman oo kale ay dalka ku soo laabtaan waxna la qabtaan una qabtaan dalkooda, ay horayba wax ugu qaban jireen,
    Prof Maxed Xasan waxaaa uu ka mid yahay dad fara ku tiris ah oo ka fakara wax ka qabashada somalia gaar ahaan xaga wax barashada taas oo ay tusinayso inta uu wax baray iyo inta uu goobo wax barasho taageeeray ,
    waxaan ogahay aniga xaqiiq ah inta dad wax barta oo uu taageero dhan walba ah siiyo ,
    Prof waxaan leeyahay cimrigiisa alle ha u barakeeyo dadka somaliyeedka isaga oo kale alle ha ka soo saaro ,

  4. Dr. Mahamed Hassan Aw-Osman waxaan ka mid ahaa ardaydii dhigan jirtay markuu hormuudka ka ahaa jaamacada Lafoole, Magaaladaan Minneapolis ee aan joogu waa ninka ka aasaasay Community Soomaaliyeed ee Somali Confederation, sidoo kale Dugsi Academy oo ay dhigtaan arday aad u fara badan. Waxaan aaminsanahay hadii 5 qof oo la mid ah Maxamed Hassan oo leh damiirkiisa oo kale iyo dareenkiisa wadaniyadeed inay Soomaaliya hagaagi lahayd kol hore. Laakiin xili waxaa lagu jiraa xishoodka, dhowrsanaanta, aaminimada iyo wadaniyadii ay noqotay cay, oo kii tuuga ahaa, xateeyada iyo xaabsiga ku caan baxay, qabyaalada iyo kala qoqobka wadaa uu darkii horboodayo ama hogaankaba u hayo.

    Somalitalk Mahadsanidiin soo bandhiga qormooyinkaan oo kale.

  5. s/c
    Waa arin aad u muhiim ah ku dayashana mudan in aqoonyahankii dalka ay ka eryadeen mooryaantii iyo askartii qooqanayd aanay aqoontii la baray qabriga la geline uga faa`iideeyaan da`yarta u haraadan aqoonta si wadanka loo daba qabto.