Home » Cilmibaaris, Warar »

Kulan ka dhacay Magaalada Aarhus oo looga hadlay qadiyaddii Boobka Badda

Waxaa masaajidka At-taqwaa ee magaalada Aarhus, dalka Denmark, ka dhacay kulan looga hadlay isku daygii dhowaan dhicisoobay ee la isku dayay in qayb ka mid badda Soomaaliyeed loo xalaaleeyo waddanka Kenya. Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen waxgarad fara badan ayaa aad loogu lafaguray iskudaygaas lagu hungoobay, iyadoo sidoo kalena si aad ah loo bogaadiyay, looguna hambalyeey dhammaan ummaddii Soomaalida iyo shisheeyahaba laheyd ee ka gilgilatay dulmigaas qaawan.

Waxaana si gaar ah loo xusay, loona amaanay shabakadda Somalitalk oo halgankaas mirodhalay ka qaadatay kaalin hormuudnimo.

Oday Xasan Farey oo ka mid ahaa saraakiishii ciidsaamada qalabka siday ee Soomaaliyeed ayaa ugu horreyn Alle ku mahadiyay in maanta ay guuleysatay ummadda Soomaaliyeed. Wuxuu aad u amaanay dhamaan ummadda Soomaaliyeed oo marba aan laga waayin wax dulmiga ka dhiidhiya, wuxuuna si gaar ah u xusay afraaddii kaalinta muuqata uga jiray arrinkaan oo ka xusay bahda Somalitalk.

Waxaa kale oo uu xusay in Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Aarhus ruuxoodu ay bayaan uga qayb qaateen gurmadka lagu guuleystay, taasina ay tahay mid lagu farxo.

Inj. C/Fataax Jannagale ayaa isaguna ka hadlay ahmiyadda ay leedahay in loo guntado sidii loo badbaadin lahaa dadka iyo dalka. Wuxuu sheegay in aysan dadka dowlad u aheyn marba koox dullaalo ah oo uu soo abaabulayo horor dantiisu ay tahay inuu boobo dalka Soomaaliyeed, dadkiisana dabargooyo. Dowladda saxda ah ayuu inj.  Jannagale ku tilmaamay inta u heellan badbaadinta dalkooda iyo danta dadkooda, horokana ka yureynaya. 

Wuxuu kaloo sheegay in furaha badbaadadu uu yahay aqoonta in lagu dalaalo, sababtoo ah ayuu yiri wuxuu cadowgu burburinteenna u adeegsaday aqoon iyo qorshe, waxaana loo baahanyahay in aqoontaas mid la mid ah la isku diaaco. Wuxuu mar kale tusaale u soo qaatay shabakadda Somalitalk oo uu sheegay in ay in badan qalinkeega ku difaacday arrimo halisteeda lahaa sida: Arrinkii boobka badda ee u dambeeyay. Qadiyaddii Range Recources ee heshiis shidaal lagula galay shirkado maafiya ah. Qadiyaddii Xaafuun lala damacsanaa in la kireeyo boqol sano. Dabagalka suntan badda soomaaliya lagu daadiyo iyo arrimo kale oo fara badan oo ay taariikhdu xusi doonto. 

Shiikh C/Qani Qorane oo isna gabagabadii kulanka ka hadlay  ayaa aad ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed guusha iyo hiilada Rabbi uga hiilliyay dhagartii lala maagay arrinkaas oo uga baahan shukri- naq iyo in ay Alle naftooda ku xiraan wixii ku adkaadana isaga la hoos galaan. Wuxuu xusay Shiikh C/Qani maahmaahdii aheyd ” Sirmaqabe saab baa biya u celiya”  isagoo sheegay iney wax lala yaabo tahay in qaar ka mid ah qabqableyaashii dagaalku ay hormuud ka noqdaan diidmadii uu Baarlamaanku diiday inuu ansixiyo dhagartii la soo maleegay, halka iyaduna ay wax lala yaabo tahay in rag magacyo waaweyn xambaarsan oo loo hanweynaa ay si foolxumo ah ugu bareereen boobka iyo qalinkuxadidda hanti qaran, dullaalana ay u noqdaan cadow dano gurracan ka leh dalkeenna. Wuxuuna hadalkiisii ku soo gabagabeeyay” Taariikhda ayaa xusi doonta qofkii mowqif wanaagsan maalin u istaaga, ummaddiisana wax tara, sida ay (BAAL MADOW ugu qori) doonto kuwii lagu hanweynaa  ee kasoo muuqday meesha aan laga fileyn.

Halkan ka daawo sawirro dheeraad ah

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn uga gilgishey heshiiskii April 7, 2009 ay magaalada Nairobi ku kala saxiixdeen DFKMG iyo Kenya. Qadiyadaas oo ay shacabka Soomaaliyeed si kulul uga horyimaadeen ayaa waxaa sidoo kale si xoog leh uga horyimid xildhibaanada DFKMG oo si cad heshiiskaas uga dhigay waxba kama jiraan.

Wadajirkii shacabka Soomaaliyeed iyo golaha baarlamaanka waxaa ka dhashay in ugu dambayn ay Qarammada Midoobey heshiiskaas ka dhigeen mid aan la cuskan karin oo waxba kama jiraan ah.

Shirka lagu qabtay magaalada Aarhus, Denmark waxaa lagu taageerayay guushii laga gaaray isku daygii dhicisoobay ee boobka badda Soomaaliya. Shirkaas waxaa lagu dhiiri geliyey shacabka Soomaaliyeed waxqabadka ay arrintaas ka geysteen.

Waxa kale oo shirkaas lagu muujiyey in arrintaas aysan ka gilgilan koox yar, laakiin ay diidamada arrinkaan bulshada Soomaaliyeed taageero ballaaran ka haysato. Waxaana shirka magaalada Aarhus aad loogu hambalyeeyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed sidii ay u difaaceen dhul-badeedka Soomaaliyeed.

Waxaa barnaamijka xiriirinayay guddoomiyaha markaska Attaqwaa ee magaalada Aarhus Maxamed Cali Sigad. 

Halkan ka daawo sawirro dheeraad ah

Somalitalk Aarhus.

###

Bayaankii (May 2009) ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed ee Yurub
ka akhri: https://somalitalk.com/2009/may/13/badda71.html

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.