Home » Warar »

Soomaaliya: Xaaladdu sida ay hadda tahay lagu hayn karo | Walad Cabdalla


Xafiiska Qarammada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS)

WAR-SAXAAFADEED 06/2010:

Neyroobi 26 Maarso, 2010 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midaabay u Qaabilsan Soomaliya, Md. Ahmedou Ould-Abdallah, ayaa maalin ka hor shir madaxeedka Dowladaha Jaamacadda Carabta ee ka dhacaya dalka Libya sheegay inuu ku faraxsanyahay dardata xaaladda ka jirta Soomaalia ee ku aaddan xagga geeddi socodka nabadda.

“Waxaan ku jirnaa rubicii ugu horreeyay ee sannadkii labaad ee muddada Dowladda Federaalka Ku Meel Gaarka, mana habboona in xaaladda sida ay hadda tahay sii ahaato. Waxaa la qaaday dhowr tallaabo oo adadag oo wax ku ool ah, kuwaasoo muujinaya rabitaanka iyo awoodda ay Dowladdu u leedahay inay u isticmaasho muddada kalaguurka ah si habbon oo ay dani ugu jirto dadka Soomaaliyeed.”

Md. Ould-Abdallah wuxuu sheegay heshiiskii dhexmaray Dowladda iyo Ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo la saxiixay 15kii Maarso waa caddeyn dheeraad ah ee muujinaya in Dowladdu ay ka go’antahay inay kala shaqeyso soo celinta nabadda iyo dibuheshiisiinta dhammaan qaybaha doonaya.

Md. Ould-Abdallah oo ay weheliyaan Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Danjire Boubacar G. Diara, oo ah madaxa Hawlgalka Midowga Afrika, ee Soomaaliya, AMISOM, ayaa 23kii Maarso magaalada Neyroobi ka furay kulan uu yeeshay Guddiga Amaanka ee Wadajirka (JSC). Kulanku wuxuu eegay horumarka ilaa iyo maanta laga gaaray dibuhabeynta dhanka amaanka, waxaana laga wadahadlay waxyaabaha loo baahan yahay in laga qabto dhinacyada qorshaha amaanka iyo xasilinta qaran. Waxaa kaloo laga wadahadlay hindiso tababar oo ay gacan siiyaan Midowga Yurub iyo xubno kale ee ka tirsan Bulshada Caalamka.

“Dowladdu waxay – si sii kordheysa oo xawaare dhab ah leh – ula shaqeynaysaa dadka Soomaaliyeed iyo saaxibadeeda ee addunka si loo fuliyo shuruudihii uu dhigayey Heshiiskii Nabadda ee Jabuuti,” ayuu yiri Md. Ould-Abdallah.

Shir hawleed socday 3 toddobaad oo Jabuuti loogu qabtay xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka (IFCC) ayaa lagu soo gabagabeeyay 23kii Maarso laguna soo bandhigay wadiiqooyin cusub oo loo marayo geeddi socodka dastuurka. Guddiga – oo horey uga koobnaa 15 xubnood – wuxuu ballaariyay xubnihiisa oo gaarsiiya 30 wuxuuna doortay guddoomiye cusub. Guddigu wuxuu isku afgartay inuu sameysto habdhismeed maamul, wuxuuna mas’uuliyaad u xilsaaray guddiyo kala duwan oo joogto ah iyo kuwa hoose oo u xilsaaran mawaadiic kala duwan sida waxbarashada madaniga, arrimada sharciga iyo wacyigelinta dadweynaha. Waxaa la filayaa in Guddiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Madaxabannaan ay soo gudbiyaan qabyoqoraalka dastuurka marka la gaaro 1da bisha Luulyo.

Iyadoo la eegayo kulan bishii Diisembar lagu qabtay magaalada Jiddah oo ay Dowladda Ku Meel Gaarka ay arrimaha u muhimsan ugu soo bandhigtay Kooxda Xiriirka Caalamiga (ICG), kulan kale oo ay kooxdu leedahay oo ay martigelinayso Jaamacadda Carabta ayaa ka dhici doona magaalada Qaahira 22ka bisha Abriil. Kulanku waxaa lagu eegi doonaa guulaha la gaaray waxaana lagu go’aamin doonaa hawlaha u baahan in degdeg wax looga qabto.

Iyadoo la tixraacayo Qodobka 11 ee Heshiiskii Jabuuti, waxaa la filayaa in 22ka bisha May magaalada Istanbul lagu qabto shir looga hadlayo Dibudhiska iyo Horumarinta Soomaaliya. Shirka oo ay martigelinayso Dowladda Turkiya waxaa ka soo qaybgeli doona wufuud heer sare ah oo ka socda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda waxayna ka doodi doonaan mashaariic dhaqangal ah.

Md. Ould-Abdallah wuxuu sheegay inuu magaalada Madrid kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka ee Spain, Miguel Ángel Moratinos Cuyaubé, Xoghayihiisa Doladda, Angel Lossada Torres-Quevedo, iyo saraakiisha ku dhowdhow si ay isu la jaangooyaan qorshaha kulamada iyo shirarka soo socda ee lagu kala qaban doono magaalooyinka Qaahira iyo Istanbul. Wuxuu sheegay in Wasiirku uu caddeeyay in Dowladdiisu ay sii wadayso xiisaha ay u hayso inay sare u qaaddo magaca ay Soomaaliya ku leedahay caalamka si kaalmo looga geysto sare u qaadidda xasilloonida iyo nabadgelyada waxna looga qabto falalka burcad badeed ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya.

“Inkastoo ay weli hortaagan yihiin caqabado badan oo halis ah, Dowladda Soomaaliya waxay maalinba maalinta ka dambeysa sii noqonaysaa saabiib lagu lagu kalsoonaan karo. Haddii iyada iyo Bulshada Caalamku ay sii hayaan waddadan oo ay feejignaadaan, marka la gaaro bisha Agoosto ee 2011 Soomaaliya waxay yeelan doontaa asaas adag oo wax lagu dhisi karo.”

____________________
Wixii war dheeraad ah fadlan kala xiriir: Susannah Price ama Donna Cusumano, saraakiisha qaabilsan isgaarsiintab guud, Xafiiska Qaramad Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya, Nairobi
Tel. +254 20 762 7132/7133 ama +254 733902020 ama 737400133
Fadlan eeg rugta Internet-ka (website) www.unpos.unmission.org

___________________________
Donna G. Cusumano
Public Information Officer
United Nations Political Office For Somalia (UNPOS)
Telephone: Office- 254 20 762 6869 |         Mobile – 254 737 400133

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Soomaaliya: Xaaladdu sida ay hadda tahay lagu hayn karo | Walad Cabdalla "

  1. run sheeg says:

    Alla ha laga baqo! Dhibaatada Somalia Waxaa sababteeda leh somalida, Walad cabdalana ma leh, cid kalena ma leh. Kuwa qandaraaska soo qadanaaya waa somali, kuwa takfiir ka noqday waa somali, burcad badeeda waa somali. Xaqiiqadu waxey tahay in aan nahay dad aan aqoon is maamulka, isu talinta iyo is maqal ka. Waxaa nakala geeyey waa qabyaalad. Bal is weydiiya, sababtee ayaan ku noqon weynay dowlada ugu awooda badan Afrika? sababtee ayaan ku noqon weynay dadka ugu aqoonta badan uguna qanisan Afrika? sababtee ayaan u noqon weynay tusaale wanaagsan oo Afrikada kale ku dayato, kana maseyrto? In aan nahay dadka dunida ugu liito oo isuma taliso ah, ma cid shaki uga jiraa jirto? Dunida kale ma waxey noo taqaanaa dad dad sharaf leh oo ku dayasho mudan mase dad liito oo aanan aqoon sida leysu maamulo? Mar hadaan nahay dad aanan kala saari karin faa’iidada nabada iyo dhibaatada colaada, mar hadaanan aqoon faa’iidada is maqalka iyo kala danbeynta, mar hadaanan aqoon maamul wanaagu in uu ka wanaagsan yahay fowdada. ma anagaa qaldan mase cadawgeena aan fursada u siinay in uu arimaheena siduu doono ka yeelo? Ugu danbeynta waxaan leeyahay cidii aanan garan ceebaheeda kuna dadaalin in ey saxdo waa ceeb ma hurto.

    Soomaaliyey isla yaaba

  2. Dr. ahmed says:

    Waa caddahay inuu warkaan jawaab u yahay maqaal kusoo baxay web site yada oo umadda wax badan u bidhaamiyay oo ahaa Ahmoued Olude Abdalla Ma Ergayga Xoghaya Guud ee UNka mis waa maxaxwaynaha Somaaliya.

    kuwa soo gubiyaya warkaana waxay marqaati u yihiin waxii oo qoraaga kusheegayay. Marka nin Miisaankiisa intaasa yahay oo markii la arkay ka dabaaqayaa ( waxuu sheegayana yihin sfar iyo sheeko xariir) Somaliyay ka tashada oo Cod dheer kuwada dhaha Walad Abdalla ma rabno. dalkeena noo daa… Walee in lagu maxkamadayn doono, fadlan Somali talk soo qaata maqalka kale ee looga hjadalay ninkaas si aydaku isu barbardhigaan.

  3. burhan says:

    waxa la gaareey xilligii mr walad c/lla oo xafiiskaan baneeyo qof kasta oo soomaaliyan waa ka dhereg san yahey dhibaatad iyo xaalufinta uu ku hayo umada soomaaliyeed.wasiirka aad spein ugu tagteyna waan la soconaa ujeedada ka danbeysa iney tahey,shirkadihii kaluumeysiga ee spain oo burcad badeed soo ceyrisey si dey nidaan kale oo iyagoo hub wate aad u sharciyeysay ugu celin laheyd xeebta soomaaliya. mucaawinad aan talyaani ka waayey baan spain iiga heshey,

  4. ASHKIR says:

    ASWR waxaa layaan ah in Abdalla uu burburka somaliya u yaqaano, horumar , ama uu ku tilmaamo dawlada SHariif mid horay wax u wada ama horay talaabo u qaaday, waxaa sidoo kale cajiib ah, in aad ururka ehlusuna waljameeca ku tilmaanto heshiiskooda mid soomaaliyeed, isku soo duuduboo waxaasoo dhan waxaan u arkaa, in aad ka wado dadkan ha isisii dilaan cawaanka ah, kadibna wadankan gacantooda ha ka baxo.

    Si waliba arinku ha ahaadee, wax waliba wakhti ayeey leeyihiin,dunidana waxay soo martay wajiyo badan, waxaan taariikh ahaan ku haynaa, mabaadii badan oo kala duwan in ay soo martay, maantna waxaa ugu xoog wayn Dimuquraadiyada, taas oo aad moodo in ay soo dhamaanayso, oo dadkii u ololeeynayay ka soo biloow Giriigii ilaa reer galbeedkan in ay maanta leeyihiin, muslimiintu ha qaateen dhaqankeena, haddii kale ha naga baxeen, muslimiintu ha joojiyaan xijaabkooda haddii kale ha naga tageen. Taasi waxay ka hor imanaysaa Dimuquraadiyadii ay nii sheegeen, oo ay qorteen dheheen, diimuhu waa xor, qofkuna waa xor.

    Adiguna taas ayaad u ololaynaysaa ood leedahay war qaata. waxaan ku dhihi lahaa shakhsi ahaan iscasil oo ka hor wareeg umadan walaan, si aadan dusha u saaran danbigooda.
    Mahadsanid.