Home » Warar »

Warsaxaafadeed ka soo baxay golaha dhaqanka iyo minimada beelaha hawiye oo

Cambaareynayaa Warbixin sanadeedka uu Guddiga Qarammada Midoobey ee Dabagalka Xayiraadda Hubka ee Soomaaliya ka soo saaray….

Waxaa Maanta oo ay taariikhdu tahay 22/03/2010 kulan degdeg ah isugu yimid Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha, wuxuuna kulankaasi uga hadlay Warbintii Guddiga Dabagalka Xayiraadda Hubka ee Soomaaliya taasoo xambaarsaneyd eedeymo loo jeedinaayo dhammaan qaybaha siyaasadda iyo Bulshada, sida DFKMG, Maamulka Puntland, Kooxaha Siyaasadda ee Dalka ka jira, NGOyada Maxaliga ah, Ganacsatada iyo Duqowda Dhaqanka.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Haddaba, Goluhu markuu si qoto dheer u falanqeeyay Warbixintaas oo diiradda saareysay waxa ay ugu yeertay xatooyo loo geysto raashinka gargaarka ee WFP, musuqmaasuq baahsan iyo kuwo kale, wuxuu ka soo saaray war saxaafadeedkan:

1.GDHMBH wuxuu si kulul u cambaareynayaa Warbixin sanadeedka uu Guddiga Dabagalka Xayiraadda Hubka ee Soomaaliya ka soo saaray qodobada kor xusan, wuxuuna u arkaa inay tahay warbixin aan dhexdhexaad ahayn, waxaana taa daliil u ah in aysan warbixintu soo hadal qaadin Hay’adaha Nairoobi ku lunsada kaalmada Soomaaliya loogu soo dhiibo.

2. Goluhu markuu arkay xilliga lagu soo aadiyay warbixintan oo dhinac kalena qabyaaladeyneyso hardanka siyaasadeed ee dalka ka jira, wuxuu qabaa in ujeeddooyinka laga leeyahay warbixintan ay yihiin in indhaha Beesha Caalamka laga sii jeediyo Soomaaliya oo ay haatan ku soo jeedaan, lana dhiciseeyo dadaallada Beesha Caalamka ee ku aaddan dib u heshiinta iyo isu-keenidda shacabka Soomaaliyeed si loogu sii hayo Soomaaliya xaaladda kala qobqobnaanta oo ay muddada 20ka sano ahi ku sugneyd, waxaana siyaasaddaas kala qaybinta Qaranka Soomaaliyeed weligiis usha u siday ninka la yiraahdo Mark Bowden oo ka mid ah qorayaasha warbixintan, ahna nin ku can baxay mowqifkiisa xag-jirka ee ka –soo horjeedidda midnimada ummada Soomaaliyeed, juhdi weyna ku bixiya in mar dambe aan dib loo yagleelin Qaran Soomaaliyeed oo mideydsan.

3. Goluhu markuu sidoo kale arkay in warbixinta aysan feen u reebin dhammaan Qeybaha siyaasadda iyo Bulsho, wuxuu qabaa in sharaf dil lagu sameynayo mas’uuliyiinta iyo shakhsiyaatka magaca iyo maamuuska ku leh bulshada dhexdeeda si loo wiiqo geedi-socodka nabadda Soomaaliyeed, waxaana kuwaasi ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed oo ku dhiiraday inay maalgashi ku sameeyaan ganacsi daabul ah oo ay khatartiisu baban tahay si ay qeyb uga qaataan gaarsiinta gargaarka walaalahooda Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

4. Goluhu wuxuu ugu yeerayaa Beesha Caalamka oo ay ugu weyn tahay Jamciyadda Quruumaha Ka Dhexeysa oo ay warbixintani ku wajahan tahay iyo shacabka Soomaaliyeedba inaan wax tixgelin ah la siinin warbixintan siyaasadeysan oo halka dhinac ah, wuxuuna Goluhu soo dhaweynayaa Baaritaan Cusub oo uu UNka horseedo, lagana qeybgeliyo xubno joogitaan ku leh gudaha dalka si loo gaaro natiijo ku saleysan caddaalad, kana tarjumeyso runta.

5. Ugu dambeyntii, Golaha wuxuu soo dhaweynayaa is-afgaradka dhex maray DFKMK iyo Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca, wuxuuna ugu baaqayaa Kooaha Siyaasadda oo aan weli isfahamka yeelan sida DFKMG, Xarakatu Shabaab Al- Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam inay dadkooda u naxaan oo ay khilaafaadkooda ku xalistaan miiska wada hadalka.
Ref GDH&MBH489 Date 22/03/2010

Profile -ka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye waxaa la aas aasay 06/03/2007-dii waa gole dhaqan o siyaasad ka madax banana waxaana ku mideysan dhamaan Beelaha hawiye wuxuuna ku shaqeeyaa mabaadi’da ku saleysan dhex dhexeednimo iyo cadaalad wuxuu sidoo kale leeyahay gole dhexe iyo gudi fulin.

1-Mabaadi’da Golaha
1-Ku dhaqanka sharecada Islaam
2-Difaaca dinta, dadka iyo dalka Soomaaliyeed
3-Nabadeynta beelaha Soomaaliyeed iyo dhowrista dariswanaga belaha
4-xalinta khilaafaadka si wadahadal ah, waafaqsan sharecada Islaam.
5-dhowrista Midnimada iyo madaxbanaanida Somaaliyeed
6-dhowrista xoriyada iyo xaquuqul Insaanka..
Waxqabadka Golaha.

Golaha dhaqanka iyo midnimada Hawiye isago ka duulaya barnaamijkiisa howlgalka ah ee ku xusan axdigisa wuxuu wax qabad la taaban karo ka muujiyay qeybaha soo socda sida:
• Daminta Colaado ka dhex oloonsan qaar ka mid ah beelaha hawiye dhexdoda iyo belo kale
• Soo bandhigida mowqifka Golaha ee ku aadan gaarida dib u heshisin dhameystiran ee dalka ka hana qaada

• Ku wacyi galinta shacabka Soomaaliyed difaaca Diinta iyo dalka
• Ku baraarujinta qeybaha bulshada si loogu duwo ka qeyb qaadashada nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.
• Ka qeyb qebgalinta culu’maa’udinka iyo ganacsatada dadalada ku aadan toosinta talada dalka iyo danaha shacabka.

Sidee darteed Golaha dhaqanka iyo Midnimada Hawiye waxaa lagu sameeyay ballaarin ,iyadoo lagu soo daray qeybo ka maqnaa dhaqanka hawiye si loo helo dhaqan tayo leh oo ka samatabixiya shacabka Soomaaliyeed dhibaatada uu ku jiro.

Kulan balaaran oo ay ka soo qeyb galeen duubab,ugaasyo Nabadoono iyo qeybo badan oo ka mid ah dhaqanka waxgalka ah ee Beesha hawiye waxaana halkaas lagu dhisay ama lagu balaariyay Golaha dhaqanka iyo midnimada Hawiye ka dib wadatashiyo lala yeeshay dhamaan ugaasyada iyo beelaha ay ka kooban tahay bahweynta hawiye.

Ugu danbeyntii waxaan ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed in laga shaqeeyo nabada iyo dib u heshiista si looga baxo dhibaatada ku habsatay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye waxaa la aas aasay 06/03/2007-dii waa gole dhaqan oo siyaasad ka madax banaan waxaana ku mideysan dhamaan Beelaha hawiye wuxuuna ku shaqeeyaa mabaadi’da ku saleysan dhex dhexeednimo iyo cadaalad.

waxqabadka golaha
Golaha dhaqanka iyo midnimada Hawiye intii uu jiray waxa uu wax badan ka qabtay howlada dib u heshiisiinta Ummada Soomaaliyeed, isagoo gogol nabadeed u fidiyay dhinacyada isku haya Siyaasada Dalka Soomaaliya.

Odayaasha dhaqanka Hawiye waxa ay bareereen in ay ka hor yimaadaan duulaankii dowlada Itoobiya ay ku qabsatay dalka Soomaaliya waxayna qaar kood xabsi u galeen difaaca Ummada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Sidoo kale Golaha dhaqanka iyo Midnimada Hawiye waxaa lagu sameeyay ballaarin waxaana lagu soo daray qeybo ka maqnaa dhaqanka hawiye si loo helo dhaqan tayo leh oo ka samatabixiya shacabka Soomaaliyeed dhibaatada uu ku jiro.

Dhamaan duubabka,ugaasyo Nabadoono iyo qeybo badan oo ka mid ah dhaqanka waxgalka ah ee Beesha hawiye ayaa kulan ay muqdisho ku qaateen waxay ku dhiseen ama ku balaariyay Golaha dhaqanka iyo midnimada Hawiye ka dib wadatashiyo lala yeeshay dhamaan waxgaradka beelaha ay ka kooban tahay bahweynta hawiye.

Waxaan cadeyneynaa in laga bilaabo maanta ummada Soomaaliyeed gaar ahaan beesha hawiye ay leedahay dhaqan mideysan oo tayo leh kana bad baadinkara dhibaatada haysata shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan deegaanada ay degto Beesha.

Ugu danbeyntii waxaan ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed in laga shaqeeyo nabada iyo dib u heshiista si looga baxo dhibaatada ku habsatay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.
WA BILLAAHI TOWFIIQ

waxaa soo tebiyey

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.