Home » Maqaallo »

Waaya-arag hadduu talin lahaa, yaa wax fudud mooday?

Inaad si fudud wasiir ama xildhibaan kaga noqotid Somali waxaad u baahan tahay oo kaliya inaad tahay af-miinshaar yaqaana sida loo kiciyo beesha , sida loo qanciyo odaaysha dhaqanka dhaqan rogmay ee aan dantooda maahane aqoon danta guud , waa inaad xariif ku tahay beenta iyo khiyaanada , waa inaadan lahayn damiir wadaniyad , marka aad intaas kasoo baxdid way sahlan tahay in lagaa dhigo wasiir .

Shaqada wasiirada Somalia dhawr jeer oo horena wax waan ka qoray waa dawarsi iyo dalxiis, ma jiro wasiir dhoofa iyadoo aysan la socon raxan dad ah kuwaas oo inta ay la socdaan ah Dublamaasiyiin marka lageeyo Hotelkii loo qorsheeyay waxa ay bilaabaan inay la hadlaan dadkoodii oo ay u sheegaan inay nabad tageen isla markaasna ay tahay in loo fasaxo ninka wada lacagtii lagu heshiiyay mar haddii la gaaran halkii loo socday.

Ma ahan yurub oo kaliya meelaha dadka sida xanbaarka heerka qaran ah loo geeyo dunida carabta ayaa ka mid ah , sida uu jeebkaagu u lad naak karo ayay ku xiran tahay hadba heerka darajo ee aad ku dhoofi kartid , haddii aad haysati dhawr iyo toban kun oo doolar waxaad ka helaysaa wasiir ama xildhibaan aad la safartid hotelada ku yaalla KM4 Muqdisho adigoo ka mid noqon doona wafti heer sare ah , hadiise aad 5 kun iyo wax u dhaw ay kaa diyaar tahay waxaad la xariiraysaa agaasimayaasha wasiirada ayagaa markaa kuu diraya wadanka aad doonaysid adigoo la sheegayo inaad ka qayb qaadanaysid tababar socon doona dhawr casho oo ay isugu imanayaan aqoon yahano .

Kooxdii dhawaan shaacisay warka suntan ku noqday Xukuumada haatan KM4 ka jirta waxay ragga ugu sareeya qaar uga jawaabeen si deg deg ah oo aad is leedahay waxay ogyihiin dhamaan waxa ay sameeyaan wasiirada aan inta badan aqoonta ku imaan ee dhoofku ku cusub yahay , madaxwayne shariif wuxuu adeegsaday erayga Waa Beeen , halka uu C.raxmaan Ibbi is hayn kari waayay ilaa uu ku cataaway anigu nin Ladan ayaan ahay Reer Ladana waan ka dhashay ? is waydii reerka wada ladan ee maanta ku dhaqan Somalia waa kee ? mise Ibbi reer wuxuu u yaqaannaa asaga iyo dhawrka caruur ee u joogta Australia ?

Qof aqalkiisii laga saaray kadibna oo aan haysan wax uu kaba baxsado haliska dagaalka aan milgada lahayn lugtii uu xamar kaga dhaqaaqay ay dhigtay ceelasha biyaha xaggee ayuu ka keenay 10000$ ? dadka dhoofa waa dadka dhaqan waa dadka dhiiga ku raaxaysta waa dadka dilka iyo dhaca shaqada u tahay waa dadka horay iyo gadaal noo diiday , wasiiraduna ha ka fakaraan jeebkooda iyo jaadkooda , hase xasuusnaadaan in maalin ay iman doonto aysan beel iyo boqolaal kunoo bidaar aysan ka celin doonin balo uu horay u gaystay waa Maalinta Qiyaamaha Maalinka Garsoorka dhabta ah maalinta camalkaagu uu ku gayn doono cadaab iyo janno midkood waa waalinta aan la kala sarayn caddaan iyo madaw carab iyo cajab

Anqaastii Aadan Hassan
Aadan17@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Waaya-arag hadduu talin lahaa, yaa wax fudud mooday? "

  1. soomaalidii hore waxay ahaayeen geesiyaal aad u taqaanay garta waxay go’aamin jirin wax la yaabtay shucoortii dadkii kale soomaalidii hore may ahayn dad dhuun raacayaal lacag doonayaal lakiinse waxay ahaan jireen dad wadaniyiin ahaa sida laga soo wariyo dadka woqooyiga ee engriisku gumaysanaayay waxay ilaaliyeen dhulkoodii xataa waxay ka saxeexdeen gumaysigii ingriiska inuu qof cadku dhalan karin dhulka soomaaliyeed runtii waxay kaloo aad u ilaalin jireen nabada xataa maahmaahyadooda ayaad ka fahmi kartaa soomaalidu sidaasay karti u lahaan jirtay