Home » Warar »

Xildhibaan Cabdulaahi Waqaa oo wax ka weydiiney halkii uu ku dambeeyey Mooshinkii Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid

Xidhibaan Maxamudd Cabdulaahi Wehliye (Waqaa) kana mid ahaa Xildhibaanadii Mooshinka ka geeyey Raiisul Wasaare Cumar Cabdi Rashii Cali Sharmaarke ayaa waxaan waxa ka weydiiney halkii uu ku dambeeyey Mooshinkaas wuxuu sheegey Xildhibaan Cabdulaahi Waqaa in arrintaas uu kala hadley Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh uuna u sheegey in Muddo ah Dib oogu dhigo Mooshinkaas inta Xaalada iska badaleysa islamarkaan ay Dowladda la wareegeyso Amaanka Guud ee Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka

“Arrinkaas waan soo dhaweyney waana ka aqbalney Madaxweyna,  waxaana u sheegney in wixii hadda ka dambeeye waxa uu Madaxweynaha uu noo soo jeediyo aan soo dhaweyneyno”ayuu yiri Xildhibaan Cabdulaahi Waqaa oo sheegey in Mooshinkaas ay keeneen ilaa iyo Boqol  iyo Labaatan Xildhibaan

Mudane Waqaa waxaa kaloo uu sheegey in ay soo dhaweynayaan Heshiiskii ay Wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna Waljemeeca isagoo sheegey in uu wax ka tarayo Xaalada Ammaan ee Dalka iyo weliba isagoo sheegey in Mushkiladda Soomaaliya ay halkaas ku dhamaan doonto isagoo u soo jeediyey labada dhinac ee heshiiska gaarey in ay sax ah u fuliyaan Go’aamadii  dhaxalgalka ee ay ku gaareen Magaaladda Adis-Ababa

Mar aan Xildhibaan Cabdulaahi Waqaa waxaa wax  ka weydiiney sida uu u arko diidmadii Qaramada Midoobey ay diidey ee heshiiskii Badda ee ay wada galeen Soomaaliya iyo Kenya ay si weyn u soo dhaweynayaan isagoo sheegey in heshiiskaas ay hore u diideen Baarlamaanka soomaaliya ka dib markii aan u aragney mid lagu boobaya Baddii soomaaliya wuxuu ugu dambeyntii uga digey cidkasta oo isku deyda soo celinta heshiiskaa ama soo qaadq qaada in ay lav kulmi doonto Cawaaqib  xumo
 
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xildhibaan Cabdulaahi Waqaa oo wax ka weydiiney halkii uu ku dambeeyey Mooshinkii Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid "

  1. Waxaan la yaabay Mr Waqaa waxuu yiri mooshinka Raisalwasaaraha dib baan u dhignay markuu Madaxweynaha nagu yiri inaan dib u dhigno,
    MR Waqaa Madaxweynaha ayaa Wadanka xukuma,Raisal wasaaraha waa gacanyaraha Madaxweynaha oo isagu isbedel lama imaan karo weyna fiicantahay inuu baneeyo booska Tusaale,Lacagta lasoo sameynayo labada Sheriif baa go’aankeda lahaa,xarunta burcadbadeedka in Somalia loo diido oo Djibouti lageeyo IBI iyo Madaxweynaha baa keenay,In Ahlasuna waljameeca lala heshiiyo Madaxweynaha iyo Sheriif xasan baa lahaa,In Ethiopia la hoostago labada Sheriif baa lahaa marka haddii Horumar lagaaray ama waxba laqaban Madaxweynaha Bey utaal,isagana Barlamaanka baa doortay maxaa isaga Mooshin looga geyn waayey,mise Wasiirada cusub baad rabtaa inaad iska dhex aragto! oo rajo baa kuu muuqata??