Home » Maqaallo »

SOOYAALKA WAXBARASHADA SOOMAALIYA | C/qaadir Maxamed Xasan

Waxbarashada Soomaaliya waxay soo martay heerar kala duwan. Waxaan qormadaan ku soo bandhigi doonnaa marxaladihii kala duwanaa ee waxabarashada dalku soo martay, iyadoo aan u kala qaadi doonno xilliyo kala duwan kuwaas oo kala ah:

1- Marxaladdii Isticmaarka ka hor.
2- Marxaladii Isticmaarka.
3- Xukuumadihii Rayidka.
4- Xukuumaddii Kacaanka.
5- Marxaladda Burburka.

1- WAXBARASHADA SOOMAALIYA ISTICMAARKA KA HOR.

Tacliinta Diiniga

Marxaladdaan waxbarashada dalka ka jirtay waxay ahayd tacliinta diinta. Marka ardaygu gaaro xilliga uu wax karo ayaa markiiba la geyn jirey dugsi quraan si uu yaraantiisa u xifdiyo quraanka kariimka, barashada quraanka oo ah ilaa maanta ah mid ka jirta deegaannada dalka oo dhan waa mid eebbe ku mannaystay bulshada soomaaliyeed ee muslimka ah, waana tilmaanta koowaad ee lagu garto dadka soomaaliyeed ah oo goobo caalamka islaamka ka mid ah looga yaqaann “Dadkii Quraanka”.

Macallinka quraanka bulshada dhexdeeda wuxuu ku leeyahay ixtiraam iyo qaddarin gaar ah iyadoo goobaha miyiga loo xoola gooyo noloshiisana meel la saaro. Dhulka beeralaeyda ahna waxaa loo diyaariyaa ciidan beertiisa fala.waxaa jirta in marka hore oo macallinka ardayga loo dhiibayo waalidku uu u bandhigayo macallinka una muujinayo in ardaygaas uu la doonayo barashada quuraanka kuna oranayo: “Macallinow lafta aniga ayaa leh hilibkana adiga” oo macnaheedu yahay in macallinku canaanta waxbaridda aysan ka reebbanayn waana sida uu sharcigu qabo.

Barashada quraanka kariimka waxaa laga dhaxlay xikmado fara badan oo ay ka mid tahay mid tilmaamaysa dhawr waxyaabood oo uu ku najixi karo ardaygu kuna baran karoquraanka si sahlan, waxayna xikmaddu leedahay (Quraan waxaa lagu bartaa haddii la helo Macallin qaari ah, Arday qaylo dheer iyo waalid wax quura). Tani macnaheedu waxa uu yahay in xilka macallinka saaran oo laga doonayo yahay inuu ardayga waxbaro, tan ardayga oo ah inuu dadaalo iyo midda waalidka oo ah inuu daryeelo ardayga iyo macallinka, waxaa kaloo laga dhadhansan karaa xikmaddaan in loo baahan yahay inay isku xirmaan xiriir joogta ahna yeeshaan ardayga, macallinka iyo waalidkaba si loo xaqiijiyo hadafka ah waxbaridda dhallaanka.

Marka ardaygu dhammeeyo quraanka isla mar ahaantaana uu naqtiimo waxaa uu u xeraysan jirey xarumaha cilmiga diinta laga raacdo kuwaas oo u badnaa dhul xeebeedyada waxaana ka mid ahaa goobahaas Seylac, War sheekh, Marka iyo Banaadir. Waxaa kaloo ka mid ahaa xarumaha cilmiga caanka ku ahaa Harar iyo Baardheere. Xarumahaan Cilmiga waxay soo saareen culumo fara badan oo ka qayb qaatay faafinta diinta islaamka.

1- WAXBARASHADA SOOMAALIYA XILLIGII ISTICMAARKA

Gumeystihii reer yurub ee qaybsaday dalka waxay billaabeen inay aasaasaan dugsiyo raacsan kaniisadaha kala madaahibta duwan oo ay wateen. Dugsiyadaan bulshada Soomaaliyeed kuma aysan degdegin iyadoo cuqdad inta badan ay ka qabto ayaa haddana waxaa jiray in dadka saboolka ah carruurtooda iyo kuwa aan dadka lahayna ay dugsiyadaas hoy u noqdeen.

Waxbarashada xilligaan ma ahayn mid tayeysan, ujeeddada gumeystuhuna waxay ahayd oo keliya inuu soo saaro kuwo isaga u adeega, aqoonta uu barayna aysan dhaafsiisnayn Turjubaannimo, Karraaninimo, Cunto karin, Waardiye, Nadiifiye iwm.

Xornimada ka hor waxaa kaloo jirey dadaallo gaar ah oo ay sameeyeen aqoonyahanno soomaaliyeed oo dibadda wax ku soo bartay isla mar ahaantaana ahaa aabbayaashii waxbarshada casriga ah kuwaas oo kala ahaa Max’uud Axmed Cali oo waqooyiga dalka ku baahiyey tacliinta casriga iyo Macallin Jaamac Bilaal oo kaalin mug leh ka soo qaatay dhidib u taagidda tacliinta casriga ee koofurta dalka. Waxaa kaloo xusid mudan xilligaan inay kaalin firfircoon ay lahaayeen bicsadii Azhar oo markii ugu horreeyey dalka soo gaartay sanadkii 1952kii isla mar ahaantaana Machadkii ugu horreeyey ka furay Muqdisho sanadkii 1959kii, sidoo kale ayey dhiggiisa ka fureen Burco 1960kii.

2- WAXBARASHADA SOOMAALIYA XILLIGII XUKUUMADAHA RAYIDKA

Xornimada ka dib waxaa jiray dugsiyo ay dawladdu maamusho oo ay ka mid yihiin (Scoula Media) oo ku yaallay Muqdisho sidoo kale ayey jireen Machadka Daraasaadka Islaamka, Machadka Macallimiinta iyo dugsiyo farsamo oo lagu baran jirey Ganacsiga, Wershadaha iyo Culuunta Badda.

Xilligaan dugsiyada sare ee Jamhuuriyadda ka jiray waxaa lagu qiyaasay ilaa 25 dugsi oo luuqadaha wax lagu bartana ahaayeen Ingiriis, Talyaani iyo Carabi, ma aysan jirin Jaamacad dalka oo dhan sidaas darteed ayey ardayda soomaaliyeed dibadda waxbarasho u aadi jireen. Sanad dugsiyeedkii 1962/63 ardayda soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa wax ku baranayey waxay gaarayeen 1500 oo arday, intooda badanna waxay ku sugnaayeen dalalka Masar, Talyaaniga iyo Ruushka. Tani markii dambe waxaa laga dhaxlay kala duwanaansho dhanka aqoonta iyo dhaqanka ah, waxayna ka dhex muuqatay xisbigii leegada oo markaas talada dalka hayey.

WAXBARASHADA SOOMAALIYA XILLIGII KACAANKA.

Markii ciidamadu la wareegeen talada dalka 1969kii waxaa isbeddel ku dhacay nidaamkii tacliinta ee dalka maadaama mabaadi’ cusub oo dalku ku dhaqmayo lagu dhawaaqay. Xilligaan tallaabta uu kacaanku u qaaday dhanka tacliinta waxaan u kala qaadanaynaa mid uu ku ammaanaa meelaha qaarkood halka lagu dhaliilayo meelaha qaar.

B- Dhanka Ammaanta:

1- Baahinta tirada dugsiyada gobollada iyo degmooyinka dalka. Marxaladdaan waxaa dalka oo dhan la gaarsiiyey dugsiyada aasaasiga, si isla mar qura gobollada iyo degmooyinka oo idili isula jaanqaadaan oo tacliin midaysan loo helo.
2- Qoridda afka soomaaliga wuxuu mideeyey manhajka waxbarashada marxaladaha aasaasiga ee dalka oo dhan.
3- Waxbarashada xilligaas jirtay oo ahayd lacag la’aan waxay suuragelisay inay waxbarashada u sinnaadaan qaybaha bulshada hodan iyo saboolba.
4- Soomaaliyeynta manhajka waxbarashada ee marxaladda aasaasiga ah wuxuu sahlay waxyaabo fara badan oo dahsoonaa iyo in la isu soo dhaweeyo kala duwanaanshihii luuqadaha waxbarashada.
5- Ballaarintii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) oo soo saartay aqoonyahanno badan oo kala takhasusyo duwan isla mar ahaantaana dalka iyo dadka soomaaliyeed wax taray.
6- La dagaallanka jahliga. Waxaana tusaale wanaagsan ugu filan Ololihii Horumarinta Reer Miyiga ee lagu cirib tirayey jahliga oo uu ugu horreeyo wax qoris iyo aqrin la’aanta, taas oo ciribteeda la mahdiyey.

T- Dhanka Dhaliisha:

1- Tacliinta oo ku soo koobatay gacanta Dawladda.
2- Faafidda laaluushka, qaraabo kiilka iyo kooxaysiga oo nidaamka waxbarasho xilliyadii cimriga kacaanka ugu dambaysay ku batay.
3- Fasaadka akhlaaqeed oo ka muuqanayey hay’adaha waxbarashada ee dalka.
4- Dhoofka aqoonyahannadu dalka uga hayaamayeen.
5- Daryeel la’aanta Macallinka soomaaliyeed.
6- Dabbaqidda Nidaamka waxbarasho ee Markisamka.
7- Soo saaridda go’aankii shaqada qaranka ee labada sano, taas oo dhalisay in ardayga maskaxdiisa ka mayranto wixii uu soo bartay.

WAXBARASHADA SOOMAALIYA BURBURKA KA DIB

Sida ay u jirtay xilliyadii hore dhaliil iyo ammaan nidaamyadii waxbarasho ee xilligaan ka horreeyey ayuu nidaamka waxbarasho ee hadda jira uu leeyahay dhan san iyo mid u baahan in la saxo.

B- Dhanka Ammaanta:

1- Hay’adaha gaarka loo leeyahay oo gacanta ku hayo waxbarashada dalka.
2- Tartan wanaagsan oo u dhaxeeya hay’adaha waxbarashada gacanta ku hayo si loo helo waxbarasho tayeysan.
3- Kororka jaamacadaha gaarka loo leeyahay.
4- Deeqaha waxbarashada dibadda ee ardayda soomaaliyeed oo aad uga badan xilliyadii hore.
5- Wacyiga diiniga ee ardayda maanta oo aad uga sarreeya kuwii hore.

T- Dhanka Dhaliisha:

1- Burburka baahsan ee soo gaaray hay’adihii waxbarashada sida Wasaaraddii Waxbarashada iyo tii Tacliinta Sare.
2- Maqnaanshaha kaalintii xukuumadda ee ku aaddanaa kormeerka hay’adaha waxbarashada.
3- Macallimiinta tababaran oo aad u yar.
4- Kala duwanaanshaha dhinaca manaahijta dugsiyada shaqeeya.
5- Waddaniyadda iyo aqoonta bii’ada uu ardaygu ku dhex nool yahay oo aad ugu yar ardayda maanta.

MUDNAAN MACALLIN BAA LEH (Maanso)

Mar haddii aan ka hadalnay waxbarashada dalka xilliyo kala duwan waxaa lagama maarmaan ah in aan xusno kaalinta macallinka soomaaliyeed oo ah mishiinka saldhigga u ahaa xilliyadaas kala duwan ee aan soo xusnay, nasiib darrese aan helin maamuus dhab ah oo u dhigma shaqada uu u hayo bulshadiisa, hase yeeshaa baraha soomaaliyeed waa mid ma daale ah oo oo ku mashquushan horumarinta dadkiisa iyo dalkiisa.

Maansadani waxa ay xusaysaa kaalinta mugga leh ee uu macallinku kaga jiro bulshadiisa iyadoo qof kasta oo magac iyo maamuus bulshada dhexdeeda ku leh uu macallin soo barbaariyey. Waxayna ku billaabanaysaa sidatan:

Mugdigiyo iftiinkiyo
Munkarkiyo macruufka
Ma ay wada ekayne
Maashaa allaahuye
Munazalka quraankaa
Middaas marag kacaayee
Muwaadiniinta oo idil
Midkay ka aflaxaayeen
Mudnaan macallin baa leh
Mawjadaha aqoonta
Mirihii ka soo baxay
Midigtaan ku haynaa
Mufti caalimaa iyo
Maahir muhandisaa
Madaxdii wax maamusha
Muruqood ma maaline
Muwaadiniinta oo idil
Midkay ka aflaxaayeen
Mudnaan macallin baa leh
Maraakiibta quusta
Miiga duula meelsare
Marshadood kuwii hayey
Milateri ma jeestaa
Meeleeya maatada
Musuq aanan oggolayn
Muwaadiniinta oo idil
Midkay ka aflaxaayeen
Mudnaan macallin baa leh
Mashaxaradda arooska
Midkuu eebbe ka uumo
Markuu miimka karoo
Maskaxdiisu bislaato
Malcamaddii quraankiyo
Muwaadiniinta oo idil
Midkay ka aflaxaayeen
Mudnaan macallin baa leh
Ma daalaha abwaanka
Masaxaayey murugtii
Malaayiin kun oo beyd
Maskaxdiisu qaadday
Markuu maago maansada
Murtidiisu wacan tahay
Muwaadiniinta oo idil
Midkay ka aflaxaayeen
Mudnaan macallin baa leh
Milkiilaha mashruucyada
Maalqabeenka muxsinkaa
Masaakiinta quudiya
Midigtiisu furan tahay
Muwaadiniinta oo idil
Midkay ka aflaxaayeen
Mudnaan macallin baa leh
Mashaa’ikhda masallaha
Masjidkiyo minhaajka
Mataankooda uu yahay
Maalintiyo habeenkii
Majliskay ahaadaan
Malaa’igtu xusaysay
Muwaadiniinta oo idil
Midkay ka aflaxaayeen
Mudnaan macallin baa leh
Ma tacbada bur weynaha
Ma gudbaha ka sii daran
Markay soo majiirtaan
Masayr uu madax qaado
Maqaamkooda gaaraan
Magacood kor ahaado
Matalkoodu sarreeyo.
Muwaadiniinta oo idil
Midkay ka aflaxaayeen
Mudnaan macallin baa leh

WQ: C/qaadir Max’ed Xasan
himilo124@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " SOOYAALKA WAXBARASHADA SOOMAALIYA | C/qaadir Maxamed Xasan "

  1. Ugu horen asxabta ku taxan ama xisaysa wepkan waxan ku salamaya salanta islamka asc. Hadi an usi dhadhaco maqalkan ka jawabistisa horta kama hadli karo dowladi ay lahayd somali weyn marki ay jirta blse waxan ka hadli kara burburki ka dib dalka wax barashadisa sida ay ahayd runti dadka somaliyed isu mid ma aha dad baa ladan o ubadkoda u heli karay wax brasho ku filin dadna wax brasho iska dhafe inaysan heli karin qutul dururiga ay ku nolanayan hatan dalka waxa la oran kara ma ahan dal wax lagu bran karo blse wa dal ku wnagsan waxbarashada dhankey donto ha ahate isku so wada duubee sxbkey c/qadir mahamed hasan aad ayad u mahadsan wana kugu tagersanahay maqalka adka u wnagsan o ad ino so dhigtay somalitalk tnx

  2. Soomaali says:

    waa maqaal xiiso badan oo mudan in wax badan laga faa’iideysto