Home » Warar »

Sidey Shacabku u arkeen Diidmadii Qaramada Midoobey Heshiiskii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Dhawaan markii ay Qaramada Midoobey ku dhawaaqday in ay laashay heshiiskii is fahamka dhanka Badda ee dhex maray Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa arrintaasi si weyn u soo dhaweeyey Bulshada Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan, iyagoo sheegay diidmada Qaramada Midoobey ay ku timid markii qaylo dhaan aad u weyn ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed iyo waliba markii heshiiskaasi ay hor istaageen xubnaha Baarlamaanka, waxayna si gaar ah shacabka Soomaaliyeed ugu mahadceliyeen webka Somalitalk oo iyagu qaybweyn ka qaatay shacabkana u faahfaahiyey waxa ka imaan kara heshiiskaasi, sidoo kale shacabku waxay u mahadceliyeen aqoonyahanadii iyo xubnihii Baarlamaanka ee u ololeeyey in uusan dhaqangelin heshiiskaasi la doonayey in lagu booboo Badda Soomaaliya iyo kheyraadka ku jira.
 
Shacabka Somaaliyeed ayaa soo dhaweeyey diidmada Qaramada Midoobey ee heshiiskii dhanka Badda ee Soomaaliya Kenya, waxaana ka uruurinayey Fikrado  qaabka ay u soo dhaweynayaan hadalka Qaramada Midoobey ka soo yeeray, mid ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Dr. Xasan Cilmi Faarax ayaa isagu waxa uu yiri “Dowlad kasta marka ay cusub tahay waxaa lagula soo deg degaa heshiisyo fara badan kuwaas oo wata Khayaanooyin fara badan, u fiirso markii la doortay Cali Mahdi isaga oo aan iska fiirin ayaa waxaa la hoos geliyey heshiis ku aadan in Badda Soomaaliya lagu shubo qashinka haraadiga ah ee Warshadaha Nuclear-ka taasina waxaa ugu wacan markii la siiyey Dowladiisa xoogaa lacag ah, sidoo kale Dowladdii C/qaasim Salaad Xasan dabinkaasi kuma dhicin waayo waxa uu ahaa nin siyaasadda mudo ku soo jiray, waxayna dadka qaar ay sheegeen in la damcay isna in heshiisyo noocaas oo kale ah la hoos geliyo, balse waa uu ka booday, sidoo kale Dowladdii uu madaxda ka ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa iyana la damcay in la hoos geliyo heshiisyada Khayaanooyinka ku dhisan balse C/llaahi Yuusuf waa uu ka biyo diiday, balse waxaa jiray heshiisyo yar yar oo ay Dowladii C/llaahi Madaxda ka ahaa ogolaatay, laakiin C/llaahi Yuusuf waxa uu u ololeyn jiray in uu heshiisyo la galo Shirkadaha Macdanta iyo Badroolka qoda, kadib markii uu helay la talin badan ayaa waxaa la sheegay in uu diiday markii dambe Shirkadihii Macdan qodista madaama la sheegay in ay ahaayeen Shirkado Maafiyo ah oo meel ay ka socdaan aan la garaneyn.
 
Aan u soo laabano Dowladda uu haatan Sheekh Shariif Axmed madaxda ka yahay, waxayna markii ay saddex bilood jirtay ayaa waxaa la soo hoos geliyey heshiis aysan ka fiirsan oo la xiriira dhinaca Badda iyadoo aan mudo dheer ka baaraan degin waxa ka dhalan kara heshiiskaa, waxayna ku dhacday dabin muddo fog qoolnaa,waxaana taas ugu wacnaa Waayaragnimo la’aanta siyaasadeed  waxaana isku kaashaday dowlado fara badan si Dowladda Sheekh Shariif madaxda ka yahay loogu qanciyo in ay heshiiskaasi saxiixaan, waxaase meel dhexe u fariistay Golaha Baarlamaanka oo gebi ahaanba ka soo horjeestay in heshiiskaasi uu hirgalo”, Dr. Xasan Cilmi oo hadalkiisa sii wata ayaa u mahadceliyey Webka Somalitalk oo markii horeysey  soo bandhigay Khayaanooyinka ku jiray heshiiskaasi, Somalitalk ayaa ka hor intii aysan Dowladdu saxiixeen heshiiska Badda u gudbisay qoraalo dhowr bog ka kooban oo ka hadlayay Badda Soomaaliya kaas oo loo digay Dowladda in aysan gelin heshiiskaasi oo ay dadka Soomaaliyeed ku weyn lahaayeen Bad aad u balaaran, balse taas Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Xukuumaddu dheg jalaq uma siin, waxaase caqabad weyn ku noqday Xubnaha Baarlamaanka oo iyagu dharaar cad diiday heshiiskaasi, Dowladdana uga digay in ay heshiiskaasi sii wadwado.
 
Cabdi Xaaji Xuseen oo isna ka mid ah Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa si weyn u soo dhaweeyey diidmada ay Qaramada Midoobey ay diiday heshiiskaasi, waxa uuna u soo jeediyey Qaramada Midoobey in ay hadalka ka soo yeeray ay ficil ku darto si shacabka Soomaaliyeed uga baxaan walwalka ka haysta dhanka heshiiska Badda, waxaana soo jeedinayaa in shaqsiyaadii ka dambeeyey heshiiskaasi lagu bixinayey Badda Soomaaliya Maxkamad la soo taago si looga gudo waxa ay shacaka Soomaaliyeed ka galeen, sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed ma hilmaami doono oo Quluubtooda waxay ku noqon doontaa ma hadho kooxihii ka dambeeyey heshiis ku sheegii dhex maray Soomaaliya iyo Kenya, Cabdi Cali Xuseen ayaa sidoo kale u soo jeediyey Dowladda Kenya in ay faraha kala baxdo Badda Soomaaliya, sababtoo ah waan ognahay in qaybo ka mid ah Badda Soomaaliya ay Shidaal ka qodoneyso, shacabka Soomaaliyeedna waqti ay haataba arrintaasi way ka dagaalami doonaan.
 
Yaasiin Cali Muuse oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa si weyn u soo dhaweeyey diidmada Qaramada Midoobey ay diiday heshiis ku sheegii ay gashay Dowlad ku sheega uu horkacayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana leeyahay shacabka Soomaaliyeed Dowlad idinkama raacaysee waxaa idiin haboon in aad isku tashataan, waxaan ogahay in shaqsiyaad ka tirsan dowlad ku sheegaas ay yihiin Khaa’imiin shacabka ka galay dambi weyn, waxayna Badda Soomaaliyeed siisteen xoogaa yar oo lacag ah, waxaana Alle ka baryeynaa in uu naga hor wareejiyo kuwa sidaas u galay Badda Soomaaliyeed, waxaana u mahadcelinayaa intii isku hawshay ka hortaga boobka Badda Soomaaliyeed, waxaana si gaar ah ugu mahadceliyaa Web-ka Somalitalk oo isagu har iyo habeen u taagnaa sidii uu u iftiimin lahaa sirta ka dambeysa heshiiska ay dooneysay in Kenya ay  kula wareegto qayb ka tirsan Badda Soomaaliya, waxayna mudan yihiin in la gudoonsiiyo abaalmarin aad u balaaran.
 
Prof Xirsi Xaaji Culusow : Marka ugu horeeysa Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu muujiyey Xilkasnimo Wadaniyad aan hore loogu aqoon ama looga baran, kadib diidmadii ay diideen in ay ansaxiyaan Heshiiskii isfahamka ee Badda Soomaaliya iyo Kenya

Haatan oo ay Qaramada Midoobey qaybteeda shuruucda Badda sidoo kale ay raaceen wadadii uu maray Baarlamaanka Dowlada Federaalka aniga hadii aan nahay sharciyaqaanada soomaaliyeed horeyna waan uga hornimid heshiiskaas waxaana ku kalsooneyn in uu ku dambeyn doono halka uu hataan dabada dhigtey
waxaan doonayaa in aan uga mahadceliyo intii dadaalka u gashey difaacida Qaranimada Badeed ee Soomaalia gudaha ha joogeen ama dibadda ha joogeen waxaan rumeysnahay dadkaasi in ay Howl culus ay qabteen guteenna waajibaadkii uu ku lahaa dalkooda hooyo waxaana si fiican u tilmaami doonto Taariikhda Soomaaliyeed marka laga baxo Xiliga adag ee haatan lagu jiro
 
Gebagabadii iyo gunaanadkii dhamaan shacabka Soomaaliyeed waxay ka wada sinaayeen soo dhaweynta hadalka ka soo yeeray Qaramada Midoobey ee sheegayey in la baabi’iyo heshiiskaasi maadaama ay ka soo horjeesteen Baarlamaanka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, waxayna ugu baaqeen Dowladda Federaalka in ay isaga harto hamiga ay ka qabto in lacag ay siisato badda Soomaaliya.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Sidey Shacabku u arkeen Diidmadii Qaramada Midoobey Heshiiskii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya "

  1. abdinasir says:

    Waxaan anigu u arkaa guul usohoyatay bulsha weynta Somaliyeed,
    Barlamanaka Somaliyeed ayaa ladhihi karaa kalintisa ku adanayd
    Heshiiska badaha wuu kasobaxay wuna ku mahadsanyahay.
    Qaramada midobay tagerada ay tagertay Barlamanka diidmada uu
    kabixiyay DHaqan galinta heshiskasi bada gayiga somaliyed wey
    kumahasdantahay.
    Dowlada shekh shariif heshiska bada wey ku khaldantahay, in ay
    ogalato ama dood galiso badena wax laga filayay ma,ah waa gaf ay
    ka gashay bulshaweynta somaliyeed.
    Somali Talk webka waxaan dhihi laha waa web utagan difaca dalka
    iyo dadka maqalada ay soo u ruuriyana waa kuwo uma wax utarayo
    aad iyo aad ayaadna u mahadsantihiin,thatk you.

  2. Ahmed says:

    Waa guul weyn oo usoo hoyatey ummadda soomaliiyeed meel kasta oo ay joogan. Waxaan ka mid ahaa dadkii shaqsiyan waraaqo u direy United Nationka xafiiska u qaabilsan cabirka baddaha, ka bacdi markii Somalitalk nagu booriyeen nana siiyeen e.mailka xafiiskaas. Waxaan kale oo aan marwalbo u sheegi jirey khiyaanada heshiiskaas ku jirey xubno badan oo baarlamaanka ku meel gaarka ah ka tirsan oo aan deris London ku nahay. Mar walba waxaan ka cadhoon jirey marka ay madaxda soomaliiyeed qaarkeed difaaci jireen heshiiskan iyaga oo ku tilmaami jirey ( Propoganda) ama arrin la siyaasadeeyey anigoo ogaa iney ahayd arrin runta ka fog

    Ahmed Hirsi

    Msc Violence Conflict and Development ( SOAS) School of Oriental and African Studies University of London. E.mail: Ahmed.hirsi@yahoo.com

  3. Aad baan u soo dhoweynay talaabada qaramada midoobey, waxaa muhim ah inaan xusno amase u hambalyeyno Somalitalk iyo dhamaan ummada Soomaaliyeed webka Soomalitalk waxaad gasheen baal dahab ah waxaan filayaa inaad tihiin dad wadaniyiin ah anigu waxaan u arkaa in ummada Soomaaliyeed oo dhan ey soo dhoweeyeen talaabadan balse waxaan rabnaa inaan cadeyno mowqifkeena ku aadan in la maxkamadeeyo dadkii ka qeyb qaatey isku-deygii lagu iibsan laha badeena Soomaaliyeey meesha ka kaca ama dhulka isaga wareejiya dad difaacanaya dowladana u keensanaya

  4. Zahra says:

    ASCW, waxaan aaminsanahay in Somalitalk arrintan ka salgaarideeda
    ay door wayn ka ciyaartay, haddii ayan marki hore iyadoo cidna ay la socon
    banaanka soo dhigin oo ay kashifin la ogaan lahayn oo iyadoo sideedaas u huursan lagu meelmarin lahaa, taas horta waa mahad Ilaahey somalitalk na way ku mahadsan tahay.Wixi sidaas oo kale oo Ummadda Soomaaliyeed lugooyadeeda ahna sidaas ayaan idinku ognahay in loo kashifo.

  5. abdilaahi says:

    MAR KA HORE BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM SALAN DHAMAN SHACABKA SOMALIYEED EE DULMAN GAAR AHAAN BAHDA SOMALITALK AAD IYO AAD AYAAN IDINKA MAHAD CILINYA THARAKHDANA WALE MEEL FICAN AYAD KA GASHEEN ILAAH HAYDINKA AMAAL MARYO MARKA XIGA BARLAMANKA AYAAN UGU MAHAD CELINYAA marka dhaman aad iyo aad ayaad u mahsan tihiin lakiin waxaa ogaatan khiyanadii iyo tugtii weli ma dhaman waa inaan ka fiijignanaa suaasha meesha taall ayaa waxay tahay laynoo tashaye ma tashanayaa qofkasta oo somaliyed wey u taal bad iyo beriba in laynaka qaado ayaa larabaa dhibtaan iyo damacan ma laynaka deynayo in ta aan sidan u kala dadsanahay ama isu dileyno isku duubni isu samir marka walalyaal aa isku tashano wa bilaahi towfiq

  6. Abdiali says:

    waa ilaah mahadiis mar haddii uu heshiis beenaadkii meesha ka baxay, waxaase habboon inaan meesha lagu illoobin khayaanadaasi dadkii maleegay ee lala xisaabtamo, tusaale ahaan waxaan dhagaysanayey dood ka baxaysay idaacadda BBCda lanteeda afsoomaliga maalmuhuu heshiiskani cusbaa, ragga doodda ka qeyb galayey waxaa ugu cadcadaa uguna af adkaa ABDIRAHMAN ABDISHAKUUR, oo ahaa wasiirkii saxiixay oo xataa ay doodiisu sida uu u difaacayo heshiiskaasi gaaray inuu aflagaadeeyo ninkii wariyaha ahaa ee doodda hagayey, waxaa kaloo aragnay shiikh shariif laftiisa oo marar badan difaacaya heshiiska, ma aqaan inay ka ahyd aqoon-xumo, ama difaac, waxaan kaloo la hilmaami karin Prof. Ibbi oo ahaa ragga ugu horreeya difaaca dhagarta dhulka soomaliyeed lagu boobayo, iyo kuwa badan oo ka mid ah dawladda shariifka, sida raysalwasaaraha oo lahayo codadkooda ama qoraaladooda, waana eebbe mahaddii waxaan joognaa information century oo aanad qarin karin maalin waxaad sheegtay ama qortay.
    ugu danbeyntii waxaa mahad aan la illoobi karin oo ku qoran baal dahab ah iska leh bahda qorayaasha SOMALITALK oo waqti, iyo hanti badanba galiyey siday u kala furfuri lahaayeen khayaanada lagu boobayo badda soomaaliyeed ayagoo isticmaalay qaab ay cid walba fahmi karto, ilaahay ha ka abaalmariyo kulligood.

  7. kamaal says:

    Wxaan idinka iloobay inaan idiin sheego waxaan ahaa arday somaliyeed oo ka soo baxay (iskuulkii sade ii bada) ama waxa luqada englishka lagu yiraa ( marine school) waxaan soo bartay navigation oo ah how to travel on the sea, iyo fisheries, oo macnaheedu tahay how fish and how to process the fish. arintan bada somaliya ee ay iibsadeen aad ayay ii taabanaysaa Aniga waxaan bartay bada somaliya inaan ogaado kaluunka ku jira iyo inaan baro next generation qiimaha ay leedahay badooda iyo qayraadka ku jira halka jaahil boorso wata uu nin kenyan ah ka gato hanti ay leedahay dhamaan umada somaliyeed mid nool mid dhintay iyo midaan weli dhalan.waxaan hada ku fikiraa goormaan lug ku mari donaa ilaa raskanbooni ilaa rascaseer oo aan buug intaan ka qoro aan dhalinta somaliyeed u sheegi dontaa inta kaluun ee ku nool biyaha somaliyeed iyo sida ugu fiican ee ay kaga faidaysan donaan.

  8. kamaal says:

    Waa guul u soo hoyatay somalitalk sida geesinimada ay ugu difaaceen qalinkooda halka sheekh shariif tuugada shaqa la’aanta ay ku heshay qurbaha ee boorsooyinka faaruqa ah wata eemagaca qabiilka ku qaraabta ay rabeen inay markii ay wadanka dadkii lahaa ka dhigeen mid jiis ah mid dhintay mid walan oo leh war wadankaygii tuugada qabsatay sidaan kaga saraa? waxaan u soo jeedin lahaa somalitalk inay noo furto radio ay ku wareesato wadaniyiinta somaliyeed oo ay noo sameeyaan barnaamij layiraahdo dagalkii jahliga maxaan ka baranay?waa inaan ka doodnaa si aqoon ah maxaa keenay inaan is dilo ? Anigu waxaan qabaa in somalida ku nool mudug ay bilaabeen fidnada wadankeena taas oo ay ugu wacan tahay kibir, isla wayni,jaahilnimo, iyo ayagoo marka xooluhu ka dhamadaan raadiya xoolo ay dhacaan iyo nin maskiin ah oo ay xoolihiisa dhacaan sidaas ayay magaalo madaxdii somaliya u keeneen inay markaan xafiisyada dowlada u dhacaan sidii ay geela iyo naagaha u kala dhici jireen.

  9. ali says:

    aqoonyahana iyo jornalistayaasha iyo
    ummadda somali ee ka dagaalamay in
    badeena la iinsado ayaan u mahadinayaa..allaa mahad.
    sida pro. samatar iyo somalitalk.
    sam-waldu (shariif) iyo iyo burcaddisa ceeb aduun iyo
    cadaab akhiro ayaan alle uga baryaa. aamiin.
    ha la foojignaado meel kale ayeey wax ka maleegayaan tuugadaan.
    hadda maraakiibtii kaluumaysiga ee yemen haysatay ayaa
    iibi iyo sam-waldu iisanayaan ee sidii oo kale ha loogu kaco burcadda. lacag faalsa ah waa soo wadaan!!!
    burbur allaha riddo dabaqoodhiyadda xabashida.