Home » Warar »

Ururka Ganacsatada iyo Maalgeshiga Soomaaliyeed (SBIC) oo Go’aansadey in uu Dayactir ku Sameeyo Xarunta Safaarada Soomaaliya ee Dalka Jabuuti

iyo Lacag ay ugu Deeqeen Dadka Barakacayaasha Soomaaliyeed

 Xaflad lagu soo xirayo Kulankii ay lahaayeen Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku shirayey Caasimada dalka Jabuuti oo ay ka soo qayb-galeen Madaxa Maalgeshiga dalka Jabuuti, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga dalka Jabuuti, Political/Economic Officer Somalia Affairs U.S Embassy ee xafiiskoodu yahay dalka Kiiniya iyo gudoomiyaha Ururka ganacsatada Soomaaliyeed ee xaruntoodu tahay dalka Jabuuti ayaa lagu qabtey Guriga Ummadda ee caasimada dalka Jabuuti 15/03/2010.

Xafladan oo ahayd xiritaankeeda mid u leh ganacsatada SBIC ee Soomaaliya, Ganacsatada iyo Hay’adda Maageshiga dalka Jabuuti iyo Madaxa Political/Economic Officer Somalia Affairs U.S Embassy ayaa waxaa ka Hadley Jessica Davis Ba oo ka socotey USA, Gudoomiye ku xigeenka Ururka Ganacsatada Soomaaliyeed (SBIC) Cabdirashiid Haybe, Madaxa Maalgeshiga dalka Jabuuti Mahdi Dharaar, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga dalka Jabuuti Siciid Cumar Muuse iyo Gudoomiyaha ururka ganacsatada Soomaaliyeed (SBIC) Sh, Axmednuur Cali Jimcaale.

Jessica Davis Ba oo ah Political/Economic Officer, Somalia Affairs U.S Embassy oo xafiiskoodu yahay Nairobi oo khudbad xasaasi ah oo dhinacyo kala duwan taabaneysa ka jeedisey ayaa sheegtey in ay jiraan 10 xubnood oo ganacsato Soomaaliyeed ah oo ay ka qayb galidoonaan shir ka dhicidoona dalka Mareykana, sidoo kale ay jiraan is-fahan badan oo dhinaca Mareykanka iyo Soomaalida (khudbadeeda oo dhameystiran halkan ka dhgeyso, iyadoo ingiriis ah).

Gudoomiye ku xigeena SBIC Cabdirashiid Haybe o sharaxaad ka bixinaya go’aamadii ka soo baxay shirka, waxyaabihii looga doodey shirka iyo furitaankii shirka xubnihii ka soo qayb galey isagoo sharxaya ayaa wuxuu yiri halkan ka dhegeyso codkii oo dhameystiran.

Waxaa kale o halkaasi ka Hadley Directer General Investment Jabuuti Mahdi Dharaar Obsiiye ayaa wuxuu faah faahin ka bixiyey waxyaabaha ugu muhiimsan xiligan dalka Jabuuti u baahan in maalgeshi lagu sameeyo iyo faa’iidooyinka ku duugan, isaga oo faah faahinaya arimhaasi ayaa waxaa hadalkiisa ka mid ah (mahdi dharaar codkiisa oo dhameystiran halkan ka dhigeyso).

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga dalka Jabuuti Md, Siciid Cumar Muuse oo halkaasi khudbad xambaarsan dareen weyn oo qiiro xambaarsan ka jeediyey ayaa wuxuu yiri “Afarta maalmood iyo guulaha aad gaadheen, hadaanu nahay dadka reer jabuuti madaxdeeda iyo Ummaddaba waa mid aad iyo aad u dhiirigelineysa una faraxgelineysa, gaar ahaan Ganacsatada Reer Jabuuti, si ay idiinku daydaan sida madaxweynaheena uu sheegey, duruufaha aduunyada oo dhan waad ka soo xoogsateen, anagu wali kama bixin, inaan taa idiinkaga dayano, madaxweynaha wuu sheegey ana waan ku celinayaa, waad ku mahadsan tihiin”

Siciid Cumar Muuse waxaa kale uu khudbadiisa ku sheegey “Mar seddaxaad waxaan hanbalyo gaar ah u celinayaa, Ururka iyo gudoomiyaha Axmed aad dib kalsoonida u siiseen iyo ku xigeenkiisa Cabdirashiid oo u hurey danta Ganacsatada iyo ummadda Soomaaliyeed ee u guntadey in tooda ka tagaan oo ay hormariyaan tiina” ayuu yiri isagoo hadalka sii wata ayaa intaa ku darey

“Rugta Ganacsiga Jabuuti hadaanu nahay, hadalkeygii hore waa anigii sheegey marnaba ganacsatada Soomaali meel kagama soo harin, kulankii lagu qabtey Dubai iyo kanba, khudbadeydii furitaanka ayey ku jirtey, labadaba qayb libaax leh ayaanu ka qaadaney, gacmahana waanu is haysanaa, wixii dhibaato oo aan la dhameynkarno diyaar baan u nahay, wixii hore aan u geysaney iyo waxa aan dib u qabaneyno, safarada aad ka kala timaadeen aduunyada ilaahay ajar ha idiinka siiyo, wadankii cid kale oo uu eegayo ma jiro waa inaka weeye, mararka qaar dadka aan kaftameyno, waxaa nalayiraahdaa ma soomaalibaa tihiin, wadankii waynu wada leenahay, tana weynu wada leenahay oo makala xigno, taana weynu wada leenahay, wada jir aynu wax kuwada qabsano, taas ayaan qaybta hore uga baxayaa”

Gudoomiye Siciid waxaa kale oo uu yiri “Qaybteyda labaad hadii gudoomiye ii fasaxdid, waxaan jeclahay inaan u jawaabo Jessica, halkan waxay ka tiri, Jessica waxaan leeyahay soo dhawoow, anagoo isku duuban SBIC iyo Rugta ganacsiga Jabuuti iyo xafiiska maalgelinta uu mahdi halkan ka joogo iyo madaxda reer jabuuti ee nala joogaba wadanka ku soo dhawoow baanu ku leenahay, mar labaad waxaan kaaga mahadcelinayaa warbixinta aad na siisey iyo dadaalka halka aad kaga jirto arimaha Soomaaliyeed, laakiin laba dhibaato ayaa jirta, waxaana jeclahay inaad wax nagala qaban doonto labada dhibaato.

anigu keligey halkan waan wadikariwaayey, tan u horeysa waxaa weeyaan, ganacsatada Soomaaliyeed ee wadanka nala degan, waraaq in aan u sameyn karno oo ay Fiiso ku doonan karaan, hadii kale wadahadal iyo is-barasho ma dhicikarto, markaas inaanu u noqono wadajir, dadd waxaanu nahay la aaminsan yahay, rugtayada ganacsiga waxay jirtaa 105-sanadood, taariikh baanu leenahay cid aan ganacsato ahayn oo bidaaq lahayn in aan waraaq u qorin, beentaas cid nagu taqaana la soo helimaayo, marka markaan af-hayeen u noqono nin Soomaaliyeed oo wadankeena degan oo leysin haysta oo Jembarka ku jira, iney tixgeliso oo si nidaamsan oo dhow in looqabto ayaanu jecelnahay.

Wixii ka baxsan Jabuuti waraaqdan ma bixinkarno, in kalsooni la siiyo ururkan SBIC ay ayaguna sharaftoodii waraada ay bixinayaan oo aysan cid walba siinin ayaan ka rajeynayaa, taas waa haasaawe dhexdeena ah, habka aan u sameyneyno, laakiin dhibaataa jirta, is-barashadu iyo wax wada qabsigu dadku waa in ay is-dhexsocdaan, haduu gidaar jiro taasi dhicimeyso, taa waxaanu kaa codsaneynaa, wixii aad fudeydinkartid aad fudeydisid.

Tan labaad oo aan kaa codsanayo waxay tahay, anigoo afkii soomaaliyeed ku hadlaya oo aan iskala qaadeyn, waxaa tiri khudbadii madaxweyne Obama uu Qaahira ka akh-riyey ee uu ku sheegey in uu shir qabandoono, taariikhdii ma aad sheegin, laakiin waxaa tiri Toban Ganacsato ah, rag iyo dumar isugu jira oo Soomaaliyeed oo wadankii Soomaaliya qabiiladooda ay u dhan yihiin waanu casuumidoonaa, si ay u tagaan Mareykanka oo ay usoo arkaan sida ganacsatada u shaqeysato iyo sida xiriir loo sameyn lahaa, waxaan jecelahay hadey Soomaali oo dhan ay dooratey Gudi hogaamiya, in Casuumadaasi gudida loo gudbiyo, Gudigu iyaga ay Tobanka qof soo magacowdaan” ayuu khubadiisa ku soo gebagebeeyey.

Sawirka: Gudoomiyaha Ganacsatada dalka Jabuuti iyo Gudoomiyaha Ganacsatada SBIC

Sawiro dheeraad ah halkan ka daawo

Dhegeyso:

khudbad ah oo ay jeedisey Jessica Davis DHAGAYSO.mp3

Gudoomiye ku xigeenka SBIC Cabdirashiid Haybe Dubad DHAGAYSO.mp3

Directer General Investment Jabuuti Mahdi Dharaar Obsiiye.. DHEGEYSO .mp3

Gudoomiyaha Ganacsatada iyo Maalgeshiga Soomaaliyeed ee dalka Jabuuti Sh, Axmednuur Cali Jimcaale Oo gunaanadkii soo xirey kulankii labaad ee Golaha SBIC ayaa wuxuu yiri “marka hore waxaa mahad leh Allaah Subxaanahu watacaalaa oo shirkii halkan aan ku qabaney oo ku guuleysaney ayna ka soo baxeen qaraaro wax ku ool ah, shirkaas oo socdey inta u dhexeysa 11-14-kii maarso, sidaad ka maqasheen qaraaraadkii uu akh-riyey gudoomiye ku xigeenka ee meesha ka soo baxay, wadahal kadib ayaa go’aanadaasi la gaarey, waxay keloo ka wadahadleen ganacsatada dhamaantood maadaama meelo kale ay ka yimaadeen, sidii goloyaalka ganacsi ee ka sameysan wadamada ay ka yimaadeen iyo golahan ganacsi ee Jabuuti oo looga dhigey bar kulan ay u wada shaqeyn lahaayeen dhibaatada faraha badan ee lagu hayo ganacsatada Soomaaliyeed meelo kala gedisan ee caalamka lagu hayo la iska kaalmeysto oo halmeel looga soo wada jeesto” ayuu yiri gudoomiye sheikh Axmed

Isagoo hadalka siiwata ayaa intaa ku darey “sababtoo ah dacaayado fara badan ayaa ganacsatada Soomaalida lagu hayaa oo dadkii wey fahmi la’yihiin, burcad iyo argagixiso intaba, meel kasta hantidooda lagu hayo, qaar badan oo ka mid ah lagu dhacey, kuwo kale hada la doonayo in hada lagu daro liisaska oo aan maqlayey qaar badan oo ka mid ah, dadd ganacsato ah oo iska shaqeysta, arimahaas oo dhan inaan iska kaashano oo hal meel uga soo wadajeesano ayaa taladu ahayd, anigoo ku hadlaya magaca golaha ganasatada Soomaaliyeed, waxaan mahadcelin soo jeedinayaa marti sharafta halkan ka soo qayb gashey, waxaan mid gaar ah u soo jeedineynaa Madaxweynaha dalka Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar iyo dowladiisa ee sida kala go’a aan lahayn xafiisyada noogu furan yihiin, inta halkan aan joogno iyo markii hore ee aan nimidba oo madaxweynuhu arimaha ganacsatada soomaaliyeed mar kasta si aad iyo aad noola taliyo iyo gudiga ganacsiga suboortiga ay nasiyeen” ayuu khudbadiisa ku soo xirey Sh, Axmednuur Cali Jimcaale.

Laakiin marka si guud loo eego kulankan ganacsatada Soomaaliyeed ay ku yeesheen caasimada dalka Jabuuti iyo Urarkan laba Sano jirsadey oo u muuqda mid leh miisaan culus ayaa wuxuu soo Af-jaridoonaa keligii ganacsade garuumo badan wata oo hadba shaar midab leh gashta, islamarkaana wuxuu dhalindoonaa Ururkan Kooxeysi ka dhex dhaca Ganacsatada Soomaaliyeed oo in mudo ah hantida dalka iyo dadka Soomaaliyeed qaarkood si sharcidaro ah loogu ganacsan jirey jaantaa rogan, sida caadada u ah mudooyinkan dambe dadka Soomaaliyeed, iyadoo aan la eegin tilaabooyinka keenaya halista dalka iyo dadka Soomaaliyeed ku dhacayo oo qaarkood ay ku soo shaac baxeen Keligii Ganacsade Garuumo badan wata.

AKHRI: sanad guuradii labaad oo ay ku kulmayaan Urur Ganacsato Soomaaliyeed oo Fadhigoodu yahay dalka jabuuti,

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.