Home » Badda, Warar »

Qarammada Midoobey oo Shaaca ka Qaaday in Heshiiskii Is-Afgarad ee Badda (Somalia & Kenya) uu yahay Waxba kama Jiraan

Waa guul u soo hoyatey Shacabka Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyey is daygii in dhulkooda lala wareego…

Qoraal kooban oo March 12, 2010 lagu faafiyey shabakadda rasmiga ah ee Qarammada Midoobey (UN) ayaa shaaca ka qaaday in Heshiiskii Is-fahamka (MOU) ee dhex maray DFKMG iyo Kenya “in Baarlamaanka Federaalka kumeelgaarka ay diideen is-afgaradkaas, sidaas daraadeedna waa in loo tixgeliyo mid aan lagu hawl geli karin ama la cuskan karin“. Qormada kooban ee UN-ka ayaa u qornayd … SII AKHRI….

Sidee ku suurtagashay in UN aqbasho go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya? …. AKHRI….

Warbixinta marka aad akhridid hoos ku qor aragtidaada…

Mahad celin:

Bahda SomaliTalk.com waxay u mahad celinayaan dhammaan akhristayaashii dhambaalada noo soo diray. Mahadsanidin.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

133 Jawaabood " Qarammada Midoobey oo Shaaca ka Qaaday in Heshiiskii Is-Afgarad ee Badda (Somalia & Kenya) uu yahay Waxba kama Jiraan "

  1. xirsi says:

    Alxamdulillah allaha wayn ayaa mahada leh xaqiiqdii waqtigaan aan qorayo warqadqn waan ilmaynayaa farxad darteet waxan kaloon ladardarmayaa bahda,Somalitalk walalayal waxan filayaa markii horaba in cidi idin dirin oo aad idinku is xil qanteen waxadna ogatan bulsho kasta ee haysata xaqeda dhamantet maysan usoo halgamin,ku wo yar oo kamida aya so halgamay waxana tihiin ku wo u halgamaya xaqa ay garan la yihin doqomada bixiyay ciidooda. walalayal waxan Eebe idinka rajaynayaa wanaag oo dhan waad mahadsantihiin

  2. A-S-C

    Waxaan marka hore salaamay soomalida meel weliba ay joogaan marka xiga waxaan aad uga hambalyeynaya Somalitalk sida ay ugu dhabaysay inay ka dhiidhiyaan in Marlbaaad Somalidu lagu xado Heshiis is afgarad ah iyadoo hore loogu boobay dhulkii NFD la oran jiray , iyo sida ay dhawaanahan Somalitalk ugu diraysay Emailada Soomalida meel weliba ay joogaan si ay hurdada ugu kacshaan, waxaan leeyahay Waa Guul u soo hooyatay Soomaalida iyo Baarlamaankeeda waana guuldaro ku dhacday kuwa rabay inay shilin yar dhaafsiisadaan dhul ay iyagu nafacsan waayeen in in yar uun jeebka loogu badalo , waxaan oranlahaa dhulka soomali Ka maqan sidii lagu celin lahaa uun halaga fekeri ee Lumin iyo Muran kale ha ina soo gelinaa,

    Soomali Maanta waxbaratay oo m ahan kuwii xeen daab yar lagu xiran jiray wixii doono loo akhrin jiray, Qaramada Midoobay ma aysan diideen hadii Baarlamaanka ogolaan lahaa , Laakinse Barlaamanka sharaxaad dheer iyo wacyi gelin ay faafisay Shabakada Somali talk ayaa u sabab ah inay ka dhiidhiyaan, Somalitalk Mahad balaaran bay u hayaan inta Soomalinimada ku jirto ,

  3. A. Nur says:

    marka hore ilaahay baa mahad leh , waxaan aad iyo aad uga naxay warkan hada aynu kuwada faraxnay kii ka horeeyey ee ahaa boobka lagu samayn lahaa badeenii. waxaa mahad aan la soo koobi karin mudan rabigeena ina solan siiyey inteena wax fahmaysa oo ay ugu horeeyaan walaalaheena ama bahda somalitalk. iyo baarlamaanka ragii u dhiidhiyey arintaan aan maanta guusheeda hayno.
    waxaanse mahad balaadhan oo aan la soo koobi karin u soo gudbinayaa
    mar labaad bahda somalitalk guulaysta walaalayaal .GUUSHA SOMAALIA

  4. Xarago says:

    Allaa amar leh awood badan leh dowladda shariif ee is dabamaris ninkii khiyaanadeeda did u eegow maxaa aragti kuu laaban. Baarlamaanka Soomaaliyeed ee dhacdadaan (boobka badda) ka gilgishayow iyo dhamaan ummada Soomaaliyeed ee ka dagaalamayow guuleysta. Dalkiinana ka waardiyeysta hororka iyo waraabaha.
    Soomaalida toosan iyo dalka Soomaaliyed ALLHA xafido.

  5. Waa guul usoo hoyatey umadda soomaali oo dhan
    gaar ahaan ragii iyo dumarkii ka dhiidhiyay gadashada bada
    guuleysta Somalitalk Thank You

  6. Yusuf Xarago says:

    Mahad oo dhan Allaah ayey u sugnaatay. Waxan bogaadin iyo reyn hawada u marinayaa Baarlaanka Soomaaliyeed oo sida Geesinnimada leh u diiday boobkii badda Soomaaliya. Kooxda Shariif ee isdabamaris aqoonta siyaasadda caalamkana ka indha la’, waddaniyadduna ay ku yartahay waa in masiirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed laga waardiyeeyaa.
    Waxaase ka sii daran haddii ay hogaanka ummada qabtaan kuwa diinta sheeganaya sida Alshabaab oo ummaddii Soomaaliyeed u KAWAANAYA sida Xoolaha.
    Allow naga samatabixin halaagga midba midka ka dambeeya uu ka khatar badan yahay.

  7. Ahmed Jama says:

    waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa Somalitalk, kaalinta iyo dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay ka istaagtey, kollay waxaa idinkaga filan in dhammaan shacabka Somaliyeed, wada garowsan yihiin kaalintiinna waddaninimada ku dheehan tahay ee add ka gasheen waqtigaan kala guurka ah. Intaas kadib waxaan door bidi lahaa, inaad u jeesataan, dibu heshiisiinta, xal ka gaaridda arrimaha murugsan ee Somalia. mar hadii aaynaan go’aansan inaan diinta ka baxno, waxa la yaab nagu noqotey labo Diinta Islaamka wada sheeganeyso oo hadana heshiin waayey, isu tanasuli waayey, ee weliba isaga sii daran Gaalada madow iyo caddaanba leh. taas wax lugu jimeeyo waa la waayey, dunida meel ay dhacdo waa la waayey, aan ka ahayn, anigana qolo ayaan u adeegayaa, anigana qolo kale ayaan u adeegayaa, hadday saa tahay umadda ilaahey ha isku dhammaynina, ee meel bannaan isla taga, oo masaakiinta korkooda ha ku diririnina. Mahadsanidin.

  8. Mohamed Abdi says:

    A/Slm, Allaha weyn kase kow waxa mahadda koowaad iska leh Bogga Somalitalk.com, maadaama uu isagu ifiyey dhibaatada nugu soo wajahnayd, baarlamankana ku tirtirsiisay oo weliba wax badan ku celceliyey, baarlamankana waan isaga mahadcelinayaa maadaama raadkiisa la cuskaday laakiin uu iska arkayey markii nala xaraashayey ayna waajibkiisa ahayd inuu markiiba kahor tago.

    Waxan hadda baarlamanka inta diiraysa ee dal inay leedaay is og, lama adlayo inta is moodday baasaboorka ay sidato inuu dhul u noqon doono e, waxan xusuusinayaa in ay arrintan hadda kabaha u gashadaan oo ay qaadaan tallaabooyinka Somalitalk u tilmaamay iyo tallaabo kasta ee ay iyagu ku sii tirtirayaan raadka arrinkan iyo raadka iman doona illeen burcaddii na xaraasheysey weli wey joogtaaye.

    Wabillaahi Tawfiiq.

  9. Mahad Illaah baah leh. Tilaabadani waxey daliil u tahay awooda ay yeelan karaan umad isla ogal inay difaacato dhulkeeda. Waxaa mahad balaaran u celin lahaa Somalitalk oo bixisay dadaalkii ugu badnaa ee lagu dufaacay dhulka ummada Soomaliyeed. Illaahay wuxuu yiri “xaqii baa yimit, Baadilkiina waa fashilmay mana soo noqon doono” Maanta waxaan leenahay ummada Soomaaliyeed dhulkeedii waa dufaacatey ku Iibsanlahaana waa fashilmeen Aduunkana waxay ku noolaan doonaan magac xumo iyo taariiq xumo Aakhrona waxaan rajaynaynaa inuu Illaah nooga jaro qayaanadii ay nagu sameeyeen.

    Sayid Maxamed Cabdulle Xassan wuxuu yiri “Aan garteena kala goosanee gogol inoo xaara hadiise kale Gaal Gaal dhaloow gaafa naga dhawr”
    Shariif iyo Pro Ibiyoow Ku bishaaraysta inay Ilmaha Soomaaliyeed Buugta Taariiqda idinka aqrin doonaan inaad damacdeen inaad dhul Soomaaliyeed shisheeye ka iib sataan.

  10. abuu munthir says:

    aad ayaan ugu faraxsanahay arintan aan maqlay ilin aya igatimid markaanarkay qoraalak midii horena oo waxa lagu sheegay MOU gana aad ayan uga naxsanaa waxan mahad gar ah u jedinaya somalitalk.com oo sifiican udaba galay arintaas oo maalin kasto aan ka aqrisan jiray aqbataas waana kufaraxsanahay mida labaad somalitalk.com waxan kacodsanaya inay wax badan kaqoran danbigaas dadkii galay si ay u noqoto wax lagu xisabtamao somalia waxa halkaan geeyey waa xisaabtan la anta marka dabagala dadkii danbigaas galay yaanan laga harin inta umada somaliya lahorkeenayo waxay galeen

  11. Waxaa mahad leh Allehii inoo soo celiyey dhulkaas la iska boobayey.

    Waxaan kaloo u mahad celinayaa bahda SomaliTalk oo dadaal dheer samaysay kana aamusin lugooyadii meeshaas ku jirtey.

    Waxaa kaloo waajibkoodii qabsaday Parlamientka FKG oo dadaal dheer sameeyey fashiliyeyna mashruucan Shariix Axmed, Kenya, iyo munaafaqa magaciisa lagu magacaabo Axmed Wallad C/la.

    Waa in Parlamientku ku dirqiyo ninkaas isku sheegay Shariif Axmed inuu saxeexo si uu go’aanku u dhaqan galo. Haddii uu diido waa inay shaqadooda qabsadaan.

  12. XasanBurhaan says:

    Waxaan halkan ugu hambalyeynayaa ummadda Soomaaliyeed hurdada ka toostay iyo warsidaha SomaliTalk.Com oo arrintani ugu shaqeysay aadna u faafiyay.

    Haddada, dadkii arriintani ka dambeeyeen waa in tallaabo laga qaadaa, laguna ceebeeyaa meel kasto ay ku sugan yihiin.

  13. Anab Abdulqaadir UK says:

    AC

    Waxaa mahad leh leh ilaaha casaawajalaha ah. Waxaan ku faraxsanahey in qiyaanadii keyna ku sameysey Somalia iyadoo kaashanaysa wadamo ka mid ah caalamka oo calooshood u shaqeystayaal ah ay fashilantey. Waxaana aan aad uga xumahey sida shaqsiyaad aan u qalmin masuuliyad ay ku dadaaleen iney arrintaas meel mariyaan iyagoo ay u geysey aqoon xumo iyo daneystenimo. Ilaahey waxaan ka baryayaa inuu kuwaas naga qabto, maxaa yeeley maba la socdaan adduunka waxa ka socda ee waxey ku yimaadeen meesha dhiigbaan soo daadiney iyo reer hebek ayaan ahey ee aqoon iyo wadaninimo ma keenin.

  14. Mahad Dhamaanteed Alle Sareeye bey usugnaatay,aad baan Shakhsiyan idiinka mahad celinayaa dadaalkiina iyo garshadiina dheer,sidaad sheegtena weli fara kama qodna,Aniga shaqsiyan waxaan kaloo Somalitalk ka codsan arinkale ayaa jirta oo ubaahan in la ogaado xaqiiqdeeda iyo ka hortageeda waa MARAAKIIBTA DAGAALKA OO BADEENA FADHIDA,Intay Kenya naga dhici lahayd kabadan ayeyna fadhiyaan waxaana la yiri qaanta ama Hantida umadda kale ee gacantaada ku raagta inaad leedahay baad umaleysaa,marka Somalia halis bey ku jirtaa waa ineynu laba arimood waxkaqabanaa:
    1.Burcadbadeed( licenka badeena lagu deganyahay)
    2.Maraakibta dagaalka badeena fadhida
    Mahadsanidin
    Dr Yusuf Issa

  15. OMAR says:

    SOMALI ALLAH CISADII IYO DADNIMADII HA U SOO CELIYO WAXAA ARRINTEEDA GACANTA KU HAYA CADOW SHISHEEYE IYO DABA DHILIF U ADEEGA

  16. wali says:

    As/al: mahadoo dhan Allaah ayay u sugnatay kaddib Somalitalk iyo qoraaladeeda iyo inta ka qayb qaadatayba aad ayay u mahadsan yihiin.
    Aragtidayda waa labo arrimood.
    tankoowaad waxaan u sheegayaa umadda Somaliyeed waxa la yiraahdo sharciga ma ahan mid ficilsameeya laakiin waa tuse kaliya, markii lagu daro awood ficil ah ayuu noqdaa waxtar, waxaan ola jeedaa dhulka, badda, cirka iyo dadka Somaliyeedba ma jiriro sharci ilaalinayo oo looga leexanayo haddaanan la helin cil kortaagan oo ku ilaashato sharcigeeda ciddaasna waa in la helaa dawlad somaliyeed ogaada haddaan sidan ku sii hirno inaad arki doontaan magaalooyinka caasimadaha ah ee soomaaliyeed ayadoodawlado warqado ola yimaadeen oo ay leeyihiin isfahambaan ku helnay ama warqad la,aan ay iska xariiqdaan iyaga oo oday qabiil ama hogamiye kooxeed ogolaasho ka ahaysto.
    Tankale haddii dawladdii bixisay dhulkayaga ay joogto oo aysan ka tanasulin inay qalad qaran gashay UN_ka miyaa maalinkasto na difaaci sow mid un mari marayso haddii tii hore lasoo celiyay?.

  17. As/c. magaceyga waa midka kor kuxusan, waxaana ahay arday jaamacad kadhigta dalka pakistan.
    runtii aad iyo aad ayaan ugu farxay markaan arkay qoraalkaan, waana guul usoo hoyatay dalkeena iyo dadkeena, isla markaana muujineysa sida uu eebe garabkooda uga baxay dhagar qabayaashi damiirkooda aan dareenka lahayn ku daadaheeyey in ay doorsadaan dalkoodi hooyo.
    waxaan mahada ballaaran usoo jeedinayaa alle kasokoow, shabakadda somalitalk, oo runtii door weyn kaqaadata in ay shacabka soomaaliyeed shaaca uga qaado wixi shaki kagalo.

  18. A/karim Af'ad says:

    Alxamdu lillaah, Allaa noo maqan haba is dhaho cadawgu ka faa’iidaysta intaad iyaga isku sii jeediseene.

    Somalitalk idinna waajibkii idin saarnaa ayaad gudateen, oo inkastoo ay laa shukra calal waajib tahay, hadana waxaa arin in la idiinka mahad celiyo mudan ah sida aad u dareenteen in xilkaasi aad isku daydaan inaad ka soo baxdaan oo cashar lama ilaawaan ah u dhigtay cid kasta. Cadawgay u dhigtay oo inaanaan anagoo dhami amarkooda qaadan oo isku jeedin ee aan leenahay dad baraarugsan oo waardiyaynaya Dalka iyo Dadkaba. Caado qaate ama mid la siray oo meel baan ku gaarsiinayaa lagu yiri bay u tahayoo in aanuu beenta loo sheegay meelna gaarsiinayn meelna ku gaarayn ayay u cadaysay. Shacabka miskiinka ah bay u tahayoo in koodii arka wax lagu dhagrayo ummadda ama Dalka uu si sahlan dhagartaas ku burburin karo haduu xoogaa juhdi ku baxsho ayay u cadaysay.

    Alle ha idinka ajar siiyo ee waardiyaha sii kordhiya oo sii baara heshiisyada hoose ee shisheeyaha lala galay ee saamaynta xun ku yeelanaya Dadka, Dalka iyo Khayraatkaba. Waxaa igu maqaalaa in ay jiraan kuwo badan oo Waqooyiga iyo Waqooyi Bariba ka dhaca ama ka dhici jiray oo ay darafyo ka yihiin ethiopia iyo shisheeye kalaba walow aanan intaa dhaafin karin.

    Waxaad u furi kartaan dadka bog sidaan oo kale ay idiinku soo gudbin karaan dadku wixii ay og yihiin oo heshiisyo dhacay ah idinkoo balan qaadaya inaydnaan magacyadooda gudbin karin.

  19. Waxaa mahad balaaran iska leh Allaah, kedibna ummadda Soomaaliyeed guud ahaan. Waxaan mid gaara u soo jeedinayaa bahda Somalitalk oo aad ugu mahadsan dadaalka dheeraadka ah ee ay ka gaysteen soo celinta hantida ma guuraanka ah ee jiilasha Soomaaliya.waad ku mahadsantihiin habeen & dharaar Soomaalinimada, waa mid aan ku dhaadanno, una baahan in la ilaaliyo si wadajir ah. Waxaan dareensanahay in qadiyadani ku suurogashay halgan dheer & kifaax ee aanaan hadiyad la inoo siin! Su`aashuse waa intaa ma la inooga haray mise damacyo kalaa jira? Somalitalk maxay ka leedahay adigiyo bahdaaduba? waa ku mahadsan tahay cid kasta oo af, addin & adeegba uga qaybqaadatay. Guulaysa. Midnimo.

  20. Hussein says:

    asc
    salaan kadib waxaan u bahad celinaa horta illaahay illaahas oo nooga badbaadiyey shirqoolkii kufaarta madow iyo caadaqaatayaasha aan damiirka lehayn ay ladamcsanaayeen umada muslimka ah ee soomaaliyee, mida kale waxaan u mahad celinayaa dhalin yarada somalitalk oo runtii aan dhihi karo waa dad fahmay waxay tahay wadaniyada oo aana rajeynayo inay dad diimeedyihiin, qoraalkaan markii aan aqriyey farxad daraadeed ayey indhahayga waxaa soo buuxiyey imo, runtiina waa qoraal qofkasta oo somali ah farxad ga linaya, waxaan markale leeyahay walaaha somalitalk illahay ha idin barakeeyo aaqira iyo aduunba, dadaalkiina siiwada illaahayna ha idiin fududeeyo baarintaanadiina iyo shaqooyinka aad haysaanba.

    wcww.

  21. Allah ayaa mahad dhamaanteed iska leh. Intaa kadib waxaan u mahad celinayaa bahda somalitalk.com oo runtii ka dhabeeyay micnaha magacooda, noqdayna kuwa isu taagay difaaca dalka.

    Intaa kadib, Soomaaliyeey; lax walba shilalka ay is dhigto ayaa lagu qalaa. Haddaan dalkeenna si wada jir ah isugu wada xilsari lahayn cid waliba nama hunguriyayseen. Haddaba dadaalka aad galisaan danaha shakhsiga ah mid la mid ah in la galiyo danaha guud ayaa dalka looga dhacsan karaa cadowga hororka ah.

    Al-xamdu-llillahi rabbil caalamiin

  22. ASAD says:

    Maasha allah well done Somalitalk iyo dhalinyaradii iyo intii kasoo horjeesatay shirqoolkii ay soo maleegeeen Gumaystaha iyo dhuuni qaatayaasha ku qaraabta magaca soomaaliyeed. mar labaad waad ku mahadsantihiin difaacida dalka hooyo Naf maalba waa waajib nawada saaran inaan difaacno waana inaan habeen iyo maalinba u soo wada jeednaa ka warqabka waxa ay samaysnayaa dhuuni qaatayaasha
    VIVA SOMALITALK

  23. xaqudirir says:

    dhaca badayda shuriifku dan ayuu kalaha kenyana dan yay ka lahayd allaahna tusid ayuu karabay shacabkaygana duli bay ku ahayd
    shiriifka gaajada oo soo dhubatay ayuu geed dheer ka fuulayay
    keenyan waa nin ku dilay hadhkuuma jiido
    allaah wax uu nabaray dadka aan masuuliyiinta ahy ee na hortaagan
    dadkagana iygoo haad iyo haanraawe ka dhrgay ayay is haystaan waar isdaa aan maatada yadada ka celiyaa wax kastaba colaadaada igag wayn ayuu yidhi kii wax haystay

  24. farhandhere says:

    Mahad waxaa iska leh,waxaan kaloo aad ugu mahad celinayaa muwaadiniinta Somaliyed ee iska xilsaartay siiba Somalitalk oo aan dhihi karo aad ayay ugu amaanan yahiin inay ku soo jeediyeen indhaha dadka somaliyeed dhaca loo gayasan lahaa badooda iyo dhulkooda,waxaaa wax laga xumaada inay Dawald noo yahiin dad ka aradan nidaam Dawladnimo iyo xitaa Somalinimo iyo Islaanimo

  25. marka hore waxaan u hanbalyeeynayaa bahda somalitalk sida aay u toosiyeen dadka soomaliyeed ee hurda marka xiga waa ilaah mahadii hadii dhagar qabayaashi aay fashilmeen,waxaan talo ahaan soo jeedin lahaa in aan sidaa looga harin ee maxkamad la soo taago

  26. way ku mahadsan yihiin bahda somalitalk Oo runtii ah dad aqoon durugsan leh dadaal kii dheeraa Ee ay u mareen soo dhicinta Xaqa somaliyeed Oo dad dana Gaara leh Oo aqoon lahayni isku dayeen inay iibsadaan Badda somaliyeed
    taariikh-da ayaa xusi doonta kuwii isku deyey inay dalka dhiibaan iyo kuwii difaacay
    weligeed haloo xasuusnaado somalitalk hawshaas ay u qabteen qarankeena qalinka lagu xadi lahaa

  27. Liibaan says:

    As wr wb dhammaan walaalaha somaliyeed..
    waxaa Mahad aan al koobi karin iska leh Allaha na abuurtay suurtagalna ka dhigay in ay fashilanto dhacdadii la damacsanaa in lagula wareego baddeena.
    waxan kaloo rabaa In aan halkan mahad weyn uga jeediyo bahda somalitalk iyo walaalaha tooshka ku ifiyey dhacdadaas..
    waxaan anigoo ah muwaadin soomaaliyeed oo jecel dalkiisa
    rabaa Inaan webkan http://www.somalitalk.com u doorto website-ka sanadka 2010
    Ilaah ha idin guuleeyo walaalayaal..waxaad difaacdeen dal beylah ah, iyo dad lunsan

    wcs wr wb
    stockholm
    sweden

  28. Hakim cheng says:

    Mahadi Ha idinka gaarto.
    Somalitalk.com oo ah website kali ah ee Soomaaliyeed ee wax macne leh qora. Thank you for your hard work. It cheap to write ones idea but it’s not cheap to do research and publicise it as you did it, which eventually produced a historic result. Please ask donation to do your job, I will be the first to offer.

  29. Mahad Oodhan Waxaa Iskaleh Allaah Suxaanuhu Watacaalaa Oonaga Qabtay Dhagarta Cadawga Soomaaliya Iyo Caada Qaaataha Nagu Magaacaa
    Intaakadib Waxaan Umahad Celinayaa SOMALITALK Sida Ay Isugu Hawshay Danta Umada Soomaaliyeed Iyo Khayraadkeeda Alla Haku Abaal Mariyo Wanaag Sidookale Waxaan umahad Celinayaa Cidkasta oo difaacday Danta Iyo Dalka Soomaaliya Waxaana Idinka Codsanayaa Inaad Sii Laba Jibaadhaan Dadaalkiina Iyo soo Bandhigidiin Siraha Cadawgu Kudamacsan Yahay Inuu kudhaco Dalkaan Lagu Cayaaray Si, Waxlooga Qabto Ama Aytaariikha u.ahaato Si Cidiinool Ugu,xisaabtanto Waad Mahad,santihiin Mar labaad

  30. muuse axmed says:

    waxaa mahad leh ilaahii inoo soo celiyay xaqeenii iyo shabakada somalitalk oo ku dadaashay sidii ay ugu kuur geli lahayd hishiiska bada ee soomaaliya lagu khayaaneeyey

  31. Ascww
    Eebbe weyne ka sokow waxaa mahadda ugu balaaran leh bahda SOMALITALK oo isku darsaday aqoon iyo dareen-dheer.
    Illaahay waxaan uga baryayaa kuwa masuuliyadda umadda ee ay qaadeen khiyaameeyey inuu xaqa tuso oo aanay mar dambe shaati dawladeed ku khiyaamin dalka iyo dadka ay u dhaarteen, waa haday iimaan leeyihiine.
    Waxaan idinka rajaynaynaa inaad dadaalka halkaas ka sii waddaan.
    wscww

  32. Ahmed says:

    Assalamu Alaikum,

    AAD BAAN UGU FARAXSANAHAY IN ARRINTII FOOSHA XUMEYD LA SOO GABAGABEEYO.

    WALISE FARRI KAMA QODNA QOFKASTANA DADAALKA IYO DIIDMADA HALKIISII HA KA WADDO, KUWANI WAX KA XUN BAY KEENI KARAAN.

    DAWLAD WAAN U BAAHANNAHAY LAAKIIN DADKAN DUCUFADDA AH RUNTII LAMA BURBURIN KARO OO IN AAN KU MEEL GAARO AYAA ROON, TAARIIKH MADOW UUN BUU QOFKU KA TAGAYAA. INKASTOO MOORAYAAN UUSAN TAARIIKH GARANEYN, SABABTOO AH WAXUN MA SAMEEYEEN HADDII UU TAARIIKH MADOW YAQAAN. WABILLLAHI TAWFIIQ.

    WASSALAM

  33. Waxaan mahad dhamaanteed u celinayaa ALLAAH swt. waxaan aad ugu farxay maqaalkiina qiimaha iyo qaayahaya badan ee aad soo bandhigteen.waxaan mahad aan la koobi karin u dirayaa webka Somalitalk iyo maaamulkiisa gaar ahaaan ragii arintaan u u istaagay ifinteeda iyo dabagalkeeda, ilaaa aad maanta gaarteen gunaaanadkeedi. waxaaan idiin soo gudbinayaaa mahadcelin iyo hambalyo guusha aad u soo hooyseen ummada Soomaliyeed la.aantiinana ma soo hoyateen guushaan.Ummada Somaliyeed inteeda wax garata iyo wadaniyintedu waxay idiin hayaan abaaal aan la gudi karin waxana idin leeyahay ALLAAH abaalkiina janno haka dhigo .

  34. mohamed ismail says:

    as ca wa wa ,waa guul u soo hooyatay ummada somaliyeed ,
    barlamaanka somaliyeed wuxuu gartay waxay garan waayeen madaxweynaha , raisul wasaraha iyo dhamaan golaha wasirada oo dhamaantood difaaci jiray heshiiskaan kuna sheegi jiray mid qad ah isla markaana difaaci jiray wasiirki saxiixay heshiishkaan ,
    kuliikd waa dad wax magad ah ama kha’imiin ah oo aan mas’uliyad somaliyeed qaadi kari , indhahooda oo shan ah baa hoosta waxaa loo gashay heshiis lagu dhacayo kheyradda ummada somaliyed , waxan ka cod saneynaa in dhamaan ay ka dagaan oo ay is casilaan ,
    wa bilaahi wa towfiiq
    mohamed a. ismail

  35. Salaamullahi Calaykum

    waxaan aad usoo dhowaynayaa go,aanka lugu diiday isfahamkii xagga badda.

    Waxaan aad u ammaanayaa oo weliba u ducaynayaa Shabakadda Somalitalk dadaalkeeda kusalaysan difaaca dalka.

    Somalida dhanwaxaan ugu baaqayaa in aysan dalkooda difaaciisa ka gaabin xaalada adag oo hada lamarayo

    Waad mahadsantihiin

  36. M.haji says:

    Aad ayan ugu faraxsanahay in Heshiiskii Is-Dabamaris ee Somalia(Koxda Shariif ee aana waxba kala socon siyaasadda Caalamka) & Kenya (dhiig miiratada Shacabka Soomaaliyeed) la bur-buriyay oo aana waxba kama jiraan kaga soo qaaday.

    Run ahaantii, akhbaartaan/faalladaan wxa iga deeqay cinwaanka kore.
    Mahadsanidiin Somalitalk.

  37. SHARCI AHAAN DAWLADDA KU MEEL GAADHKA AHI HESHIISYADA AY GAADHO,WAXBA KAMA JIRAAN MIYAA,MISE HADDII AY SIDAA TAHAY DAD WAX GARANAYAA HESHIISKAA MA SAXEEXIN,HADDII QARAMADA MIDOOBAY GARATAY IN KHIYAANO JIRTO WAA KU MAHAD SAN YIHIIN,QOLADII SAXEEXDAY WAA IN SOOMAALIDU SHARCIGA LA TIIGSATAA DHAMMAANTOOD WAA DAMBIILAYAAL AAN DAD IYO DAL TOONNA DAN KA LAHYN DANAHOODA GAARKA AH AYAY WAX WALBA KA HORMARINAYAAN,DAWLADNIMONA WAXBA KAMA YAQAANIIN,SOOMAALIDA WAXAA LA GUDBOON INAY KALA GARTAAN XABIIBKOODA IYO XAASIDKOODA,QOLADAN DAWLADDA SHEEGANAYSA TALO FARAHA UGUMA JIRTO EE HALAGA TASHADO,INTAANAY INTA HADHAY DALKA CID KALE KU WAREEJIN.

  38. Sultan: Bashir Abdi Mohamed (Garas) says:

    Waxaa yididiilo iyo raynraynba ugu filan ruux kasta oo qadiyad Soomaalinimo xambaarsan in uu fashilmay shirqoolkii lagu damacsanaa in lagu boobo khayraadka dhex ceegaaga iyo biyaha Somalia,iyadoo la doonayay in looga faa’idaysto xilliga Dawlad la’aanta ah,ee ay Soomaaliya hor-boodayaan dilaaliinta siyaasaddu.

    Mar kale waxaan u mahad-celinaynaa cid kasta oo gacan ka gaysatay sidii uu u guul daraysan lahaa mashruucaas xaaraanta ahaa oo ay ugu horeeyaan Barlamanka TFG iyo Websiteka Somalitalk oo waqti iyo dhaqaaleba u huran ka hor-tagidda masiibaddan bashariga ahayd ee ay hor-boodayeen Cabdirahmaan Abdi-shakuur iyo Jengali jiho- laawe,dubaha loo adeegsado dadka iyo dalka uu ku abtirsado.

    Waa guul,Guul eebbe.

    Sultan: Bashir Abdi Mohamed (Garas)
    e-mail: sultan.garas@gmail.com

  39. gambadhe says:

    Waa mahad ilaah. ilaaha noo badbadshey dhulkayagii. Ilaaha aan raalli ka hayn dulmiga.
    Sheekh shariif ma dooran dadweynaha somaliyeed, waxa doortey taageerayashii xisbigii ay sameysteen ee ay ugu magac dareen Ururka dib u xorreynta Somaliya. Iyo koox yar oo qabiilkiisii aheyd. waxa daba ka riixayey dad ajaaniba oon ka dhalan somalida. Dawladda Jabuti oo iyana dhinac qabyaaladeed ku taageereysey. Inkasto cumar Geelle uu u .
    ololayeeynayo dhisidda dawlado ay hoggaamiyaa dad ka soo jeeda qowmiyadda IRIR(D’jabuti, hargeisa iyo xamar)
    Sidaa darteed Dawladda Sh. sharif waa mid aan matali karin dadka somaliyeed, oo ku eg Qaab qabyaaladeed iyo siyaasad dad ajaaniba oo kaliya, danna aan ka laheyn dad iyo dhul somaliyeed.
    Waxaana muhiim ah in dadka somaliyeed ee daneeya dadka iyo dalka, ishana ku hayaan dhaq dhaqaaqa dawladan magac ku sheegga ah.
    Somali talk aad bey ugu mahadsantahey, Runtii Som.Talk ayaa ah tan badbaadisey dhul badeedka somaliya, ilaaheyna ajar iyo xasanaadba ha idinka siiyo.
    Guuleysta mar kasta , ilaah dartii.

  40. MOHAMED says:

    MANSHA LAAAH UMADA SOOMAALIYEED EE WADANKOODA IYO DIINTOODA JECEL HA NOOLAAAN DABVA DHILIFKA GAALADA HA DHACAAAN …..