Home » Warar »

Golaha Sharciyaqaanada Soomaaliyeed oo hogaan cusub doortay kana warbixiyey…

Shir ay shalay (March 12, 2010)  Magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha Sharciyaqaanada Soomaaliyeed Somali Low Society ayaa waxay uga hadleen waxyaabihi u qabsoomay Golahooda iyo waxyaabihii aan u qabsoomin tan iyo markii dhidibada loo tagay.

Shirka ay yeesheen Golaha Sharciyaqaanada Soomaaliyeed ayaa waxaa warbixin dhinacyado badan taabanaysay ka jeediyey Xoghayihii guud ee hore Avv Xasan Xeyle, wuxuuna sheegay in intii ay xilka hayeen ay wax badan qabteen, isla markaasna goluhu uu ku tilaabsaday guulo.

Falanqeyn iyo dood dheer ka dib ayaa waxay isku raaceen Golaha Sharciyaqaanada Soomaaliyeed inay doortaan hogaan cusub, waxaana u tartamay hogaanka cusub ee xilka Guddoomiyenimada labo sharci yaqaan oo kala ah Maxamed Barre Kuusow iyo C/qaadir Maxamed Muuse, waxaana ku guuleystay xilka Guddoomiyenimada Avv Maxamed Barre Kuusow.

Sidoo kale waxaa iyana la doortay Guddoomiye ku xigeenka Golaha, waxaana loo doortay Avv C/qaadir Maxamed Muuse, iyadoo Xoghayaha Guud ee Golaha sharciyaqanada Soomaaliyeed loo doortay Avv Xersi Xaaji Culusow.

Waxaa madashii shirka ka hadlay Guddoomiyaha, Guddoomiye ku xigeenka iyo Xoghayaha guud ee cusub, kuwaas oo balanqaaday inay si daacad ah u gudan doonaan xilka loo dhiibay, isla markaasna ay ka soo dhalaali doonaan waxyaabihii loo egmaday inta ay xilka hayaan.

Avv Xersi Xaaji Culusow oo ah Xoghayaha guud ee Golaha sharciyaqaanada Soomaaliyeed ayaa sheegay in golahoodu uu u doodo dadka dacwadaha kala duwan loo soo taago Maxkamadaha ee aan is difaaci karin ayuu yiri, isagoo intaasi ku daray inaysan u eegin dadkaasi ay u doodayaan Gobolka uu ka soo jeedo iyo xisbiga uu ka tirsan yahay midna.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Golaha Sharciyaqaanada Soomaaliyeed oo hogaan cusub doortay kana warbixiyey… "

  1. maxmuud says:

    Waxaan u hanbalyeynayaa Sharciyaqanada la doortay waxaana leeyahay dadka iyo dalka u shaqeeya sharcigana u difaaca uma soomaaliyeed ee meelkasta u halaagsan maanta waxa soomaali ka maqan wa sharcigee. wabilaahi towfiiq.