Home » Faallo »

Sheikh Sharif oo ka qeyb galay fadeexadda boobka cunada Danyarta (WFP) | Dr Ali Osman

 Xafiiska hanta dhowrka guud (Office of Accountability and Foresic Audit) ee Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalininta iyo meel marinta howlaha ay fuliyaan dhamaan Hay’adaha hoos yimaada ayaa muddo dheer wuxuu waday baaritaan lagu sameeyey habsami u socodka cunada loo diro Soomaaliya. Dacwado badan oo ka yimid dhinaca Soomaaliya ayaa sheegeeyay in cunadaasi inteeda badan aysan gaarin dadka tabaalaysan ee loogu talo galay. Eedaha ayaa lagu sheegay in cunadaas deeqda ah suuqa lagu gado si bareer ah, halka kumanaan Soomaaliyeed ee macluul la il daran aan la gaarsiin deeqdaas.

Xafiiska Hanti dhowrka (office of Accountability and Foresic Audit) ayaa baaritaan dheer ku suubiyey sadexda shirkadood ee lagu tuhmay lunsashada cunada WFP oo kala ah:

  • a) Abdulkadir Eenow
  • b) Abukar Omar Adaani
  • c) Mohamed Deylaaf

Baaritaankaas ayaa lagu cadeeyey inuu jiro xiriir u dhexeeya madaxda WFP ee Nairobi fadhigoodu yahay qaar ka mid ah iyo shakhsiyaadka Soomaalida ee kor ku xusan. Sidoo kale, waxaa lagu cadeeyey in ay cunada u gudbiyaan mucaaradka Dowladda la dagaalamaya. Abukar Omar Adaani iyo Eenow ayaa taageera Alshabab, halka Deylaaf ka taageero Xisbul Islaam.

Si hadaba loo daboolo musuq maasuqa, qaar ka mid ah madaxda WFP ee ay wada shaqeystaan raggan Soomaaliyeed ee tacabka ka suubiyey dusha shacabka macluulay ayaa u soo jeediyey in ay warqad ka soo qoraan madaxda dowladda oo ay ku taageerayaan howsha ay wadaan, gaar ahaan madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Sharif. Si loo daboolo 30 baabuur oo cunno ah oo lagu lunsaday degaamada Balcad ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Sida baaritaanka ku cad Madaxweyne Sheikh Sharif ayaa Dubai kula kulmay xaaska Abdulkadir Eenow, Marwo Khadija Osoble oo leh Hay’adda ugu weyn ee cunada qeybisa Gobolka Banadir. Baaritaanka ayaa lagu xusay inkasta oo an la cadeyn in ay Haweeneydu u dhiibtay Sharif Hassan (Shariif Sakiin) lacag dhan $100 kun oo dollar si uu uga dhaadhiciyo Madaxweyne Sharif inuu qoro warqadda. Jariidadda New York Times, ayaa qortay 03/10/2010, maanta in Madaxweyne Sharif uu qoray warqaddii taageerada ahayd isla bishaas September 2009 ee baaritaanka ku xusan.

  • “In September, Somalia’s president, Sheik Sharif Sheik Ahmed, wrote a letter to Secretary General Ban, defending Mr. Nur as a “very conscientious, diligent and hard-working person” and saying that if it were not for the contractors, “many Somalis would have perished.” Jeffery Gettleman, New York Times.

Sidoo kale Madaxweynaha Gabon Ali Bongo oo ah madaxa security council bishan oo aad uga carooday musuq maasuqa ay taageerayaan madaxda Soomaalidu ayaa yiri: ““We have to tell these folks that you cannot go on like this — we know what you are doing, you can’t fool us anymore, so you better stop,” said President Ali Bongo Ondimba of Gabon, who was at the United Nations, where his country holds the presidency of the Security Council this month.

Xafiiska Hanti Dhowrka Guud ayaa kolkii uu la qeybsaday dowladda Mareykanka baaritaankii uu suubiyey ayey sababtay in Dowladda mareykanku joojiso taageeradii WFP Somalia iyo taageeradii TFG dhinaca dhaqaalaha (Feb 20, 2009), house foreign relations hearing.

Warbixinta oo si official ah loo shaacin doono ayaa waxaa ku cad laba arrimood:

a) In Ganacsato Soomaaliyeed dhunsadeen cunadii loogu talo galay dadka tabaalaeysan

b) In Madaxda Soomaaliyeed lug ku leeyihiin, una sahlayaan ganacsatada khayaamada ay u geystaan shacabka Soomaaliyeed.

Bishan March ayaa la qaadi doonaa talaabooyin isugu jira ku dhawaaqid maxkamadeed, ganaax iyo soo celin hanta faro badan oo lagu ciqaabi doono shakhsiyaadii lagu helay musuq maasuqa.

Dr Ali Osman Muhummad

Director

Somalia Watch Group

somwatch@googlemail.com


DFKMG ilaa hadda si rasmi ah ugama laaban heshiiskii Is Afgarad:
https://somalitalk.com/2009/may/13/badda.html..

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Sheikh Sharif oo ka qeyb galay fadeexadda boobka cunada Danyarta (WFP) | Dr Ali Osman "

  1. cali halgan says:

    war jiraba cakaaruu iman , mahmaahdaasi waxay tilmaami tan iyo 1991kii ilaa maanta wixi madax sheegtay dalka soomaaliya mara laguma dooranin dana soomaaliyeed waxana dooranayay xoogag shisheeya ah oo u taagan in qaran soomaaliyeed ka kaco jabka ku dhacay , taasana keentay in madax ku sheegi dalka soo maray in ay (kaadi dibileeyaan ) ayagoo war baahinta ku adimaya waxan haysana aqoonsi caalami ah , iskana dhagatiraya in aqoonsiga dhabta ah uu yahay kad ka hesho ummaddada soomaaliyeed .

    sidaas darteed waxan leeyahay in sh. shariif lagu eedeeyo musuqmaasuq la yaab lah sababta oo ah hal xaaraan ahi ma dhasho nirig xalaal ah.

  2. Xassan Yare says:

    cabsi ayaa ku jirta in kursiga si sahlan looga tuuro haddii uu ka noqdo heshiiska , sababtoo ah ayagaa meesha geystay asaguna waa is ogyahay.
    Xassan yare.