Home » Warar »

Xafladdii Soo Dhaweynta Amiir Maxamuud Yusuf Ciise ee Toronto – Canada

Toronto- Waxaa xaflad soo dhaweyn ah oo loogu tala galay Amiir Maxamud Yusuf Ciise Geelle oo ka mid ah isimada Puntland lagu qabtay magaalada Toronto ee dalka Canada habeenkii Sabtida March 6-deeda 2010-ka kana dhacday Hotel-ka Holiday Inn ee u dhow airport-ka caalamiga ah ee Toronto. .

Halkan ka daawo sawiradii Toronto
 
Xafladdaas oo si aad u qurux badan loo soo abaabulay waxaa kasoo qayb galay dadweyne aad u tira badan oo ay wajigoodu ka muuqatay farxad iyo kalgacayl ay u muujiyeen Amiir Maxamud Yusuf Ciise oo dhawaanahaanba booqasho ku marayay  qaaradda N. America.
 
Amiir Mohamud ayaa khudbadiisa kaga hadlay Taariikhdada Soomalida wuxuuna sheegay in umadaha kale ay qortaan taariikhdooda laakiin Soomalida ay yihiin kuwo Taariikhdooda umada kale ay u qoreen.

Amiir Mohamud wuxuu tilmaamay in Soomalidu ay isku meel ka yimaadeen isku diin yihiin, isku luqad yihiin, isku midab yihiin. Waxaa daliil u ah oo xataa cilmiga sayniska casriga ahi uu sheegay in markii la baaray DNA –da dad soomaaliya oo degaano kala fog-fog degani ay isku mid noqdeen oo aysan waxba ku kala duwaneyn oo ay isku asal ka yimaadeen.

 Sidoo kale  taariikhda naloo qoray waxaa la yiraahdaa qaar badda ayey soo mareen qaarna kor iyo cirka ayey ka yimaadaan laakiin taas waa been waxaa u daliila ayuu dhahay Amiirku Soomalida taariikh ahaan lama hayo Reer Reerka kale Diinta soo galiyey oo ku qasbay ama luqadda ay lahaayeen u diiday oo mid kale ku khasbay.

Amiirka ayaa codsaday in taariikhda Soomalida la qoro lagana fagoodo wixii Soomalida kala dilaya wada dhalashadooda.
 
Xafladdaas oo uu daadihinayay C/rashiid Xasan Xirsi (Bakin) ayaa si wanaagsan warkii ugu qaybiyay ama u wadaajiyay  dhammaan odayaashi dhaqanka, aqoon yahanadi, culimaa’udiinki iyo abwaanadi xafladdaas ka qayb qaatay.

Waxaa ka mid ah ahaa marti sharaftii  ka hadashay  goobtaas kuwa soo socda :
 
1.     C/raxmaan Xaaji Nuur (Shagaxle)
2.     Cabdinaasir Cali Baalle
3.     Cabdi Xoosh Seed (Abdi Gaab)
4.     Eng. Axmed Mohamed Sh. Hussein
5.     Daud Ali (gabyaa)
6.     Fadumo Cali Nakruuma oo buraabur qiiro badan  goobta ka jeedisay.
 
Ugu Danbeyn waxaa xafladdaas qiimaha iyo qaayaha badan lagu khatimay duco iyo Alle bari loo sameeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed in Allah ka dulqaado dhibka haysto, midnamadoodana soo celiya ,kana dhigo kuwii is jecel had iyo jeer. AAMIIN .
 
Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise Geelle iyo wafdiga uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin
Dr. Cabdirasaaq Garweyne, Dr. C/qani C/llahi Khaliif iyo C/samad Cali Hashi waxay ilaa muddo asbuuc kale ah joogi doonaan halakan haddii Allah idmo si uu amiirku uga qayb galo kulamo khaas ah iyo casumaadyo kala duduwan oo kasoo gaaray jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Canada guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolada Puntland oo uu matalayo ama ka mid yahay isimada  ka taliya. Inshaa Allah kulamadaas uu amiirku la qaadan doono jaaliyadda si joogta ah ayaan idiinku soo tabin doonnaa ee la socda.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xafladdii Soo Dhaweynta Amiir Maxamuud Yusuf Ciise ee Toronto – Canada "

  1. Saciid says:

    Beelaha Degan Gobollada Bariga Soomaliya, gaarahaan Gobollada Boosaaso, Noobir, Caseyr, iyo Bari Cajim aad bay u soo dhaweynayaa Amiirka u soo baxay Soomaali idilkeyd. Maadaama aad tahay Madax dhaqameyd aad looga qadariyo Min Galgaduud, Soomaali Galbeed, Mudug illaa laga soo gaaro Caro Nugaal, haddanna hadaan nahay Gobollada Bari, Puntland, Soomaaliya waxaan ku leenahay aad baan kuugu han weyn nahay Taariikhda Soomaali Baal Dahab ayaa ka gelaysaa SHARAFTII DUNTAY NOO SOO CELI. waana ku xushmeenaynaa Yaa Sayid Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise Geelle.