Home » Warar »

Jaamacadda Islaamka ee Malaysia oo soo Dhawaysay Codsi uga Yimid Jaaliyadda Soomaalida

Kuala Lumpur: (1st March 2010): Taariikhdu markay ahayd 25th Feb 2010, ayaa waxaa kulmay guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Malaysia Dr. Maxamed Cabaas iyo agaasimaha guud ee xafiiska ardayda ajaanibta Associate Professor Dr. Jamaal Axmed Badi. Kulankan ayaa ka dhacay xafiiska “International Students Division” oo ka tirsan jaamacada caanka ah ee lagu magacaabo “International Islamic University Malaysia – IIUM).

Guddoomiyaha Jaaliyadda ayaa codsi u gudbiyey jaamacadda, codsigaas oo ahaa in Jaamacaddu marti-qaad rasmi ah “official invitation” u dirto safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Indonesia danjire Maxamuud Colow si uu safiirku uga soo qeyb galo tar-tan bandhig-dhaaqameed ay jaamacadu qabanayso, maamulka jaamacadduna si wanaagsan ayuu u soo dhaweeyey codsigaas.

Waxaa jira bandhig-dhaqameed lagu magacaabo “Ummatic Week” oo ay jaamacaddu qabato sanad walba, bandhig-dhaqameedkaas oo ardayda ajaanibtu ku soo bandhigaan dhaqamadooda kala duwan. Bandhig-dhaaqameedkan “Ummatic Week” waxa la furay maanta oo taariikhdu tahay 1st March 2010, waxa uuna socon doonaa afar maalmood. Habeenka ugu danbeeya tartankan waxaa ka soo qeyb gala madaxda sare ee jaamacadda iyo waliba safiirada wadamada ka qeyb galaya bandhig-dhaaqameekan oo uu fadhigoodu yahay Kuala Lumpur.

Hadaba waxaa xusid mudan in Soomaaliya aysan safaarad ku lahayn dalkan Malaysia, taas ayaa keentay in guddoomiyaha jaaliyaddu ka codsado jaamacada in marti-qaad rasmi ah loo fidiyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Indonesia, si uu uga soo qeyb galo habeenka ugu danbeeya ee natiijada lagu dhawaaqi doono. Booqashada safiirka ayaa la filayaa in ay dhiiri galin weyn siiso ardayda Soomaaliyeed ee ka qeyb galaya tar-tankan.

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2009 ayaa ardayda Soomaaliyeed soo hooyeen guul weyn ka dib markii ay ku guulaysteen bandhaqameedkaas oo ay ka qeyb galeen arday ka socotay wadamo aad fara badan. Waxaa kale oo xusid mudan in ardayda Soomaaliyeed ay kaalinta koowaad ka galeen tar-tanka bandhaqameed sanadku markuu ahaa 2000 iyagoo waqtigaas ka guulaystay wadamo gaaraya 90 wadan. Sanadkaas waxaa ahaa guddoomiyaha ardayda Soomaaliya Maxamduud Nadiif (Quraysh).

Maamulka Jaaliyadda Soomaalida ee Malaysia waxa uu ka codsanayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee Soomaalida degan Malaysia in ay ka soo qeyb galaan habeenka natiijada lagu dawaaqayo si ay taageero iyo dhiiri galin u siiyaan ardayda Soomaaliyeed ee ka qeyb galaysa tar-tanka bandhig-dhaqameedka “Ummatic Week 2010”.

Goobta lagu qabanayo tar-tankan waa:

Cultural Activity Centre (CAC),

International Islamic University Malaysia

Jalan Gombak, 53100 Kuala Lumpur

Dr. Cabdulqaadir Ismaaciil Shire (Dr. Daaci)
Madaxa Xafiiska Waxbarashada ee Jaaliyadda Soomaalida Malaysia
somalicommunitymalaysia@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Jaamacadda Islaamka ee Malaysia oo soo Dhawaysay Codsi uga Yimid Jaaliyadda Soomaalida "

  1. shahristani says:

    waxaan aad ugu farax sanhay qaabka wacan ay iskugu xiran yihiin somlaida malesia aad ayaana ugu hanbaleyenaya waxaana lee yahay: rabanaa yuxaqiq amniyatkum