Home » Warar »

Minneapolis oo lagaga dhawaaqay Urur Cusub (Islamic League of Somali Scholars in America)

Kulan ballaaran oo magaalada Minneapolis lagu qabtaya Sabtidii (Febraayo 27, 2010) ayaa lagu soo bandhigay urur cusub oo loogu magaac daray : Islamic League of Somali Scholars in America (ILSSA). Ururkaas oo la asaasay bishii December 2009, yoolkiisuna yahay in uu mideeyo culimada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Maraykanka iyo in uu ka shaqeeyo sidii jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Maraykanka ay diintooda Islaamka u sii xoojisan lahaayeen .

Halkan ka daawo Sawirro

Ugu horayn waxaa kulanka lagu furay Quraanka kariimka. Kaddib waxaa madasha laga soo jeediyey khudbado ku saabsan ururka iyo ujeedadii loo asaasay iyo heerarkii uu soo maray, iyo baahida keentay in ururkan laga hirgeliyo Waqooyiga Ameerika.

Bilowgii shirka iyo qaar ka mid ah hadaladii laga soo jeediyey HALKAN KA DHEGEYSO.

Aqoonyahannadii iyo culimadii ka hadlay kulanka waxaa ka mid ah Sh C/raxmaan Shariif, iimamka Masjid Daarul Hijra oo ka warbixiyey asaaskii ururka.  Hadalkii uu soo jeediyey C/raxmaan Shariif oo ku dheeraaday dhibaatooyinka soo wajahay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Waqooyiga Ameerika…. HALKAN KA DHEGEYSO

Waxa dadkii kale oo ka hadlay madasha ka mid ahaa iimaam Cabdi Yuusuf.. HALKAN KA DHEGEYSO.

Sawirka: Xubno ka tirsan Ururka

Ururka Islamic League of Somali Scholars in America (ILSSA) waxaa xubno ka ah : (Members Organizations)

  1. Dar Al-Hijrah Islamic Civic Center, Minnesota (MN)
  2. Ummatul Islam Center, MN
  3. Omar Sabri Prayet Center, MN
  4. World Peace Organization, MN
  5. Islamic Civic Society of America, MN
  6. Masjid Abubakar Assiddique, Coulmbus, Ohio (OH)
  7. An-Nur Islamic Center, Seattle, WA
  8. AL-Huda Community Center, San Deigo, CA
  9. Islamic Society of Portland, ME

Sawirka: Dadkii kasoo qayb galay kulanka

Waxaa kale oo waraaqaha loo qaybiyey dadkii ka soo qaybgalay madasha ku qornaa liiska magacyada iimaamyada asaasay ururkan oo kala ah:

  1. Sharif Abdirahman Mohamed, Mpls, MN, President
  2. Sheikh Ahmed Muhumed Burale, Mpls, MN, Vice-President
  3. Sheikh Abdikarim Ali “Abu Turab”, Mpls, MN, Treasurer
  4. Br. Abdisalam Adam, Mpls, MN, Secretary
  5. Prof. Abdulwahid Sheikh hOsman, Mpls, MN, Public relations
  6. Sheikh Ahmed Ibrahim “Tajir”, Mpls, MN, Member
  7. Sheikh Sa’d Muse Roble, Mpls, MN,Member
  8. Sheikh Garad Kahin,MPls, MN, Member
  9. Sheikh Mohamed Sh. Shahid, MN, Member
  10. Sheikh Ahmed Sh. Omar, OH, Member
  11. Sheikh Abdimajeed Sh. Omar, CA, Member
  12. Sheikh Abdirahman Abdighani, CA, Member
  13. Sheikh Mohamed Farah, CA, Member
  14. Sheikh Hussein Moallim, WA, Member
  15. Sheikh Mohamed Ileye, WA, Member

Hadafka ururkan oo ah NGO waxaa ka mid ah hagaajinta xiriirka Mujtamaca Islaamka ee ku dhaqan Maraykanka iyo qowmiyadaha kale ee ay la nool yihiin iyo in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Maraykanka loo xoojiyo diintooda Islaamka.

Waxa kulanka soo gabagabeeyey Sheikh Sacad HALKAN KA DHEGEYSO.

Warbixintii SomaliTalk.com ee Minneapolis.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.