Home » Warar »

Maxamuud Nuur Wardheere oo shaaca ka qaaday inuu yahay Musharax US Congress, Xisbiga Republican-ka

Maxamuud Nuur Wardheere ayaa xaqiijiyey in uu isu sharaxay Aqalka Cogress-ka Marayka, gaar ahaan xisbiga Jamhuuriga (Republican). Waxana uu la tartamayaa U.S. Rep. John Kline oo ka tirsan xisbiga Republican-ka (oo aqalka Congress-ka loo doortay 4-jeer) ee Degmada 2nd Congressional District.

Wardere plans bid for Kline seat
http://www.faribault.com/news.php?viewStory=97208

Somali immigrant will challenge Kline for GOP nomination
http://politicsinminnesota.com/blog/tag/mahamoud-wardere/

Wardere to Vie for Senate
http://muslimmedianetwork.com/mmn/?p=5831

Warbixintii Campain-ka hoose ka akhri,

Maxmuud Nuur Wardheere oo shaaca ka qaaday inuu yahay Musharax US Congress

Mudane Maxmuud Nuur Wardheere oo degan Minnesota USA ayaa shaaciyey inuu rabo inuu ku biiro US Congress ee Washington DC. Wardheere oo aad loogu yaqaano dadaal ku saabsan ardada Soomaaliyeed iyo waxbarashadooda mudo dheer ka soo shaqeeyey gudoonka waxbarashada ee Minneapolis ayaa waxaa uu sanadkii 2001kii u xuubsiibtay siyaasadda maraykanka. Wardheere Waxaa uu hore isugu soo sharxay Duqa magaalada Minneapolis asagoo markaas independent ahaa. Wardheere waxaa kale oo lagu yaqaanaa adeegii wacnaa ee uu mudadada lixda sano u hayay umadda Soomaaliyeed markii uu mudadaas dheer la shaqeynayay Senatoorkii hore ee Norm Coleman. Wardheere sida dadka yaqaan isku raaceen mar walba arrimaha Soomaaliya mowqif fiican ayuu ka qaadan jirey waana mowqifka danta dadweynaha

Wardheere waxaa aad loogu bogaadiyey sida uu saaxiibkiisa Norm Coleman oo ahaa xisbiga Jamhuuriga ama republican uga dhaadhiciyey muhiimadda ay leedahay u adeegidda Soomaalida taasoo dad badani ka yaabisay sababtoo ah xisbigaas laguma aqoon inay daneeyaan dadka immigrants ah ama laga badan yahay. Wardheer e waxaa uu samaystay taariikh fiican ama record fiican oo ah inuu yahay nin Soomaali dhab ah oo Soomaalida jecel danahoodana ka shaqeeya. Maanta Wardheere waxaa uu tartan u gelayaa doorashada Congresska ee degmada labaad ee Minnesota. Doorashada weyn ee dadweynaha waxaa ka horeysa isreeb reebka hore (primary) qofkii xisbiga jamhuuriga ka soo gudbo ayaa u gudbaya doorashada weyn. Doorashadan waxaa lagu loolamayaa waa wufuudda (delegates) Jamhuuriga dhexdooda.

Mudane Wardheere qorshayaashiisa (agenda) gudaha waxaa weeye inuu wax ka qabto shaqo la’aanta iyo faqriga ku sii badanaya degmada labaad ee Minnesota. Qorshahiisa dibadda waxaa weeye in si dhaqso ah loo soo afjaro dagaalada maraykanku ku jiro iyo in la qeexo macnaha dagaalada badan ee dawladda maraykanku lugta ku leedahay iyo in la joojiyo dhaqaalaha la siiyo dawladaha dictatooriyadda musuqmaasuqa ah ka taliyaan sida Xamiid Karzai iyo Nuuri Al Maaliki iyo Cali Abadalla Saalax iyo in la taageero human rights shacabka ku nool Kashmiir iyo Soomaalida deggan Ethiopia kuwaas oo in ka badan mudo 60 sano xuquuqdooda lagu tumanayey. Qorshayaasha Wardheere waxaa kale oo ka mid ah In lala xisaabtamo hay adaha UN ama UNDP ama NGO Nairobi fadhiya ee sheegta inay dhaqaale badan ku bixiyaan Soomaaliya kuwaas oo aan waxba laga arag waxtarkooda iyo in Soomaaliya dawladda maraykanku qirato qaldaadka siyaadaddeeda ku wajahan Soomaaliya isla markaana faraha kala baxdo ama si danta Soomaalida ku jirta wax loo taro.

Wardheere waxaa uu aaminsan yahay in siyaasadda maraykanka eek u jeeda Soomaaliya qalad badan ka buuxo Obama siyaasadiisuna qaldan tahay . Dadka Soomaaliyeedna dhib badanbaa ka soo gaartay arrintaas waa in aan qiranaa qaladkeena oo ka dibna saxnaa. Halku dhegga ololaha doorashada Mudane Wardheere waa “ aan u gudbinno caruurteena barwaaqo iyo nabad sida keliya ee lagu heli karaana waa inaga oo dadka kale nabad gelina markaas ayaan nabad helaynaa iyo barwaaqo.

Axmed Cali Campaign Volunteer

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Maxamuud Nuur Wardheere oo shaaca ka qaaday inuu yahay Musharax US Congress, Xisbiga Republican-ka "

  1. Cali Faarax says:

    Wardheere marka hore Guul ayaan kuu rajaynayaa. Wardheere Aqoontiisu xagee ayey gaadhsiisan tahay, Jaamacad ma ka baxay ? Shahaado noocee ah ayuu haystaa? Su’aalahaas waxay door weyn ka ciyaarayaan Guusha Wardheere, hadii kale waxay noqonaysaa Caadifad aan cilmiyeysnayn sida Siyaasada Somaaliya. Maraykan waxay dadka ku qiimeeyaan heerka Aqoonta Jaamacadeed!

  2. Ahmed Gedi says:

    kani waxba heli maayo laakiin waa muuqataa inuu filinka jili yaqaano oo uu waxan mudo ku soo dhex jirey oo uu qibrad u leeyahay waana soomaali dhab ah oo nadiif ah. iska dheh dadaal fiicaan. kuwa professorada sheegta hadday sida wardheere dadaali lahaayeen dadkooda waxbay tari lahaayeen laakiin waxay ku mashquuleen waxwalba cayn iyo waxqabad la’aan.

  3. waaweynka says:

    mudane wardheere waan dhiiri gelinaynaa mahigaaga iyo hankaaga, waa talaabo horu mar leh taasi oo sii qeexaysa dadaaladaadii hore ee lagugu yaqiiney waxaan aaminsanahay in aad kamira dhalin kartid damacaaga geesi nimo hadaan nahay somalida america gobolkii aan rabno aan joognee waan ku qanacsanahay dadaalkaaga horana waanu kaaga aragnay waxtarkaaga .

    horay usoco dibna hasoo eegin

  4. Jamac says:

    Talaabada wardheere qaaday waa mid aad u wanaagsan Somalida looga baahan yahay wixii kaalintooda kaga beegan in ay isu garab taagaan Wardheere, sababtoo ah waxaa guul ah in nin Soomaali ahi maanta hamigiisu noqdo in uu Congarrayska galo, isaga oo aan joogin dalka mudaa aan gaadhsiisanayn 30 sanno, isla markaana mawjado waaweyn soo dhex jibaaxay.
    waxa kale oo guul ah in aynu haddii ilaahay qadaro cod ku yeelano gudaha Congarrayska ay tahay arrin faa,iido ugu jirto Somali oo qadiyado badan oo si qalad ah maraykanku loogu sheegay bilawgii lagu saxi lahaa gacta la saaro, waxaan leenahay Wardheere waad hanwanaagsan tahay hore u soco oo guulayso insha alaahu