Home » Warar »

Hay’ad kuwa Caruurta ah oo Cambaareysey Duqeymaha loo geysto Goobaha ay degen yihiin Dadka Rayidka ah

Hay,ada SOCHRO, oo ah Hayad u dooda Caruurta ayaa Cambaareysey Duqemaha markasta lala beegsado Goobaha ay degen Yihiin dadka Rayidka ah  Guddoomiyaha Hay,adda SOCHRO- Mr. Mataan Ali Hassan oo ka hadlayey Duqeymihii ugu dambeeyey, ee ay Geysteen Ciidamadda AMISOM, Oo Dad Badan Oo Rayid ah ay ku Xasuuqeen, waxaana dadka ay Inta badan uu sheegey in ay ahaayeen dad rayidka oo gaaraya 60 ruux kuwaas oo la  la geeyay isbitaalada ka Howl-gala Magaalada Muqdisho iyadoo qaar ka mid ah

Halkan ka daawo sawirada
 
Dhaawacyadaasi ay u Geeriyoodeen, Tiradda Geeridda Waa 15 Qof, Oo ay ka mid Yihiin, Qoys ka Kooban 3- Caruur iyo Waalidiintooda, Oo Ku Sugnaayeen Gurigooda, Waxaan sidoo kale Aan Cambaaraynaynaa Dowladda FKMG, Oo aan ka hadlin Xasuuqa Dadka Rayidka ay ku hayaan Ciidamadda AMISOM Oo Adeegsanaaya Hubka Halista ah,
 
Waxaan Sidoo Kale Aan Cambaaraynaynaa Maleeshiyadda Al-Shabaab iyo Xisbul- Islaam Oo Dhiiga Dadka Rayidka, Caadaystay in ay Daadiyaan, Oo aysan u Turin Dadka Rayidka Oo Muddada Dheer Dagaalada Kusoo Dhexjiray Waxaan Usoo Jeedinaynaa in ay Dhowraan Dadka Rayidka Oo Aan Wax-ba Galabsan, Sida Caruurta, Haweenka iyo Dadka Da,ada ah, Dadkaas Oo Maanta Aan Awoodin in ay ka Qaxaan Degaanadda ay Ku Nool-yihiin
 
 Waxaan Ka Wal-walsan, Nahay Xaalada Bani, aadnimo Ee Ka Ka siidaraysa Ee Ka Jirta goobaha Lagu Barakacay, Ee ah Inta u Dhaxaysa Magaalada Muqdishu, iyo Afgooye,  Gaar- ahaan Koofurta iyo Bartamaha Gobolada Soomaliya, Iyadoo Shaqo Joojin Lagu Sameeyay Hay,ada WFP- Somalia, Iyo Hay,adda Samafalka Ee Ka Shaqeeya, Howlaha Gar-gaarka Bani,aadnimada, Waxay talaabadaas ay Dhaxli Doonto, Xaalad Qatar ah.


 
Waxaan Ugu Baaqaynaa Madaxda Al- Shabaab in ay Fasaxaan Hay,adda WFP- Somalia, si ay u Bilowdo Howlaha Raashin Qeybinta ay Ka Waday Koofurta Soomaliya, Si Loo Badbaadiyo Dadka u Dhibaataysan, Oo ay Ka mid Yihiin Caruurta, Haweenka, iyo Dadka Da,da ah, Waxaan Kaloo Ka Codsanaynaa in ay Joojiyaan Madaafiicda ay Ku Soo Ridaayaan Goobaha ay Ku Sugan Yihiin, Ciidmada AMISOM, iyo Dowlada FKMG, Si ayasn Ciidamada AMISOM, u adeegsan Hubka Culus, Waxaan u soo Jeedinaynaa Dhinacyadda Isku- Haya Siyaasadda in ay Wadahadal Ku Dhameeyaan Khilaafaadkooda, iyo Nabaddana Fursad Siiyaan.
 
Waxaan Ka Codsanaynaa Hay,adaha Samafalka Ee Ka Howlaga Koofurta iyo Bartamaha Goboladda Dalka in ay Sii Wadaan Howlahooda Ga-gaarka Bani,aadnimo ay u Hayaan Dadka Rayidka Oo Dagaalada Ka Barakaceen, Oo aan Haysan, Agabyadda Muhiinka ah  Ee Lagama Maar-maanka U ah Nolosha Bani,aadamka, Iyadoo La Dhowraayo Xeerarka Caalamiga Ee Dadka Barakacayaasha ah.
]
Hay,adda SOCHRO,  Waa Hay,ad Difaacda Xaquuqda Caruurta Soomaliyeed, Una-Dooda, Xubin Ka ah Hay,ada Isku-xirka iyo Ilaalinta Caruurta Banadir, Child Ptotection Network Mogadishu- Somalia, (BCPN), Hay,adda SOCHRO Waxay Kaloo Ka Shaqaysa Howlaha Gar-gaarka Bani,aadnimadda, Hay,adda Fadhigeedu Waa Muqdishu- Somalia, Waxayna  Ka Howl-Gashaa Koofurta iyo Bartamaha Goboladda Somaliya.
 
 
F.G. WAA IN LA DHOWRNAA XAQUUQDA CARUURTA SOMALIYA.
 
Mr. Mataan Ali Hassan
Chairman of SOCHRO
 
Somali Child Rights Organization (SOCHRO Somalia)
Location Address:
HQ: Mogadishu-Somalia
Office: 2521-854260
Mobile:2521-5577977
E-mail: sochrosomalia@gmail.com
E-mail: sochrosomalia@hotmail.com

Waxaa soo tebiyey
Amiin Yuusuf

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.