Home » Maqaallo »

Sifooyinkee lagu xulan jiray saxafiga idaacad ka shaqeynaya?

“waxaan ugu jecelahay wariye hebel sababtoo ah aad buu u cod macaan yahay, Suurto galna ma ahan in aan dareenkayga meel kale u duwo ilaa uu idleeyo aqriska warbixinta” waa oraahyo aad maqli karto in badan marka laysla soo qaado idaacadaha iyo wariyayaasha ka shaqeeya.

Waxaa kaloo iyana suurto gal ah in ay dhegahaagu maqlaan hebel ama heblaayo kuma haboona in ay television ka hadlaan, hebel iyo heblaayo waxaa ay ku fiicnaan lahaayeen wargays in ay ka shaqeeyaan iyo ereyo kale.

Hadaba, maxay tahay qodobada lagu xulan jiray wariyaha idaacada? Suaashaas in badan baan is weydiiyay markii aan arkay qaab xulusho iyo qiimayn la aanta ka jirta shaqada saxaafada. Waxaan la sheekasytay wariyayaal Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda soo shaqeeyay berisamaadkii si aan jawaab ugu helo suaashaan. Jawaabaha aan helay, oo isku dhowaa, ayaa waxay noqdeen sadex qodob kuwaas oo in badan oo ka mida wariyayaasha hore ee soomaaliyeedna lagu xushay berismaadkii xiligii ay shaqo galayeen..

Wariyaha ugu horayn waxaa lagu qaadan jiray in uu ku wanaagsan yahay qoraalka afka Somaaliga iyo isticmaalkiisa.wariyayaashu waxaa laga doonayay in ay garan karaan noocyada weedhaha Soomaliyeed iyo sida ay isu raacaan ficilada, jumladaha iyo meesha ay ku haboon yihiin. Hadaan si kale u dhigo,isticmaalka ereyada la xiriira labka iyo dhediga iyo ereyada muujinaya jamaca iyo kelida ayaa u baahan in si gaara loogu fiirsado.

Tusaale,hadaad qorto weedh loo aqrin karo sidan: “wariyuhu waa in uu afka Soomaaliga si fiican u yaqaanaa”.bal eeg qaladka meesha ka muuqan kara hadaynaan ka taxadarin. Waxaan isticmaalnay weedh u gaara wariyaha labka ah oo keliya, ayadoo laga yaabo in ujeedadeenu ahayd in aan la hadalno dhamaan wariyayaasha isugu jira wiilasha iyo gabdhaha.

Tusaale kale, hadii aad qorto jumlad loo aqrin karo sidan: golaha deegaanka waxay ka shireen sidii wax looga qaban lahaa biyo la’aanta baahsan ee ka jirta magaalada. Waxaan ognahay in Goluhu jamac yahay, balse waxaa lootix geliyaa in uu mid yahay. Waxaa kaloo halkaan aynu ka qaadan karnaa muhiimada ay leedahay sida wariyayaashu ay taf ugu yihiin luuqada soomaaliyeed iyo weliba luuqadaha kale sababtoo ah luuqadahaasi kalena waa u sahay saxfiga.

Sidaasi si lamida ayay saxaafada u ilaalisaa qoraalka luuqadkasta. Hadaanay wariyayaasha Somaalida ilaalin qoraalka iyo micnaha weedha soomaalida waxaa ka dhalan karta in aanay dhagaystayaashu fahmin micnaha qoraalka, isla markaana ka sii jeestaan dhagaysiga warbixintaa ama warkaasba.

Marka xigta,waxaa wariyayaasha idaacada lagu xulan jiray cod idaacadeed soo jiidasho leh. Codka macaan, oo hibo Alle bixiyo ah, oo lagu laray hanaan aqris wanaagsan, ayaa loo arkaa in uu qayb weyn ka qaato tirada dadka ku xirnaan kara idaacada. Sababtoo ah qof kastaa waxaa uu jecel yahay maqalka cod soo jiidasho leh. Waana taas mida keentay in ahmiyad gaara la siiyo in wariyaha ka hadlayaa idaacad lagu imtixaano codka. Waxaan xusuustaa in laba idaacadood oo aan ka soo shaqeeyay, oo kala ahaa Codka Shacabka iyo HornAfrik, markii aan ku biiraayay, layga qaaday imtixaan codka ah.

Waxaa suura gala in aad is weydiiso wariyayaasha aan lahayn cod idaacadeed fursadooda shaqo ee xaga saxaafada waxa ay noqon karto. Waxaa jira qaybaha qoraalka iyo soo saarida barnaamijyada kuwaas oo ay ka faaiidaysan karaan. Waxaana xusid mudan in raadiyow Muqdisho uu lahaa qaybta idaacada, oo agaasime gaara lahayd iyo qaybta SONNA, oo ayaduna agaasime gaara lahayd. Labadaasi qaybood ayaa waxaa ka shaqeyn jiray wariyayaal lagu xushay qaybaha ay ka shaqaynayaan oo kala ahaa codka iyo qoraalka. Imtixaanada la qaadi jirayna waxaa ay hadba ku xirnayd baahida qaybta.

Wariye kastaa waa in uu ku wanaagsan yahay qoraalka sdioo kale. Qoraal wanaagsanaantana waxaa uu ku yimaadaa hibo iyo tababar, laakiin codka macaan waa hibo Alle inkastoo tabar wariyaha loo siin karo hab aqrinta warka iyo barnaamijyada kala duwan. Taas laftigeeda ayaa ahayd in wariyaha loo xulo qaybta uu kaga wanaagsan yahay aqrinta sida warka ama barnaamijka.

Qodobka sadexaad ee lagu xulan karo wariyaha idaacad ka howl gelayaa ayaa waxaa ay tahay aqoonta guud ee uu leeyahay. Waxaana aas aas u ah in uu si fiican u yaqaano taariikhda, arimaha dhaqan dhaqaale, iyo siyaasadeed ee dalkiisa, wadamada deriska iyo caalamka intiisa kale.

Waxaa kaloo iyana muhiima in maanka lagu hayo inta ay la egtahay aqoonta wiilka ama gabadha wariyaha ah taasoo la xiriirta saxaafada ama aqoonta kale .

“Qalabka lagu shaqeeyaa waa

is bedeli karaa,

wariyayaasha xirfadooduna waxay

noqonkartaa mid sare,

laakiin qodobadan waa kuwo negi

sii ahaada mar walba

oo ay jirto xulasho wariye idaacadeed”

Ugu danbayntii, maanta waxaa yar in wariyaha lagu xusho qodobadaa aan soo sheegay. Wariyayaasha qudhooda qaarbay suura gal tahay in aanay ogayn meesha ay kaga fiican yihiin saxaafada. Ogow waa wax kuu wanaagsan hadii aad saxafi tahay in aad garan karto booska saxaafada kaaga banaan. hadii aad noqoto qof aan la socon meesha uu kaga haboon yahay saxaafada, waxaad la mid noqonaysaa cayaartooy weerarka ku wanaagsan oo isku dhibaya difaaca ama mid ku wanaagsan difaaca oo weerarka isku qasbaya. Amaba qof ku wanaagsan heesaha oo isku soo lug gooyay garoonka kubada lagu cayaaro. Cidkastoo xulanaysa ama shaqaalaysiinaysana wariyayaasha waxaa haboon in ay dhinacyadaas wax ka eegaan si loo helo radio tayo leh oo ay dhagaystayaal badani ku xiran yihiin.

W/Q: Mohamed osman New york

Nairobi, Kenya.

Email. Mnewyorkcx@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.