Home » Faallo »

Waa Maxay Valentine’s Day(Maalinta Jacaylka) – 14th February, Dhanka Sharciga iyo Asalkeeda | Maxali

Horudhac:

Waxaa naxdin ah in maanta dad Muslimiin ah ay xusayaan  Baadari Christan ah geeridiisa iyo Wax ay caabudi jireen Roman kii hore!. Waxaan galaynaa meel walba oo ay gaaladu galaan waxaana samaynaynaa wax walba oo ay gaaladu sameeyaan, xataa waxaan la galnay cibaadadoodii iyo xusaskoodii ay ku waynaynayeen dad ama wax ay caabudi jireen.

Haddaba waxaa loo baahan yahay in aan iska fiirino oo aan wax aqrino. Waa inaan ogaannaa waxa aan sameyneyno waa maxay? diintu maxay ka leedahay? yaana noo keenay?.

Qoraalkaan waxaan ku sharixi doonaa waxa uu yahay Valentine’s iyo halka uu ka soo bilowday iyo diintu waxa ay ka qabto.

Halkan ka akhri qoraal Faahfaahsan (pdf) – (Maalinta Jacaylka iyo shareecada Islaamka)

Asalka Valentine’s Day

Marwalba oo ay taariiqdu ku beegantahay 14 February waxaa dunida gaalada looga dabaal dagaa maalin loogu magac daray St. Valentine (Valentine’s Day) ama Maalinta Jacaylka, laakin waxaa iswaydiin mudan waa kuma ninkaasi? Maxaana loogu dabaal dagaa maalintaas iyo magiciisa Valentine maxaa keenay?

Valentine’s Day ama Maalinta Jacaylka waa xasuus ama xus la xuso Christian (Kirishtan) iyo Roman –kii hore. Marka aan isweydiinno kumuu ahaa Saint Valentine, muxuuna ugu xiranyahay xuskaas diimeed?

Maalintaas waxay bilaabatay xilligii boqortooyada Roman ka. Romain kii hore, 14th Ferbruary waxay u ahayd maalin ay weyneeyaan Juno. Juno waxay ahayd boqorad kamid ah Ilaahyada Roman-ka. Romans-ka waxay kaloo u aqoonsanaayeen Juno Ilaaha haweenka iyo guurka. Maalinta ku xigta oo ah ,15th February, waxaa bilowda xuska Lupercalia oo isna ahaa wax ay caabudi jireen. 

Taariikhda Valentine’s Day

Nolosha wiilasha iyo gabdhaha waa ay kala fogayd xilligaas. Waxyar ka hor u dabaaldagidda Lupercalia magacyada gabdhaha Roman ka waxaa lagu qori jiray warqado isla markaana waxaa lagu dhajin jiray sabuurad. Wiilasha dhalinyarada ah waxay ka dooranaayaan gabadha ay rabaan waxayna haysanayaan inta uu socdo dabaaldagaas, markaas kadib ayaa laga yaabaa in ay ilmo ka dhex dhashaan oo ay kadib is jeclaadaan ama is guursadaan. 

Maamulka boqortooyadii la oran jiray Emperor Claudius  II Rome wuxuu gali jiray dagaallo dhiig badan uu ku daato. Boqor-ka Claudius wuxuu ku dhibanaa in uu helo askar si uu u xoojiyo milatarigiisa iyo dagaallada uu galayo. Wuxuu rumaysnaa in aynan nimanka Romans-ka aynan rabin in ay ka tagaan jeceelkooda iyo qoysaskooda. Boqorkii Claudius wuxuu ka joojiyay Boqortooyadii Rome guurkii oo dhan wuxuuna mamnuucay in la is guursado si ninku uunan u yeelan qof uu ku xirnaado. 

Valentine xilligaas wuxuu ahaa Waziir dhinaca Kaniisadaha iyo Diinta kana tirsanaa dowladdii Claudius II. Isaga iyo Saint Marius waxay taageereen dhibanayaashii Christian (Kirishtanka) ahaa oo loo diiday guurka, dhowr qofna si qarsoodi ah ayay isugu dareen. Arintaas daraadeed Saint Valentine waa laqabtay waa la xiray waana la garaacayay ilaa uu ka dhinto. 

14th February ayaa waxaa dhintay Saint Valentine, sanadkiisii 270. Taariiqdaas Rome waxay ka noqotay mid khaas ah oo laxuso sanadwalba bisha February (Lupercalis), waana la faafiyay ayadoo lagu waynaynayo waxa ay ku sheegaan ilaaha Lupercalis.  

Madahibta Protestan (Protestant Christian Church)  ka ee Rome waxay iyadana dooratay ama aqoonsatay Saint Valentine’s Day (Maalinta Jacaylka Aduunka) in la dabaaldago sanad walba 14th February. 

Haddaba Diinta Islaamku Maxay Ka Qabtaa Dabaal Dagga Maalintaas :

Halkan ka akhri qoraal Faahfaahsan (pdf)

Qore: Maxamed A. Cabdi (Maxali)
maxali88@hotmail.com

Linkigan u dir Asxaabtaada: http://tinyurl.com/yktbljw

……………..

Fatwooyin iyo Waxa uu Islaamku Ka Qabo Maalintaas Halkan Ka Daalaco http://www.saaid.net/mktarat/7oob/index.htm 

Fatwo ku saabsan Ciidda Maalinta Jacaylka Aduunka ama (Valentine’s Day) iyo waxa uu Islamku Ka Qabo oo faahfaahsan: 

المفتي : مركز الفتوى بإشراف د.عبدالله الفقيه

عنوان الفتوى  : عيد الحب : أصله ـ وحكمه  
فتوى رقم  : 6735  
نص السؤال :  
ما حكم الاحتفال بعيد الحب، مع الدليل، مع بيان من قال بذلك من أهل العلم ؟  
نص الإجابة :  
الحمد لله والصلاة والسلام على رسول الله وعلى آله وصحبه أما بعد:

فالحب فطرة في النفوس ومن دين الإسلام ، وهدي الإسلام فيه معروف ، أما ما يسمى بعيد الحب فليس من هذا الباب ، بل هو من دين النصارى ، ومقاصده فاسدة ، كما سنبين . واحتفال بعض المسلمين بعيد الحب، أو ما يسمى بيوم “فالنتاين” سببه الجهل بدينهم، واتباع سنن الأمم الكافرة حذو القذة بالقذة.  
ويحسن بنا أن نبين أصل هذا العيد المزعوم ليقف عليه كل رشيد بصير فيتبين له حكم الشرع فيه دون شك أو مداراة. فنقول :  
يرجع أصل هذا العيد إلى الرومان القدماء ، فقد كانوا يحتفلون بعيد يسمى (لوبركيليا) في يوم 15 فبراير كل عام يقدمون فيه القرابين لإلههم المزعوم (لركس) ليحمي مواشيهم ونحوها من الذئاب، كي لا تعدو عليها فتفترسها.  
وكان هذا العيد يوافق عطلة الربيع بحسابهم المعمول به آنذاك، وقد تغير هذا العيد ليوافق يوم 14 فبراير، وكان ذلك في القرن الثالث الميلادي، وفي تلك الفترة كان حكم الامبراطورية الرومانية لكلايديس الثاني الذي قام بتحريم الزواج على جنوده، بحجة أن الزواج يربطهم بعائلاتهم فيشغلهم ذلك عن خوض الحروب وعن مهامهم القتالية.  
فقام فالنتاين بالتصدي له ذا الأمر، وكان يقوم بإبرام عقود الزوج سراً، ولكن افتضح أمره وقبض عليه، وحكم عليه بالإعدام وفي سجنه وقع في حب ابنة السجان، وقد نفذ فيه حكم الإعدام في 14 فبراير عام 270 ميلادي، ومن هذا اليوم أطلق عليه لقب قديس وكان قسيساً قبل ذلك، لأنهم يزعمون أنه فدى النصرانية بروحه وقام برعاية المحبين. ويقوم الشبان والشابات في هذا اليوم بتبادل الورود، ورسائل الحب، وبطاقات المعايدة، وغير ذلك مما يعد مظهراً من مظاهر الاحتفال بهذا اليوم. بل إن الغربيين من الأمريكيين والأوربيين يجعلون من هذا العيد مناسبة نادرة لممارسة الجنس على أوسع نطاق ، وتتهيأ المدارس الثانوية والجامعات لهذا اليوم بتأمين الأكياس الواقية، التي تستعمل عادة للوقاية من العدوى بين الجنسين عند ممارسة الجنس ، وتجعل هذه الأكياس في دورات المياه وغيرها . فهو مناسبة جنسية مقدسة عند أهل الكفر . فكيف سمح المسلمون لأنفسهم أن يتسرب إلى عوائدهم أو أن يلقى رواجا بينهم عيد هو من أقذر أعياد النصارى ؟ ! .  
ولهذا نقول: إنه يحرم الاحتفال بهذا العيد وبغيره من أعياد المشركين، فقد روى البخاري ومسلم عن عائشة رضي الله عنها أن أبا بكر دخل عليها والنبي صلى الله عليه وسلم عندها يوم فطر أو أضحى وعندها قينتان تغنيان بما تقاذفت الأنصار يوم بعاث فقال أبو بكر : مزمار الشيطان ـ مرتين ـ فقال النبي الله صلى الله عليه وسلم: ” دعهما يا أبا بكر إن لكل قوم عيداً ، وأن عيدنا هذا اليوم”. فالأعياد والاحتفال بها من الدين والشرع، والأصل فيما كان من هذا الباب الاتباع والتوقيف . قال ابن تيمية رحمه الله: (إن الأعياد من جملة الشرع والمنهاج والمناسك التي قال الله تعالى: ( لكل أمة جعلنا منسكاً هم ناسكوه) كالقبلة والصيام، فلا فرق بين مشاركتهم العيد وبين مشاركتهم سائر المنهاج. فإن الموافقة في العيد موافقة في الكفر لأن الأعياد هي أخص ما تتميز به الشرائع).  
ولم يقر النبي صلى الله عليه وسلم أعياد الكفار وأعياد الجاهلية، فعن أنس رضي الله عنه قال: قدم رسول الله صلى الله عليه وسلم المدينة ولهم يومان يلعبون فيهما فقال: “ما هذان اليومان؟ قالوا: كنا نلعب فيهما في الجاهلية. فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم: “إن الله قد أبدلكم بهما خيراً منهما: يوم الأضحى ويوم الفطر” رواه أبو داود والنسائي.  
ومن صفات عباد الرحمن أنهم لا يشهدون الزور ، ولايقعدون حيث يكون اللغو واللهو المحرم . قال تعالى: (والذين لا يشهدون الزور وإذا مروا باللغو مروا كراماً) [الفرقان: 72].  
وبهذا نعلم أن هذا العيد ليس من أعياد المسلمين ، بل هو عيد وثني نصراني ، وأنه لايجوز ـ تبعا لذلك ـ أن يحتفل به ، أو تكون له مظاهر تدل عليه ، ولايجوز بيع مايكون وسيلة إلى إظهاره ، فإن فعل ذلك من التعاون على الأثم والعدوان ، ومن الرضا بالباطل وإقراره ، ومن مشابهة الكفار في هديهم الظاهر ، وهذا من الذنوب العظيمة التي قد تورث محبة الكافرين ، فإن من أحب شيئا قلده ، ومن أحب شيئا أكثر من ذكره . والواجب على المسلمين أن يمتازوا بدينهم ، وأن يعتزوا بشعائره ، فإن فيه غنية وكفاية لمن وفقه الله وعرف حدود ما أنزل الله على رسوله صلى الله عليه وسلم . والله نسأل أن يبصر المسلمين ، وأن يرشدهم إلى الحق. والله أعلم.  
http://www.saaid.net/mktarat/7oob/15.htm 

Halkan ka akhri qoraal Faahfaahsan (pdf)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.