Home » Warar »

Machadka Caafimaadka Al-Abaadir oo ay ka qalinjabiyeen arday dhameysatay Koorsooyin Caafimaad iyo Computer

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday Al-Towba Fast Food ee Magaalada Muqdisho, waxaana xafladdaasi soo agaasimay Machadka Al-Abaadir, waxaana ka soo qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan, Waalidiin iyo Ardaydii ka qalin jabineysay machadkaasi.

Halkan ka daawo sawirada machadka
 
Ugu horeyn waxaa halkaasi warbixin dheer ka soo jeediyey Maamulaha  Machadka Al-Abaadir gaar ahaan qaybta Caafimaadka iyo Computer-ka ee Deegaanka Ceelasha Biyaha Guuleed Nuur Xaayow , waxa uuna sheegay in intii uu furnaa machadkaani ay ka qalinjabiyeen arday fara badan kuwaas oo maanta u haya hawlo caafimaad Bulshada Soomaaliyeed, waxaa kale oo uu sheegay in machadkaani uu yahay mid soo barbaariya ardayda yar yar ee dooneysa in ay heer ka gaaraan arrimaha caafimaadka.
 
Intii ay socotay xafladdaasi ayaa waxaa dhextaal u ahaa Riwaayad ay jilayeen qaar ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed taas oo la xiriirtay faa’iidada ay waxbarashadu leedahay, waxaana si weyn uga wada helay dadkii daawanayey, waxaa kale oo xafladdaasi ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda Xaquuqda Aadanaha ee Wanlaweyn Eng. Siidow Xasan Mahdi waxa uuna u mahadceliyey ugu horeyntii intii isku soo dubariday xafladdaasi, isagoo sheegay in caafimaadku uu ka mid yahay waxyaabaha ay baahida weyn u qabto bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna u soo jeediyey ardaydii ka qalinjabisay machadka Al-Abaadir in ay hawlo mutadawacnimo ah ka fuliyaan xarumaha caafimaadka ee ku yaala Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka, waayo ayuu yiri “Bulshada Soomaaliyeed waxay maanta si weyn ugu baahan tahay gargaarka caafimaadka”.

Waxaa kaloo Xafladaasi ka hadley Waalidiin , Masuuliyiin , Macalimiin iyo Ardey kuwaas oo  dhamaantood u mahadceliyey intii soo qabanqaabisey Xafladaas , Ardaydii ka qalinjabisay machadkaasi ayaa ugu dambeyntii waxaa la gudoonsiiyey shahaadooyin aqoonsi u ah waxbarashadooda, waxayna xafladdaasi ku soo gebagabowday sidii loogu talagalay.
 
W/D AmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Machadka Caafimaadka Al-Abaadir oo ay ka qalinjabiyeen arday dhameysatay Koorsooyin Caafimaad iyo Computer "

  1. Waa arrin dhab ahaantii aad iyo aad u qiima badan waxaase xusid mudan in annagoo ah bahda AL-ABAADIR Nairobi aan annaguna qabanqaabadeeda wadno xaflad an shahaadooyin ku guddoonsiin doonno arday dhameysatay koorsooyin ey ku barteen Luqada English-ka, Computer-ka iyo Saxaafadda insha’allahu mustaqbalka dhow.