Home » Warar »

Amiir Mohamud Yusuf Ciise oo Booqasho ku tegey Seattle, kuna wajahan Minnesota iyo Ohio

Seattle: Waxaa  ka dhacay magaalada seattle ee gobol ka washington soo dhaweyn heer  sare ah oo loo sameeyay Amiir Mohamud Yusuf Ciise iyo wafdi uu hagaaminayo oo soo gaaray magaladan seattle,xafladdan oo qayb ka ah socdaal uu amiirku ku kalabixinayo wadankan mareykanka iyo wadamo ka mid ah europe ayaa waxaa xafladdi ka dhacday magaalada seattle kasoo qayb galay dadweyne aad u fara badan oo noocwalba isugu jira waxaana ay u ahayd reer seattle habeen farxadeed.

(Halkan ka daawo sawirada)

Waxaana dadka wajiyadooda laga dheehan karay farxad iyo uriyaaqid ay u hay aan AMIIR Mohamud Yusuf Ciise ,waxaana ugu hareyn xafladda aayada qur’an ah ku furay sheikh ahmed yusuf waxaa kaloo lagu soo dhaweeyay c/risaaq warsame faarax oo isna ku dheeraada taariikhda Amiir Mohamud Yusuf Ciise iyo waxqabadkiisa inti uu ahaa AMIIRKA iyo ka horba waxaa kaloo halkaa ka hadlay dad fara badan oo uu kamid  ahaa xildhibaan ka tirsan DKMG iyo ugaasyo malaaqyo ka kala socday beelaha soomaliyeed ee ku dhaqan gobalkan WASHINGTON,waxaa kaloo halkaasi gabay,buraanbur iyo amaanba kusoo bandhigay Maamo Xaawo xaaji xasan oo aad ugu qoslisay dadki kasoo qayb galay xafladda,

Amiirka ayaa waxaa uu ka hadlay arimo fara badan oo ay ka mid tahay warbixin dheer oo uu kaga hadlayay wadanki Somalia ee uu dhahwaan ka yimid isagoo dadka ku booriyay in ay wax is taraan isna caawiyaan marnana aanay rajo dhigin , isagoo sheegay in laga gudbay waqtigii colaadda loona gudbay horumar iyo in la is garabsado waxaanu uu tilmaamay in dadki ku dhintay ama ku dhaawacmay dagaaladi sokeeye ee Somalia ka dhacay ay tahay nasiib darro iyo dad nooga dhintay caqli xummo balse inta hartay la badbaadiyo.

Amiirka ayaa asbuucyada soo socda socdaalkiisa ku mari doona gobolada Minnesota iyo Ohio.

(Halkan ka daawo sawirada)

Hassan sunni
Seattle,WA
hXnuur11@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Amiir Mohamud Yusuf Ciise oo Booqasho ku tegey Seattle, kuna wajahan Minnesota iyo Ohio "

  1. ALLAHA dhawro AMIIRKU & dhamaan isimada, salaadiinta, cuqaasha umadeyn qaaliga. waxa ay i la tahay in AMIIRKU waajib saaran uu gudanayo oo ah isku xirka dadka uu masuuliyada saartay & bulshaweynta kale ee soomaalida.
    waxa kale oo talo ahaan ku dari lahaa: in AMIIRKU ku dhiiri galiyo qurba joogta in ay u qabtaan dadkoodi ku noolaa dalka wax muuqda sida kaabayaasha nolosha (schools, sub roads, hospitals, security stations..etc).

    Wabilaahi Tawfiiq