Home » Faallo »

AL-Shiikh AL-calaamah maxamed saalax cuthaymiin(2)

Waxaan Qeybtii kowaad ku soo gabagabeynay kutubtii Shiikhu qoray qaarkood,waxaa kaloo jira oo aad u fara badan cajalladihii Shiikha laga duubay oo lagu qiyaasay 6000 oo saacadood oo sowt ah,kaas oo  dad fara badan oo Caalamka joogga ay ka faa,ideysteen, oon annigu ka mid aha sidaan hore u soo sheegay.

Waxaan tusaale u soo qaadan doonaa Nin Cadaan ah oo Islaamay oo Saleemaan la yiraahdo oo afka carabiga ah bartay ,si fiicanna kutubta Shiikha u dhageystay???

Saleemaan wuxuu maalin kasta qaataa afar saac oo uu saacad kasta uu kitaab Shiikhu leeyahay ayuu bartaa, markaas ayuu noqday ardeyda ugu fiican kuwa cajalladaha .

Culumadu waxay ka yiraahdeen:

Waxay ka yiraahdeen Cullumaddii la nooleyd Shiikha, aan ugu hormariyo Shiikh Yusuf
Qardhaawi daaciga Reer Masar ee ku nool Qadar ayaa wuxuu Shiikha ku tilmaamay:

( Nin Cimrigiisii oo dhan ba ku dhameystay Mucallimnimo,hanuuniye,muftinimo,macaallin Masjidka Xaramka sidoo kale Jaamicadda imaam maxamed bin Sacuud,Sidoo kale dadka oo dhan ayaa ula soo qasdi jiray fatwada iyo cilmi doonista kamana Bakhiili jirin in uu dadka wax barro.Wuxuuna ahaa Nin Raaca Adilada Kitaabka iyo Sunnaha, wuxuuna ahaa nin ka fog istustuska iyo mansab raadinta iyo jaah, Xataa waxaa dhacday ayuu yiri Shiikhu in sannadkii 1414 hijriyadda  la guddoonsiiyey Abaalmarintii Boqor Feysal se Shiikhu matagin kamana Khudbeen ee ruux buu u dirsaday si uu ugu soo qaado Abaalmarintaas, taasina waxay ku tusineysaa in uu ahaa nin ku mashquulsan cilmi iyo Diin kaliyah Allaah ha u Naxariistee.

Shiikhu wuxuu ahaa Culumada dhifka ah ee Allaah Qarnigaa u soo saaray ummadda , wax badan lama aanan kulmin sababtoo ah Shiikhu ma safar badneyn oo Wadankiisa Sacuudiga ah kama safri jirin, mutamarada Caalimiga ah ma imaan jirin ee wadankiisa ka baxsan.

Mar kaliya ayaan noloshayda kula kulmay magaaladda Madiina Munawara oo markaas uu ka socday  mutamar Caalami ah .

Allah ha u naxariisto Shiikh Maxamed bin Saalax AL-Cuthaymiin hana ka abaal mariyo wixii uu Ummadda u qabtay !!! Amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin.

(2) Waxaa kaloo Shiikha Gabay ugu Baroor Dhiiqay AL-Shiikh Caa,id Qarni uu leeyahay
      Faqiiheenii weynaa ayaa Adduunkii ka tagay, wuxxuna yiri :
      Ma Cilmigii baan u ooynaa mise Fadligii waan u argagaxnaa
      Dhibkii ayaa na wareershay wana u khushuucnay dhibkiisii
      Waxaan weynay ibnu Cutahymiin asaguna wuxuu la mid yahay
      Dhidibo waaweyn oo burburaaya .
 .
(3) Waxaa kaloo Shiikha gabay ku amaanay C/raxmaan Cashmaawi wuxuu yiri :
     Shiikhii wuxuu haleelay Dadkii Saalixiinta ahaa
     Maxaad qalbigeygoow u sheeganeysaa
     Maxaad indhaheygoow u oyneysaan.

35 sano ayuu ku Kitaab ka akhrinaayey Xaramka Makah:

Shiikhu yaraan ayuu ku bilaabay macallinimo asagoon wali ka qalin jabin machadkii Riyaadh, wuxuuna wax ka akhrinaayey Masaajidkii Cunayza ee Shiikhiisii C/raxmaan Sicdi, kadibna markii Shiikhiisii Dhintay asaga ayaa la wareegay Masaajidkaas Cunayza.
Se Shiikha Wuxuu muddo 35 sano ah waqtiga Xajka uu Casharo ka bixinaayey si ay uga faa,ideystaan Dadka Caalamka Islaamka ka soo xajinaaya .
Sidoo kale wuxuu wax ka akhrin jiray Masjidka Nabawiga ee Madiina Munawara iyo waliba Mutamarada ka dhaca Wadanka Sacuudiga  .

Dhimashadiisii :

                         Maalin Arbaco ah 15kii Shawaal sanadka 1421hijriyadda ayey Ummadda Islaamku weyday Caalimkeedii Samaaxatu Maxamed Bin Saalax AL-Cuthaymiin, wuxuuna jiray 74 sano, waxaa Shiikha ku dhacay jiro uu muddo la xanuunsanaayey, oo Shiikhu aad ugu sabray Allaah ha ka abaal mariyee.

Shiikhu waxaa ugu danbeyntii ku soo booday jiro loo maleeyey in uu sababay Kansar Shiikha Caloosha uga dhacay oo muddo haayey ,taas oo Shiikhu wax badan uu la galay Istibaalka xataa mar la geeyey Mareykanka, ugu Danbeytiina wuxuu Shiikhu galay Bishii shawaal Horteeda Istibaalka halkaas oo uu ku Dhintay Maalintii Arbacaddii Bisha Shawaal 15keeda ,Sannadkii 1421 Hijriyada.

JANAAZADII SHIIKHA OOY 500,000 KUN QOF KA SOO QEYB GASHAY:

Sida ay sheegeen Wargeysyadda ka soo baxay Wadanka Sacuudiga Maalintii uu Shiikhu Dhintay ayaa ku qiyaasay dadka Janaazadiisa ka soo qeyb galay dad lagu qiyaasay
Nus Milyan Ruux , ay kula tukadeen Masaajidka Xaramka Makkah.
Waa Janaazaddii ugu badneyd waqti aan Xaj aheyn ee laga soo qeyb qaato, Dadku waxay ka kala yimaadeen Magaalooyinka Dhaw dhaw sida Jiddah,Daaif, Madiina iwm.
Waxaa Shiikha  lagu Aasay Qubuuraha Al-cadal Shiikhiisii Ibnu Baaz agtiisa.
Allaah kuligood ha u Naxariisto, Jannadiisa Firdowsa ha galiyo.

Waxaa la sheegaa in Janaazaddii Imaam Axmed Bin Xanbal ay aheyd 1,000,000 hal Milyan oo Ruux Maalintii uu ku  Dhintay Magaallada Baqdaad.241 Hijriyadda..
Waxaan Maqaalkeyga ku soo Gabagabeynayaa Allaah ha u Naxriisto Samaaxatu Shiikh Maxamed Saalax Cuthaymiin.
Waa inoo Toddobaadyada soo socda iyo Shiikhii Lixaad ee Sayid Qutub AL_Shaadali.
                                            FII AMAANI LAAH.

Shiikh Saahid Mohamed yusuf
USA,VA
MUTHASIS FIL XARAKAAT AL-ISLAAMIYAH
sahid_yusuf@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " AL-Shiikh AL-calaamah maxamed saalax cuthaymiin(2) "

  1. abdulazis says:

    jazaakumullaahu khayran bahda somalitalk. waa mowduuc aad ufiican in culumada fadligeeda iyo taariikhdeeda dadka laxusuusiyo.

    shiikh al-calaama maxamed saalax lacuthaymiin wuxuu ahaa xidig soo baxay zamankiisa aad ayuu ugu fiicnaa dhinacyo badan oo cilmiga ah sida tawxiidka iyo fiqiga iyo waliba luqada carabiga. asluubta uu wax ugudbin jirayna aad ayey u saraysay oo wuxuu ahaa mufawah(aftahan).

    markii shiikha ay ardadiisii isbitaalka u waday ay usheegeen inuu hayo cudurka kansarka wuxuu yiri alxamdulilaaah dadka markii uu xanuunkaan kudhaco waxaan dhihi jirnay alle dartiis u samra ma anigiibuu saakay isoo abaaray cudurkii waa inaan alle dartiis ugu samraa aniguna sidii aan dadka fari jiray oo kale. ilaa uu cudurkii shiikha aad usoo rito waxaa lasheegaa inuu gaaray 33km. miisaankiisu jirkiisii oodhan ayaa dhamaaday ilaa uu alle oofsaday insha allaah asagoo danbigii cudurka uga mayray.

    anigu marar badan ayaan darsi uu bixinayo shiikha hor fariistay wuxuuna ahaa caalim aad utawaaduc badan oo ardadiisa oodhan ay jecelyihiin oo aad ukaftan badan. waxyaalaha aan kuqoslo ooshiikhu sheegay waxaa kamid ah maalin inuu soo raacay tex. asagoo xaramka usoo socda ninkii tex.waday ayaa kuyiri isu kaysheeg walaaloow magacaa? markaasuu yiri waxaa la idhahaa maxamed bin saalix alcuthaymiin!! ninkii wuxuu yiri yacni shiikh bin cuthaymiin. nacam ayuu yiri shuukhu. kadib ninkii ayaa afka qaloociyey cani muu rumaysan.kadib shiikhaa ninkii gaariga waday yiri adiguna magacaa. kulahaa( macaka shiikh abdul aziiz bin baaz) ana ibnu baas ayaan ahay buuyiri hadaad adiguna ibnu cuthamiin tahay!!

    ibnu cuthamiin miyaa texsi raacaya kulahaa war iga dag oday caadi ah ayaad tahaye ninkaas la arki maayee. muusan irumaysan ayuu yiri shuukhu. taasina waxay kutusaysaa tawaaduca caalimka.

  2. abdulkadir says:

    yaa salaam sheikh al calaamah cuthaymiin naxariistii allah ha siiyo janada allaha ha ugu bishaareeyo waxa uu naga guday waajib anga oo dhan nawada saarnaa balse walaalyaasha ama aqristayaasha bahda somalitalk waxaan rabaa inaan idin xasuusiyo ama aan ku dabaqno sida hadaba wadankeenii hooyo kataagan in culumadii aanan loo heeynin wax ixtiraah ah waa hadana maxaa kaa bilahaa hadii hogaamiye kooxeed uu mucaaradi lahaa ama uu dhihi lahaa wax aan idinka aqrisaneyno malahan waa qola culuma somaliyeed isku sheegaaya dagaal wax xukun oo kaliya ahna masiirkii umada ku xiray waa layaabkii iigu weynaa ebad ee aan ku arko siyaasadii somali meesha ay gashay bal eega waa cajiib alllah hanaga soo gaaro wax noo harsan hada aniga ma,arko wabillahi toofiiq

  3. scwxwb:
    Su,aal :

    Waxaanku soo ballan qaaday markaan ka soo sheekeynaayey Shiikh C/aziz Ibnu Baazi in aan ku xusi doono Taariikh nololeedka Shiikh Cuthaymiin arrin aan Shiikha ka qaatay oon wali isticmaalo. Haddaba waxaan Akhristayaasha Su,aalayaa muxuu ahaa arrinkaas mise ka soobaxay Ballantii ????
    Iga raali ahaada waan iloobay …. wamaa ansaaniihi ila Shaydaan,marka waa inoo qeyb(3) oon kaga hadli doono arrinkaas insha laah week-ga soo socda .scwxwb

  4. scwxwb :

    akhii bukhaari haatan waxaa noo socda 8 caalim oon ku fakanay qarnigii tagay ilaa haatan shan baan ka soo sheekeynay.
    3 baa caalim baa noo hadhay, markaan dhameyno baan fiirin doonaa inshaaa’ alaah qofkii labaad ee iga codsaday baad tahay.

  5. bukhaari9 says:

    Ustaad jzk khair cuseymeen waa sheikheyga As alulaaha cafwah wa raxmah. Ustaad madaama dad badan sheikh maxamed cabdiwahab waxba ka akhoon ama si khaldan u yaqaanaan
    waxaan jeclaan laheeyn inaad taariikh kooban kasoo diyaarisid
    haddii ay macquul tahay.jzk khair