Home » Warar »

Warqad ku socota Xubnaha Jaaliyadaha Soomaaliyeed (No. 22) – Axmed Walad Cabdalla

 As-Salaama Alaikum 

Saaxiibayaal,  

1.  Warbixintani wa tii joogtada ahayd ee aan ugu war bixinayey Jaaliyadaha Soomaaliyeed. Sidaa darteed, waxaan si gaar ah ugu faraxsanahay in aan idin la wadaago arrimmaha soo socda:Usbuucii la soo dhaafay,  waxaan u safray Muqdishu, waxaana i  wehliyey, Mr. Lamtane lamamra, oo ah  Ergaygga u qaabilsan Ururka Midawga Afrika  arrimmaha nabada iyo Amniga, iyo Danjire Boubacar Diarra, Ergaygga gaarka ah ee cusub ee Ururka Midawga Afrika u qaabilsan arrimmaha Soomaaliya. Waxaana halkaas wadahadal kula soo yeelanay mas’uuliyiin.  Isla  usbuucii tegay, waxaan booqday Magaalad Doha, halkaas oo la igu sharfay in aan kulan la yeesho Amiir Sheikh  Xamad Bib Khaliifa Al- thani.   

2.  Aniga oo ka mid ah Ergada Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, waxaan ka qeybgalay shirkii 14aad ee Ururka Midawga Afrika. Waxayna aheyd markii ugu horesay ee aan arko ayada oo Gudoomiyaha Midowga Afrika, Jean Ping iyo madax badan ee dalalka Afrika oo doonaya in ay la yimaadaan talo soo jeedin la taaban karo, taasoo la doonaayo in lagu kaalmeeyo nabad ku soo dabaalista wadnakiina Soomaaliya. Waxaa dhiirigelin laheyd in aan arko madaxda Afrikaanka ah oo ay ka go’an tahay in aysan ka hadli Karin midnimada Afrika ayaga oo aan wax ka qaban arrinta Soomaaliya oo ka mid ah aasaasayaashii Ururka Midawga Afrika. Jaamacadd Carabta iyo Uruka Islaamka waxay taageersan yihiin mowqifkan, waxaana waqti dhaw la rajeynaynaa in uu dhaco kulan heer madax ah ay ka dhex-dhaca 3aad urur kaas oo  lagu taageeraayo Soomaaliya. Shirkaana waxaan rejeynayaa in dhaco inta usan qabsoomin shirka kulan madaxeeda wadamada Carabta ee ka dhici doona Libya bisha sooscota. 

3.  Madaxda Afrikaanka, markii 1999 iyo kulan madaxeedkooda 2000, ay cambaareeyey in awooda wadanwalba xoog lagu qabsado, aya madaxda wadamada Afrikaan ah xiligaan si xoog leh u cambaareeyeen in xukuumad lagu bedelo si aan waafaqsaneyn dastuurka ay tahay arrin caqabad ku ah  arrimmaha nabada. Arrintaani, waxay khuseysay madaxda la soo doorto oo doonaya in ay wax ka bedelaan dastuurada ka jira wadamadooda si awooda mudo dheer u heysataan. Kulan madaxeedku wuxuu isla gartay in sanada 2010-ka ay u aqoon-sadaan in uu ahaato (sannaddii Nabada iyo Aminga ee Afrika ), waxayna cadeeyeen in ay u hawlgalayaan intii karaan-kooda ah  si xal waara loogu helo dhibaatada Soomaaliya.  

4.  War wanaagsan. Ugu danbeyntii wadamo farabadan ayaa hadda u aqoonsan Soomaaliya in xiligaan ka gudbeyso xaladii aheyd dawlad guuldareesatay unna guureyso marxalad dawlad jilacsan . Kala  saaristaani ( labada heer)  wuxuu u mooqan kara in uunsan aheyn mid iska deh ah laakinse farqiga u dhexeeya labad eray aya muhiim ah. Anaga, UNPOS-ahaan waxaan si joogto ah u qabna in falka ku dhisan wax cambaaraynnta aysan u fiicneyn gaaritaanka wax horumarka, sidaas darted, waxaan u muujiyey Golaha Amaanka ee Qaraamda Middobay in Soomaaliya ay tahay wadan jilacsan ee aysan ahayn wadan guuldareystay. Kuwa naagu racsaan fikraddani waxay garwaaqsan yahiin arrimmaha ka dhalan kara arrintani. Waxay ogganayaan baahida loo qabo in Somaaliya loo aqoonsado in ay tahay waddan caadi ah inkastoo dhibaatooyin waayweyn ay haystaan waddanka. Arrintaan waxa kale noo mujinaysaa muhimadda ay leedahay in la ixtiraamo Somaaliya laguna kaalmeeyo loogana gargaaro dhibatada ay hadda ku jirto loolana dhaqmo si waddan caadi ah. In Somaaliya loola dhaqmo wadan sida daraasad lagu sameynayo ma aha fal lagu dhameyn karo dhibatada ka jirta Somaaliya. Sidoo kale waa in muhiimadda la saarin oo kaliya wax ka qabashada arrimmaha nabadgelyada iyo amniga oo keliya ama gaargaar cunto oo la bixiyo lakiin waa in ay arrintaani barbar socotaa horumar dhaqaale qaasatan iyadoo la abuurayo fursado shaqo-abuuris ah, ganacsi iyo wixii la mid ah. Hadda waan in aan ka guurnaa arrinta guud ahaan la qabay ee ahayd in Somaaliya ay ahanayso waddan weligiis ku jiraayo dhibaato oo-na guuldareystay. Somaaliya waa inay ahaataa waddan dib isu dhisi kara ayadoo la siinayo kalmo ku haboon oo kaga imaneysa dibada. Waddankiina, sida ka jirta waddamada jilicsanba, waxaa ka jira baahi wayn ee dhinaca horumarinta iyo dib-u-dhiska. Arrinta marka loo bahan yahay waxay tahay habkii lagu soo jiidan lahaa maalgelinta iyo dib-u-dhiska waddanka uu u baahan yahay. Waxaan hubaa inta aan la gaarin bisha May 2010 inaan idiin sheegi doono war wanagsan oo ku saabsan arrinta dib-u-dhiska iyo horumariinta taasoo loo maraayo jaal cusub. 

5. Aqoonsiga la aqoonsanayo in aan hadda ka guurayno xiligii dhowladdii guul daraysatay loona guurayo hab dowlad jilicsani waana talaabo na dhiirigelinaysa waqtigaan hadda la joogo maddama dowladduna ay ku talabsatay horumar la taaban karo: Waxaana ka mid ah howlaha ay ka qabtay dhinaca dekedda, ayraborka, Baarlamaanka, Masjidka Isbahaysiga, iyo Raadiyo Muqdisho. Waxaa arin lagu farxo ah iyadoo ay jiraan caqabaddo fara badan oo dowladda haysta ayaa hadana dib u hagaajin lagu sameeyey Raadiyo Muqdishu ayadoo taladana ay iska lahayeen ama gar waddenba ka ahayeen dad Somaaliyeed oo keliya waxaana maal geliyey oo taageray dad Somaali ah, ayaagoo kaalmo dibadded anan helin ama wax aan macno lahayn oo keliya helay. Xataa kuwa Somaalida ah ee aan tageersanayn dowladda waa in ay soo dhaweeyaan kaalmeyaana dib u haagaajinta Radiyohooda qaran. Waxaan rajeynayaa in waxti dhow u shaqeyn doono Telivision heer qaran ah, kasoo kaabi doona shaqooyinka ay qabanayaan tevisionada gaarka loo leeyahay. 

6. Inkastoo horumar la sameeyey haddana waa in aan maanka ku haynaa caqabadaha waaweyn ee siyaaso iyo nabadgelyo xumo ee waddankiina haysta maanta. 14 kii Janaayo waxaan ku iri  Golaha Ammaanka ee   Qaramaada Midoobay sida tan: “ waa in la fahmaa in xagjirayaasha mas’uulka ka ah degganaasha la’aanta iyo qaska ay ka mid yahiin ajaanib fara badan oo qasdigooda ku koobnayn inay dowladda ku af gembiyaan xoog keliya, balse , ay ka soo horjedaan in aan wax xukumad ahba la sameyn. Dadka Somaaliyeed waxay rabaan, sida ummadaha kale ee dunida ay u doonayaan, in ay helaan nabadgelyo iyo xukumad badbaadisa ayaga isla markaasna u addegta”. Waxaa la jooga waqtigii dadka Somaaliyeed ay ogaan lahayeen ruunta ka jirta waddankooda. Waxaa la jooga watigii dadka Somaliyeed gaar ahaan dadka jaaliyadaha dibada ku nool ee  haysta amman iyo xuriyad buuxda inay u howl galaan si dii waddankooda dhibaatada iyo fowdada ka jirta looga saari lahaa. Maanta dagaalaka dhabta waa in uu ahadaa mid ku jihaysan soo celinta sharafta iyo xurnimada ummadda Somaaliyeed. Waxaan rabaa in aan dhamaantiin idiin sheego: ‘in  kharashka loo geelayo helista nabaadda uu ka yar yahay kan loo galaya dagaalka’. 

7. Arrinta ku saabsan sharafta iyo dib u heshiisiinta, aniga, sida aan horeayba idiinkugu shegay waraaqahaygii  hore, aniga waxaan diyaar u ahay, doonayaana in aan gacan ka geeysto kuwa doonaya in ay la hadlaan walaalahooda kale ee Somaaliyeed. Dhab ahaan tii sida ugu fiican waxa weeye in ay dadka Somaliyeed ay ayaga si toos ah u wada hadlaan uguna hadlaan waddankooda gudahiisa. Xafiiskeyguna waa uu taagerayaa wax Alle iyo Wixii dadaal ah eek u aadan arrintaas. Siyasadani waa in ay gacan ka geysataa habkii loo caadi yeen lahaa xaaladda dadka ay haysato dhibaatada sharci –kuwaas oo ku jira liiska Golaaha Ammanka ee Tirsigiisu yahay 1267 soona baxay (2000). Arrintani dhowr jeer ayaan soo jeediyey anigu haddana mar kale ayaan ku celinayaa oo aan xaqijinayaa in aan diyaar u ahay in aan kaalmeeyo kuwa ay khusayso arrinta ku tilmaaman Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramadda Middobay ama ay haysato dhibaatooyin kale ee siyaasadeed.  

8. Nasiib daro, dhibaatada dadka barakacayaasha ah, qaxootiga, tahriibinta dadka, ku xadgudubka xuquqal insaanka iyo arrimo kaleto oo xad gudub ah ayaa iska sii socda. Sida aad ogsoon tihiinba noloshu waxay leedahay kor u kac iyo hoos u dac badan. Hadana waa in aan soconaa oo ay naga go’naataa in aan wax qabsanno. Dad badan oo jiray ayaa soo maray noolashaan adinka hortiin: ku safra aduunyada oo dhan ka dibna fiiriya waxa ay ku denbeeyeen kuwii diiday Runta, Suurada  3aad aayada 137.   

9. Waxaan si guud u ogaaday in aad tihiin dad wax tar leh isla markaasna u soo kaban karo si dhaqso leh. Waxaa laga yabaa in aad kala shakisaan lakiin waxaan hubaa in aadan is necbeen . Shaki igaama jiro markay dadka Somaaliyeed isku tashtaan in ay xaalin karran wax kasta oo dhibaato ah oo ka hor yimaada. Waana markaas marka kaalmada kuwa anaga naga tirsan ee doonayaa in ay wax caawiyaan ay waxtarayso kaalmadooda. Habkii kaalmada dibadda la gu soo marinayay  Shirkadii Price Water House Coopers – PWC howsheedu waxay u socotaa  si lagu qanci karo. Arrinta la xirirta shakigii laga qabay soo dabiicistii lacagta shilin Somaaliga ahaa waxaan rabaa in aan caraabka ku adkeeyo in ay howl galkaasi usan ahayn mid tuhun keenikaro waxaane mahad leh kaalmada ay Sudan ka geysatay  arrintaas. Aniga ayaa shaqsi ahaan la hadlay dhammaan dadkii ay khusaysay arrintaasi. Mar walba iska hubiya haddalada ku tiri kuteenka ah inta aydan go’aan gaarin. Ugu dambeytii waxaa surta gal ah inay Somaaliya waqti dhow ku biirto EAC, taasoo u fududeynaysa helitaanka dhaqaalo balaaran, ganacsi iyo awood dhaqaale oo ay helaan  ganacsatada iyo habeenkiinaba. 2010 way in uu ahataa sannad wanagsan, waana Sanadii Nabadda. 

Soo nabadd ahaada. 

Walaalkiina Qaaliska ah
Ahmedou Ould-Abdallah

Nayroobi, 8 February 2010 

Waxaa soo tebiyey
Shenaj Shala
Shenaj.Shala@unon.org

………..

Addis Ababa: Sheikh Shariif oo Sannad Guuradiisii Koowaad la Qaatay Zenawi….

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

12 Jawaabood " Warqad ku socota Xubnaha Jaaliyadaha Soomaaliyeed (No. 22) – Axmed Walad Cabdalla "

  1. Asad Cabdullahi says:

    Aniga sida ay ila tahay ninkaan iyo kooxda la shaqeysa waa dad shaqadooda ilaalsanaya, meesha waxay u joogaan ma ahan somali jaceyl iyo in ay dalkaaga burburay kuu dhisaan, soomaalida iyada ayay tahay iney dalkeeda badbaadsato lana timaado fikrad xalaal ah oo ka madax banaan qabiil iyo 4.5. Dadka iyo Dalka intaas ayaa badbaadin karto wixii kale waa hadal tiro iyo wax aan natiijo laheyn waana soo aragnay 1991-2010. intaas cashar ha idiin noqoto. NGO yada nairobi fadhiya iyo urur diimeedyada danleyda ah walee har idiin ma jiidaan soomaaliyey.

  2. Suad Ossoble says:

    Somali waxey ku maah maahaan Far kaliya fool ma dhaqdo,
    Gacmo wadajir bey wax ku gaayaan aan iska dhafno qabiilka iyo qurunka ka danbeeya caruurteena aan u dhaafno dhaxal wanaagsan oo fiican,

  3. Cabdiwaduud says:

    ASCWW,

    Salaan kadib walaalayaal aniga aragtidayda waxay tahay Ahmed Walad Soomaali qaxan uu ku shido mooyaane raran ka dajin maayo, Dowladdii hore meeshuu dhigay waa la ogaa tanna meel fiican kuma wado oo waad aragtaan.

    Colaadaha Soomaalida ee daba dheeraaday waxaa keenay runta oo la baal marayo had iyo goor, waayo waxaa la yaqaanaa cidda amase dadka Soomaali ka fariisan wayday oo nabadda u diiday iyaguna isku diiday, Soomaalidu waxay ku maah maahdaa runtu ragga kama nixiso oo markasta oo la is hor fariisto runta lagama hadlo oo waxaa la yiraahdaa Soomaali oo dhan ayaa is dirirtay wixii dhacay waxay ahaayeen dagaalo sokeeye marna lagama hadlo xasuuqii ka dhacay Muqdisho 1991,

    Waxaa kale oo la yaab leh waxaa ka mid ah markii shir la iskugu yimaado waxaa la yiraahdaa Muqdisho waa muqadas, eraygaas macno wayn ayuu ku fadhiyaa waxayna caddaynaysaa in aan la iskugu imaan xaqiiqada in laga wada hadlo oo la is cafiyo, haddii la is cafiyo oo la isku tanaasulo markaas ayay Muqdisho muqadas noqonaysaa, waxaan aamin sanahay haddii ay reer Muqdisho inta isku tashadaan markii ay dhibka dhexdooda ah xaliyaan ay Soomaali oo idil iskugu yeeraan oo yiraahdaan walaalihiin khaldamay ayaan nahay khalad kayagiina waan qaadanay waxaan doonaynaa idinna in aad kiina qaadataan, waxay ila tahay xaajadu in ay noqon lahayd walaalkaa kuu qoordhiibtay adiguna u qoordhiibo oo ficil tahan iyo xiniftan meesha waa ka bixi lahaa.

    Xaqiiqadu waxay tahay Soomaali oo idin waxay rabtaa in ay dawayso nin waalan oo madaxa looga jiro, ninkaas walaan haddii dawo loo waayo waxay ila tahay jirkiisa inta kale in caafimaad uu helo waa wax aan suurtagal ahayn, Soomaaliya waxay ku socotaa in cad cad loo kala jaro waxaana caddayn u ah SLand waa jihaysatay PLand na hadda ayay ku daba jirtaa oo waxayba u samaysatay calan iyo hees maanta haddii xal laga waayo South And Central Of Somalia waxay ila tahay in aanay sugayn, gabadhii ninku la soo baxay oo meeshii wadaadka lagu ogaa la yimid wadaadkii la wayay waxay tiri ( hebelow….haddii wadaad la waayay ma loo Zay la’aanayaa).

  4. Ahmed Dico says:

    A/C
    Walala Suad Ossoble Somalidu waxay qabaan malaha , sida wax u jiraan baan sheegay, reer aan mamaul lahayn dawlad lahayn. magaca Soomaali sharf buu leeyahay waxa sharafda u diiday waa Reer Muqdisho dumarka iyo caruurtaa lagu gumaada, iyo dadka masakaiinta ah ee tabaalaysan, dadkii waa lagumaaday waxaa dhibaatada u horseedayna waa beeshaa aan maqaalkaygii hore ku xusay.. Waan ku sheegay Soomaliya maamulo baa ka jira nabad baa lagu qabaa, wax dawlad u eeg bay sameysteen, lakiin reer Muqdisho laba oday iskuma iman karaan halkee lagu arkay beel dhan oo soomaaliyeed oo aan is qabanayn, mar waa Alshabab, Xizbul islaam , qabqable iyo shaatiyo kale oo soo socda oo aan laga warqabin..
    Waa in runta loo shegaa laguna cadeeyaa inay magacii soomali bahdileen.. ma meel aan muqdisho iyo agaagaarkeeda ahyn baa dagaalo ka socdaan? wa maya Su’aashu. Magaalo madaxdii sooomaliyeed baa loo nacay aay dadka ku gumaadeen.

    Markaa wlaal.. waxaad ka xuntahayba ma garanayo haduu doono qofku ha kula dhasho, waa inaad runta u sheegtaan, magaca somali waa naga wada dhexeeyaa qofna inuu wanaag la jeclahay qofna xumaan la jeceshay waax soconaya maha!’
    mahadsanid.
    /Ahmed Dico

  5. abdirashid says:

    walalayaal waan idin salamay salaan gadib. ummada somaliyeed waxay u bahantahay midnimo cidkastoo oo somali ah waa in ay dalka wax u qabataa dalkeena qabiil wuu ka dalay oo 20 sano ayuu dalkeenu dagaalku jiray walalayaal waa in latageera dowlada kumeelkar ka ah adigoo aan qabiilna fiirinayn

  6. abdirah says:

    Asalaamu calaykum. Ugu horeyntii UNITED NATIONS ka waa in la fahmayaa waxa ay qabato, cida ay u adeegto iyo hagardaamooyinka ay ku hayso wadama soo saboolka ah, gaar ahaan kuwa islaamka ah. United nations ku waa naadi lagu xoogo, lagu dhaco, ama lagu qabsado cid kasta oo tabar yar. Ayagoo la isticmaalayo erayo qurux badan iyo warbixino si fiican loo soo agaasimay. intaa haddan ku soo koobo ujeedooyinka united nations ka. waxaan jeclahay in u gudbo, Walad Abdalla, ninkaas Somalia shar ka weyn uma imaan labaatankii sano ee colaado ka oogneyd somalia.

    Wuxuu fitno diimeed ka dhex abuurey somalida dhexdeeda, wuxuu kala qaybiyey umaddii somaliyeed, wuxuu fuliynayaa istaraatiijiyada cusub (new strategy) ee lagu burburinaya wada islaamka ah, ee laga yaabo in ay doontaan ku dhaqanka diinta islaamka. Taas oo ah ‘KALA QAYBI OO ISKU DIR’.

    Abdirahman

  7. Suad Ossoble says:

    Markaan akhriyeey qoraalka uu qorey Axmed Dico waa mida Somali kala geesay oo Qabiilka la yiraahdaa taana waa Jihli aan loo baahneen, maanta markii laguu arko in aad Somali tahay qurbaha aan joogno waxaan nahay dad aan jirin oo aan dawlad laheen waxna isu QUURIN oo cadaw isu ah waan ka xumahay hadalada uu Axmed Dico ku hadlay, caruurta yaga niyadii ayaa ka jibiseen mana isku kalsoona Basaboor meel kale laga qaadatay waxaa kugu filan maalintaad denbi gasho oo lagu celiyo WAA LAMA HURAAN DHULKAAGA HOOYO
    ,HAYBAD WAXAAD KU LEEDAHAY DHULKAAGA HOOYO.

  8. Sharma'arke says:

    ASC,

    Xaqiiqadu waxay tahay qof isagu is indhatiraya ciduna ma toosin karto waxaana ula jeedaa Ahmed Walad Abdala hal habayn amase daqiiqad noloshiisa kamid ah ma jeclaysan in Soomaaliya Dowlad noqoto taasna waxaa caddayn u ah qaabka uu siyaasadda Soomaaliya ugu dhex milmay iyo been guurka loo been guuray iyo munaafaqnimada uu Soomaalida kula dhexjiro.

    N.B…Adduunka markii wax la hagaajinayo meelo badan ayaa wax laga eegaa waxyaabo badan na waa la xeeriyaa, sida markaas waxa la haysto oo kale waxaana la yiraahdaa, war si wax noogu hagaagaan bal maanta waxa aan haysano aan isku dayno in aan toosino intaan sixi karnana aan saxno.

    Balse Ahmed Walad Abdala qaacidadaas amase aragtidaas mid ka duwan ayuu qaatay oo ah maanta waxa dhisan aan dumino wax kalana aan ku badalno, kama uusan fakarin waxa maanta la dumiyay in ay dad fogaynayso oo haddii uu kuwo soo dhawaystay kuwo kale ka fogaanayaan, waxayna ku haboonayd wixii markaas dhisnaa in la iska daayo ilaa waqtigooda ay ka dhamaysanayaan si aan dadku u kala irdhoobin nacayb kuna u sii badan, Dowladdii Abdilaahi Yuusuf waxaa u harsanaa sanad wax ka yar mar haddii loo diiday in uu dhamaysto soow xaalku maahan (Cimri tagay oo ceeb lagu sagootiyay) ma waxaase la dhowrayaa dadkii la gees garaacay in taageero laga helo.

    Ahmed Walad Abdala….waxaan ku leeyahay Soomaali way kaa dharagsan tahay, Soomaalidu ma ahan dad garasho iyo caqli xumo haysato balse waxaan kuu sheegayaa meel aadan wax ka arki karin in ay ka arkaan hadalna uma sarbeebi kartid, bal aan adiga ku waydiiyee yaad u waramaysay markaad lahayd (Soomaalidu way kala shakiyaan laakiinse isma nebca), waxaana ku leeyahay haddii aadan hagardaamada Soomaali kala dhexbixin, wado howshaada anaguna waxaan isku dayaynaa intaan moosi karno in aan moosno.

    Ahmed Walad Abdala…..waxaa kale oo iga xasuusin ah Soomaalidu markii ay maqlaan Walad Abdala waxay soo xasuustaan UN markii ay UN soo xasuustaana waxay soo xasuustaan US markii ay US soo xasuustaana waxay soo xasuustaan Kiristaan nacayb Islaam ku gaamuray, Soomaali oo dhan meel kasta oo ay joogto way ka dharagsan tahay in wadadaas dheer hagardaamo maahane aan tabantaabo uga soo socon, balse adigu xoogaaga lacagta ah iska qaado iskana tamashlee marba meel dalxiis u tag.

  9. JIGRE says:

    We should not be ruled by looters pretending like they want to help the somali people. We should govern and run our own affairs. dont bow and believe in what they are calling the UN. what does it do? who do they help?

    They are rule and steal from the broken countries.

  10. Walad Cabdalla waxaa laga yaabaa inuu u arko in uu isagu Somaliya Xal usoo wado; anigase arrintu waxay iigu muuqataa mid sidaas ka duwan.

    shirkii uu ku abaabuley Jabuuti bilowgii sanadkii tegey ee uu Shiikh Shariif ku caleema saaray wuxuu ahaa mid si qaldan oo aan axdi qarameedkii Soomalida yiil waafaqsanayn. Haba khilaafo hadduu xalkeenayo e dhibkii halkii buu ka sii socday.
    Hadalkiisa waxaa kamida in aragtida waddamada dibeddu ay Somalia ka qabaan sidii hore ka fiicantahay. Su’aashu waa mihiimad intee le’eg bay aragtidoodu u tahay wadaankayaga labaatanka sano is baabi’inayey?

    Dawladihii Tan ka horreeyey wuxuu ku tilmaamay kuwo guuldarraystay, tan uu sameeyeyna wuxuu ku tilmaamay mid jilicsan.Ninka lugta jiiday dowladii C/laahi Yuusuf isaga ayuu ahaa. Marka waa ku qaldanyahay hadalkaas iyadoo la ogyahay qoladan uu hadda dhoodhoobay halka ay wax marinayso.

    Lacagta Suudaan lagu daabacayo inuu isagu ka dambeeyo ayuu qirtay. Hore ayaa looga digey waddan and dalkiisi gacanta ku hayni lacagta uu sameeyaa anay tahay in dan gaar ah dad gaar ahi leeyihiin. Malaha qorsha labaad ee Walad cabdalla waa inuu Shariif Xasan baarlamaan ka laban laaban ugu iibsho.
    Kala shakiga iyo is nacayb la’aanta uu nagu sheegay qofkee ayaa is waafajin kara?

  11. Ahmed Dico says:

    A/C
    Waxaan salamaya dhamaan qurba joogta soomaliyeed iyo shabakadda Somalitalk. oo soo gudbisay warbixantan!
    Anigu waxaan qabaa in la bedelo Axmed Walad Cabdalla mana aha nin u qalma xilkan anigu waxaan aminsanahy in uu ka mid yahy lugna ku leeyahy dhibaatada ka jirta somaliya, taas waxaan u sababeeynayaa Walad cabdalla waa nin kii ka danbeeyey Shirkii ka dhacay wadanka jabuuti laguna soo dhisay dawlada shiikh shariif iyadoo Maamulki cabdulaahi yuusuf ee dalka dhan ka talinaayey laga saaray meesha oo lagu bedelay madaxwaynahan shariif oo markaa Ahmed walad cabdala iyo Un ku ay ku tilmaameen in shariifku yahay Nin u qunyar socod ah.
    Anigu waxaan ka mid ahy nin la dhacsanaa siyaasaddii Cabdulaahi yuusuf waxa uuna ahaa Siyaasi Somaaliyeed oo in muddo ah ku soo jiray siyaasada Somalia, waxa uuna somalida u lahaa khibrad weeyn.. Taas waxaa kaaga markhaanti ah in Gobolo fara badan oo Somalia ka tarsan ay taageersanaayeen cabdulaahi Yuusuf, maamulkii Puntland- ee Cadde Muuse lagarab taagnaayeen dhaqaale fara badan ayna rabeen sidii loo burburin lahaa in wadaadan siyaasada u janjeera oo diinta ku gabanayaa hana qaadin, Madaxweyne cabdilaahi yuusufna la dagaalamay ilaa kala jabeen iyagii qaybna jabuuti tagtay qaybna markaa aaday wadanka jabuuti..
    Axmed Walad Cabdalla waxa uu la saftay beesha Hawiye sababtuna waxay tahay baarlamaankii iyo dawladii lagu soo dhisay jabuuti waxay u badnaayeen beeshaas iyada ah..
    Axmed Walad Cabdalla waa khaldanyahay markuu uu leeyahy UN ka waxaan ka dhaadhicinay in somaliya tahay wadan jilicsan oo anay ahyn wadan guul daraystay. Somaliya guuldarada waxa ugu wacan beesha Hawiye oo dhexdooda is haysta Dawladna aan u bisleeen iyagoo marba soo geshada shaati oo hadda xaaladu marayso meeshii ugu darnayd..
    Dawladii uu fikirkiisa lahaa Axmed Walad Cabdalla ee baarlamanka badan hada ay u dhoowdahay in gebigoodaba la cuno.. Nimankii cabdulaahi yuusuf ka digi jirayna ay awood aad u baaxad weeyn leeyhiin, dawladiisina ayanay ka talin waxaan aan dhamayn 10 km.

    Qurba joogta fariintan loo diro waxaan u rajaynayaa inay ka hor yimaadaan fekerka guracan ee Axmed Walad Cabdalla maba aha qareeen daaacad ka ah arrimaha Somaaliya, inta uusan UN ka ka dhaadhicin in Somalia Nabad tahay Maamulana ka jiraan sida Puntland iyo Somaliland Lakiin Beesha Hawiye oo koonfur ku herdamayaa maamulna rabin iyaga lafatigeeduna is gumaadayaan oo ay rabaan fekerka guracan ee ah Soomaliya dagaala ka jirra..
    Ahmed Dico
    Sweden Stockholm

  12. Suad Ossoble says:

    Asalaamu Alaikum
    Mudane Ahmadou walaalkii jira oo jooga, waxaa inala jeceshay in aan noqono dad isku duuban oo gacmaha is heesta waxeyna taa noqon doontaa caruurta yar yar oo qurbaha jooga markey noqdaan wiilal usoo jeesta waddankaan la isku heesto aan cidna u nexeen ama dan ka laheen,waxaanse markasto iyo saacad walbo Eebbe ka baryaa in Somaliya uu Eebbe usoo diro Nasri kheyr qaba oo lagu qaboobo amiin.