Home » Announcements »

Khadiijo waa 11 jir Madfac firirkii uu dhabarka uga jiro una baahan qalliin deg deg ah

 Dadka dhibaatadu ku dhacday ee Madaafiicdu cuuryaamiyeen waxaa ka mid ah Khadiijo Cumar Axmed oo ah gabar yar oo 11 jir ah, xili habeen ah ayaa madafc ka dul dhacay  Khadiijo, Gabar la dhalatay  iyo Hooyadeed oo u sii baxsanayey guri Shub ah oo ay doonayeen inay madaafiicda  la isweydaarsanayey uga gabadaan, waxaana halkaasi ku geeriyooday Hooyo Raxmo Axmed Jimcaale (Allaha u naxariisto)  oo dhashay Khadiijo, waxaana dhaawac ka soo gaaray Khadiijo iyo Walaasheed, waxaana loola cararay Isbitaalka Dayniile, Khadiijo dhaawaceeda waxba waa laga qaban waayey inkastoo walasheed dhaawaceedu fududaa. Khadiijo waxaa la geeyey Isbitaalka Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, waxayna ugu dambeys sheegeen in aan dalka gudihiisa waxba looga qaban Karin balse ay u baahan tahay qaliin heer dibadeed ah.


 Khadiijo ayaa dhaawaca waxa uu ka gaaray dhanka Dhabarka, waxaana dhex fariistay firirka Madficii ku dhacay kaas oo sababay in Khadiijo dareemaheedii qaarka dambe nuxuusaan gaar ahaan lug, waxayna gabtay socodkii, isla markaana saxarada ma ceshan karto, waxayna ku gurguurataa si dhib leh sida idinka muuqata sawirkeeda.


 
Qadro Cumar Axmed oo la dhalatay Qadiijo ayaa inoo sheegtay in xaaladda walaasheed ay Qatar tahay ugana cabsi qabaan in ay cuuryaan noqoto haddii aan loo helin gargaar deg deg ah. Qadro waxay tiri “waxaan ahaa gabar dhigata mid ka mid ah Jaamacadaha Magaalada Muqdisho balse hadda mudo ma aanan aadin jaamacaddii sababtoo ah walaashey ma jirto cid kale oo xanaaneysa, waxay rabtaa in mar kasta lala socdo xaalkeeda oo saxarada laga hoos qaado, sidaasi darted waxaan ka codsanayaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay gargaar deg deg ah noo fidiyaan si walaashay mar kale lugaheeda ugu socoto oo ay tacliinteedii u sii wadato haddii allaah idmo”.


 
Khadiijo waxay ka dhalatay qoys sabool ah oon awoodin in ay iska bixiyaan qarashka lagula tacaali lahaa gabadhaa yar waxayna ka codsanayaa bulshada Soomaaliyeed ee dal iyo dibad in ay gacan ka siiyaan sidii gabadhooda ay u heli qallin deg deg ah.


 
Haddaba cid kasta oo gacan ka gaysaneysa xaaladda gabadhaa dhibaateysan waxay la xiriiri karaan taleefanada hoos ku qoran.
 
Qadro Cumar Axmed                    0025215932007
Ama
Amiin Yuusuf khasaaro                0025215532494
 
 
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.