Home » Warar »

130 arday oo dhigata Jaamacadda Bariga Afrika xarunteeda Garoowe oo u bilaabmay imtixaanka samisterka 1aad.

 Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ka dhacday xarunta jaamacaddaBarigaa afrika xarunteeda Garoowe ayaa waxa uu maamulka JaamacaddaQeybteeda Garoowe waxa uu ku soo bandhigay 130 arday oo maanta (Feb 6, 2010) ufariisanaya imtixaanka semmisterka 1aad,

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka Hadley Gudoomiye Kuxieenka JaamacaddaBariga Afrika Qeybteeda Garoowe Mudane Guuleed Saalax Barre waxaana uuGudoomiyaha mahad celin balaaran u jeediyey marti sharafta ka sooqeybgashay xafladani oo ay ardayda imtixaanka ugu fariisanayaanisagoona tibaaxay in arydaydani kala yihiin 3 faculty waxaana uu xuseyin ay tahay markii ugu horeysay oo arday u fariisanata imtixaankasamisterka 1aad tan iyo markii xarunta jaamacadda Bariga afrika ay kafuratay xaruntani gudaha caasumadda Puntland ee Garoowe,

Gudoomiye Kuxigeenka Jaamacadda Bariga Afrika Guuleed Saalax Barre oohadalkiisa siiwata ayaa waxaa kaloo uu carabka ku dhuftay inimtixaankani uu noqon doono mid ay ardaydu u galayaan maalin dhaafisagoona Guuleed si weyn uga Hadley waxqabad jaamacadda mudadii ayxarunteeda ka furatay magaaladda Garoowe ee Caasumadda Puntland,

Gudoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika Guuleed Saalax Barre ayaa waxa uuhoosta ka xariiqay in ay jaamaacadda Bariga Afrika had iyo jeer uheelan tahay sidii ay bulsadda reer Garoowe oo ka baxday tacliiintadugsiga sare ay kor u qaadaan aqoontooda islamaraaskan si looga gudbodadka jaamacadda dibada u aadaya,

Imtixaankani samister 1aad oo ay maanta u fariisteen 130 arday ayaawaxa uu qeyb ka yahay dadaalada ay wado jaamacadda Bariga Afrika eexarunta Garoowe taasi oo ku aadan in soo kordhiso kulyaddo kala duwanama faculty kuwaasi oo ay dadka baahi weyn u qabaan,

Dhowr ka mid ah ardayda imtixaani maanta u fariistay oo aanu wax kaweeydiinay sida ay u arkaan imtixaanka ayaa waxa ay sheegeen inmaadada maanta ay galeen oo ahayd maadada diiniga ah ay ka filayaanguul waxaana ay tibaaxeen in ay si weyn ugu faraxsan yihiin.

Xuseen Cabdulaahi Xasan
E- Mail Xuseen339@hotmail.com
Garowe Puntland Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.