Home » Warar »

Ugaas Maxamed Weli oo qabtay shir jaraa’id oo ku wajahan xaaladda dalka Soomaaliya iyo qorshaha dowladda Jabuuti ka damacsan tahay Somalia

Ugaaska beesha Sade, ahna Afhayeenka beelaha Daarood oo manta Muqdisho ku qabtay shir Jaraa’id ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan xasuuqa iyo baabi’inta shacabka Soomaaliyeed ay ku hayaan ciidamada AMISOM, iyo sidoo kale qorshaha dowladda Jabuuti ay ku doonayso inay ciidamo ku keento dalka Soomaaliya, wuxuu sidoo kale kaga hadlay kooxda Ahlusunna Waljameeca ee qeybta ka ah dagaallada Soomaaliya.

Waxa uu Ugaasku sheegay in xaaladda dalka Soomaaliya marba marka ka dambeysa ay ka sii dareyso, dhibaatada shacabka Soomaaliyeed lagu hayana ay sii kordheyso xilli kasta, iyadoo xasuuqa, dilalka, dhaawaca iyo barakicinta shacabka lagu hayo ay noqotay buu yiri joogto.

Ugaasku waxa uu sheegay in ummadda Soomaaliyeed uu ugu baaqayo inay meel uga soo wada jeestaan ciidamada cadowga ee xasuuqa ba’an sida joogtada ugu haya shacabka Soomaaliyeed, iyagoo u adeegsanaya buu yiri hubka culus ee ugu dambeeyay kaasoo ay ku tijaabiyaan shacabkeena.

“Ma aha wax loo dulqaadan karo loona adkaysan karo xasuuqa laynta ah ee ciidamada cadowga Yugandha iyo kuwa Burundi ay ku hayaan ummadda Islaamka ah ee Soomaaliyeed, iyadoo kuwa dalka ku haya ee sheeganaya inay yihiin dowladna ay ku qanacsan yihiin xasuuqa shacabka, ugana diir naxaynin” ayuu yiri Ugaas Maxamed-Weli oo shirkiisa jaraa’id ka soo saaray baaq ka kooban qodobadan hoose:-

1). In ciidamada cadowga ah ee dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed ku soo duulay meel looga soo wada jeesto, mujaahidiintana lagu garab siiyo jihaadka ay kula jiraan ciidamadaas, waxaana ku talinayaa in mar qura looga wada daato darbiyada ay gabaadka ka dhigtaan, waayo dhimasho dhimasho inooma dhaanta, anagoo guryaheena iska joogna ayay madaafiic nagu xasuuqayaan, marka maadaama aan dhimanayno waa inaan mar qura uga wada daadanaa fariisimadooda oo duulaan mideysan ku qaadnaa.

2). Waxaan ugu baaqayaa dowladda Jabuuti ee aanu walaalaha nahay inaysan la saf noqonin ciidamada cadowga ee na laynaya, na xasuuqaya dalkeenana ku soo duulay, Jabuuti waxaanu nahay walaalo waxaana u galnay abaal weyn oo soo jireen ah kaasoo ahaa halgankii dheeraa ee naf iyo maal lahaa oo aan u galnay helitaanka xoriyaddooda, isla markaana waxaan xusuusineynaa in aynu nahay qowmiyad mid ah oo ay ka dhexeyso Diin, wada dhalasho, dal iyo dhaqan soo jireen ah, sidaa awgeed waxaad xaq u leedihiin inaad Jihaadka nagala qeyb qaadataan ee cadowga aad nala dishaan ee xaq uma lihidiin inaad hubka u soo qaadataan inaad na laysaan oo aad Burundees iyo Yugaandhees la soo saf noqotaan. Haddii aad na caawineynin hana dilina oo cadowgeena safka hala soo gelina, haddii aad taas diidaan oo aad ilowdeen wanaagii aan idiin galnay isla mar ahaantaana aad cadowgeena garab soo siisaan ogaada waxaan idiin seegeynin gumaca rasaasta Mujaahidiinta Soomaaliyeed ee Islaamka ah oo iyagoo ku qowlaya magaca ALLAAHU AKBAR idiin tooganaya Insha Allaah, waxaana idiin xusuusinayaa in sidii aan u galnay ciidamadii Mareykanka ee nagu soo duulay, kuwii Itoobiya ee nagu soo gardarooday oo kale aan meydadkiina waddooyinka ku jiidjiidi doono Insha Allaah, waxaadna noola mid noqoneysaan kuwa Yugandha iyo Burundi ee haatan iyagu wehelka u ah gumaca rasaasta Mujaahidiinta.

3). Kooxaha Suufiyada ee sheegta magaca Sunna Waljameeca ee Amxaarada ay dabada ka soo riixeyso, iyagana waxaan leeyahay ka waantooba arrimaha aad ku jirtaan ee ah u adeegitaanka cadowga Itoobiya, dadkiina ka daaya dilka iyo baabi’inta, Ilaahayna u towbad keena.

4). Warbaahinta waxaan u sheegayaa in aysan simin Mujaahidiinta iyo kooxaha gaalo la jirka ah, waxaana sidoo kale aan warbaahinta ku wargelinayaa in kooxaha Itoobiyaanku uu ku adeegto aysan ugu yeerin magaca wanaaga badan leh ee Ahlusunna Waljameeca ee ay ugu yeeraan kooxdaasi Ahlu-Bidca Wa shirki, Wal-kufri, Wa Nifaa, waayo uma qalmaan kooxdaasi magaca sharafta iyo wanaaga badan leh ee Ahlusunna Waljamaaca.

W/D Amiin Yuusuf khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ugaas Maxamed Weli oo qabtay shir jaraa’id oo ku wajahan xaaladda dalka Soomaaliya iyo qorshaha dowladda Jabuuti ka damacsan tahay Somalia "

  1. Sharma'arke says:

    ASC,

    Ugaaska waxaan arkayay qoraaladiisa muddo, intaasna colaad ayuu hurinayaa miyuusan ka waan toobin dabka uu umadda Islaamka ee Soomaaliyeed uu ku shidayo.

    Midda kale jagada uu sheegtay oo ah Afhayeenka Isimada beelaha Daarood miyuusan ogayn nin jagadaas sheegtay misana colaad hurinaya in ay tahay sharaf dhac aan horay loo arag mise Ugaasku wuxuu tartan kula jiraa nimanka Muqdisho dabka ku shida har iyo habayn oo sheegtay beelaha deegaanka.