Home » Archive Bisha January, 2010

Talaabada Kenya ma soo dedejinkartaa xalka Soomaaliya | Farah Aw-Osman

Jan 21, 2010
Tan iyo intii burburku ku dhacay haykalkii dowladnimo ee Soomaaliyeed waxaa shacabkii Soomaaliyeed gaar ahaan intii aqoonta dowladnimo, cilmi iyo xirfadeedba lahayd, intii hantida dhaqaale haysatay u qaxeen dalalka dariska ah, gaar ahaan Kenya.  Kuwaas oo buux dhaafshay hoteeladii iyo xaafadihii Nairobi.  Waxaa intaa kuu sii dheer in hantidii Soomaali lahayd, mid qurbe laga keenay iyo mid Soomaaliya... 
Halkudheg:

Gabdho ku nool Dalka Holand oo Deeq lacageed soo gaarsiiyey Dad Barakacayaal ah

Jan 21, 2010
Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dibadaha waxaa waayadaan dambe looga bartey in ay caawiyaan dadkooda ku dhibaateysan Gudaha waxaa Tabarucaadaas ku faaiidey dad badan oo u baahna Gacan Baniaadanimo hadaba iyadoo taasi jirto ayaa gabdho samafalayaal ah oo ku nool dalka Holand waxay deeq lacageed soo gaarsiiyeen dad gaaraya Ilaa 30 qofood oo u badnaa Haween kuwaas dhowr jeer ka barakacay Deegaanadoodii Halkan... 
Halkudheg:

Cidna uma Roona | Maxamed Faarax Cali (Duurgal)

Jan 21, 2010
Soomaalida aan ka dhalanay inta Badan waxay u egyihiin in ay ka maqantahay naxariista bani’aadanimo,Wadaniyada, dal jacaylka iyo Damiirka keena calool nugaylka sababa in loo danqado qofka liita. Waa suurtagal in qaar kamid ah akhristayaashiina aad ii aragtaan in aan gafey, waxayse ila tahay in tani tahay tan runta ah, waayo dad badan oo muhim ah ayaa qaba sidaas.       Bashiir Jaamac Samatar... 
Halkudheg:

Why residents want Ethiopian dam on River Omo stopped urgently

Jan 20, 2010
Turkana residents, leaders and civil society activists have opposed construction of a dam on River Omo. They held four simultaneous demonstrations to oppose the dam constructed to produce electricity in Ethiopia. They staged the protests yesterday in Lodwar town, Kalokol, Lowarengak and Todonyang centres along Lake Turkana. They also accused the Kenya Government of allowing the project to take off... 
Halkudheg:

Muqdisho: Siminaar ku saabsan sidii looga hortegi lahaa cudurka dilaaga ah ee AIDS-ka

Jan 20, 2010
 Cudurka dilaaga ah ee AIDS waxaa qaba 22.4 million oo qof oo ku nool dalalka Afrika ee Saharaha ka hooseeya. Sannadkii 2008 waxaa lagu qiyaasay in 1.4 million oo ku nool dalalka Saxaraha ka hooseeya, waxaana xilligaas cudurkaas dilaaga ahi ku dhacay 1.9 million oo ku dhaqan Sub-Sahara Afrika. Qiyaastii 14 million oo carruur ah ayaa waalidkood uu galaaftay cudurkaasi. Warbixintaas waxaa lagu sheegay... 
Halkudheg:

Tacsi loo diray Xildhibaan Maxamed Cabdi Jibriil oo lagu dilay magaalada Boosaaso

Jan 20, 2010
Waxa aanu tacsi weyn u direynaa dhamaan eheladii iyo qaraabadii u ka geeriyooday Xildhibaan: Maxamed Cabdi Jibriil oo lagu dilay magaalada boosaaso xili uu ku guda jirey howl qaran. Xildhibaankan ayaa waxa geeridiisa aad uga naxay dhamaan dadweynaha degan Minnesota oo runtii ku tilmaamay dilkiisa mid ula kac ah kadib markii si badheedh ah loogu dilay magaalada Boosaaso. Dilkan ayaa waxa lagu tilmaamay... 
Halkudheg:

Muuqaalka dhabta ah ee Ururka Qaramada Midoobay iyo Hadimada uu Geystay

Jan 19, 2010
Abdirizak Ahmed Karaani HORDHAC  Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa waxaa la aasaasay sanadkii 1945kii kadib markii uu istagey dagaal-weynihii labaad ee aduunka kaas oo dunida ku reebay burbur iyo waliba kala qob-qobnaan badan oo cadaawad ma guuraan ah ku reebtay qalbiyada dadkii waqtigaas. Fikirka guud ee ka danbeysay asaaska jimciyadan ayaa ahayd in lagu soo afjaro colaadahaas isla markaasna lagu... 
Halkudheg:

DFKMG Soomaaliya iyo Idoniisia oo Kala Saxiixday Heshiis Ganacsi

Jan 19, 2010
iyo Xildhibaan Abdi Abshir oo kala hadlay Qurbojooga reer Toronto… iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalalka Pakistan & India oo ka qeyla dhaamiyay qorshe Dowladda FKMG Soomaaliya ku xireyso Safaaradaha wadamadaasi. Sidoo kale akhri: Hadal uu Walad Cabdalla ka jeediyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay 14ka Janaayo 2010 (AKHRI) -pdf Soomaaliya iyo Idoniisia oo Heshiis ka gaaray Ganacsiga... 
Halkudheg:

Jaaliyad kudayasho Mudan

Jan 19, 2010
“Tani waa rajo muujinaysa in wax la qabsan karo, oo umadu ay wali diinteeda, damiirkeeda, iyo dadnimadeeduba dhaqan yiihiin” (Sheekh Maxamed Idiris). Magaalada Port Elizabeth ee wadanka Koonfur Afrika waxay ka mid tahay magaalooyinka ku dherersan xeebta badweeynta Hindiya, halkaasoo ay ku sii yeelatay bilic dheeraad ah oo dhinaca buuraha ku yaala ay sababayaan, cimilada, dhismayaasha iyo waliba... 
Halkudheg:

Xaalad nolol xumo oo ka taagan magalada Dhusamareeb iyo Hey’adda SSWC oo soo jeedisay in gar gaar lala soo gaaro dadkaasi

Jan 18, 2010
Dadkaan ayaa ah kuwii dhawaan ka barakacay magaalada dhusamareeb ayaa xiligaan waxa soo wajahay xalad nolol xomo tii ugu darneed, waxayna sheegtay in loo baahan yahay in dadkaasi ay helaan gar gaar Bini’aadanimo. Halkan ka daawo sawiro muujinaya dhibaatada haysata shacabka   Waxa ay ku nool yihin dadkaasi duleedka  magalada xarunta u ah gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb kuwaas oo ay fara ba’an... 
Halkudheg:

Boosaaso: Maxkamada oo La Horkeenay Rag lagu eedeeyey Qaraxyo, xukuna lagu ridey

Jan 18, 2010
iyo Ciyaalka derbijiifka ah oo loogu deeqay dhar iyo buug ……….. Maxkamada Derjada Koowaad ee Gobolka Bari ayaa Axaddii, 17, Jannuary, 2010, 15 Sanno oo Xarig ku xukuntay C/risaaq  Maxamuud Axmed  “ Gaambe” oo Xeer Ilaalinta Gobolka Bari ee Dowlada Puntland ay kusoo Eedaysay in uu ka dambeeyay Qaraxii bishii hore,lala beegsaday  Ciidankii Ilaalada Madaxweyne K/xigeenka Puntland,... 
Halkudheg:

Qaar ka mid ah xildhibaanada Barlamanka DFKMG oo ka soo horjeedsaday in Xilligaan lacago laga soo sameeyo dalka dibadiisa

Jan 17, 2010
Maalmihii la soo dhafay ayaa waxaa jirey loolan lacag sameyn ah oo uu ka waday dalka Suudaan wasiirka maaliyada dowlada FDKG Somalia Shariif Xasan Sheekh Adan oo la sheegay inuu heshis lacag sameyn ah la galay dowlada Suudaan . Inta aanan u galin xildhibaanada warkooda oo cad ayaa hadana waxaa jira arin kale oo dhabar jab weyn ku noqoneysa wasiirka doonistiisa in Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya... 
Halkudheg: ,

“DFKMG waxay noqotey aalad uu cadowgu u adeegsado baabi’inta jiritaanka Soomaaliya iyo boobista kheyraadka dalkeeda..” Warsaxaafadeed

Jan 16, 2010
“Ahmed Walad Cabdalla waa isku dubaridaha qorshooyinka cadowtooyo ee lagu baabi’inayo Soomaaliya isaga oo hadda gacanta kula jira dagaal weyn oo….” Golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha hawiye oo Sabtidii kulan ku yeeshay gudaha Magalada Muqdiso ayaa war murtiyeed ka soo saray, Wuxuuna xanbarsanaa qodobo kala duwan oo isugu jirey baaqyo ,hogo tusaaleyn iyo ogeysiin waxaana nasoo... 
Halkudheg:

Boqolaal Qoys Oo Barakacaal Ah Oo Guryahooda Dab Qabsaday Kadib La il Daran Xaalad Hoy La’aaneed Iyo Mid Nololeedba

Jan 16, 2010
Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah Ilaa boqol iyo lixdan qoys oo barakacayaal ah ayaa dab qabsaday guryahoodii oo ka samaysnaa jawaano iyo baco, ayadoo aan la ogayn sababta dhabta ah ee ka dambaysa dabkaas ay ku shuf beeleen ilaa Boqol iyo Lixdan Bush. Dadkan barkacayaasha ah ee deganaa deegaanka xaafada buulo xuubey ee agagaarka Schoolka Hoose dhexe jabuuti ee degmada wadajir ayaa cabasho xoogan... 
Halkudheg:

Wasiirka dhaqancelinta iyo daryeelka Naafada DFKMG: Gudoomiyaha Baarlamaanka wax sharci kuma fadhiyo xilka uu hayo…

Jan 15, 2010
Wasiirka dhaqancelinta iyo daryeelka Naafada DFKMG Dr. Maxamed Cali Ibraahin oo Somalitalk wareysi gaar ah siiyey ayaa ka hadley khilaafka Baarlamaanka, sababaha wax qabad la’aanta Dowlada, dhibaatooyinka ay keeneen dhaqaalo la’aanta, tirada golaha Wasiirada iyo arimo kale oo fara badan, isagoo arimahaasi iyo kuwo kale ka hadlaya wuxuu yiri “Gudoomiyaha Baarlamaanka wax sharci kuma... 
Halkudheg:

Banaanbaxyo dhimasho iyo dhaawac sababay oo Jimcadii ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Jan 15, 2010
Banaanbax looga soo horjeedo xariga Sheikh Abdullah al Faisal oo ay dowladda Kenya xirtay December 31, 2009 xilli uu ka soo baxayay masjid Jamia ee ku yaala Bartamaha Kenya ayaa ka dhacay Jimca January 15, 2010 magaaladda Nairobi kadib Salaadihii Jimcaha. Banaanbaxan oo isku badalay mid rabshadeed ayay kadiba police-da dalka iyo dadkii banaanbaxa sameenaya isku dhaceen iyadoo la xaqiijiyay dhimashada... 
Halkudheg:

Af Soomaaligii oo Abtirsiimo loo helay: Qormo Faaqideysa Cilmi-baaris muhiim ah

Jan 14, 2010
Qore: Abukar Albadri Stockholm, Inkasta oo ummadda Soomaaliyeed loo geystay dhibaato baahsan oo wax lagu qiyaaso aanay jirin, isla markaana gummaadkeeda iyo dibindaabyadeeda aysan u kala harin dowladaha dunida gaar ahaan kuwooda ugu waaweyn iyo kuwa cadowga ummadda Soomaaliyeed ah balse Allaah uu awoodiisa nagula ollogeeyey, haddana ummaddu ma Alle iyo aqoon yahan la’ayn oo baaba’a lala rabay uma... 

Dowladda Federaalka oo ka biyo diidsan in la qabto Shirweyne dib u heshiisiin

Jan 14, 2010
Markii beesha Caalamku ay ka gaabisay in ay siiso dhaqaale Dowladda Federaalka ah isla markaana aan la fulin ballanqaadyo hore ayaa waxay sababtay in uu isqabqabsi dhex maro Dowladda Federaalka gaar ahaan xubnaha Baarlamaanka oo qaarkood horey u sheegay in xiligii uu ka dhacay Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Max’ed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) halka kuwo kalana ay sheegeen in ay wada dhacayaan... 

Guluf dhalanteed ah ayaa dilaya aayaha Soomaliya | Dr. Maxamud M Culusow

Jan 14, 2010
Maalmaha soo socda, Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay (QM) wuxuu falanqeyn doona xogwarranka Xoghayaha Guud taarikhdiisu tahay 8da Jennaayo 2010 kuna saabsan xaaladda Somaliya 4tii bilood ee ugu dambeysay 2009. Soomaliya waa dal u dabran (seized) Golaha Ammaanka. Afar bilood kasta Xoghayaha Guud wuxuu u gudbiya Golaha Ammaanka xogwarran dhinac kasta taabanaya. Qodobbada xusidda mudan ee xogwarranka... 
Halkudheg:

Qoraalka Webebka Soomalida iyo adeegsiga Hadalka. | Maxmuud Xuseyn

Jan 14, 2010
Marka laga hadlayo Faqri ama baahi waxaa qalbiga iyo fikirkaba ku soo degdegaya in hanta la’aani jirto ama aan faraha waxba lagu hayn, hadaan si kale udhigo Faqrigu maaha inaan guunyo iyo gasiintoona la haysan , Aradkuna waa sidaas oo kale oo ma muujinayo Hu ama mariin keliya in loo dhib qabo, Markaanu qofku kabo gashanayn waxaa haleela cagaag oo talaabo ma riixi karo, waxayna calaamad u tahay... 

Shaqo banaan (New Vacancies)

Jan 13, 2010
 Noor al bayan tahfiid quran kareem wuxuu doonayaa macalimiin rag iyo dumar isugu jira oo dhigi kara quraanka kareemka ah subax iyo galab labadaba. Waxaan doonaynaa macalimiin khibrad fiican u leh dhigista iyo barida quraanka kareemka laguna aamini karo quraanka kareemka ah. Maadooyinka in ay dhigaan la rabo waa sida tan:- Quran / Tajwiid Corista iyo akhriska luuqada Carabiga Ardeyda wax ka dhignaysa... 
Halkudheg:

Labo wiil oo lagu soo oogey dacwad dilkii saddexdii marxuum ee Jan 6 logu diley Minneapolis

Jan 13, 2010
Mahdi Hassan Ali, oo 17-jir ah iyo Ahmed Shire Ali, oo 17-jir ah, oo labaduba ah reer Minneapolis, ayaa lagu soo oogey dacwad ku saabsan dilkii saddexdii marxuum ee Janaayo 6, 2010 lagu diley dukaan ku yaal magaalada Minneapolis. Warka oo faahfaahsan ka akhri WCCO Ahmed Shire Ali (bidix) iyo Mahdi Hassan Ali (midig) oo lagu soo oogey dacwad ku saabsan dilkii saddexdii marxuum ee kalal ahaa: Mohamed... 
Halkudheg:

Warbixin Xaaladda Magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan

Jan 13, 2010
Dhanka magaalada Muqdisho saaka xaaladeedu aad ayey u dagan tahay mana jiraan qaraxyo iyo baxado la maqlayo ka dib duqeyno socday ila xalay saqdii dhexe kuwaas oo aan la ogeyn qasaaraha dhabta ay ee ay geyseen cida ridaysay iyo cida lagu ridayey…. Xaalada Magaalada B/weyne ayaa ah mid weli kacsan waxaana dhacaya xabado goos goos ah oo ay isku rudiayaan labada dhinac waxaana barbar soconaya barakac... 
Halkudheg: ,

Waxyaalaha horseedi kara in ilmahaagu guul ka gaaro tacliinta | C/risaaq

Jan 13, 2010
Waxyaalaha horseedi kara in ilmahaagu guul ka gaaro tacliinta Hordhac Waalid weliba waxaa uu jecel yahay in ilmihiisu noqdo mid aad ugu fiican tacliinta. Mar kasta oo ilmuhu guul ka gaaro waxbarashadana waxaa uu waalidku dareemaa farxad aan lasoo koobi karin. Jidka dheer ee loo maro tacliintu waa mid u baahan dadaal iyo dulqaad badan. Waa mid u baahan iskaashi dhexmara waalidka iyo ilmihiisa, macalimiinta... 

Kenya fishermen see upside to pirates: more fish

Jan 12, 2010
 MALINDI, Kenya (AP) — People here have one thing to thank Somali pirates for: Better fishing. In past years, illegal commercial trawlers parked off Somalia’s coast and scooped up the ocean’s contents. Now, fishermen on the northern coast of neighboring Kenya say, the trawlers are not coming because of pirates. “There is a lot of fish now, there is plenty of fish. There is... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...