Home » Warar »

Prof. Lafoole oo ka warbixiyey Qalinkebintii jaamacada Nugal Laascanood iyo Mustaqbalka dhaw hiigsigooda

Guddoomiyaha Jaamacadda Nugaa,  Professor Cabdirizaaq Maxamed Aaden (Lafoole), ayaa ka warbixiyey Jaamacadda iyo ardaydii dhawaan ka qalin jebisay  iyo warbixin guud oo ku saabsan.. Waysiga DHEGEYSO…

Waraysiga waxaa soo tebiyay:
Suleiman Mohamud Hashi Email: xaashi2008@hotmail.com

C/risaaq Lafoole.. DHEGEYSO…
…….

Hambalyo iyo Bogaadin: Ardayda Jaamacada Nugaal University.

Hambalyo iyo Bogaadin: Ardayda Jaamacada Nugaal University.

Waxaan u Hambalyeynayaa Ardayda Ka Qalin-Jabisay Jaamacadda Nugaal University ee Magaalada, Laascaanood, Sanadka 2010. Waxaan Ardayda Qalin-Jabisay Ilaahay uga baryayaa inuu ka dhigo Waxbarashadood mid Anfacda Aakhiro iyo Aduunba Waxaan dareensanahay Halganka dheer ee ay u soo mareen inay Qaataan Shahaadadoodi Jaamacadeed ee heerka koowaad. Waxaan leeyahay Guuleysta, hana ka daalin inaad sii wadataan…  Akhri halkan…

Tobanka Jaamacadood ee ugu horeeya Jaamacadaha Soomaaliyeed

Warbixintii hore ee Qalinjebibta Hoos ka akhri

Xaflad Shahaadooyin lagu guddoon siiyay dufcaddii ugu horraysay ee ka qalin jebisa jaamacadda Nugaal oo laascaanood lagu qabtay

Jan 25, 2010:

Waxa maanta lagu qabtay hallka shirarka ee hotel Xamdi ee magaalada Laascaanood xaflad lagu gudoon siinayay shahaadooyin ardaydii ugu horraysay ee ka qalin jebiya jaamacadda Nugaal University, ardaydan ayaa baratay maadada maamulka iyo maaraynta (Bussiness Adminstration) hadaba xafladdii ayaa u dhacday sidan:

Halkan ka daawo sawiradaii Qalin Jebinta
 
Ugu horrayn waxa hadalka ku furay aayadaha qur’aank kariimka iyo wacdi  Sh. Maxamuud Xaliike oo ka hadlay muhiimadda tacliinta isagoo ardayda ku baraarujiyay in dhanka diinta aad loogu dadaalo.
 
Waxa kale oo madasha ka hadlay Yaasiin Maxamed Cabdi oo ka mid Guddiga Horumarinta Gobolka Togdheer isagoo sheegay inay hambalyaynayaan ardaydan qalin jebisay ayna farxad u tahay ka soo qayb galka xafladdan qiimaha leh isagoo bulshada reer Sool ku baraarujiyay inay badhi taaraan jaamacadooda isagoo sheegay in bulshada reer burco iskaa wax u qabso (self help scheme) ku fuliyeen kala duwan oo waxtar u ah bulshada sida Bridge ka Burco wuxuuna hadalkiisa ku soo gunaanaday in ardayda looga baahan yahay inay tacliinta sii horumariyaan oo aanay halkaa kaga hadhin.
 
Waxa kale oo ka hadlay Axmed Maxamed Kaarshe (Axmed Caato)  oo ka tirsan Qurbe joogta deegaanka Sool ee Scandanivian ka isagoo ka warbixyay doorka ay jaaliyadaha dibaddu ka galeen tacliinta isagoo ka soo sheekeeyey marxalado kala duwan oo tacliinta gobolku soo martay isagoo ardayda gobolka u sheegay inay yihiin arday aad u nasiib badan maadaama ay iyagoo magaaladoodii jooga ay heleen fursad waxbarasho taasi oo uu sheegay inaanay jirin waqtiyadiii uu dhalinyarada ahaa oo uu sheegay inuu tacliinta u doonan jiray deegaano fog fog kana  loona baahan yahay in loo guntado kor u qaadka tacliinta.


 
Waxa isaguna goobta warbixin faah-faahsan kaga hadlay mid ka mid ah Guddiga Board ka Jaamacadda C/rashiid Biixi isagoo sheegay in hawsha jaamacadda ay u soo dhabar adaygeen ayna tahay alle mahaddii mar haddii la joogo dufcaddii ugu horraysay ee ka qalin jebisa Nu (Nugal University wuxuu isaguna ku baraarujiyay qurbe joogta inay doorkooda ka cayaaraan horumarinta tacliinta oo ah furaha nolosha.
 
Waxa isaguna Mica lagu soo dhaweeyay Gud. Waxbarashada ee Gobolka Sool Keyse Cawil oo isaguna ardayda u hambalyeeyey una sheegay in ay tacliinta ku dadaalaan korna u qaadaan dadaalkooda la xidhiidha tacliinta isagoo soo jeediyay in la badiyo dugsiyada sare ee gobolka.
 
Waxa iyaguna doorkii gabayga ka jeediyay labada dhalinyarada ah ee abwaanada Mr. Axmed Carab iyo Abwaan Baashe oo gabayo guubaabo iyo hoga tusaalayn iyo dhiiri gelin ah ugu jeediyay ardaydii xafladdan lagu guddoonsiiyay shahaadooyinka.
 
Sidoo kale waxa isaguna erayo kooban ka jeediyay goobta Oday Faarax Xuseen Xadhigle oo ka socday Gobolka Togdheer xaruntiisa Burco jaamacadeeda oo isaguna ardayda ku waaniyay inay dadaalkooda laban laabaan.
 
Sidoo kale waxa isaguna ka hadlay C/raxmaan Jaamac Ducaale oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Burco oo ka hadlay tayada waxbarashada dalka oo uu sheegay inay ardaydu ku dadaalaan tacliinta ayna ka nasib badan yihiin kuwa qurbaha maadaama ay jogaan dalkoodii oo diini iyo qiyamkii iyo akhaaqiyaadkii islaamiga ahaa laga helayo halka qurbahana ay sidaa ka duwan tahay oo aanay arrimahaasi ka jirin wuxuu ku soo gunaanaday in horumarka ku xidhan tacliinta.
 
Waxa isaguna goobta ka jeediyay warbixin faah-faahsan Guddoomiyaha Jaamacadda Nugaal Professor C/risaaq Lafoole oo ardayda ku boorriyay inay tacliinta halkaa ka sii wadaan isagoo sheegay inay ku han weyn yihiin in haddii alle idmo la heli doono arday tiro badan oo ka qalin jebisa Jaamacadda taasina ay ku xidhan tahay haddii la dadaalo/
 
Waxa xafladdii soo xidhay oo erayo kooban ka jeediyay Guddoomiyaha Degmada Laascaanood Axmed Aw Daahir oo bulshada ku adkeeyay dadaalka iyo waxqabadka ardaydana ka codsaday inay horseed u noqdaan bulshada maadaama ay waxbarteen wuxuu kaloo ka hadlay arrimaha amaanka isagoo sheegay in waayadan dambe falal amaan darro ka jireen deegaanka laascaanood sida waxyaabaha qarxa oo beryahan lagu arkay gudaha laascaanood wuxuuna bulshada ku guubaabiyay in amaanka iyo xasiloonida la adkeeyo.
 
Si kastaba ha ahaatee, xafladda ayaa ku soo gaba gabawday jawi aad u heer sareeeya  oo ku dhisnaa hanaan wanaagsan iyo habsami waxayna noqotay maalin aad ugu weyn quluubta inta danaysa tacliinta maadaama ay ardaydii ugu horraysay ka qalin jebisay Jaamcaddii Nugaal.

Halkan ka daawo sawiradaii Qalin Jebinta
 
 
Subeyr Cismaan
Laascaanood
subeyr1425@yahoo.com

FG: Sawirada waxaa soo tebiyey
Maamulka Jaamacada Nugaal
La xiriir: Nugaal University
nugaaluniversity@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Prof. Lafoole oo ka warbixiyey Qalinkebintii jaamacada Nugal Laascanood iyo Mustaqbalka dhaw hiigsigooda "

  1. Abu Axmed says:

    asw
    waxaan ugu horayn salaamaya bahda somalitlak waxan leeyahay alle haydinka abaal mariyo hawsha aad umada uhaysaan, marka xiga waxan hambalyo udirayaa ardayda ka qalin jebisay Jaamacadda Nugaal ee Laascaanood waxan leeyahay alle haydinka dhigo kuwo umada anfaca aamiin mida labaad waxaan bulsha weynta reer Sool ku guubaabinayaa is barbar taaga Jaamacadda waxa muuqata inay tahay horumar weyn oo aad gaadheen ayna gaadhey soomaali oo dhami hambalyo hambalyo

  2. abdi asiis says:

    mansha allah wa u han balyaynaya ardayda wakhtigoda kubaxshay inay wax bartan nasiibna u yeeshay inay magaladodi ku qalin jabiyaan guul ayan urajaynaya dhamaan bahda wax barashada sool iyo guud ahan somalidaba waxan leyahay garabkina allah ha galo wax kali ah ee aan wax kubedeli kara wa aqoon aqoonta allah dhiso