Home » Warar »

Wasiirka Maaliyadda DFKMG Shariif Xasan iyo Danjire Colow Oo Malaysia Kula Kulmay Dr. Mahathir Mohamed.

Kuala Lumpur :

Kulamadii Safiirka Soomaliya ee Jakarta Danjire Colow uu la yeeshay qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee Malaysia ka dib ayaa waxaa booqasho gaaban ku yimid dalka Malaysia Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Maaliyada Md. Shariif Xasan Sheekh Aden, wuxuuna 26-kii bishan kula kulmay Ra’isul Wasarihii 4-aad ee dalka Malaysia, ahna siyaasi iyo hogaamiye islaami loogana yaqaan dalka Malaysia Aabaha horumarka, caana ka ah dunida oo dhan Md. Tun Dr. Mahathir Mohamed, xafiiskiisa oo ku yaalo dabaqa 88-aad oo ah dabaqa ugu sareeyo ee daaraha mataanaha ah ee aduunka ugu dheer. Soo dhoweyn aad u sareysa kadib ayaa waxaa hadalka furay Md Shariif Xasan isagoo ku furay sidatan “ hadaa nahay dowlada Soomaaliya Waxaan kaaga mahad naqeynaa sida wacan ee aad nala garab taagantahay afkaartaada iyo dhiirri gelintaada inagoo had iyo jeer xusna dardaarankaagii ugu dambeeyay ee aad nagu siisay xiligii aan ku wada sugneyn Djibouti hadana waxaan kaa codsaneynaa in aad usii istaagto sidii Soomaaliya loo garab qaban lahaa ee mugdiga looga saari lahaa umada Soomaaliyeed” Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa gaarsiiyay salaan diiran oo uu markaas uga siday Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed.

Halkan ka daawo sawirada kulanka

Gebagabadii kulankaas ayaa Mudane Shariif Xasan Sh. Aden uu gudoonsiiyay Dr. Mahathir hadiyad taariikhi ah oo mataleysa dhaqanka iyo hidaha Soomaaliyeed iyo in ay Soomaalidu yihiin dad dhaqankooda ku faana (waa sawir geel yar gacan ku samees ah oo dhalo ku jira). Dar daarankii Dr. Mahathir ayaa waxaa ka mid ahaa: (waxaad tihiin dad iyo dal qani ah Alle ayaana idinkugu deeqay kheyraat fara badan oo aynan heysan in badan oo dunidan ku nool maanta ee inta Alle ku mahdisaan, talana saarataan ka shaqeeya sidaad dadkaas iyo dalkaas ku bad badin laheydeen kuna dadaala in cadaalad loo horseedo umada).
Sidoo kale Wasiirka iyo Safiirka ay kulan la qaatay qaar ka mid ah madaxda dalka Malaysia sida Wasiir ku xigeenka Wasaarada Beeraha Md. Dato Mohd Johari bin Baharum oo ay kala hadleen arimo dhowr ah sida;

In ay isu furaan xiriirka ganacsiga xoolaha iyo wax soo saarka beeraha;

In ay dowlada Malaysia soo booqato xarumaha fayadhowrka xoolaha Soomaaliya;

In ay gacan ka geystaan horumarinta dalagyada beeraha Soomaaliyeed, tababarna loo fidiyo siakaashatooyinka beeraha Soomaaliyeed, si loo kobciyo waxsoo saarka dalka;

Xubno ka tirsan Wasaaradaan ayaa horay u tagtay gobollo ka mid ah gobolada Soomaaliya si ay u soo qiimeeyaan tayada xoolaha Soomaaliya, Si kastaba ha ahaatee arrimahaas laga wada hadlay ka dib ayey dowlada Soomaaliya uga mahad celisay dowlada Malaysia xiriirka wacan iyo ka warqabka guud oo ay u fidiyaan Soomaaliya.


Kulankaas ka dib ayuu wafdiga usii amba baxay xarunta Wasaarada Hoostimada Xafiiska Raisul Wasaaraha Malaysia isla markaana qaabilsan arimaha Diinta oo ay horay uga heysteen casuumaad ninka la yiraahdo Y.B. Mejar General Datuk Jamil Khir Baharom waxuuna kamid ahaa jenaraaladii hogaaminaayay ciidamada Malaysian-ka xiligii UNISOM kuna sugnaa mudo 7 bilood gudaha dalka Soomaaliya, Datuk Jamil oo si heer sare ah usoo dhoweeyay wafdiga isagoo kaftan iyo khibradiisa Soomaaliya uga sheekeeyay wafdiga Soomaliyeed, Intaas kadib ayuu wafdiga war bixin kooban kasiiyay xaalada Soomaaliya guud ahaan iyagoo isla markiiba uguda galay ajendayaasha ay kala hadlaayeen.
Waxayna si hufan labada dhinac isla qaadaa dhigeen:

In la xoojiyo xiriirka hay’adaha samalfalka iyo kuwa diiniga ah, sidoo kale in ay dowlada Malaysia u furantahay xiliga ugu dhow ay Soomaaliya xasiloonideeda soo laabato in ay maalgashan karaan iyadoo ka sii saacidi doonto sidii loo soo saari lahaa tiro arday kutababarta dalkooda (capacity building) si ay mustaqbalka dhow uga howl galaan xarumaha dowlada Soomaaliya iyo in taba baro casri ah lasiiyo qaar ka mid ah ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.
Socdaalkan oo ahaa mid ay ka shaqeesay Safaarada Soomaaliya ee Jakarta, uuna marti ugu ahaa Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, ahna Wasiirka Maaliyadda Mudane Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa ku soo gebagaboobay guul iyo horumar laga gaaray xiriirka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Malaysia.

Wariye; C/raxmaan Jaamac Afrax “Helos”
Kuala Lumpur
helos69@hotmail.com

JAALIYADDA SOOMAALIDA EE MALAYSIYA IYO SAFIIRKA SOMALIYA U FADHIYA INDONISIYA OO KU KULMAY KUALA LUMPUR .

Halkan ka daawo sawiro

Kulan Si wacan loo soo agaasimay oo xalay ka dhacey Hotel Nikko Kuala Lumpur malaysiya ayaa waxa wadatashi iyo xog is dhaafsi ku dhex marey Safiirka Somaliya U fadhiya Indonisia Amb. Maxamud Colow Barow iyo Jaaliyadda Somalida ee Malaysia .Kulankaasi oo ay kasoo qeyb galeen Masuuliyinta Jaaliyada Somalida ee Malaysia oo ay ka mid ahaayeen Masuuliyinta kala ah :

Dr. Maxamed Cabbaas Guddoomiyaha Jaaliyadda Somalida Malaysia .
C/Qaadir Ismaaciil Shire (Dr. Daaci) Madaxa Qeybta Waxbarashada.
Maxamed Cabdi Ibrahim Madaxa Qeybta Ganacsiga.
Cabdinasir Xassan Cali Madaxa Qeybta Bulshada, Dacwada & Wacyigalinta.

Sidoo kale Waxa kulankaasi kasoo qeybgaley qeybaha kala duwan ee Somalida ku nool Malaysiya sida : Culumaa’u diin, Macallimiin jaamicadeed, Waxgarad , Ganacsato iyo Arday metalayey Ururada Ardayda Somalida ee Jaamicadaha Malaysiya .

Halka uu kulankaasi marti sharaf ku ahaa Prof. Dr Abdullahi D. Axmed oo bare ka ah jaamicad ku taallo Australia oo lagu magacaabo Victoria University, Dhinaca Culimada iyo waxgaradka Malaysia ayaa waxa kasoo qeybgaley kulankaasi Dr, sh. Axmed Cabdiraxman (Sayid) iyo Sheikh Faarax oo ka mid ah culimada Somalida ee Malaysia , sidoo kale Ururada Ardeydana ay ka mid ahaayeen : Gudoomiyaha Ardayda Ajaanibta ee Jaamicada Malaya C/fatax Gaboobe, Yaasir Baaffo oo Jaamicada UUM ka socdey Iyo Mas’uuliyiin ka socotey Ururka Ardayda Somaliyeed ee Malaysia oo ay ka mid ahaayeen C/fatax Cumar Gacal & Ismacil C/qadir.

Kulankaasi oo ahaa mid lagu gorfeeyey waxyaabo badan ayaa wuxuu u badnaa xog is dhaafsi ay Jaaliyada Somalida ee Malaysia uga warbixinayeen Safiirka waxqabadka Jaaliyada iyo Dhibaatoyinka Somalidu kala kulmaan Wadanka Malaysia .

Ugu horeyn waxa Kulanka furey isbarasho kadibna warbixin kooban Jeediyey Gudoomiyaha Jaaliyadda Somalida ee Malaysia Dr. Maxamed Cabbaas , wuxuu sheegey Gudoomiyuhu Waxyaabihii ay horey u qabteen sanadihii lasoo dhaafey ee ay xilka jaaliyadda hayeen iyo dhibaatoyinka ay la kulmaan somalida ku nool Malaysia oo wadankan u joogo siyaabo kala gedisan sida : Arimo Waxbarasho , Caafimaad , Ganacsi iyo Degenaanshoba , intaasi wuxuu ku daray inay lagama maarmaan tahey in wadashaqeyn iyo kala warqabid dhex marto Safaarada Somalida ee Indonisiya iyo Somalida Malaysiya si ay safaaraddu uga caawiso wax walba oo adeeg safaaradeed ah oo ay somalidu u baahanyihiin . inkastoo ay Somalida Malaysia ammaan fiican ka sheegataan iyo tixgelin Ummadda walaalahooda ah ee ay wadankooda Malaysiya kula noolyihiin ,halkaasi oo ay buu yiri Malaysiyanku siiyaan Somalida fursado kala gedisan oo aan laga helin wadamo badan .

Dr. Cabbaas oo ka mid ah dadkii ugu soo horeeyey Oo Somali ah malaysiya oo waxna ku bartey ,waqti badana joogey ,si aad ahna wax uga fahamsan dhaqanka Dadka Malayga ah ayaa in badan la sheegaa inuu ka mid yahey dadka faro ku tiriska ah ee u ololeeya danaha Somalida had iyo jeerna u heellan inuu caawiyo ruuxii Somali ah oo dhibaateysan .

Waxa Gudoomiyaha Jaaliyaddu kusoo dhaweeyey Danjiraha , halkaasi oo safiirku ka jeediyey warbixin kooban una mahad celiyey Jaaliyadda iyo waxqabadkeeda ballaaran , isagoo ka warbixiyey Somalida Indoonisiya ku nool iyo waxqabadka Safaaradda Somalida ee Indonisya. Danjire Colow wuxuu si qoto dheer uga waramey wax qabadka Safaarada Somaliya ee Indonisiya iyo sida ay xiriiro Diblomaasiyaded ,kuwo ganacsi oo ay ka mid ahaayeen heshiis ganacsi is dhaafsi oo ay wada saxiixdeen wasaardaha ganacsiga Somaliya iyo Indonisia sidoo kale waxa uu xusey xiriiro waxbarasho oo Somalida dan ugu jirto iney ku tillaabsatey Safaaradu , Heeshiyadaasi oo ay Safaaradu la gashey Wadamada Koonfur Bari Aasiya iyo iney ku guuleysteen ka safaarad ahaan in Boorka dib looga jafo Xiriiradii eey horey u lahaan jireen Somaliya iyo Indonisiya amaba wadamo ku yaala koonfur bari asiya sida filibiin iyo malaysiya .

Danjire Colow oo had iyo jeer ah Mas’uul u heellan inuu wax u qabto umadda Somaliyeed ayaa sheegey in uu garab istaagayo jaaliyadda Somalida ee Malaysia oo ah Jaaliyadda Kali ah ee metesha Somalida ku nool Malaysia , Maadaama Somali badan oo kumanaan gaareyso ku noolyihiin Malaysia halka Safaaradda ugu dhowna ay tahey tan ku taallo indonisiya.

Intaasi kadib waxa iyana hadalo kooban kasoo jeediyey Dr. Sheikh Axmed Cabdiraxman Sayid , oo ka waramey baahiyaha dadka somaliyeed ee ku nool Malaysia . waxa iyana su aalo iyo talooyin kasoo jeediyey halkaasi Dr. C/qaadir Daaci , Maxamed Cabdi iyo Cabdinasir Xassan oo ka mid ah Gudida Jaaliyada Malaysia, safiirku wuxuu ku booriyey Jaaliyadda Somalida Malaysia in xiriir dhinacyada waxbarashada , ganacsiga iyo iskaashigaba ay la yeeshaan Jaaliyada Somalida ee wadanka Indonisia .

Ugu danbeyntii waxa uu danjiruhu uga mahadceliyey Kulankaasi Jaaliyadda iyo kasoo qaybgalayashii , wuxuna ku taliyey in had iyo jeer Somalidu gacmaha is qabsadaan , oo uu diyaar u yahey inuu wax ka qabto arimaha somalida Malaysia maadama uu deris dhow layahey , wuxuuna uga mahadceliyey safiirku Jaaliyada iyo waxqabadkeeda ku aaddan Danaha Somalida Malaysiya.

Kulankaasi oo saacado socdey goor ay habeenimo tahey waqtiga malaysiya waxaa lagu gorfeeyey waxyaabo badan wuxuuna ku dhamaadey jawi is afgarasho ah oo ay u riyaaqeen dhammaan dhinacyadii kasoo qeybgalay .

Abdirahim Nuur
Email: abdirahim44@yahoo.com

Socdaalkii Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jakarta Mudane Colow ee Malaysia.
Kuala Lumpur 24 January 2010

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah (kulankii safiirka)

Sida aad horay ula socoteen waxaa bartamaha bishan Janaayo ku sugnaa dalka Indonesia ganacsato Soomaaliyeed iyo wafdi rasmi ah oo uu horkacayay Wasiirka Ganacsiga Md. C/Rashiid Maxmed Cabdi “Ciro”. Booqashadaas oo ujeedadeedu aheyd sii xojinta xiriirka ganacsi ee dalalka Soomaaliya iyo Indonesia, iyadoo ah ku soo gebagabowday is afgarad iyo heshiis rasmi ah oo ay kala saxiixdeen labada Wasaaradood Ganacsi ee Indonesia iyo Somalia oo ay u matalayeen Mr. Cirro iyo Mrs. Elka.

Kadib booqashadaas ayaa qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed oo uu hor kacaayo Danjire Colow waxay u soo kicitimeen dalka Malaysia. Danjire Colow ayaa ka helay casuumaad dowlada Malaysia gaar ahaan Madaxa Laanta Socdaalka Malaysia Dato Abdulrahman Othman, waxayna ka wada hadleen arrimaha sharciyada ardada iyo qoysaska Soomaaliyeed ee ku nool dalka Malaysia, waxayna isku afgarteen in wax laga qabto dadka ku xir xiran xabsiyada Malaysia, sidoo kalena loo fududeeyo sharciyada ardada dooneysa inay wax ku barato jaamacadaha Malaysia, iyadoo il gaar ah lagu haynayo cid walba ee wax u dhimaysa sharciyada iyo nimaadka socdaalka wadanka Malaysia, wuxuuna ballan qaaday Madax Laanta Socdaalka inuu gacan adag kula diri doono cid walba ee abuureysa socdaal sharci darro ah oo loogu safro wadamada deriska sida AUSTRALIA, cafisna aan loo fidin doonin cidii ku safrayso wado sharci darro ah (TAHRIIB), ayna ka warhayaan dhaqdhaqaaqyo noocaas ah.

Sidoo kale wuxuu Danjiruhu ka sii shaqeenaayay booqasho uu ku imaanayay dalka Malaysia Ra’isul Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Maaliyada Md. Shariif Xasan Sheekh Adan oo soo gaaray magaalada Kuala Lumpur 23 January 2010. Danjire Maxamuud Colow Barow ayaa kulamo gooni gooni ah la yeeshay bulshada qeybaheeda kala duwan sida aqoonyahanada islamrkaasna ka ah macalimiin jaamacadaha ugu waa weyn dalka Malaysia, midowga ardayda, qaar kamid ah xubnaha Jaaliyada, odey dhaqmeedyo, ganacsato iyo kuwa kale. Mar uu la hadlaayay Mudane Colow midowga ardayda ayuu kula dardaarmay in xooga la saaro in la helo xarun lagala socdo wax qabadka ardayda, qoraaladooda, wax soo saarkooda iyo in loo sameeyo taba baro joogta ah fartana laagu fiiqo in ay yihiin madaxda mustaqbalka loona baahanyahay in hada laga sii shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa afkaartooda. Waxa kaloo uu balanqaaday Danjiraha, in ay safaarada ka caawineyso wax alaale waxii dokominti sax ah ay u baahdaan in ay 24 saacadood gudahooda ugu soo direyso si aysan ardayda hakad uga galin wax qabadka safaarada, waxaana hadalada Danjire Colow ka mid ahaa “waxaan ahay Aabihiin oo ku faraxsan hormarkiina jecelna in uu idiin daryeelo sida caruurtiisa oo kale ee dadaala wadanka aad buu idinkugu baahanyahay xaalada hada lagu jirana waa ay dhamaan doontaa hadii Alle idmo” waxuu kaloo kahadlay sidii loo weyneyn lahaa sanadguurada 1da Luulyo ee sanadkan maadaama ay ka duwantahay kuwii hore oo ay tahay nus qarni (50 sano) iyadoo ardayda runtii aad ay ugu riyaaqeen sida hagar la’aanta ah ee uu ula taliyay Safiirka iyagoo dareemaayo in ay jirto dowlad ka war qabta ardaydeeda ugana mahad celiyeen garab istaaga uu garab taaganyahay hormarka bulshada gaar ahaan ardayda.

Danjiraha Waxey sidoo kale kala war qaateen aqoonyahanada Soomaaliyeed iyo qeebaha kala ee bulshada isagoo mar kasta kula dar daarmaayey in ay xoojiyaan xiriirka dhexdooda una adeegsadaan aqoontooda dhanka saxda ah isla markaasna ku talagalaan in uu dalka u baahanyahay aqoontooda. Safiirka oo aan kadaaleynin kulamada u la yeelanaayey Soomaalida Malaysia iyo xubno asxaab Malaysian ah, waxaa sidoo kale kusoo booqday safiirka hotelka uu daganaa Madaxa college-ka Rima Mr. Philip halkaas oo uu kaga dhegeystay xaalada ardayda Soomaliyeed ee dhigata college-ka, kana codsaday in ay xooga saaraan sidii ardayda loo baraarujin lahaa, tartan aqooneedna loogu beeri lahaa si ay dhexdooda ugu tartamaan; ardaygii kaalin galo loo balanqaadaayo wax barasho lacag la’aan ah oo uu college-ku bixin doono. sidoo kale in ay ka qeyb qaataan barnaamijada horumarinta ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan Malaysia.

Maahan mar iyo laba inta uu Safiirka yimid Malaysia oo uu la kulmo bulshada qeybaheeda kala duwanan. Mar aan wax ka weydiiyay aqoonyahanadii iyo ardeydii ka qeyb qaadatay kulankii Danjire Colow iyagoo ka tarjumaayo shucuurtooda ayey ii sheegeen in ay maqli jireen in Danjire Colow lagu naaneeso Maxamed Soomaali balse ay dhaheen markaan baranay ka dib waa uqalmaa magaca uu wato ee waa Mudane ku dayasho mudan lehna hormar iyo aragti fog.

Dhanka kale, sidaan horay u xusnayba waxaa ka mid ahaa ajandayaasha uu u yimid Danjiraha Soomaaliya u fadhiyo Jakarta in uu la kulmo Madaxa Laanta Socdaalka Malaysia si uu kala hadlo dhowr qodob oo ay ka mid yihiin:

In lasii daayo ardayda xabsiyada ku jirto, cafisna loo fidiyo, si ay hore ugu sii wataan waxbarashadooda;
In loo fududeeyo ardada iyo qoysaska Soomaaliyeed ee ku nool Malaysia sidii ay u heli lahaayeen E-Passport –ka ay dawladu bixiso oo loo maray wadada saxan, si ay u sahlanaato u wareejinta sharciyadooda;

In cidii dooneysa in ay si wax ku barato wadankan Malaysia ee aan haysan sharci loo fududeeyo in ay qaataan E-Passport macluumaadka qofkana la xaqiijiyo, si ay dawlada Malaysia ugu fududeyso helida sharcigii uu wadanka ku joogi lahaa.

In dowlada Malaysia wax ka qabato arinta ‘qaadka’ oo dib u dhac u keentay qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed talaabo sharciyeesana laga soo saaro.

Intaba waa ay balanqaaday dowlada Malaysia waxaana balanqaadkaas hirgelintiisa ka sii shaqeyn doona safaarada Soomaaliya ee Jakarta oo diiwaangelin ku sameynaysa inta dhibaatada ka heysato sharci la’aanta, cafisna uga dalbeysa dawladda Malaysia si uu u helo sharcigii uu ku degi lahaa wadanka, haddii aanu gelin dambiyada xukunkun adag ka yaalo wadanka.

Gebagabadii, safarka Danjire Colow ayaa ahaa mid wax ku ool ah isla markaana xoojinaayo xiriirka labada dal Soomaaliya iyo Malaysia farxadna galiyay bulshada Soomaaliyeed ee Malaysia in ay arkaan madax kasoo wardoontay ugana mahad celineyso madaxda dalka Malaysia soo dhoweynta iyo martigelinta ardada iyo qoysaska Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Malaysia.

Wariye, C/raxmaan Jaamac Afrax “Helos”
helos69@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.