Home » Sports »

Xaflad isugu jirey soo dhaweyn iyo Dardaaran oo loo sameeyey Xulka Qaranka Soomaaliyeed

Munaasand si heer sare ah loo soo agaasimey laguna soo dhaweynayey Xulka Qaranka soomaaliya oo dhawaan Guul ka soo hooyey kulankii ay la yeesheen Xulka Jabuuti ayaa lagu qabtey Hotelka Naasa Hablood Two waxaana ugu horeyn halkaa warbixin ka soo jeediyey Abuukar Islow oo ka mid kaaliyayaasha Xoghaya xiriirka soomaaliyeed

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe oo munaasabad soo dhaweynta xulka qaranka ka hadlay ayaa sheegay in xiririka iyo cayaartoyduba ay soo mareen waqti adag walina ay xaaladaas adag ku shaqeynayaan laakin ay ka go’antahay calanka Soomaaliya in ay kor u sii hayaan wax kastaba ha ku qaadatee.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Waxaa uu guddoomiyuhu mahadcelin gaar ahaaneed u diray wasiirka macdanta iyo biyaha General Cabdi Qeybdiid oo uu sheegay in uu door weyn oo muuqda ku lahaa guulaha uu xulka qaranku gaaray.-
Waxaa kaloo guddoomiyuhu uu amaan iyo bogaadin aan lasoo koobi karin u jeediyay guddoomiyaha shirkadda Deeqo ahna milkiilaha hotelka Naasahablood ee magaalada Muqdisho Injineer Cabdul Qaadir Maxamed Nuur (Eenow) oo noqday ganacsadihii ugu horeeyay ee xulka qaranka guddoonsiiyay abaalmarin lacageed 2 maalin uun kadib markii ay Cayaar ka dhacday magaalda Jabuuti1-0 kaga badiyeen dhigooda Jabuuti ee aanu walaalaha nahay.

“Injineer Eenow muddo dheer ayuu soo waday taageerada Isboortiga Soomaaliyeed, taariikhda ayaana xusi doonta, waxaana ganacsatada kale ee Soomaaliya ugu baaqayaa in ay ku daydaan oo taageeraan kubada cagta oo ah cayaarta loogu jecelyahay aduunka oo dhan iyo gudaha dalkaba”ayuu munaasabad ka yiri gudoomiye Siciid Mugaabe oo sidoo kale u mahadceliyay xoghayaha Joogtada ah ee wasaarada maaliyada Soomaaliya Axmed Yaaqshiid oo lacag dhiiri gelin ah guddoonsiiyay cayaaryahan ka mid ah xulka qaranka oo horay u ahaan jiray Caseeye ama baalashle.

“Waxaan ugu baaqayaa madaxda kale ee dowladda sida wasiirada, agaasimeyaasha iyo xildhibaanadu in ay ku daydaan walaalkeen Axmed yaaqshiid oo dhankooda ka dhiri geliyaan xulka Qaranka”ayuyu yiri guddoomiyaha oo ay garbihiisa fadhiyeen in badan oo ka mida golaha xukuumada Soomaaliya.-

Guddoomiyaha Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji yabarow (Wiish) oo isna munaasabada hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in xulka qaranku ay mudanyihiin soo dhaweyntan oo kale iyo mid ka sii heer sareysaba maadaama waqtigan adag ay ku dadaalayaan sidii calanka Soomaaliya ay ciida uga celin lahaayeen.

“Anigu waxaan ku faraxsanahay in aan nasiib u yeeshay in aan daawado cayaartii qaranku la yeeheen walaaleheena Jabuuti runtiina waxaa ay muujiyeen cayaar wanaag waxaana ay soo bandhigeen cayaar farsamadeedu sareyso”ayuu yiri guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji yabarow (Wiish).

Wasiirka horumarinta reer Miiga ahna ku simaha wasiirka isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye oo iyana munaasabada hadal ka jeedisay ayaa aad u amaantay talaabada geesinimada leh ee xiriirka kubada cagtu uu qaaday iyo wax qabadkiisa muuqda, waxaana ay xulka qaranka u rajeysay in ay kasoo badiyaan Tanzania.
“Maanta waa maalintiinii, waxaana aad ugu rajo weynahay in aad kasoo badisaan Tanzania”ayay wasiiradu tiri iyadoo hadalkeedana ku wajahaysay macalinka iyo xubnaha xulka qaranka Soomaaliyeed.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Marwo Khadiijo Maxamed diiriye ayaa kasoo istaagtay halkii ay wasiiradu fadiyeen waxaana ay dhex gashay cayaartoday qaranka oo ay la qadeysay iyadoo noqotay wasiirkii ugu horeeyay ee xubnaha xulka qaranka miis kula qadeeya taariikhda inta la ogyahay taas oo guddoomiyaha xiriirka kubada cagtuna uu ku amaanay.-
Wasiirka Macdanta iyo Biyaha oo horana u ahaa taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo munaasabada soo dhaweynta xulka qaranka ka hadlay ayaa ugu baaqay masuuliyiinta sar sare ee dowladda in ay sameeyaan barnaajim dakhli loogu ururinayo xulka qaranka.
“Ragan yar yari iyagoo xero boolis kusoo tababar qaatay ayay guushan keeneen bal maxaad u maleyneysaan iyagoo helay Stadium Muqdisho dowladduna ay kharAsh badan ku bixisay? Waan ku rajo weynahay in ay koobka aduunkaba qaadi doonaan”ayuu yiri General Qeybdiid.

“Isboortigu waa nabad sidaa daraadeed waxaa madaxeynaha iyo ra’isulwasaaraha Soomaaliya ugu baaqayaa in ay isboortiga gaar ahaana kubada cagta u adeegsadaan aalada hub ka dhigista iyo nabadeynta dalka oo ahmiyad gaar ahaaneedna la siiyo”ayuu yiri wasiirku.-

General Qaybdiid oo 20-kii sanno ee ugu dambeeyay in badan ku mashquulsanaa horumarinta iyo taageerida isboortiga Soomaaliya ayaa bartamihii sanadkii la soo dhaafay waxaa la gudoonsiiyay abaal marinta ugu sareysa ee Olombikada ee xaga nabada iyo la dagaalanka Muqaadaraadka, waxaana uu noqday masuulkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo abaalmarin noocaas ah la siiyo.

Ugu dambeyntii Ra’isulwasaare ku xigeenka Soomaaliya ahna wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka Badda Prof Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo munaasabada soo xiray ayaa u balan qaaday cayaartoyda Qaranka in aqalka madaxtooyada xaflad weyn loogu sameyn doono oo Madaxweynaha Soomaaliyana ay la kulmi doonaan marka ay Tanzania cagaha ka soo garaacaan.

“Jabuuti iyo adinku waxaa tihiin isku mid hadii ay idinka badiyaan iyo hadii aad ka badisaanba, aakin muhiiamadu waxaa ay tahay in aad garaacdaan Tanzania cayaarta aad la yeelaneysaan 12-ka bisha Maarso ee inasoo aadan aniguna waan daawan doonaa cayaartaas hadii Alle idmo”ayuu yiri Prof Ibbi.

“Anigu teleefishinada ayaan kala socday cayaartii aad la yeelateen jabuuti waxaana wada ognahay in dadweynaha reer Jabuuti ee garoonka joogay ay adinka uun idiin sacbinayeen taasina waxaa ay muujineysaa in labadiina kooxoodba aad isugu mid ahaydaeen”ayuu yiri Ra’isul wasaare ku xigeenku.-
Prof Ibbi oo ah khabiir isboorti oo xilal caalami ah oo isboortina soo qabtay ayaa ka mida shaqsiyaadka ku jira dowladda Soomaaliya ee ugu fir fircoon xaga taageerida isboortiga.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.