Home » Faallo »

Shariif, Mar Kasta Ma Qob Moosaa Laguu Dhigayaa!! | Amiin Yuusuf

Nin odey ah oo si aad ah ula socda xaaladda Soomaaliya ayaan wax ka weydiiyey Madaxweyne Sheekh Shariif oo ay u buuxsantay mudo hal sano ah markii la doortey , waxa uuna hadalkiisii ku bilaabay. “Qiyaasta lagu cabiro rabitaanka Shacabka, Sheekh Shariif haddii aad ku ogeyd 95%, maanta hoos ayay u dhacday qiyaastaasi waxayna mareysaa 30%”, waxaaan weydiiyey waxa uu sidaas u leeyahay, waxa uuna yiri “Barakicii weli waa socdaa Madaafiicdii weli waa socotaa, Dilkii weli waa uu socdaa , Xarigii weli waa socdaa, Dhaciina weli waa socdaa, wax uu soo kordhiyey  ma jiraan, waxaase intaa oo dhan ka daran in kuwaan Beesha caalamka la magacbaxay ay weli Shariif meel cidlo ah ku waddaan, waxaa la yaab leh in maalin walba Qob Moos loo taraarixiyo”, waxa uuna sii daba-dhigay hadal aan layaabay oo ahaa “Waayeel tag lama yiraahdee wax uu ku tagaa la tusaa”.  

Odyega Warkiisa war ayaa iiga baxay, waxaana weydiiyey sababta Oraahdaa uu u soo qaatay, waxa uuna iigu jawabaay “C/llaahi Yuusuf mar dhawaan la wareystay waxa uu sheegay in Sheekh Shariif sababta madaxweyne looga dhigay ay ahayd in la isku jabiyo dhanacyadii ay markii hore saaxiibadda ahaayeen, hase yeeshee taasi ma noqon, beesha Caalamkana weli waa ay Maaweelinayaan oo maalin walba qorshayaal cusub ayaa loo soo dejiyaa waxaana ka mid ah Qorshayaasha  dhegta loogu sheegay  in uu magacaabo Hay’ad ama Shirkad la socota dakhliga soo gala dowladda Federaalka si halhaleel ah ayuu arrintaasi Sheekh Shariif ugu dhaqaaqay waana Qobkii Moos ee ugu horeeeyey ee loo dhigay”, Odaygii warkii waa uu sii watay “Sheekh  Shariif waxa loo soo jeediyey in uu furo Bank Dhexe”, waana uu furey waxaana lagu yiri”waxaan kuugu soo shubeynaa wixii lacago ah oo ay Beesha Caalamka Dowladdaada ugu deeqdo,” welina Bankigii shilin kuma soo dhicin,Xildhibaabanadii afka labadii bay yeereen calashaan Mushaar la’aan, waxaa kaloo lagu wargeliyey in uu guddi deg deg ah u magacaabo Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha si ay ula socdaan Dakhligii halkaasi ka soo xarooda isagoo durbaddiiba sameeyey guddigaasi, waxayna beesha caalamku yiraahdeen “haddii aad rabto inaan ku taageerno waa inaad soo bandhigtaa dhaqaalaha kaaga soo xarooda dalka gudihiisa”, weli waa socotaa Qob Moos taraarixintii, waxaana loo soo jeediyey in uu deg deg u kala diro Maamulkii Gobolka Banaadir oo isagu dhaqdhaqaaqiisii uu aad u fiicnaa waxaana la magacaabay maamul cusub, waxayna dadka qaarkii hoosta ka xariiqeen in maamulkaasi wanaagsanaa, Sheekh Shariif waxaa loo soo jeediyey in uu xilka ka qaado saraakiishii hogaamineysay Ciidanka Booliiska iyo Milatariga iyadoo loo ballanqaaday in dhanka dhaqaalaha laga taageerayo ciidamada Dowladda haddii ay hogaan xoog leh helaan”. 

      Halkaas markuu marsiinayo hadalkiisa ayuu igu soo jeestay oo yiri “Waxaana aaminsanahay in aan xaqiiqo ka hadlayo, sababtoo ah cid ay ka daahan tahay ma jirto in beesha caalamka ay isteerinka u hayso arrinta Soomaaliya”, halkii ayuu hadalkii ka sii watay “Sheekh Shariif waxaa kale oo loo soo jeediyey in uu deg deg u hesiishiiyo maamulkii GalMudug kadib markii loo tusiy in haddii uu gacan ka hadal dhex maro siyaasiyiinta isku haysa maamulka GalMudug ay halkaasi ka faa’iideysan doonaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka, markiibana Sheekh Shariif deg deg ayuu arrintaas ku xaliyey.

      “Ma aha arrin ay Dowladda ka soo Go’dey in ay ku Dhawaaqdo in ay qaadeyso Bisha Janaayo Dagaal ay kula wareegeyso Magaalada Muqdisho, waxaana arrintaasi daboolka ka qaaday Ra’isul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke waxay dadka qaarkii ku micneeyeen mid ay   beesha Caalamka ku dooneysey  in dad lagu barakiciyo waayo weli ma dhicin Sir Militari oo Daboolka laga qaadayo waxaana ku soo baxaya sida Beesha Caalamka u Jahwareerinayaan siyaasiyinteenna  una fahmi la’ yihiin hagardaamooyinkooda” ayuu yiri odeyga    

Odeygii oo hadalkiisii sii wata ayaa sidoo kale ii soo jeediyey dhacdo la yaab leh waxaana halkaasi kaaga soo baxaya in beesha caalamka ay weli hageyso arrimaha Soomaaliya, arrintuna ay u eg tahay (Qawda Ma Qashii Waxna ha u Qaban), waxaana weydiiyey waxa ay tahay dhacda la yaabka leh ee uu sheegayo, waxa uuna yiri “Waxaa deg deg Sheekh Shariif loogu amray in uu kala diro Ciidamadii Daraawiishta kadib markii ay beesha caalamku u aragtay in ciidankaasi yihiin kuwo xagjirayaal ah oo la shaqeeya dhinaca kale , waxaana la yiri “Nin Gar leh oo Cimaamad wata ma noqon karo ciidan dowladeed”, waxaana Ciidamadii Midowgii Maxkamadaha ee watay magaca Daraawiishta lagu kala daray Booliiska iyo Milatariga, xaqiiqdii ciidankaasi waxay ahaayeen kuwo nabad ku soo dabaalay deegaanada ay Dowladdu ka taliso, waxaana soo dhaweeyey hawlgalkooda dadweynaha balse kadib maxaa dhacay, waxaa dhacday in degmooyinkii yaraa ee ay gacanta ku haysay Dowladdu sida XamarJajab, Xamarweyne iyo Waabari ay dadweynihii deganaa cabasho xoog leh ka keenaan ciidamada wata Dareyska Dowladda kadib markii halkaasi habeen walba lagu dilo dad aan waxba galabsan. Beesha caalamka in ay faragelin ku hayso arrimaha Soomaaliya cidna daah kama saarna, waagii Maxaakiimta ay ka talinaayeen dalka oo ay nabad ku soo dabaaleen inta badan Koonfurta Soomaaliya ayaa afhayeen u hadlay Qaramada Midoobey waxa uu yiri “Soomaaliya xiligaan waa markii ugu xumeyd dhanka nabadgelyada ee soo marta”, waxaana halkaasi kaaga muuqata in caalamku u shaqeynayo si bilcaksi ah oo dalkaan aan lala rabin in ay nabad ka dhalato”.

“Subaxii dambe waxaa la arkey Shiikha oo isku soo giijiyey Tuutaha Milatariga iyo koofi dadka waa yaabeen hase yeeshee Sheikh Dookhiisa ma ahayn Qaadashada Tuutaha mana ahayn mid uu iska maagey ee waa mid kor ka timid “Waxayna beesha Caalamka yiraahdeen” Saaxiib Adigaa kaa shakisanahay waa maxay Cimaamada Qamiiska “ ayuu yiri odeyga oo markasta ii soo bandhigayey Qorshayaalka inta jeer ee ay beesha caalamka  jiheeyeen Shariifka laakiin ma ogi in Shiikhu u qarsoon tahay Oraahdii ahayd ( Dantaada Maqaar Ey baa loogu Seexdaa)

Odeygii oo warkii ku dheeraaday ayaa yiri “Sheekh Shariif waxaa loo meeriyey in uu deg deg ula heshiiyo Ururka Ahlu-Sunna Waljameeca, Dowladda oo taas u deg degeysa una dheg-raaricineysa hadalka beesha caalamka ayaa maalin cad waxaa xarunta madaxtoonyada lagu qabtay xaflad ay heshiis ku kala saxiixanayaan AhluSunna Waljameeca iyo Dowladda Federaalka, waxaana markiiba arrintaasi beeniyey afhayeenka Ururka Ahlu-Sunna Waljameeca oo yiri “Wax war ah oo aan ka heyno ama aan kala socono heshiiskaasi ma jiraan”, Waxaana dhihi karaa dowladdu si ka fiirsasho la’aan ah ayay u gashay arrintan si ay u qanciso beesha caalamka”. 

Qob Mooskaas faraha badan ee loo taraarixiyey Dowladda Federaalka inkastoo ay u hogaansantay haddana kuma gaarin hamigii ay lahayd sidoo kalana kuma helin wax dhaqaale ah oo buuran, waxayna hadda diyaar u yihiin qorshe kasta oo dhanka beesha caalamka ka yimaada in ay fuliyaan, horaa loo yiri “Falaartii cirka loo gano cid walbay filo”,Wareegtadaan faraha badan ee ka imaanaya Beesha caalamka waxay dad badani  saadaalinayaan in marka dambe Beesha caalamka ka soo yeerto in meesha laga saaro rag badan oo Shariif soo wada halgameen sida C/qaadir Cali Cumar, C/raxmaan Janaqow iyo Shariif Xasan iyo waliba kuwo iyadoo la leeyahay raggaasi beesha caalamka lama dhacsana ee waa in meesha laga saaraa.waxayna noqon kartaa Qob Mooska ugu dambeeyay ee Sheekh Shariif ku istaago.     

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-,Mail amiinkhasaaro@hotmail.com 
 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.