Home » Warar »

Midowga Yurub oo wada qorshe Dowladda Federaalka loo gu soo tababarayo Ciidamo

 Midowga Yurub Wasiiradooda Arimaha dibadda ayaa lagu wadaa in kulan looga hadlayo sidii tababaro loo siin lahaa ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya ku yeelanaya magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Shirkaan ay isugu imaanayaan wasiirada arimaha dibadda ee Midowga yurub ayaa waxaa la filayaa in diiradda lagu saaro sidii loo meel marin lahaa go’aan horay ay ugaareen midowga yurub oo ahaa in tababaro kala duwan ciidamada dowlada KMG Soomaaliya lagu siiyo dalka Uganda, askartaas oo gaaraya 2000 oo askari si ay uga hortagaan dhibaatooyinka ka jirta gudaha dalka Soomaaliya.

Sarkaal i reer yurub ah oo u waramayey warbaahinta ayaa sheegay in tababarkaasi ay ka qayb qaadan doonan ilaa 200 oo ah macallimiin ka tirsan ciidamada Yurub, waxaana la filayaa in kulanka lagu shaaciyo dalalka ay ka soo kala jeedaan ciidamadaasi tababarka siinaya kuwa dowladda KMG Soomaaliya ee furmaya bisha May ee samadkaan.

Sidoo kale waxaa la filayaa in kulankaan diiradda lagu saaro sidii saanad Militeri loo siin lahaa ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya marka ay u soo dhamaato tababarkooda lagu siinayo dalka Uganda

Shirkaan ayaa waxa uu daba joogaa kulan bishii November ay isugu yimaadeen wasiirada difaaca ee dalalka Midowga yurub kuwaa oo soo jeediyey in labo kun oo askari oo ka tirsan ciidamada Dowlada Soomaaliya lagu tababaro dalka uganda.

Maha markii ugu horeysey oo ciidamo loo soo tababaro Dowladda waxaa hore loo keeney kuwa fara badan oo qaarkood ka goostey Dowladda sidoo kale waxaa Dowladdii Cabdulaahi Yuusuf loo soo tababarey 15 kun oo ciidan ah waxaana ciidamaad ay ka tageen wixii loo soo tababarey qaarkoodna waxay ku biireen kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiin Khasaaro@hotmail.com

Diyaarad laga leeyahay wadanka Ethiopia oo ku burburtay badda Mediterranean-ka

Diyaarada Burburtay oo ay la socdeen ku dhawaad 90qof oo rakaab ah ayaa waxaa ay daqiiqado ka hor burburkeeda ka soo duushay garoonka diyaarada ee Magaalada Beirut ee Xarunta wadanka Lebanon.

Diyaaradda bur-burtay ayaa ku wajahneed caasimada dalka Ethiopia ee Adis Ababa ayaa ku dulburburtay badda Mediterranean-ka oo ay roobab wata dabeelo ay ka socdeen xilliga ay diyaaradda burburtay.

Wakaalada wararka ayaa waxay sheegeen in rakaabka diyaarada la socday ay 50 ay yihiin Lubnaan iyo sidoo kale 35 qof oo Ethopian ah kuwaasi oo ku wajahnaa  Addis sidoo kalle dadka dhintay waxaa ka mid ahaa dad u dhashay wamada, Canada, Britain, France iyo dalka Russia. 

Diyaarada burburtay oo la rumeysan yahay inay tahay Boeing 737 ayaa radarka garoonka diyaaradaha ee lubnaan ka baxday kadib 5 daqiiqo markii ay ku jirtay hawada wadanka Lubnaan oo ay markii hore ka kacday.

Warar aan la xaqiijin ayaa shegaya in dad nool ay soo badbadiyeen ciidanka dalka Lebanon iyadoo wali uu socdo baaritaanka sababta keenta burburka diyaarada sida uu sheegay wasiirka gaadiidka ee dalka Lebanon  Ghazi Aridi

Dadka la rumeesanyahay in ay ku dhinteen Diyaarada waxaa ka mid ah Marla Sanchez Pietton oo ah haweeneyda u dhaxda safiirka dowlada France u fadhiya dalka Lebanon.

Ma jirto ilaa iyo iminka Faahfaahin dheeri ah oo ka soo baxaday Dowladaha Ethiopia iyo Lubanan oo diyaaradani ay kula goosheysay marka laga reebo xaqiijinta in diyaaradaasi ay ku dul dhacday Biyaha bada ee Lubnaan .

Diyaaradan Boeing 737 ee Ethiopia ayaa ay noqoneysaa Diyaaradii ugu horeysay ee Nooceeda ah taaso oo ku dul burburta Biyaha wadanka Lebanon.

Ibraahim Da’ud 

sayfudiin@hotmail.co.uk 

Nairobi-Kenya

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.