Home » Warar »

Dallada SOYDEN oo tababar ku saabsan ka hortaga Cudurka AIDS-ka u furtey dhalinyaro Soomaaliyeed.

 Sannadkii  2008 tirada Soomaalida qabta AIDS-ka waxaa lag qiyaasay 24,000 qof, waxaana xilligaas cudurkaas u dhintay 1,600 qof, waxaana ku agoomoobay 8,800 carruur ah… Cudurka dilaaga ah ee AIDS waxaa qaba 22.4 million oo qof oo ku nool dalalka Afrika ee Saharaha ka hooseeya. Sannadkii 2008 waxaa lagu qiyaasay in 1.4 million oo ku nool dalalka Saxaraha ka hooseeya, waxaana xilligaas cudurkaas dilaaga ahi ku dhacay 1.9 million oo ku dhaqan Sub-Sahara Afrika. Qiyaastii 14 million oo carruur ah ayaa waalidkood uu galaaftay cudurkaasi. ( EEG HALKAN).

Dallada SOYDEN oo tababar ku saabsan ka hortaga Cudurka AIDS-ka u furtey  dhalinyaro Soomaaliyeed.
 
Waxaa maanta laga furey Hotel Ambassador tababar ku saabsan sida ugu haboon ee looga hortegi karo cudurka  HIV-AIDSka, wuxuuna tababarkaan uu socon doonaa  muddo shan maalmood ah.
 
Tababarkaan  ayaa loogu tala galey dhalinyarada ku nool gobalada Koonfurta iyo Bartama Soomaliya, si ay uga faaiidaystaan qataraha uu cudurkaan uu u leeyahay Bulshada iyo waxyaabaha laga kala qaado.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah
 
Tababarkan oo ay dhalinyarada ku baran doonaan sida ugu haboon ee looga hortegi karo cudurka AIDSka  iyadoo loo maraayo diinteena islaamka ah ayaa waxaa bixinaayo qabiir Soomaliyeed oo diinta u leh aqoon durugsan.
 
Tababrkan oo ay soo abaabushey hay’ada Iskuxirka iyo Horumarinta Dhalinyarada ee SOYDEN ayaa waxaa gacan ka geysatey hay’ada UNFPA waxaana loo furey dhalinyaro aqoon duruqsan u leh diinta islaamka oo xaafidul quraan ah.
 
Hay’ada SOYDEN oo ah hay’ad gacan ka geysata sidii loo hormarin lahaa dhalinyarada Soomaliyeed kuwaas oo dhibaato badan ka soo gaartey dagaalada iyo burburkii dalka ka dhacey 20 sanno ee u danbeysey.
 
Xaflada furintaanka tababarka waxaa ka Hadley madax kala duwan oo ka kala socota hay’adaha wadaniga iyo jaamacadaha dalka. Hadal uu ka jeediyey furitaanka guddoomiyaha dalada SOYDEN Osman Mohiadin Moallim ayuu wuxuu xusey in diinteena ay tahay mid na fareysa isla markaasna na tilmaameyso tubta wanaagsan ee nolasha.
 
Wuxuu ka soo qayb galayaasha tababrka fursada u heley kula dardaarmey in ay ka faa’ideystaan tababarkan isla markaasna ay u gudbiyaan saaxibadooda, ehelkooda oo aan fursad u helin ka qayb galka tababrkaan.

 
Waxaa sidoo kale halkaas ka Hadley Shiikh Cabdi Xayi oo ah qabiir dhinaca diinta isla markaasna ka mid ah iimaamada ugu waaweyn ee masajidyada Xamar, ayaa wuxuu ku nuuxnuuxsadey sida ay muhiim u tahay in nolasheena lagu dabaqo diinteena isla markaasna la raaco waxa ay na fareyso.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah
 
Shiikh Cadi Xayi wuxuu kaloo sheegey in ka fogaanshaha xumaanta ay ka wanaagsan tahay, iyadoo sidoo kale halkaas ka hadleen  marti sharaf kala duwan oo ka kala socdey hay’adaha ururada bulshada waxuuna  ku furmay Siminaarkaasi Jawi aad u sareeya .

Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com

………….

LIFAAQ:

Hore waxaa loo sheegay in QAADKA (JAADKA) uu faafiyo AIDS-ka, waayo waxaa dhici karta dadka qaadka guraya (haddii uu ku dhaco cudurkaasi) in haddii dhacaankooda sida dhiig uu ka gaaro qaadka, isla markaasna isagoo qoyan lagu duubo caleen Moos/Muus, durbadiina loo dhoofiyo Muqdisho, Hargeysa, Boosaaso iyo goobaha ay cagadhigtaan diyaaradaha yaryar ee qaadka wada in caleentii oo qoyan hore laga cuno, wixii cudur ah ee ay xambaarsanaydna uu qofkii cunay u gudbi karo.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.