Home » Maqaallo »

Talaabada Kenya ma soo dedejinkartaa xalka Soomaaliya | Farah Aw-Osman

Tan iyo intii burburku ku dhacay haykalkii dowladnimo ee Soomaaliyeed waxaa shacabkii Soomaaliyeed gaar ahaan intii aqoonta dowladnimo, cilmi iyo xirfadeedba lahayd, intii hantida dhaqaale haysatay u qaxeen dalalka dariska ah, gaar ahaan Kenya.  Kuwaas oo buux dhaafshay hoteeladii iyo xaafadihii Nairobi.  Waxaa intaa kuu sii dheer in hantidii Soomaali lahayd, mid qurbe laga keenay iyo mid Soomaaliya lagala soo qaxayba la geliyay Kenya, hantidaas oo lagu qiyaasi karo Balaayiin Doolar, maalgelintaasina waxay sababtay in Kenya ay noqotay suuqa ugu weyn Afrika ee badeecadaha bagaashka iyo Batroolka, taas oo wadamada bariga iyo bartamaha Afrika ay u soo adeeg doontaan sida wadamada: Uganda, Tanzania, Sudan, Congo, Ruwanda, Burindi, Malawi, Zambia, iyo South Afrikaba.

Hadaba waxaa dad badan aaminsan yihiin hadii dalalkaas dariska ah sida , Kenya, Jabuuti, Itoobiya , Yeman iyo Dubai-ba ay dadka Soomaaliyeed soo tarxiili lahaayeen ama  ku khasbi  lahaayeen inay dalkooda dib ugu noqdaan in taasi soo dedejin lahayd xal in loo helo mushkilada Soomaaliya.

Dadka aragtidaas qaba oo aan anigu isku tiriyo waxay sabab uga dhigaan aritaas qodobadan hoos ku qoran:

  • Maadaama Soomaaliya kuwa qaska ku haya ama maalgeliya ay yihiin raga buux dhaafshay Hoteelada Nairobi iyo Dubai, soo celintoodu waxay keeni lahayd xal deg deg ah
  • Maadaama dalkii ay isugu hareen geeljire iyo askar horjoogayaal ah waxay soo celinta Soomaalida dalalka derisku horseedi lahayd in ay dalka dib ugu soo noqdaan dadkii aqoonta u lahaa hab maamulka iyo maaraynta dowladnimo, takhaadiirtii , injineeradii , macalimiintii oo iyaguna dalka dib ugu soo noqdo kana qayb qaata ama laf dhabar u noqda dib u dhiska dalka.
  • Faa’iidada kale ee ay soo celinta dadkaasi keeni lahayd waxay tahay in dhaqaalaha bilaayiinta gaaraya ee lagu maalgeliyay Cimaaradaha Dubai, Hoteelada iyo Fiilooyinka Nairobi in dib dhaqaalahaasi loogu celiyo dalkii hooyo , taas oo wax badan ka badali lahayd xaalada dhaqaale, shaqo iyo nololeed ee Soomaaliya.

Talaabada Kenya ee maanta waa digniin ninkii garaadlihi ka faa’iidaysan karo, oo inta goori goor tahay lacagtiisa kala bixi karo dalkaasi, hadii kale waxaa soo socota maalin aan dheerayn oo sidii Ida Amin ku sameeyay Hindidii Uganda la oran doono Soomaalida Kenya nin walboow adoo bac wata ayaad soo gashay sidaa awgeed kabaxa kalka idinkoo aan waxba kala baxay, maxaa yeelay Hoteelada iyo Fiilooyinka quruxba badan ee Nairobi waa kuwo dhidibo leh, dhulka Kenyana ku yaal.  Sidaa awgeed intay goori goor tahay alow yaa idin yiraahda bustihiina ka duubduubta .

Waxaa intaas ka sii daran, kadib markii Faras Magaalaha Nairobi lagu sameeyay mudahraad kaas oo ay ka dhex muuqdeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo farabadan, kuwaas oo lagaba yaabo in badankoodu dalka aysan sharci ku lahayd, kuwaas oo wata Calankii Al-Shabaab, kana dacwoonaya nin aan u dhalan Kenya oo dalka laga musaafuriyay, ayaa ciidamada amniga ee Kenya waxay qabqabteen dad badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo isugu jira  dhalinyaro, dumar, waayeen iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed.  Hadaba waxaa isweydiin mudan Kenya xaq ma u leedahay inay amniga dalkeeda sugto, xaq ma u leedahay inay cidii dalkeeda sharci daro ku joogta qabqabato ama musaafuriso, hadii jawaabtu haa tahay , hadaba maxaa sababay in Soomaalidu meelay joogaanba qaylo afka ku dhuftaan oo dhaleeceeyaan Kenya. 

Waxaa wax lagu qoslo aan ku tilmaami karaa dadka Soomaaliyeed oo aad moodid inay doqoniimo dufaysatay, mararka qaarna aabad la yaabaysid mawaaqiftooda amuuraha qaar,  waxaan taas uga dan leeyahay in ay u mudahraadaan nin Jamaykaan ah oo aan Kenya u dhalan iyagoo laftigoodu dalka ay ku dhex mudahraadayaan aan sharci ku lahayd, ama ka dacwoodaan maxaa loo xirxiray dadka Soomaaliyeed ee sharci darada ku jooga.  Soomalidu miyaysan ahayd kuwa iyagu iskula dhaqma wax ajnabinimo ka xun, yaa soo baro kiciyay boqolaalka kun ee qaxootiga ku ah Kenya, miyaysan maanta Soomaaliya marayn in Muwaadiniintii Soomaliyeed ciidoodii hooyo loogula dhaqmo sidii ajaanib, sida in la musaafuriyo, la xidho dabadeedna loo dhiibo wadamo kale, la yiraahdo dadka aan u dhalan Soomaaliland ama Puntland ha isdiiwaan geliyeen ama reer koonfur ama faqashtu hanaga baxdo ,ama la yiraahdo waxaa Muqdisho ku soo duulay dad aan u dhalan oo ka yimid Puntland iyo Baayland iwm….

Hadiiba aan inagii heerkaas marayno, maxaa qaylada iyo baroorta keenay, maxaanse Kenya ku haysanaa hadii ay rabto inay sugto amniga dalkeeda.  Dalkeenii baan holcinay oo dadkiisii dubanay , qaranimadiisii kufsanay, sharaftiisii dhaawacnay, bad iyo bari xaalufinay , marka yaynaan qoriga dabka ah ee aan la wareegayno ku gubin dalalka albaabada idiin furay oo ugxantiinii ,hantidiinii iyo ubadkiinii aad ula cararteen, nabadgelyada aad ka waydeen dalkiinii oo aad ku haysataan dalalkaasna ha dhaawicinina ee inta guryihiinu idiin hagaagayaan deelqaafka iyo isbihinbihinta aan waxay idiin dhinto mooyee waxba idiin kordhinayna iska yareeya, hadii kale Qoorgooyadii Al-Shabaab iyo Jilaafadii Shariif Xariif u diyaar garooba.

Waxaan maqaalkayga ku soo gabagabaynayaa maahmaah murto qoto dheer xambaarsan oo reer barigu ku maahmaahaan taas oo leh:  “Adoo nabad u balwaaja below kaalay lama yidhaa, haday kuu timaadana lama booyo boowoow”  marka idinkoo muufadiinu maraqa idiinku jirto hadii aad calamadii Al-Shabaab la soo baxdeen dee u diyaar garooba wixii idinku dhaca. 

Farah Aw-Osman

awosman@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Talaabada Kenya ma soo dedejinkartaa xalka Soomaaliya | Farah Aw-Osman "

  1. sharmaake says:

    waxaan halkaan salaan qaaliay uga dirayaa bahada somalitalk salaan kadib, waxaa nagu dhacday taarikh aad u fool xun bar maxay ahaan jireen kenya iyo somali marka la is barbar dhigo waxaa u dhaxaysa faraq aan lasoo koobi karin marka lax walba shilintay is dhigtoio baa lagu bireeya calaa calku talo ma ah ee somaliyeeey ka kaca meesha oo dada camal u dhaqmo pls

  2. Cabaas says:

    Aragtida qorahaani waa xaqiiqdu siday tahay. Waxaan qabaa in Soomaalidu noqotay dad dhaqan, xishood, akhlaaq iyo Islaanimoba ka tagay, dalkoodii ayay burburiyeen marka ma filaayo cid ka yeelaysa kaagana aan burburiyo. Aduunka dhaqan xumadeena ayaa nagu dirtay ee cid Soomaali neceb because Soomaali aan nahay ma jirto, laakiin ficlinkeena xun, xasuuqa iyo cawaanimada aan la inaku nacay.

  3. Shukri Sh. says:

    AAWW,
    Faarax Aw-Osman, maqaalkaagan aad ugu magac dartey Talaabada Kenya ma soo dedejinkartaa xalka Soomaaliya?, Illaahay waxba kuma ahan arinta Soomaaliya inay Nabad degdeg ah u soo dedejiyo, laakiin Soomaalida ayaan weli diyaar u ahayn in ay Soomaalia degto, maxaa yeelay waxaa la yiraahdaa “Xaajo daba la qabtey leedahay”, ee tan Soomaaliya dabadii la qaban lahaa waa la gooyey, dadka gooyeyna waa og yihiin oo maanta shalay ayey ka joogtaa, oo siday filayeen ma noqon, marka aan u soo laabto arinta Kenya Kenya ayada xaq ayey u leedahay inay amaankeeda sugto, hase ahaatee arinta Mudaaharadka Muslinoo dhan baa ku jiray ee Soomaali keliya ma ahayn, marka in Soomaalida keliya la far muuqo ma ahayn, shabeel ayaa ilmahiisa geel ku joogsadey markaasuu Shabeelkii yiri: waan arkaa wuxuu ari ku falay ilmaheygii, ileen Shabeelka geela waxba kama qaadi karee ariguu ka adag yahay marka anaga taasaa ina haysata oo Soomalidaa la og yahay inay jilicsan tahay oo dowlana lahayn oo wax u doodi jirin qaarkeedna sharci la’aan yihiin.
    Faarahow inta goori goor tahay ka tashada ayaad tiriyee ee keen talo saxa oo Soomaalida ay uga tegaan Kenya, ma waxaad leedahay dabka isku gura idinka iyo maatidiina iyo hantidiina, mise line dhoof raadsada ama qaxootiga gala oo hantida baaba’sha. Habar fadhida legden la fududaa la yiri, marka qof meel lagu noqdo heysto ayaa noqon kara, amaa tan hantida ah waa lagu qasban yahay oo nolol raadis ayey ku bilaabatey hantida oo sidii aad ugu noolaan lahayd nolosha adag ee qurbaha.
    Aniga dadka kenya ku soo qaxay baan ka mid ahay mana jecli dhibta maanta ka jirta Nbi ee adigu talo keen aan ku noqono, haddaaba hub hor leh la isu qaadanayaa oo ayan fiyoobeyn min caasimad ilaa xuduud, adigaa meel nabdoon joogo sida warkaaga ka dareemahayo.
    Tan kale Kenya Abaal ayey ku leedahay dadka soomaaliyeed ee ay siisey magangelyada maxaa yeelay SoomaaliLand iyo Puntland oo soomaali ah ayaa ku nabad qabi la dadka Koonfurta, sida kenya ay sameysay iyo ka daran bey yeelaan markii qarax ama dil ka dhaco.
    Marka talaan kaa sugeynaa intey goori goor tahee meeshaan u hayaami lahayn ina Ow-Osmaan!.
    AAWW