Home » Warar »

Gabdho ku nool Dalka Holand oo Deeq lacageed soo gaarsiiyey Dad Barakacayaal ah

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dibadaha waxaa waayadaan dambe looga bartey in ay caawiyaan dadkooda ku dhibaateysan Gudaha waxaa Tabarucaadaas ku faaiidey dad badan oo u baahna Gacan Baniaadanimo hadaba iyadoo taasi jirto ayaa gabdho samafalayaal ah oo ku nool dalka Holand waxay deeq lacageed soo gaarsiiyeen dad gaaraya Ilaa 30 qofood oo u badnaa Haween kuwaas dhowr jeer ka barakacay Deegaanadoodii

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Deeqdaan oo ka koobneyd 500 oo Doolar ayaa reerkiiba la siiyey 500 oo Shilin Soomaali ah waxaana Deeqdaa loo soo wakiishey Haweenka kala ah Sahro Maxamuud Axmed iyo Saciido Tooxow Maxamed oo iyana ka Wakiil ahaa Khadiijo Aadan Maxamed oo ku Nool Dalka Holand waxaana iyadana soo Wakiishey Hablo kale oo soomaaliyeed ee ku nool Dalka Holand

Deeqdaas ayaa la siiyey Quysas aad ugu baahnaa waxaana mid mid u Gudoo siiyey Maama Sahro oo sheegtey in Deeqdaan ay ahayd mid Tijaabo waxayna sheegtey in Deeqo kale la soo gaarsiin doonaan haddii Eebbe Idmo

Haweenkii loo qaybiyey Deeqdaas ayaa u mahadceliyey intii soo dhiibtey waxayna Ilaah ugu baryeen in Xoolahooda u barkeeyo waxay kaloo u mahadceliyeen intii loo soo wakiishey waxayna ka codsadeen Gabdhaha ku nool Dalka Holand in ay sii laba laabaan Deeqa noocaan ah waayo ayey yiraahdeen waxaa deeqdaan la soo gaarsiiyey dad u badan Haween kuwaas oo u nugul Dhibaatada ka socota dalka iyagoo sheegey in ay heleen Xilli ay u baahnaayeen

Diinta islaamka ayaa na fareysa in Muslimiinta markasta isu gargaaraan waxaana wanaagsan in markasta laga warqabo Haweenka iyo Caruurta oo ah kuwa markasta ku dhaceysa Dhibaatada
Sahro iyo Saciido oo ahaa kuwii loo soo wakiishey qaybinta Deeqdaas lacageed ayaa iyana u mahadceliyey Gabdhihii isku xilqaamey in ay u gargaaraan walaalahooda ku dhibaateysan dalka waxayna qaybinta Deeqdaas u dhacdey sidii loogu talagaley

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Hay,adda SOCHRO oo Dawladda Federaalka uga digtey sameynta lacag Cusub

Waxaa War-saxaafadeedkan Maanta ay Soo Saartay Hay,ada SOCHRO ka Hadlay Guddoomiyaha Hay,adda SOCHRO- Mr. Mataan Ali Hassan Oo Ka Digay Golaha Wasiiradda Dowladda KMG Somaliya, Ansixinta Lacagta Cusub ay Dowladda Soomaliya ay Ku Samaysanayso Wadanka Sudan.

Wuxuu Kaloo Guddoomiyha Uu Ka Hadlay Dhibaatooyinka Laga Dhaxli-karo Lacagta Cusub iyadoo Maanta Bulshadda Soomaaliyeed ay Ku Dhibaataysan tahay Gudaha Dalka iyo Dibadiisa, Dowaladana ay Fulinwaysay Qorshahii Heshiishkii Madasha Dawladda Jabuuti oo ahaa in ay Dowladda ay Sii Wadi doonto Dib u Hesheesiinta iyo Kooxahii Xadgudubyadda u Geystay dadka Rayidka ah ee ku dhibaataysan inta u Dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye, iyo Waliba Bartamaha iyo Koofurta Goboladda Dalka Somaliya, Waxaan ka Wal-Walsanahay Dowladda in ay Lacag Cusub Dalka Soo Galiso iyadoo Awooda Wadanka Gacanta Ugu Jirin, Waayo Waxay Dhibaatadda ay Taabanaysaa Bulshadda ku Dhaqan Bartamaha iyo Koofurta Goboaldda Soomaliya.

Waxaan ka Codsanaynaa Golaha Wasiiradda iyo Xildhiibaanadda DKMG, Ee Kasoo Jeeda Bartamaha iyo Koofurta Goboladda Soomaliya in ay ka fiirsadaan Talaabadaan Oo Keeni Karta, in Dadka Rayidka ah ay Saameyn Weyn ku Reebto, Sida, Sicir-Barar, Lacag,laan, Nabad La,aan, Cunta la,aan, Dowladda Waa in ay Bilowdaa Xabad Joojin, Oo ay Furtaa Wadahadal, ay Uga Baaqayso Kooaxaha Kasoo Horjeedo, Oo aysan Dowladda KMG Noqon Mid Xasuuqda Dadka Rayidka ah, Waxaan kaloo Kooxaha Kasoo Horjeeda Dowladda iyo Joogitaanka Ciidamadda Shisheeyaha, Aan Usoo Jeedinaynaa in ay ku dhawaaqaan Xabad joojin iyo in ay Fursad Siiyaan Nabadda iyo Wadahadalka.

Waxaan usoo Jeedinaynaa Golaha Wasiiradda Xukuumada DKMG- Somaaliya in ay Dib u Dhigaan Qorshaha Go,aanka ay Ku Ansixinayaan Lacagta Cusub, Waxaan Kaloo Xubanaha Bulshadda Rayidka Ee Ka tirsan Golaha Baarlamaanka usoo Jeedinaynaa in ay Gabeen Kaalintoodii, U Adeegidda Bulshada Rayidka, iyo Dhowrista Xaquuqul Aadanaha Waana in aysna Aqbalin Ka Ganacsiga Dhiiga Dadka Rayidka.

Waxaan Ka Codsanaynaa Dowladda Sudan in ay Arintaas Dib u Dhigto Oo aysan Bulshadda Soomaliyeed Ee Dhibaataysan U Gacan Galin Dad Gacan ku Dhiig- Layaal ah Oo Aan Waxba Ka qaban Karin Maareynta Howlaha Lacag u Sameynta Qaran, Iyagoo Aan Kafaalo Qaadi Karin Hanaanka Lacagaha Qaranka Soomaaliyeed.

Mr. Mataan Ali Hassan
Chairman of SOCHRO

Head Quarter:
Mogadishu-Somalia
Office: 2521-854260
Mobile: 2521-5577977
E-mail: mataan30@yahoo.com
E-mail: mataan33@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.