Home » Maqaallo »

Cidna uma Roona | Maxamed Faarax Cali (Duurgal)

Your browser may not support display of this image. Soomaalida aan ka dhalanay inta Badan waxay u egyihiin in ay ka maqantahay naxariista bani’aadanimo,Wadaniyada, dal jacaylka iyo Damiirka keena calool nugaylka sababa in loo danqado qofka liita.

Waa suurtagal in qaar kamid ah akhristayaashiina aad ii aragtaan in aan gafey, waxayse ila tahay in tani tahay tan runta ah, waayo dad badan oo muhim ah ayaa qaba sidaas.

      Bashiir Jaamac Samatar oo ah Agaasimaha Waaxda War faafinta ee Baarlamaanka Dowladda TFG ayaa qaba in 80% ay Soomaalidu ka maqan tahay wadaniyadda kuwaas oo uu yiri waxay raadiyaan danohooda shaqsinimo oo kaliya, waxa uuna ku tilmaamay in ay tahay wax lagu garan karo Calinkii Soomaalida oo uu ku sheegay in la tuuray laguna badalay Maro Madow oo laga soo xawilay Pakistan iyo Afganistan “waxaana adag sida Soomaalidu ay mar kale midnimadeedii u soo noqon lahayd”.

      Dhibaatada ka jirta Soomaaliya waxay keentay in dad badani ay la kulmaan gabood fallo iyo dilal naxariis daro ah marka aad loo fiiriyana waxaa soo baxaysa su’aasha ah maxaa ka qaaday damiirkii naxariista?!.

      Cali Sheekh Xuseen (Cali Sheen) oo ahaa gudoomiyihii dhalinyarada ee gobolka Bay oo haatan ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa sabab qaba in ay ugu wacan tahay dagaalada iyo dhiiga maalin walba daadanaya oo ay arkayeen awlaadii yar yareyd ee soo koreysay taasna ay keentay in Cunugu uu ku koro naxariis darro, maadaama ay noloshiisii kasoo mid ahayd dhaawaca, dhimasha iyo dhiiga qubanaya uu mar walba arko, isagoo marka danbana qoriga qaata oo raaca dhinacyada Dagaalamaya midkood.

      Cali Sheen ayaa intaa raaciyay in Dhiigga qulqulaya ee ay dadku arkayaan mar walba uu keenay Calool adayg iyo in ay meesha kabaxdo qiimihii ay lahayd nolosha Aadamaha.

      Shacabka dhibaato ayaa haysata mana garanayaan meel ay raacaan, Qaar dhinaca dawlada ayay isu buusayaan , halkaa oo ay jiraan dhibaato kasoo gaarta Ciidamada Dawlda , halka kuwa kale ay Mucaaradka hoos joogaan iyadoo iyana ay ku qabaan Xoriyad daro iyo iqaabo la xiriira qaabka dhaqanka iyo diinta oo aan is waafaqsanayn.(Dharxirashada).

Dawlada waxaa jira dad badan oo shaqayn jiray oo ay dileen mucaaradka iyo kuwo haddeer Dowladna aan u shaqaynin Kooxaha islaamiga ahna ay dilayaan haddii ay qabtaan, arimuhu waa khatar marka aad dhinacaas ka qooraansato waxayna noqonaysaa in Dowladu ay dhabarka uga soo dhufato Shabad TFG Shabaabkuna uu markaa qalayo.

      Anigu waxaan ahaa Faallo qore Wargayskii Dawlada ee Dalka, Barnaamij Soo saare Idaacadoodii Raadyo Baay iyo Waliba Tafatirihii Wabsite-ka, hadeerna shaqo kuma lihi waxaanse khatar ugu jiraa in aan u soo shaqayn jiray warbaahinta dowlada, sidoo kale Saaxiibkay Maxamed Dhaqane Nuur(Gacmodheere) halis badan ayuu u Mutaystay Shaqadii Raadyo Baay .

Warbaahinta Dowladdu hadda waa ay fiican tahay Radio Muqdishona wariyeyaal Culus ayaa ka howl gala oo koox ka mid ah ay ka yimaadeen Idaacadaha Maxaliga ah, sida Tifaftirihii HornAfrik Maxamed Abuukar (Ma’da) Tifaftirihii Radio Shabelle (Al Cadaala) C/casiis Afrika iyo kuwo kale..

Wasaaraddu hadda Horumar ayaa ka muuqda haday noqon lahayd dhinaca shaqaalaha iyo Warbaahintaba taasi waxay ku timid Wasiir si fiican howsha u yaqaan, dacaadna ah oo loo dhiibay xilka.

Laakiin khatarta ugu badani waa mid soo gaadha Suxufiyiinta weyna kasii dhib badan yihiin kuwa u shaqeeya Dowladda, oo iyagu si gaar ah loo ugaarsado, inta badan suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ay dhibaatadu soo gaadho waxay cabashadooda u diraan NUSOJ oo waayadaan dambe la arkay wax yar oo ay qabatay, kuwa haatan shaqaaqada ku jirana waxay kuu sheegayaan in ay iyada rajo ka qabaan.  

Si kastaba ha ahaatee 20 sano kaddib dadku ma helin wax dowlad ah oo si weyn u shaqeysa mid kastana mucaarad ayaa ka hor yimaada u diida in ay talaabo qaado, haddana saas oo ay tahay waxaad arkeysaa dad qaba in isbadaladii siyaasadeed ee labaatanka sano gudohooda ay maanta ugu roontahay tahay iyaga oo sabab uga dhigaya in meesha ay ka baxday dilalkii iyo gabood falladii loo geysanayey beelaha aan hubeysneyn oo haatan la arko iyagoo ammiiro ka ah ururada Islaamiga ah, dhinaca kalana Masuuliyiin sare ay ugu jiraan Dawlada

Dadku wey cabanayaan dhinac kastana waxa uu sheegaa in isagu masuul ka yahay lama arko wax qabad run ah oo ka yimaada sidaa darteed lama garanayo cid la aamino, mana jiro qof ka damqanaya dhibka shacabka, marka aad dhankasta u rogtana Ummaddan Cidna uma Roona.

W/Q: Maxamed Faarax Cali (Duurgal)

Muqdisho-Somalia

Email:-duurgal2001@yahoo.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.