Home » Warar »

Tacsi loo diray Xildhibaan Maxamed Cabdi Jibriil oo lagu dilay magaalada Boosaaso

Waxa aanu tacsi weyn u direynaa dhamaan eheladii iyo qaraabadii u ka geeriyooday Xildhibaan: Maxamed Cabdi Jibriil oo lagu dilay magaalada boosaaso xili uu ku guda jirey howl qaran.

Xildhibaankan ayaa waxa geeridiisa aad uga naxay dhamaan dadweynaha degan Minnesota oo runtii ku tilmaamay dilkiisa mid ula kac ah kadib markii si badheedh ah loogu dilay magaalada Boosaaso. Dilkan ayaa waxa lagu tilmaamay in uu ahaa dil qorsheysan oo loogu talagalay in madaxda iyo xildhibaanada Puntland lagu dhameeyo, si ay Puntland loogu beero qalqal iyo nabad la’aan.

Xildhibaankan ayaa ilaa hada la aasin, marxuumkan oo hada meydkiisu yaala Boosaaso (markii la qorayey tacsidan). Waxana aanu ka codsaneynaa in Puntland ay Xildhibaankan u sameyso aas qaran oo weyn, iyo in la marsiiyo ciqaab dadkii dilkan geestey.

Dhamaan shacabka Puntland, waxa laga codsanayaa in ay nabada ka shaqeeyaan oo ay gacmaha is qabsadaan. Nabad la’aan waa horumar la’aan. Tacsidan waxa diraya Soomaalida degan Minnesota Guud ahaan iyo Gaar ahaanba.
Somali Media
Abdimalik Askar
aabdimalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Tacsi loo diray Xildhibaan Maxamed Cabdi Jibriil oo lagu dilay magaalada Boosaaso "

  1. NASRA says:

    Waxa wax aad looga naxo ah malinkasta dilka ka dhacaya gobolada puntland oo ahaa kuwa nabad looga bartay ,marxuumkaas dhintay eheladii iyo qarabadii uu ka tagay samir iyo iimaan alle ha ka siiyo balada dishayna ilahay ha soo qabto,waxaa wax lala yaabo ah way loo laynayaa dadkaan oo ay galabsadeeen soow ma oga in aduunkaan laba iyaamood yahay aakhirana tahay meesha lagu waarayo ,ma waysan ogayn in ay ka mid tahay dilku danbiyada uusan ilahay dhaafin .
    waxaan ilahay ka rajaynaynaa inuu naga qabto ruux kasta oo soomaliya gabi ahaanba ku wada khalkhal

  2. waxaan ku waaninayaa dhamaan dadweynaha puntland ee muwaadiniinta ah inay iska ilaa liyaan nabada waxa ka horimaanaya oo cadowgooda haldhinac uga soo wada jeensidaan waayo nabada adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola layskana ilaaliyo cid kasta oo nabada wadankeena ka xun oo doonasa inay shacabka iyo dalkaba qalqal geliyaan wabilaahi towfiiq