Home » Warar »

Jaaliyad kudayasho Mudan

“Tani waa rajo muujinaysa in wax la qabsan karo, oo umadu ay wali diinteeda, damiirkeeda, iyo dadnimadeeduba dhaqan yiihiin” (Sheekh Maxamed Idiris).

Magaalada Port Elizabeth ee wadanka Koonfur Afrika waxay ka mid tahay magaalooyinka ku dherersan xeebta badweeynta Hindiya, halkaasoo ay ku sii yeelatay bilic dheeraad ah oo dhinaca buuraha ku yaala ay sababayaan, cimilada, dhismayaasha iyo waliba hadda oo ay dawlada Koonfur Afrika ka hirgalisay dekada ugu wayn Qaaradda Afrika ee wax lagu kala badesho.

Magaaladan waxay gumaystayaashii reer Yurub (Ingiriis, Duch, iyo Jarmal) yimaadeen 1820kii, halkaasoo ay heshiis la galeen qabiilkii Afrikaanka ahaa ee deganaa goobtaas ee Khoosaha ahaa, sidii ay yeeleenba goobihii kale ay gumaysteenba.

Magaaladan waxaa ku dhaqan in ka badan Hal milyan oo qof, taasoo ka dhigaysa magaalada shanaad ee ugu dadka badan wadanka Koonfur Afrika, waxaana lagaga hadlaa Sadex luqadood oo kala ah(Ingiriis, Afrikaans, iyo Xhosa).

Magaaladani waxay leedahay dhaqan qoto dheer, bilic soo jiidasho leh, matxafyo waawayn kuwaasoo aan marnaba laga dhargayn qofkii doonaya inuu milicsado.

Haddaba, waxaa magaaladan ku nool Jaaliyad Soomaaliyeed oo ku dhaqan xaafadda Korsten ee isla magaaladaas, jaaliyadan Soomaaliyeed waxay soo degtay magaalada tan iyo 1995-tii halkaasoo ay maalinba heer soo maraysay.

Jaaliaydu waxay ku bilowday inay shaqaale ka noqoto dukaamada ay leeyihiin dadka Muslimiinta ah ee wadanka horey u sii joogay, kuwaasoo ku dhashay, runtiina ahaa qawmiyadii sida aadka ah u soo dhawaysay dadka Soomaaliyeed, si kastaba, jaaliyadu waxay maanta maraysaa heer ay ka mid noqotay qowmiyadaha ku dhaqan magaalada, kuna yeelatay wujuud, dawlada iyo shacabka ay la degan yihiinna ay ku xisaabtamaan, ayadoo ay jiraan waxyaabo badan oo dhiman.

Waxay Soomalidu ku maahmaahdaa “Meel ama ka muuqo, ama ka maqnoow” Umadi haddii ay meel joogto waa inay wax ka bedeshaa meeshaa ay degan tahay, sidaa daraadeed bay jaaliyada Soomaaliyeed ee Korsten degan waxay ku talaabsatay hawl ku aadan nabad gelyada goobaha ay degan yihiin iyo ganacsiga.

Waxaa waayahan danbe soo if baxay dhac iyo boob aad ugu wajahan mujtamaca Soomaliyeed oo ay ka qayb qaadanayaan dad Soomaaliyeed oo tilmaamaya goobaha iyo meelaha ugu muhiimsan, taas oo keentay dhibaato aad u adag, heer xitaa dadkii ay kala irdhoobeen, arintani waxay soo dedejisay in ay dadku ka fakiraan sidii ay ooga hortagi lahaayeen dhibaatadan cusub ee soo wajahday.

Waxaa isku yimi odayaasha, ganacsatada, culumaa,udiinka iyo dhalinyarada oo ka wada hadlay qaababka ugu fiican ee looga hortagi karo dhibaatadan, waxaana hawshaan abaabulkeeda lahaa ururada kala ah (Al-Bayaan Islamic Council iyo Somali Association of South Africa-SASA-), waxa ay isla meel dhigeen in lala shaqeeyo booliska dawlada ee degmada, iyo dawladda hoose ee degmada.

Markii dawladdii loo tagay waxay soo dhawaysay qorshihii ay Jaaliydu soo bandhigtay, iyadoo u sheegtay in loo baahan yahay in la siiyo tababar gaaban oo ah sidii ay ula macaamili lahaayeen caqabaadka ka hor imaanaya. Ka dib, waxay Jaaliyadu isu keentay ilaa sodomeeyo qof oo hawsha ka qayb qaata, fulinta hawsha waxaa loo xilsaaray SASA, shaqadoodii ugu horeysayna waxay bilaabeen 15/11/2009.

Kooxdii hawsha loo xilsaaray waxay qabteen hawl adag iyo wax qabad muuqda oo ay dawladii gobolku amaantay, waxayna ku guulaysteen in ay fal danbiyeedkii yar yaraa iyo kuwii waawaynaaba ay hoos u dhaceen.

Qaab shaqadoodu wuxuu yahay in ay roondo galaan habeen walba laga bilaabo bacdal cishe ilaa iyo bacdal salaad subax, run ahaantii looma kala harin hawshaas, mar aanu soo booqanay xafiiska ay ka duulaan anigoo la socda Sh. Maxamed Idiris, ka dib warbixintii markaanu dhagaysanay ayaa sheekhu u soo jeediyay duco iyo amaan intaba, wuxuuna yidhi “Islaamku waa diin muqadas ah, isagoo u sheegay in ay arintani (wanaaga oo dadka la faro iyo xumaanta oo laga celiyo) ka mid tahay waajibaadka saaran umadda muslimka ah, meel kasta oo ay tagto, ayna haboon tahay in qof walbaa uu u fekero dhinaciisa isagoo aan ka baxaynin xudduuda uu Islaamku leeyahay”.

Kooxdii meesha isugu timid ayaa wuxuu sheekha u soo jeediyay wacdi gaaban oo ku salaysnaa in camalka ay Ilaaheey kaligii u gooni yeelaan si ay ajar ooga helaan, wuxuu kaloo dareen siiyay in diintan loo soo saaray cid walba meel walba iyo goob walbana ay tahay in la gaarsiiyo wuxuuna yidhi “Diintani waa mid loo soo dejiyay in meel walba, iyo wakhti walbaba lagu dhaqmo ”, sidaa daraadeed ay tahay inay fidiyaan wanaagga, ayagoo ka bilaabaya naftooda, wuxuu kaloo sheekhu ku booriyay maamuladii lahaa qaban qaabadeeda in hawshan loo gudbiyo wadanka oo idil lana gaarsiiyo giib walba oo ay Soomaalidu joogto, asagoo tibaaxay inaan lagu noolaan karin qurbe ilaa ay dadku isku dan noqdaan, una sheegay fadhigii in gacmaha la is qabsado.

Geba gebadii, waxay hawshani ahayd tajrubadii ugu horeysay ee ay jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan wadankan Koonfur Afrika qaarkeed ay samaysay, haddaba, arintani waxay ku tusinaysaa in dadka Soomaaliyeed haddii ay hor maraan dad maskax fiyoow, wixii khilaaf ahna ay meel iska dhigaan ay dantooda ku gaadhi karaan si hufan oo deg deg ah, waxaa la oran karaa arintan waa mid ku dayasho mudan oo ay tahay in loo min guuriyo meelkasta oo ay Jaaliyad Soomaaliyeed ku nooshay, ayna kaga daydaan Jaaliayadan yar ee iyadu garatay danaheeda, waxaanan Ilaaheey ooga baryaynaa inay uu tawfiiqda waafajiyo mar walbaba.aamiin.

Axmed Maxamud Cabdi (Axmed Dheere)

Koonfur Afrika

Wacays99@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Jaaliyad kudayasho Mudan "

  1. Axbaab says:

    Asalaamu caleykum Wrx Wbt Jzk Allah khey Mohamed Allah Yax Fiid Sheqeena Amiin thnx muslimah ukhti tani waa wano aad u wanagsan oo laisku waaniya ama laisku diri galiya Insha-Allah waan isku kal meysaneynaa Jamiican inta Karan kena ah ama aan awoodno aniga oo kamid ah xubnaha boliska somalida SA aad baan kugu mahad celinaya iyo dhamaan inta kale ee kukala nool dunida Wasalamu Caleykum Wrx Wbt

  2. muslimah says:

    As-salaam caleykum waRaxamtullaahi Tacaala waBarakaatuh

    Masha Allah, waa arrin wanaagsan dardaarankii iyo hawshii uu Sheekh Maxammed Idirs uu ka hergeliyey South Africa, Insha Allah waxaanse rejeynayaa in hawshaas uu noqdo mid lagu guuleysan doono.
    Markasta markaan maqlo magacaa South Africa, waxaan soo xasuustaa Soomalida halkaas lagu diley , qaarna lagubey si xaqdaro ah, siibaa gabadhii Soomaliyeed iyo caruurteeda ay dukaankeeda ku dileen (RAXIMULLAAH) dhamaantood,
    Waxaa iga tala ah, mar haddi ay jiraan dadkaas xun xun ee sidaa naxriis la’aan dadkaa u dilaan, waa in dhamaan Soomaalida South Africa degan, ay si wada jir ah isu kaalmeeyaan oo ay ku dadaalaan sidaa ay u soo raraan Soomaalida tuulooyinka degan (kuwaa dukaamada leh iyo kuwa aan lahaynba) ayna u raraan magaalooyinka waaweeyn, waayo waxaynu mar walba wararka ama internetka ka maqalnaa dad Soomaali ah ayaa tuulooyinka South Africa lagu diley, ama lagu gubey, run ahaantii waa arrin naxdin leh, markaa walaalyaal is kaalmeeya oo kii dhibaateysan dar Alle u kaalmeeya, idinkoon eegin yaa reer hebel ah, ileyn qabiil kheer maleh waana wax maanta Soomaali weyn kala qaybiyey.(Qabiilku waa cadowga Soomaliyeed).

    Wabillaahitawfiiq.
    wa-salaam caleykum waRaxamtullaahi Tacaala waBarakaatuh