Home » Warar »

Xaalad nolol xumo oo ka taagan magalada Dhusamareeb iyo Hey’adda SSWC oo soo jeedisay in gar gaar lala soo gaaro dadkaasi

Dadkaan ayaa ah kuwii dhawaan ka barakacay magaalada dhusamareeb ayaa xiligaan waxa soo wajahay xalad nolol xomo tii ugu darneed, waxayna sheegtay in loo baahan yahay in dadkaasi ay helaan gar gaar Bini’aadanimo.

Halkan ka daawo sawiro muujinaya dhibaatada haysata shacabka
 
Waxa ay ku nool yihin dadkaasi duleedka  magalada xarunta u ah gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb kuwaas oo ay fara ba’an ku hayaan  Gaajo, Oon, Qorax iyo Dhaxan.
 
Dadkani waxa ay isugu jiraan Haween, Caruur iyo dad  Wayeel ah, waana dad aney jirin wax daqaale ah oo ay gacanta ku hayaan taas oo ay ugu samata bixi karan dhibatada soo wajday sida ay inoogu warbixisay .xiriiyaha  ururka sswc ee degmada Dhusamareeb ee Gobolka Galgaduud Xawo Cabdulle Barre oo tagtay goobaha dadku ku barakaceen.
 
Qaar ka mid ah dadkaan ayey  noloshood horay ugu xirneed ka xoogsiga suuqa taas oo hada gabi ahaan aysan suurta gal  u ahayn marba hadii  ay joogaan meelo ka fog goobihii ay ka xamaalanayeen taas oo sababo u ah dagaalada ka dhacay magalada Dhuusamareeb ee ay ku noolaayeen.
 
dagaalada Soomaaliya ayaa inta badan ah kuwo saameyn ku yeesha Haweenka iyo Caruurta Soomaaliyeed ee ku nool gobolada  dalka Soomaaliya kuwaas oo ah dhibanayaal aysan jirin cid uga naxda dagaalada dushooda ka dhaca had iyo jeeraale mudooyinkan danbe.
 
Ururkan SSWC ayaa sheegay in ay dadkan ay u baahan yihin cawimaad deg deg ah si loo samata bixiyo Hawenka iyo Caruurta ku dhibsteysan daafaha magaladaasi, Xawo C/lle ayaa sheegtay in gooboha dadkani u barakaceen ay muddo 4-sanno  ku dhawaad ah ay wax roob ahi ku da’in geedihina ka qalaleen.


 
Ugu danbeyn xiririyaha ururka SSWC Xawo C/lle Barre aya shegatay in dadkan hadii aysan  helin muddo isbuuc gudihiis kalmo Bini’adanimo ay halis badan soo wajihi karto, waxa kaloo ay Illahey uga barisay in uu bad badiyo dadkani marasta ah ee dhibaataysan.

Mahamud Ahmed Hassan xuurshe114@hotmail.com

Burcad badeed  dagmada xarardheere qalqal galisay shalay galinkii danbe ilaa iyo saaka

Iska horimaad hubeysan ayaa kooxo burcad beed somaliyeed ku dhaxmaraya dagmada xarardheere oo ka tirsan gobolka Mudug iyada oo la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan oo ay madaafiic ku jirto sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah waxaana iyada oo magaalada gudaheeda lagu arkayo  Gaadiid dagaal iyo ciidamo aad u hubeysan  .
  
wararka naga soo garaya dagmada xarar dheere oo ka tirsan gobola Mudug ayaa tibaaxaya in dagmada oo ay soo buuxdhafiyeen kooxaha burcad badeedu ay hatan dagaalo iskula jeesteen ka dib markii lacago madaxfurasho ah oo ay qaarkod ka qaateen maraakiibta la soo afduudbtay .

Iska horimadk aka dhacay gudaha dagmada xarar dheere ayaa waxaa ku geeriyooday in 6 qof oo isug jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah kuwaas oo midi tahay haweeney dadka degaanka ah oo aan iyadu ku jirin is qabqabasiga lagu kala qaadanayey macago malaayiin dolar ah oo ay ka heleen afduubka maraakiibta .

Warku wuxuu intaa ku darayaa in dagmada oo laheyd hal ispitaal uu noqday goob dagaal taas oo sababatay in dadkii risaasta ku dhawacmay la waayey meel lageeyo taasina waxay sababatay in dhawacyadii loo qaado tuuloyin iyo dagmooyin kale waxaana ilaa iyo saaka soconayo risaas goos goos ah iyada oo kooxihii dagalamayey kala xirteen aagag dagaal ama soohdimo magaalada dhaxdeeda ah .

Dagmada xarar dheere ayaa haatan u muuqato mid dagam marka loo eego xaaladihii ay ku sugneyd shalay ilaa iyo saaka waabarigii waxaana jira ciidamo is horfadhiyo oo kala taagerayo labada dhinac kuwaas oo risaas goos gos ah isku ridaya weli .

Kooxahaan ku dagaalamay dhaqaalihii ay ka heleen maraakibta ayaa la filayaa in ay ku soo baxaan dadka deegaanka oo ay kala qadaan iyada oo hantan ay socoto qabanqaabada ah in dagaalka la joojiyo .

Ciidamadaan weli is horfadhiya ayaa la sheegayaa in loo dirayo odoyaal ,culumaau.diin waxgarad waxaana masaajidada looga dhawaaqi donaa gudi xaliya mashaakilka haatan xarardheere la soo dersay .
Dagmada xarar dheere ayaa saaka ah mid ay xiran yihiin dhmaan gobihii ganacsiga ,waxbarashada iyo caafimaadka waxaana joogsaday isu socodka dadka iyo gadiidka iyada oo la maqlayo dhawaqa risaasta oo kaliye  
    
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xaalad nolol xumo oo ka taagan magalada Dhusamareeb iyo Hey’adda SSWC oo soo jeedisay in gar gaar lala soo gaaro dadkaasi "

  1. Jigre says:

    Hooyooyinkaas ooman ee inta yar eebiyaha ah safka ugu jira ayay qalbi xumo iga haysaa…
    Allahayoow dadkayga u gar gaar daa’ im baad tahay