Home » Warar »

“DFKMG waxay noqotey aalad uu cadowgu u adeegsado baabi’inta jiritaanka Soomaaliya iyo boobista kheyraadka dalkeeda..” Warsaxaafadeed

“Ahmed Walad Cabdalla waa isku dubaridaha qorshooyinka cadowtooyo ee lagu baabi’inayo Soomaaliya isaga oo hadda gacanta kula jira dagaal weyn oo….”

Golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha hawiye oo Sabtidii kulan ku yeeshay gudaha Magalada Muqdiso ayaa war murtiyeed ka soo saray, Wuxuuna xanbarsanaa qodobo kala duwan oo isugu jirey baaqyo ,hogo tusaaleyn iyo ogeysiin waxaana nasoo garey muqul ka mid ah warsaxaafadeedkii ay soo sareen oo u qornaa sidaan:

War saxaafadeed

Ujeedo KA DIGISTA DHIBAATOOYINKA IYO DAGAALADA DIB LOOGA HURINAYO Somaliya

Tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee milatariga waxaa xargaha soo goostay dowladihii cadowtooyada u haayey shacabka somaliyeed haba ugu sii darnaadeeno dowladaha dariska la ah Somaliya ,kuwaas oo ka soo horjeedo nabada ka hana qaaday Somaliya ,iyaga oo adeegsanaya maamulo maqaarsaar ah oo ay marwalbo ku soo dhoodhoobaan dalalkooda kuna fushadaan danahooda kagana hortagaan nadaamay sameystaan shacabka Soomaali yeed .

Ka dib markii uu arkay cadowga Somaliyeed neecaawga qabow iyo nabadgalyada ka hana qaaday inta badan gobolada dalka oo ay gacanta ku hayaan maamulo islaami ah ayaa wuxuu cadowgu maleegayaa dagaalo cusub oo dib uga dilaca Dhamaan dalka Somaliya .

Sidaas darteed ,golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha hawiye markii uu falanqeeyey dhibaatooyinkaas loo maleegayo shacabka Somaliyeed wuxuu ka soo sarey war mutiyeedkaan:.

1 –Nidaamka TFG-da hada jirta waxay shacabka somaaliyeed ka dhaxleen :.

a . Dhac, boob, dil, kufsi, si joogto ah loogu geysanayo Shacabka ku nool goobaha yar ee ay gacantaku hayaan

b. Waxay ciidamada AMISOM gabaad ka dhigtaan maleeshiyada TFG-da iyaga oo madaafiic ay shacabka ku xasuuqayaan ka soo rida goobaha ay FTG-da ka taliso ,iyaga oo ku andacoonaya in ay difacaaynaan dowlad sharci ah .

c. TFG-da waxay noqotey aalad uu cadowgu u adeegsado baabi’inta jiritaanka Soomaaliya iyo boobista kheyraadka dalkeeda .

2 . Ahmed walad cabdala waa isku dubaridaha qorshooyinka cadowtooyo ee lagu baabi’inayo Soomaaliya isaga oo hadda gacanta kula jira dagaal weyn oo ka dilaaca dhamaan dalka Soomaaliya ,dagaalkaas oo ay qaadanayaan Ciidamada AMISOM laguna qaadayo Magaca TFG-da Dhaqaale ururintedana hada uu ka wado beesha caalamka taas oo aan u aragno in lagu doonayo in lagu ciribtiro inta ka jhartay shacabka Soomaaliyeed .laguna abuuro xaalad beni aadanimo xumo ka dilaacda geyiga somaliya .

3. Dagaalada ka huraayo gobolka hiiraan waxaa gadaal ka fadhiya ciidamada Ethiopia oo diidanaa nabada ka jirta gobolka hiiraan sidaa ayeyna dooneysaa in ay u qasto dhamman gobolada dalka iyada oo adeegsaneysa dad Somali sheeganayo .

4.Golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha hawiye wuxuu ugu baaqayaa beesha caalamka in ay bedesho siyaasada cadowtooyada ku saleysan ee uu adeegeyso dowladaha u hanqal taagayo Somaliya loona daayo Somaliya aayo ka tashigeeda ,lagana saaro ciidamada Xasuuqayo shacabka lana ogaado in uusan marnaba ogolaaneynin shacabka somaliyeed ciidamo SHisheeye .

5. ugu danbeyntii waxaan ugu baaqeynaa shacabka somaliyeed in ay ka hortagaan kuna baraarugaan isticmaarka cusub ee lala doonayo Somaliya .

Wa bilaati towfiiq

Qoraalkaa ayaa waxaa ku saxiixnaa gudoomiyaha golaha dahqanka iyomidnimada beelaha hawiye
Suldan Axmed dhoore Faarax

Sawirka: Odoyaasha dhaqanka beelaha hawiye

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Warsaxaafadeedk aoo saxiixan waakan


___________________
Waxaa soo tebiyey

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Akhri Wararka Kale ee January 2010

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " “DFKMG waxay noqotey aalad uu cadowgu u adeegsado baabi’inta jiritaanka Soomaaliya iyo boobista kheyraadka dalkeeda..” Warsaxaafadeed "

  1. saciid says:

    Ninkan Dhoore isku sheegay ee shaarka beeleed soo gashtay iyo kuwa la sawiran waxaan u arkaa rag doonaya in ey siyaasada ku soo biiraan. waxaase nasiib daro ah wadada ey u soo mareen oo ah shaar qabiil. Ma filaayo in uu jiro qof siyaasad doon ah oo ka liita qof 2010 shaar qabill soo huwaday si uu siyaasada uga dhex muuqdo. Waxaan kaloo leeyahay siyasad qabiileyaashan war waad lunsan tihiine dhibaatada Somalia Beel caalam iyo Amisom midna kama mas’uul ahan ee waxaa ka mas’uul ah dadka soomaalida ah ee la kala saftay argagisixada iyo wadamo shihseeye oo aanan dooneyn danta dalka iyo dadka soomaaliyeed. Abwaan soomaaliyeed ayaa horey u yiri “sareedo hadey ku waarto hadii silic iyo dhib gaaro samaanteed iyo xumaanteed Somalia soomaali baa leh” Aniguna waxay ila tahay in adinkan qabiilka shaarkiisa wataahi aad qeyb ka tihiin musiibada. mana filaayo in beesha aad magaceeda ku hadleysaani idiin wakiilatay.

  2. umu anisaa says:

    asc wr wb waxan ka soo jeeda magalada muqdisho odoyashan waa qaswadayashii 20 sanno lasoo dhaafey waxana ku adeeganayo mucaradka cid dooratey malaha odoyasha dhaqanka waxa hogaminayey mudane xaad iyo axmed diiriye kkkkkkkkkkkkkkkkkkk odayadan magacii beyba bililiqeysteen waa in wadanka laga qabto oo loo furo seminaaro dhaqan celin ah oo ku saabsan dowladnimada iyo nabada kkkk

  3. am says:

    asc wr wb

    Walaalayaal anigu horta ma ihi beelaha hawiye, laakiin hawiye isku dan baan nahay, waayo waxaan ahay Somali, somaliyina ma kala maaranto. Hadalka Odayaashu runtii ma xuma, welina aniga aad buu iila wanaagsan yahay, ilaahay ha ka abaal mariyo… waxa ay miijinayaan xaaladda dhabta ah ee Soomaaliya ku sugan tahay maanta !!!
    Somaaliya waxa jiif & joogba u diiday waa faragelin shisheeye oo noocyo badan leh, kuwa sheeganaya dawladda ama maamuladuna waa calooshood u shaqaystayaal u adeegaya gumeysiga cusub ee la baxay IGADD & BEESHA CAALAMKA !!!! Iloohow adigu naga qabo, dhagarta ay maleegayaanna iyaga ku celi … aamiin

  4. raage says:

    waxaa hubaal ah in wadamada deriska ah inaysan rabin nabad aysan iyagu wadin ama keenin, waxaana marqaati ka ah sidii loo bur buriyey ururkii maxkamadaha ee itobiyanka lagu baa bi,iyey maantana tii baa la wadaa in ummad kale la xasuuqo , laakiin kuwan kooxaha islamka ee dalka jooga iyagaa ugu wacan waayo dadkii iyo dalkii midna weji fiican oo lagu soo hirto malaha , waxaana ka qaldan siyaasada waayo dadkii dalka la lahaa oo xalka la raadin lahaa bay ku leyihin gaala tihin, kuwan dawlad ku sheeguna waa tuugo la soo ururiyey oo wada dambiile ah oo dalka iyo dadkaba ka galay deriskana ku shaqaysta , ilahay quluubtena ha soo hadeyo oo ha mideeyo aamiin

  5. abdirahman says:

    Ugu horeyntii, Dowlad laguma noqdo in dowlado shisheeye loo adeego, danahoodana loo fuliyo, shabackaaga la dacayo, cudud iyo ciidan laga dhigto cadow shisheeye, kalsooni laga raadiyo madaxweyneyaal shisheeye, waqtiga lagu dhumiyo baryo iyo dawarsi dunida daafaheeda, Tangiyo iyo madaafiic shisheeye la isku wareejiyo. Intaa kadib, odayaasha waxaan oran karaa waa dad baraarugsan oo maanta fahansan dhagarka qarniga 21aad, canqaltaaga wadamada dariska ah, iyo gumeysiga casriga. Og in somaliya aan loo rabin xasilooni iyo in ay ayadu dananeeda qabsato. Waxaa loo baahan yahay in dhalinyaradu wax u fahanto sida ay odayaashu wax u fahmeen. Codowga iyo dhagarta banaanka loo midoobo sidii la isga caabin lahaa.
    Abdiahman

  6. Waxaan wafaqsanahay talada Odayaasha Hawiye, oo waa run jirta arrinta
    ay ka hadleen, waxaan leeyahay Soomaaliyey sida ha la isu dhaamo oo
    Wadankii yaan loo deyn IGA, UNO, EURO, USA, kuna shaqaystaan mid
    midabka nooga eg, laakiin caado qaate ah, dadkiisa iyo dalkiisa dhaafsaday
    xooga lacag ah, laguna dili doono marka laga dhameysto qasdiga laga leeyahay, Geedi waa runtiis arrinta Iran waa run aan munaafaqnimo ku
    jirin, durba waa laga hortagay, ma waxay garan waayeen 20 sano ninkii
    maalinba meel shirka beenta ah ugu dhigayey inuu haddana maanta jahada
    ka wareersho.

  7. ODAYAASHU WAY FIICAN YIHIIN, WAAYO WAXAY GARTEEN UGU
    DAMBEYNTII CADAWGA SOOMAALIYA, BAL FIIRI ASBUUC KA HOR
    AYEY AHAYD MARKII WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA SOOMALIYA
    UU DAWLADA IIRAN KA HELAY BALAN QAAD INAY WAX KALA QABANYAAN DIB U SOO CELINTA QARANKII SOOMAALIYA. WAXAA
    HUBAAL AH HADDII AY GO’AANSAN LAHAYEEN NIMANKA DAWLADDA
    SHEEGANAYAA IN DHIBAATADA SOOMALIYA MEESHAAS KU EKAN
    LAHAYD, REER GALBEED DURBA WAXAY UGA YEEREEN NAIROBI
    TALYAANI IYO INGIRIIS AYA YIRI WAXBAAN IDIN QABANEYNAA,
    MEESHA MADAX MA JOOGTO EE CALOOSHOOD U SHAQEYSTE AYAA
    JOOGA, ODAYAASHA HADALKOODA HA LA TAGEERO SOOMAALIYEY
    HADDII AAD RAJO KA QABTAAN NOLOL DAMBE OO XIISA LEH.

  8. cabdi casiis says:

    allahu akabar wa bayaan wanagsan odaysha dhaqanka ee reer koonfured khayr allah ha siiyo waxay garten jalaafatda cadowga iyo maleeshiyadka u shaqeeya insha allah somalia wa i fahntay cadowgeda wana inay isu diyarisa sidi ay dalkeda u difaacan lahayd soomalia somaliba leh

  9. Olol Bulaale Boos says:

    Waxaa wax laga xishoodo ah in maantay oo dunidu ay mareyso 21 century laga dhigto caado iyo shaqo tag urur beeleed, taasoo aan lala gabaneynin. Waxaa taas kasii darin maba xishoonayaan waaba isku soo sawireen war waxaan idin weydiinayaa Illaah baan idinku dhaarshaye ma idinla qurux badantahay anagoo ah Hawiye waxaan soo saarnay baaqaan? Anagoo ah reer hebel waxaan soo saarnay balabala..?

    War Rabigiin ka baqa oo ordoo isku xishooda, oo haddaa Alle ka xishoon weydeen, biniaadamka ka xishooda.

    Garaadkiinu weli miyuusan xasuusan dhibaatada uu leeyahay qabiilku, muxuu Soomaaliya kusoo kordhiyey miyeydaan weli is weydiin? 30 ee u dambeeyey Soomaaliya xagee buu dhigay qabiil? waxaa idin dhaama Al-shabaab iyo Xisbul Islaam, idinkuna la baxa urur lamid ah oo kala gedisan qabaailkiisu kaas ayaa idinkaga kheyr badan inta aad leedihiin anagoo reer hebel ah iyo balaaaaaabalaaaaaaaadaaaaaaaaaaas.

    Allaha na cafiyo, Soomaali Allaha isku keeno, Allaha hanuuniyo, Garaadkii ka tagye Allaha isku soo celiyo.
    Wabilaahi Towfiiq