Home » Warar »

Banaanbaxyo dhimasho iyo dhaawac sababay oo Jimcadii ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Banaanbax looga soo horjeedo xariga Sheikh Abdullah al Faisal oo ay dowladda Kenya xirtay December 31, 2009 xilli uu ka soo baxayay masjid Jamia ee ku yaala Bartamaha Kenya ayaa ka dhacay Jimca January 15, 2010 magaaladda Nairobi kadib Salaadihii Jimcaha.

Banaanbaxan oo isku badalay mid rabshadeed ayay kadiba police-da dalka iyo dadkii banaanbaxa sameenaya isku dhaceen iyadoo la xaqiijiyay dhimashada 2 qofood halka tiro kale oo dad ahna way ku dhaawacmeen kuna jiraan qaar ka mid ah police-ka. Midka ka mid ah dadka dhintayna waxaa ku jiray wiil Somali ah sida ay dad xog ogaal ah ii xaqiijiyeen.

“Ma dooneeyno in dalkeena uu noqdo sida Somalia oo kale, halkani waa Kenya” ayuu yiri engineer Aggrey Kaisha oo banaanbaxa goob jog ka ahaa.

Mid ka mid ah banaanbaxayaasha ayaa watay calanka madow ee lagutilmaamay in uu astaan u yahay Alshabaabka Somalia. Iyadoo inta badan warbaahinta Caalamka ay qorayeen in Calanka Al-shabaab uu Qatar u keeni karo amaanka dalke Kenya.

Jimca January 15, 2010 todobaadkii hore ayay aheyd markii banaanbax aan rabshadi wadanin uu ka dhacay banaanka hore ee Masjidka Jamia ee bartamaha magalaada ku yaal balse banaanbixii maanta ayaa isku badalay mid rabshada wata.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Sheikh Abdullah al Faisal oo u dhashay dalka Jamaica ayay horay dowlada Britain u xirtay kadibna dalkeeda ay isaga soo masaafurisay ayadoo lagu eedeenayo in uu dadka Muslimka ah ku dhiiiri galinayay in ay dilaan Yuhuuda iyo reer galbeedka. Sidoo kale dalal kale oo African ah ayaa iska soo masaafuriyay.

Sheikh Abdullah al Faisal ayaa dalka Kenya la rumeesanyahay in ay ka soo galay xuduudka dalka Tanzania ay dowlada Kenya la wadaagto inkastoo dowladda Tanzania ay arrintaasi ka biyo diiday.

Dowlada Kenya ayaa Sheikh Abdullah al Faisal u masaafurisay dalka Gambia ee galbeedka Africa ku yaal balse dib ayaa loogu soo celiyay dalka Kenya kadib markii Shirkahada duulimaadka iyo dalalka uu transit-ka ku noqon lahaa ay diidan shiekhan.

Banaanbaxan ayaan maanta geestay qasaaro naf iyo maalba isugu jira iyadoo isi socodkii magaaladana uu hagad galay.

Dalke Kenya waxaa dagan boqolaal kun Somali ah, Magaalada Nairobi waxa ku nool Somali fara badan waxaana laga yabaa in ay arrintani saameen ku yeelato dad badan oo Somali ah.

Sanadkii 1998 ayay aheyd markii safaaradda dowladda US ee magaalada Nairobi ay bur-buriyeen kooxda Al-Qa’ida, Dowladda Kenya ayaa taxadar kaga jirta sidii aysan dalka ooga dhici laheen falal argagixiso.

Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman”
Nairobi-Kenya
sayfudiin@gmail.com

Dibad baxyo rabshado wata ayaa waxa ay haatan ka soconayaan bartamaha Magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Dibad baxyadan ayaa ah kuwo ay dhigayaan Muslimiinta dalka kenya waxaana la sheegayaa in arintani ay ka dambeeysay ka gadaal markii dowlada kenya ay xabsiga dhigtay wadaad ka dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka jameeca ee ay dhawaan dowlada xabsiga dhigtay.
 
Dadka banaan baxayey ayaa waxa ay ka koobnaayeen gebi ahaan muslimiinta dalka kenya inkastoo ay dibad baxayaasha ay u badnaayeen Soomaalida kenya waxaana uu dibad baxa uu dhacay ka gadaal markii muslimiinta ay kasoo dareereen salaadii jimcaha oo ay ku tukadeen maaasaajidka Jaamii ee bartamaha Nayrobi
 
Booliska ayaa dibad baxayaasha u adeegsanaya sunta dadka ka ilmeeysiisa iyo budad waxaana jira dhaawacyo soo kala gaaray labada dhinac ee is haya booliska iyo dibad baxayaasha  intaba.
Rasaas culus oo qaarkood ah kuwa dadka lagu kala eryo ayeey isticmaalayaan booliska halka shacabka dibad baxayana ay ku dagaalamayeen dhagxaan iyo quraarado iyagoo watay calan madoow oo uu towxiidka ku xardhan yahay.
Lama garan karo qasaaraha dhabta ah maadaama uu dibad baxa wali socdo waxaase laga cabsi qabaa in dibad baxa uu isku rogo dagaal culus waxaana ay dowlada kusoo biirisay ciidamadii booliska ee goobtaasi joogay kuwa militariga ee loo yaqaan koofi casta oo iyaga inta badan loo diro arimaha culus

Wixii faahfaahin ah ee iska horimaadkaasi kasoo kordha kala soco wararka yaga dambe

baashi cali
baashicali@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.