Home » Maqaallo »

Qoraalka Webebka Soomalida iyo adeegsiga Hadalka. | Maxmuud Xuseyn

Marka laga hadlayo Faqri ama baahi waxaa qalbiga iyo fikirkaba ku soo degdegaya in hanta la’aani jirto ama aan faraha waxba lagu hayn, hadaan si kale udhigo Faqrigu maaha inaan guunyo iyo gasiintoona la haysan , Aradkuna waa sidaas oo kale oo ma muujinayo Hu ama mariin keliya in loo dhib qabo, Markaanu qofku kabo gashanayn waxaa haleela cagaag oo talaabo ma riixi karo, waxayna calaamad u tahay inaanu caanteyn isku furan. Dharka , Kabaha iyo nadafaduba waa baahida qofka ee la socota kana turjunta qaab nololeedkiisa. Waxaa intaas u raaca hadalka ama weedhaha ka soo baxa afkiisa markuu goobtiisa joogo. Intaas marka laga faramadhan yahay wuxuu noqdaa qofku midaan miisaan weyn ku lahayn bulshada uu markaas la nool yahay. Hadaba Akhristoow aqoontu waa waxa iyana bila shaqsinimada aanse wadan muuqaal marka hore indhaha daawadaha soo jiidata, dhegta keliya ayaa garata maskaxda iyo qalbiguna waa u guuxaan. Waata asalka u ah in mar kale dib loo dhegaysto ama loo raadiyo wixii maqalka ku yimi maskaxduna dhuuxday. Ishu way aragtaa mase dhadhamiso sida dhegta iyo qalbiga isugu tebiyaan, hadayse markale aragto wixii hore niyadu ugu sheegtay inaanu teys lahayn si mug leh uma dhugato sababtoo ah waxaa kusoo duxaya fariimihii hore .

Warku wuu fidaa oo meel fog gaadhaa, muuqaalkuse sawirbuu ku gudbaa,si sahlan uma faafo. (hawsha iyo waqtiga ku luma ayaan ujeedaa).

Wararka, buugaagta, sheeko xariirta iyo suugaanta kaleba waxaa loogu joogsadaa ama madaxa loogu ruxaa waa qaabka loo soo bandhigo, soo saariduna iskama timaadee waxay leedahay wadooyin sabab u noqda inay soo jiitaan akhriyaha.

Bal intaad kursiga soo dhoweysato PC-gana (Computer-ka) dabka ku xidhiidhiso daar ama gal bal qolalaka mareegaha loola baxay magacyada kala duwan ee Afka soomaaliga ku qoran mid ka mida daalaco wuxuu maanta bulshada Afkiisa ku hadasha u dooray inuu usoo gudbiyo war iyo faaloba. Markaad dhamayso mid kale iyo ku sadexaadba soo deji oo isha mari, ha u eegin wuxuu ka waramayo ee kelimaadka iyo farsamada la adeegsanayo dhuux, waxaa laga yaabaa inaanad weli garan waxaan u jeedo.

Hadalka isagoo la fahmayo ujeeedada uu xambaarsan yahay ayuu hadana hungiri geliyaa ama niyad jebiyaa akhristaha, taasina waxaa keenaya luuqada iyo farsamada aad u dhigayso weedhaada.

Intaas ka dib Qoraalada Soomalida ee kusoo baxa webebkooda war iyo wacaal midkasta waxay u badan yihiin kuwo weyd ah Cilmi iyo aqoon iyadoo awelba ay iskaga yaryihiin hadana hadalka la daabacayaa wuxuu u baahan yahay ka fiirsasho. Ummadda waxaan loo sii gudbinayaana waa inay jirto waxay ku xulato Webkaaga. Hadalka ama odhaahda lasoo celceliyaa waxay nuxurka ka muudsataa oo ay budlisaa mucda iyo macaanka qoraalku xambaarsanaa.

Qiima tirka waxaa ka mida magacyada Reeraha ama meelaha ay degaan loola baxay oo qofba ku qanco kii ku magcawnaa tuuladiisii sidaasna u qaato warba inuu kaas yahay, waayo ka meel heblada kale oo uu garanayo cidda degta uma baahna. Waa masiibada Webebka iyo wararkooda.

Intaaas oo dhan waxaa isku fuuqsatay Aqoonta warfaafineed oo in yar oo fara ku tirisa mooyee aan qalin iyo warqad loo qaadan. Weriyanimaduna agtooda waxay ka tahay web-side-baan leeyahay eekala soco akhbaarta.!!! www. Hebel….com.net ..iwm.

Way jiraan kuwo (web sides) tixgelin weyn mudan oo mujtamacana u haya hawl iyo shaqo muhiim ah, mid wax barasho ama cilmi baadhis , warar iyo kaydin taariikheedba waana kuwa ay maamulaan oo gacanta ku hayaan Dad aqoon u lehi ku dayashona mudan.

Ugu danbayn waxaan ku soo gunaanadayaa Webkaagu ha noqdo mid anfac balaadhan laga sugo ama aroosyada iyo dhalinyara gaar ha u ahaado, waa inay jiraaan kuwo maqaalo iyo cilmi kordhisi loogu talo galay, qaar wararka iyo faalooyinka qaadaa dhiga , kuwo caruurta u gaara , qaar kale reeraha ama mujtamaca ka warama, siyaasada iyo siyaasiga, wadaadka iyo Diinta, Dhaqanka iyo hidaha IWM, Waa in wax laga bedelaa habkan layska dhaxlay ee isku sadarka ah. Macnaheedu maaha yaan wax kale lagu qorin ee haw badnaado ayaan u dan leeyahay.

Waxaa ishaadu isku mar ku dhacaysaa, aroos, tacsi, madaxweynihii, dood, baarlamaan murmaya, Suldaan la caleemo saarayo,dagaal iyo qaraxyo, bal adiguba halkaad ka bilaabi lahayd aduunkaasoo mar soo wada baxay oo

bog keliya kuwada qoran isku saf (isku dhinac teedsan) oo weliba far waaweyn ah.!!!?.

Ugu danbayn wararka lasoo xigayanayo haloo tiiriyo cidda iska leh ishiisa yaan laga dhigin mid webkaasi iska leeyahay, waa asluub fiican in sidaasi la yeelaa.

Qore: Maxmuud Xuseyn

ambashe@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.