Home » Warar »

Dowladda Federaalka oo ka biyo diidsan in la qabto Shirweyne dib u heshiisiin

Markii beesha Caalamku ay ka gaabisay in ay siiso dhaqaale Dowladda Federaalka ah isla markaana aan la fulin ballanqaadyo hore ayaa waxay sababtay in uu isqabqabsi dhex maro Dowladda Federaalka gaar ahaan xubnaha Baarlamaanka oo qaarkood horey u sheegay in xiligii uu ka dhacay Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Max’ed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) halka kuwo kalana ay sheegeen in ay wada dhacayaan dhamaan xubnaha ugu sareeye ee Dowladda.

Ra’isul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmake ayaa wareysi mar uu bixiyey waxa uu beesha caalamka ugu baqay in aanla qaban shir dib u heshiisiin ah balse la taageero Dowladda Federaalka, waxa uuna sheegay in ay hawlaha Dowladda ay hor taagan yihiin dagaalo ay ku soo qaadayaan kooxaha Mucaaradka ah.

Ra’isul Wasaare Cumar waxa uu sheegay in bishaan gudaheeda ay Dowladdu gacanta ku dhigi doonto dhamaan Magaalada Muqdisho oo ay qaybo ka mid ah hadda ka taliyaan kooxo ka soo horjeeda Dowladda, hase yeeshee saansaankaasi ma ahan mid muuqda waayo Dowladdu weli qaybaha kala duwan ee ciidamada ma aysan helin mushaarkii loogu talagalay, sidoo kale waxaa mushaar dhowr bilood ah aan qaadan xubnaha Baarlamaanka oo iyagu maalmahan bilaabay inay mucaaraddaan Dowladda, xubno kale oo baarlamaanka ka tirsan ayaa sheegay in mucaaraddadooda ku kooban tahay sidii ay u heli lahaayeen dhaqaale. “Waagii C/llaahi Yuusuf waxay mar walba soo dhejin jireen qorshe ay ku raadinayaan sidii ay dhaqaale ku heli lahaayeen.

Warar aan la xaqiijin ayaa waxay sheegayaan in sababta uu Madaxweyne Shariif u gaaray Magaalada Nairobi ay tahay iyadoo loogu yeeray in uu ka qaybgalo Shirweyne dib u heshiisiin ah oo mar kale laga soo qaybgeliyo kooxaha Mucaaradka ah, waxaana qorshahan wada qaar ka mid ah Dowladdaha ku lugta leh arrimaha Soomaaliya. Warar kale ayaa waxay sheegayaan in Sheekh Shariif Nairobi u tagay sidii wadamada deriska ah isaga kaashan lahaayeen sidii dagaal balaaran loogu qaadi lahaa kooxaha ka soo horjeeda dowladda oo uu Sheekh Shariif dhowr jeer ku celceliyey in ay nabadgelyo daro ka abuurayaan wadamada Geeska Afrika, waxaana la filayaa Sheekh Shariif in uu gelinka dambe ee maaanta la kulmo Diblamaasiyiin ka kala socota wadamada Ingiriiska iyo Talyaaniga.

Todobaadkaan ayay Dowladda Masar waxay sheegtay in ay diyaar u tahay in shir dib u heshiisiin ah u qabato kooxaha isku haya arrimaha Soomaliya, hase yeeshee qaar ka mid ah kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ayaan iyagu sinaba u ogoleyn in ay la fariistaan Dowladda Federaalka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Fayl: Dhaartii xukuumadda FKMG

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Dowladda Federaalka oo ka biyo diidsan in la qabto Shirweyne dib u heshiisiin "

  1. muslimah says:

    As Salaam caleykum waRaxamtullaahi Tacaala waBarakaatuh

    Soomaalida xagee loo raacaa Maxaase deeqaa oo kufilan! ???
    Aawey diintii saxda ah, aawey iimaankii iyo naxriistii ???
    Shaleyto kii ay la jireen (waa Sheekh Shariif iyo lexdii bilood) waxay intooda badan 98% oran jireen YAA ALLAAH Sheekh Shariif noodaa, waa madaxweyne fiican, 6dii bilood kadib inta badan way ka xumaadeen markii xukinkii laga qaadey, waxay intooda badan ku dhawaaqeen YAA ALLAH noo soo celi xukunkii Sheekh Shariif ee lexdii bilood (run ahaantii wuxuu ahaa xukun lama ilaabaan ah ee 6dii bilood) oo ducadii laga wada aqbaley, balse waxaa cajiib ah waxaa jiraan dad maanta ilawsan wanaagii shaley ee Sheekh Shariif ee lixdii bilood.

    Markii hore waxaad markasta ogaataan in wax walba uu yahay QADAR ALLEH, Isagaana og waxii roon, mida kale waxaa weyaan waxaa shaki kujirin in ummada Soomaaliyeed ay intixaan xagga Alleh ku jiraan intaa badan na isma ogaa, waxaa markaa haboon in qof walba uu ku dadaalo camal wanaagsan oo uu katago qabiil, faan badan, iyo hebel baan lajiraa,
    Sidaa darteed waxaa haboon in dhibka badan (dagaalka) laga daayo Soomaliya oo wakhti la siiyo Sheekh Shariif iyo dawladisaa, ileyn isagaa maanta kursiga ku fadhiyaa, koley weligiis kursigaas kuma fadhindoone eh, ee doorashada cusub markii ay timaado oo ay ka qaybgalaan kuwii ka soo horjeedaan dawlada, sidaa Al shabaab, Xisbul Islam i.w.m ah, ay dadweynahaa Soomaaliyeed iyaga kala saaraan qofkii ay rabaan, haddi kale waxaa hadda Soomaliya ka socda (dagaalka aan u jeedo lahayn) waa mid dambi mooyeen aan wax kheer ah soo wadin, bal imisaa qofood ayaa si xaqdarro ah dagaaladaan baas lagu diley ??? waana Soomaali iyo Soomaali kale isku faanayaan hebel baan dilayaa iyo hebel baan diley, ayna qaar ugu yeerayaan qaarka kale waa gaal (Subxaan Allah).

    Waxaanse hubaa in qabiilkaan baas ku kalifey waxyaabo badan oo kamid ah in xitaa labaddii is qabaan in ay qabiil dartiis ay ku kala tagaan, kuna kalifey in ay ciidamadaa shisheeyaha ah ay wadankeena soo galaan, waxaana khasaarada maanta Soomaliya ka taagan ku kalifey waa Soomaali naftirkood oo markii hore hishiin waayeen oo mid walba ku faanayaa in uu midka kale ka wanaagsanyahay.

    Waa inaan marna la ilaabin mustaqbalkaa caruurtaa Soomaliyeed ee meelkasa ay joogaan gaar ahaan kuwaa Soomaaliya maanta joogaan, waxay u baahanyihiin wadan iyo dawlad dhisan, markaa hadaanan maantaa arrintaas la is xil saarin, waxaad ogaataan in Soomaliyaa mustaqbalkiisaa ay si tartiib tartiib ah hoos u dhaco, waxaana arrintaas ka mas’uul ah waa kuwa kursigaa u dagaalamayaan oo aysan garanaynin sababtaa ay u dagaalamayaan.
    Waxaase iga tala ah, oo Soomaliya maanta ku haboon waa in dhamaan Soomaalida ee meel kasta ay joogaan ay qabiilka iyo faanka badan iska daayaan oo ay si wada jir ah gacanta isuqabsadaan oo is cafiyaan isuna duceeyaan Alleh dartiis, si ay aduunka iyo aakheero meel wanaagsan ka helaan, haddi kale kii sheydaanka raaca waa khasaaro aduun iyo aakhero.

    Wa BillaahiTawfiiq.

    wa Salaam caleykum waRaxamtullaahi Tacaala waBarakaatuh

  2. Sheekh Shariif iyo kooxdiisa waxba ma hayaan waxay doonayan in xoogaa ay iska dhoof dhoofaan lacagna uruursadaan wax kale ay Soomaali u soo kordhinayaan maleh. su,aasha waa deeq dibada laga soo baryey ma lagu noqon karaa dowlad ? jawaabta waa maya .

  3. muslimah says:

    As Salaam caleykum waRaxamtullaahi Tacaala waBarakaatuh

    Waxaa aduunka ugu daran oo ugu xun waa cudurkaa Qabiilka, Faanka badan iyo Jaahilnimo, oo Soomaalida ay 98%qabaan mar haddii saddexdaa shey laisku daro waxaa ka soo baxayaa waa dib u dhac ee wadanka, waayo waxaa maanta umadda Soomaliyeed dib dhigey waa 3daas shey (qabiil,faanka badan & jaahilnimo).
    Anigo oo aan Sheekh Sharif, Alshabaab iyo XisbulIslaam midna la jirin, waxaa maantaa Soomaliya ka socda waa cajiib,(Soomalideena intooda badan waa laba wajiile), waayo waxaan xasuustaa waagii dawladdii Cabdullaahi Yuusuf iyo Geedi, Soomaalida waxay oran jireen yaa dawladaan baas naga tuuraa, kadib waxaa ku xigey 6dii bilood ee Sh Shariif oo dadka inta badan si aad iyo aad ugu farxeen oo xitaa dad dibadahaa joogeen ay Soomaliya u aadeen si guriyahoodi oo la dhacay dib ay u helaan, intaa badan xaqooda ay heleen (waa dawladii sh shariif ee markaas jirey ee 6dii bilood lama ilaabaan ah).
    Waxaa kadib xigey rabsho kursi jeceel oo sh shariif ayaa 6diisaa biloowd halkaas ku dhamaadeen. Si walba ha ahaateen waxaa haddana xukunkii Cabdullaahi Yuusuf u gudbiyey sh shariif (waa maanta eh).
    Sh shariifkii oo shaley la jirey Al shabaab,ahlulsunnah, xisbiIslaam iwm ah, ayaa maanta ku socdaa jidkii cabdullaahi yuusuf oo isma dhaamaan.
    Inkasto uu ka siiysad fiicanyahay al shabaab iyo kuwa kale, waxaase khaladkisaa ah ciidamadaa ajnabiga ah oo wadanka hada joogaan.
    Al shabaab waa ay dadaaleen markiisa hore, waxayse kadib ku xumaadeen kadib markii ay dad Islaami ah (Soomali ah) ku tilmaameen dad diinta haysan ama mujirmiin ah (Subxaan Allah)!
    Al shabaab khaladaadkiisa waxaa ka mid ah in ay iyagoo oo dadwaynahaa Soomaliyeed diinta saxda ah la barin, oo loo sheego wixii khalad ah iyo wixii sax ah ayey xukunka Islaam ku bilaabeen (Gacan iyo lug jarid) iyo gabadhii 14jir oo Kismaayo dhagaxaan lagu diley, 14 jir waa caruur oo waxaa haboon in diinta wax loo sheego wixii xalaal ah iyo wixii xaaraan ah, (gabdhii la diley, ninkiina aawey mala diley mise???Subxaan Allah! . Al shabaab waa in ay ogaadaan in Soomaliya xaalada maanta ay ku sugantahay ay tahay GAAJO iyo LACAG la’aan, markaa nin xaas leh oo caruurna leh, la yaab maleh mar haddii uu wax xado ileyn dan baa ku kalifey in uu arrintaas ku dhaqaaqo kii wax xada.

    (1)… Waxaase haboon in kii wax xada markii hore digniin la siiyo oo lagu yiraahdo HA UNOQON MAR DAMBE oo diinta siday fareyso loo sheego, ee mahan in qof aan wax ogeyn oo aan digniin la siinin gacanta iyo lugtaba mar laga jaro. (BAL YAA JIHAAD U GALAYAA SOOMALIYA MAR HADDII CADOWGAA ISLAAMKA KU SOO DUULO, ileyn lugu iyo gacmahaa laga wada jarey) ????
    (2) ..Markii labaad haddi uu wax xado gacanta haka jarin ee jeelka dhig oo bil ku xukun, Markii sadexaad haddi uu qofkii ku noqdo markaas waa in lagu dhaqaaqo sharcigaa Islaamka,(waxaanse hubaa qofkii intaas oo digniin la siiyey) inuusan mar kale u noqon,haddi kale dadkaa aad lugahaa iyo gacmahaa ka wada jarteen siiya shaqo ama masruufka ileyn intooda badan gaajo ayaa ku kalifey oo qaarkood xaas iyo caruur ayey leyihiin.
    Khaladkaa kale ee Al shabaab leyihiin waxaa weyaan arrintaa Xijaabka dumarka, oo ay ka wada wel-welsanyihiin oo al shabaab ku amreen in dumarkaa ay xirtaan jilbaab kaaki ah (iyo kuleelka Soomaliya)! oo ay xitaa ku amreen dumarkaa iyo ragga aysan isku bas raacin!!… waxaa iga suaal ah ma al shabaab wax walba ilaalin karaan??? waa in al shabaab ogaadaan ilaalinta badan inaysan wax fiican keeni karin, waayo xukunka waxaa iskale waa Alle (Subxaanahu wa Tacaala) Diinta Islaamkana dhib mahan oo waa fudeed oo qof walba wuu is ilaalin karaa. Markaa waxaa haboon markii hore kuwa kursigaa u dagalamayaan waa in markii hore iyagaa is toosiyaan oo ay diinta sax ah ku socdaan oo al shabaab waa in ay ogaadaan wax walba waa QADAR ALLE (SUBXAANAHU WA TACAALA mar haddi xukunkii Sh Shariif 2 jeer uu qabsadey waa QADAR, oo wax walba waa qoranyihiin.
    Sh Sariifna waa in uu wadankaa ka saaro ciidamadaa shisheeyaha ah oo uu sidaa ugu dhaqsahaa badan uu DOORASHO cusub u sameeyo oo uu la tartamo al shabaab iyo kuwa kale, kadib umadda Soomaliyeed iyaga ha kala saaraan qofkii ay rabaan, si xaq ah oo aysan jirin yaa reer hebel ah, TAAS AYAA SOOMALYA U ROON MAANTA OO AH MUSTAQBALKAA CARUURTEENA INSHA ALLAH.

    Wa BillaahiTawfiiq.

    wa salaam caleykum waRaxamtullaahi Tacaala waBarakaatuh.

  4. DKMG waxay rabaan inay isku balaariyaan dalka waxay ilowsanyihiin in ay yihiin dowlad ku meel gaar ah, waa kuwe bada ay sii gadeen wa kuwi lacag cusub ay soo dabacooyaan, (Joga wa ma jooga) waa kooxda sheikh shariif
    iyago gajisaan ay xukunka la waregeen waxaan tusaale idin ah ficilada ay ku dhaqaqooyaan kooxda labada shariif oo wax waliba aqoon iyo sharci ku dhisan ay ka wada tilaabsanooyaan:
    Iipi ayaa yiri Banki dhexe ayaan fureyna, Marka hore ippi ma ahaa qof cilmiga dhaqalaha iyo sharciyada bankiga yaqaan, waayo Banki dhexe markaad furtid waxaa laga rabaa rasulmaalka bankiga dhexe kju fureyso bankiga inuu u gudbiyo bankiga aduunka heshiisn la galo damanad bankiga aduunka ay ka hesho dowladda, dabadeedna acount-lacagha qalaad ay ka furato banbkiyada caalamka sida: $-£-DM-Fr.Franciga iyo lacgaha carabta
    sida Saudi Riyal iyo Derhamka Emaraadka. sii dadwynaha iyo ganacsatadda soomaliyeed galsooni u wada heli lahayeen, iyaguna ay lacagahooda ay ku amini-lahaa bankiga dhexe. lana furo bankiyo ganacsi ah oo la xisaabtmo hantida ganacsatada soomaliyeed iyo bunookta markaas ka shaqiin doonto- Soomaliya. Ujedaada bankiga dhexe ay ka leeyihiin oo iwaqtigaan u samaxenin in ay furaan waxay doonayaan in dakhliga aanshuraadka dowlada ka soo gasho dekkada iyo airiborka iyo waxii mucawanad ay dowlada hesho ka hadaan halkaasi. Shaqaale banki lama diyaarenin audetarada bankiga lama diyarinin. Hadaba way iska cadahay in shariif sakiin isagu u yahay wax-walba. Talo ya u taliya madaxweyne shariif oo runta iyo xaqiiqda u shega./

    Kooxda Sharifyada ma rawaan dibuheshisiin, waxy doonayaan inta u xartey waqtigooda in hantida qaranka ay boobaan oo kelia.

    Maddeero caliyo

  5. aw.raage says:

    as.c.somalida miyaaney isla yaabin oo aaney quusan labatan sano waxaan ku soo jiray dib u heshiin lagu sameeyo dalka dibadiisa waxaana filayaa in ey dhamaatay fikirka ah dib u heshiin.runtii maanta waxan heysanaa buqcad yar oo amaan ah iyo magac dawladnimo iyo ictiraaf dawli ah taana waa in aan la dhumin hadii ey jirto cid wax tabaneyso ha timaado dlka gudihiisa oo ha lagu wada xaajoodo xarumaha ey ka taliso dawlada hana la taageero in la nabadeeyo dalka lagana saaro khawaarijta loo soo adeeg saday leysmada shacabka masaakiinta ah iyo bara kicinta ey ku hayuaan shayaadiinta SHABAB.dawlada waxaa loo igmaday in nabad la helo deedna loo gudbo doorashooyin xur ah oo lagu kala baxo sanaadiiqda ninkii doonayo madaxtinimo adeegsado codka shacabka somaliyeed laguna wada qanco leyskan ilaawo masaarida ayaa shir danbe noo qabaneyso iyo dawlada kale dib u heshiina waa dhaxdeena oo laga doonimaayo dal kale cid danboo na daxdaxaadiso ha noogu denbeeyso walaalaheena DJABUTI waan ku mahadsan yihiin.wabilaahi towfiiq.

  6. abdulahi says:

    aniga waxaanba oranlahaa kitaabka halagadaayo waayo kii kitaab maraba runkama sheego kadibna kitaabkaa qabta marka waxaa fiican inkitaabka lagadaayo kii xil loodhiibayo.

  7. muslimah says:

    As Salaam caleykum waRaxamtullaahi Tacaala waBarakaatuh.

    Ku >>> DAACAD
    Markii hore anigu qof aan taageeraayo majiro , sheikh Shariif, Al shabaab walaa Ahlusunnah, waayo dhamaantood waa kuwa dhiiga ummadda Soomaliyeed daadinaayaan oo ka mas’uul ah maanta iyo maalinta qiyaamaha, waayo mid walba wuxuu isticmaalaayaa xoog iyo faan ay ku dilaan Soomalida masaakiinta ah oo meel ay u cararaan haysan, dhamaantood waa dambileyaal oo isma dhamaan ismana toosiyaan, waayo waxay ku ciyaarayaan magacaa Islaamka, oo mid walba uu ku faanayo Diinta saxa ah, bal maxaa dhamaantood u diidey in ay iscafiyaan oo ay noqdaan dad walaalo ah oo ay la diriraan cadowgaa Islaamka, oo maxay midba midka kale ku tilaamo kaafir ama ku sheegayo in uu qofkaas diinta ka baxay ? maa mid walba dantiisa ee aduun iyo aakhero ku dadaalo? aawey mustaqbalkaa caruurteen ee Soomaliyeed? aawey wadankii iyo magicii sharafta lahayd ee Soomaliya? dagaalkaan oo lagu daaley oo dhimasho iyo khasaaro mooyeen, aan wax faaido ah lahayn goorma ayuu dhamaanayaa?

    Ku DAACAD….waxaa khalad ah, waxaa la yiraahdo SHAKI, waayo hadalkaaga waxaa ku jira hadal shaki ah, oo aad tiri sida tan: (WAXAA SAWIRKAN KA MUUQDA SI NIYAD AH IN AYSANBA UGU DHAARANAYNIN KUTUBKA QOLYAHAN WAAYO SAWIRKAN KAMA MUUQDO SI NIYAD AH)

    Markaa DAACADO ma adigaa ka warqabtaa qalbigoodaa?

    ALLAH (SUBXAANAHU WA TACAALA WAX WALBA OG)

    Waxaa haboon in la iscafiyo, naceebka iyo qabiilkana la iska tuuro ileyn faaido maleh, aakherana la isma waydiinaayo yaa reer hebel ah iyo yaa reer hebel ah, Aakhero waa qof walba iyo camalkisaa, ee camalkeena aynu ku dadaalno Insha Allah, oo aynu is xasuusino ducadaa wanaagsan in aynu isu duceyno aduun iyo aakhraba, oo diinta Islaamka aynu sidii la rabey ku wadno, ee kan baan la jira iyo hebel baan lajira waa isku dirka umada Soomaliyeed ee kii khaldan si tartiib ah wax ugu sheega oo mid noqda. (ISLAM).

    wa bilaahiTawfiiq.
    wasalaam caleykum waRaxamtullaahi Tacaala waBarakaatuh

  8. Daacad says:

    Asalaamu calaykum.horta waadku mahadsantahiin sawirkaan aad bulshada usoo bandhigteen waxaa sawirkan ka muuqda si niyad ah in aysanba ugu dhaaranaynin kutubka qolyahan waayo sawirkan kama muuqdo si niyad ah midba meel ayuu ku mashquulsan yahay mid qoslaayo iyo mid midka kale ku maqan waaye marka alle ayaa umaqan bulshadaan kuwa nabad rabo maba ahan, afka ayey ka sheeganayaan dhaartoodana maba ka muuqato haba ugu sii darnaadaan labada shariif.