Home » Abdirisak-Xusen, Faallo »

Waxyaalaha horseedi kara in ilmahaagu guul ka gaaro tacliinta | C/risaaq

Waxyaalaha horseedi kara in ilmahaagu guul ka gaaro tacliinta

Hordhac

Waalid weliba waxaa uu jecel yahay in ilmihiisu noqdo mid aad ugu fiican tacliinta.

Mar kasta oo ilmuhu guul ka gaaro waxbarashadana waxaa uu waalidku dareemaa farxad aan lasoo koobi karin. Jidka dheer ee loo maro tacliintu waa mid u baahan dadaal iyo dulqaad badan. Waa mid u baahan iskaashi dhexmara waalidka iyo ilmihiisa, macalimiinta iyo guud ahaan dugsiga uu ilmuhu wax ka barto. Haddii xiriirkaasi noqdo mid joogto ah oo wakhti la siiyo waxaa ay u badan tahay in tacliinta ilmaha laga gaaro guul wax ku ool ah. Haddiise xiriirkaas la dayaco waxaa dhacaysa in ay timaado guuldaro taabata dhamaan dhinacyada aan kor ku soo sheegnay. Ilmaha waxbaranayaa waxaa uu aad ugu baahan yahay kaalmada joogtada ah iyo dhiiri gelinta uu ka helo waalidkiis. Ardaygu kolkii uu taas helo waxaa uu dareemayaa inuu hayo howl waxtar leh oo anfaceysa naftiisa, waalidkiis iyo wadankiisaba.

Haddaba sidee ayuu waalidku u kobcin karaa ilmihiisa si uu tacliinta guul uga soo hoyo?

Waxbadan ayaa waalidku qaban karaa

Ugu horeyn waa inaad waalid ahaan diyaar u tahay inaad tacliinta ilmahaaga wakhti gelisid. Waxyaalahaan soo socda isku day inaad sameysid si ilamaagu horukac u sameeyo, niyad fiicana u helo.

Warayso ilamaaga: Kolkii ilmuhu guriga yimaado ee uu soo dhameeyo iskuulka, weydii kana warayso waxyaalihii uu maanta kala soo kulmay dugsiga. Ilmaha yar-yari aad bey u jecel yihiin iney waalidkood u sheegaan iskuulku sida uu maalintaas ahaa iyo weliba waxyaalihii uu soo bartay. Daqiiqadahaas yar ee aad ilmahaaga dhegeysatey waxaa ay waallid ahaan kusiineysaa warbixin muhiim ah, ilmahana waxaa ay siineysaa kalsooni buuxda.

Ku barbaari ilmahaaga akhriska. Waa inaad ilamaha tustaa ugana sheekeysaa muhiimada ay leedahay in wax la akhriyo. Haddii uu yahay gurigu meel wax lagu akhriyo, waxaa ilamaha u sahlanaaneysa inuu ku dhiirado wax akhriska. Ku barbaarinta ilamaha ee xagga akhriska waa inaad bilowdaa wakhti hore. Taas oo loola jeedo inta ilmuhu yar yahay. Waxaa aad u muhiim ah in ilmaha la geeyo goobaha wax lagu akristo sida maktabada (libary) iwm.Ilmuhu kolka ay aad u yar-yar yihiin ee aaney weli akhriska baran waxaa aad muhiim u ah in buugaag loo akhriyo. Taasi waxaa ay kobcineysaa maxkaxda ilamaha.

Daawashada tv-ga iyo ciyaaraha computerka: Waxaa aad iyo aad u haboon in ilmaha loo qorsheeyo daawashada Tv-ga iyo ciyaaraha komputerka. Haddii ilmuhu uu aad u badsado labadaan arrimood ee aan soo sheegnay waxaa uu ilmuhu aad uga daalayaa xagga maskaxda.

Taas oo dhalisa in ilmuhu ka caajiso ku dadaalista tacliinta maadaama ay maskaxdiisii daalan tahay. Waxaa kaloo ay daawashada badan ee Tv-ga iyo ciyaaraha komputeradu dhaliyaan in ilmaha ay ku yaraadaan hal abuurka xagga maskaxda ah. Ilmuhu waxaa uu noqonayaa sidii mashiinka oo kale, mar walbana waxaa uu sugaa in la howl geliyo. Haddii uu waayo komputer ama tv-na waxaa uu markiiba u imanayaa waalidkiis isaga oo weydiinaaya: Hooyo/aabe maxaan qabtaa? Waxaa i haya caajis aad u badan iwm. Baaritaan cilmiyeed badan oo la sameeyey waxaa lagu ogaadey ilmaha uu ku yar yahay daawashada tv-ga iney maskaxdoodu aad u fir-fircoon tahay, ayna mar walba diyaar u tahay iney wax cusub abuurto.

Haddaba waxaa waalidka la gudboon iney ilamaha u qorsheeyaan daawashada tv-ga iyo ciyaarta komputerka.

Ilmaha oo loo sameeyo jadwal joogto ah: Ilmuhu waa inuu leeyahay jedwal joogto ah oo uu raaco. Tusaale ahaan waa iney ilmaha u kala baxsan yihiin wakhtiga wax akhriska, wakhtiga ciyaarta, nasashada, wakhtiga cuntada iyo wakhtiga hurdada. Haddii uu jedwalku isku qasmo waxaa dhaceysa in ilmuhu jahwareero isla markaasna uu garan waayo qaabkii uu wax u wadi lahaa. Si ilmuhu ula qabsado jedwalkaan waxaa uu u baahan yahay caawinaada aabaha iyo hooyada. Tusaale ahaan kolka ilmuhu sameynaayo shaqada iskuulka looga soo diray waa in uu helaa waxyaalaha u sahli kara inuu haowshiisa guto. Waa in ilmuhu haystaa qalmaan kala duwan, kuwa midabka leh iyo kuwa caadiga ahba, mastarada wax lagu cabiro, miis iyo kursi wanaagsan, nal ifiin fiican leh iwm. Meesha ilmhu wax ku baranayaa waa iney ahaataa meel degan oo aan qaylo lahayn. Waxaa haboon in waalidku ilmaha la joogaa kolkii uu howsha iskuulka sameynaayo ama waa inuu meeshaas ka ag dhow yahay. Waa in dhamaan waxyaalaha ardayga khal-khalka gelin kara laga fogeeyaa goobta akhrisa. Waxyaalahaas waxaa ka mid ah Raadiayaha, Tv-ga, komputerka iyo wax kasta oo ilamaha mashquulin kara.
Ugu dameynta kolkii uu ardaygu howsha iskuulka dhameeyo, waxaa haboon in waalidku eego buuga ilmaha si uu ula socdo meesha wax marayaan.

Xiriir la sameyso iskuulka: Waxaa lagama maarmaan ah in waalidku xiriir joogto ah la yeesho iskuulka ilmuhu dhigto. Waa in waalidku tagaa iskuulka kolkii uu sanad dugsiyeedku bilaamo si ay isu bartaan macalimiinta iyo maamulka dugsiga. Taasi waxaa ay keentaa in waalidku noqdo mid laga tixgeliyo iskuulka. Macalimiintuna waxaa ay noqonayaan kuwo mar walba kula socodsiiya hadba meesha ay tacliinta ilmahaagu mareyso iyo waxyaalaha loo baahan yahay in ardayga laga kaalmeeyo. Waxaa haboon in waalidku ku biiro gudiyada kala duwan ee iskuulka. Haddii taasi aaney suurogal ahayn waxaa haboon in waalid kale oo soomaali ahi galo gudigaas si uu waalidiinta kale ee soomaaliyeed ula socodsiiyo halka ay howlaha guud ee dugsigu marayaan. Waxaa iyana muhiim ah in waalidku usbuuciiba halmar soo booqdo iskuulka ilamaha si uu indhihhiisa ugu soo arko siyaabaha kala duwan ee ilmaha wax loo baro. Waxaa loo baahan yahay in waalidku macalimiinta u sheego fikirkiisa ku wajahan habsami u socodka tacliinta ilmaha. Weydii macalimiinta maalmaha la doonaayo in lasoo celiyo shaqooyinka ilmaha loo diray. Waxaad kaloo weydiisaa haddii ay jiraan waxyaalo kale oo dheeraad ah oo ilmahaagu u baahan yahay. Suàalaha noocaas ah waa kuwo ay macalimiintu aad u qiimeeyaan. Waxaana waalidka loo arkayaa waalid dadaal badan oo aad u halgamaaya.

Kalsoonida ilamaha oo la dhiso: Waa in waalidku aad ugu dadaalaa in la dhiso kalsoonida ilmaha. Waa in ilmaha laga ilaaliyaa wax walba oo keeni kara niyad jab. Waxyaalaha ilmaha qalbadooda aan ka goìn, niyad jakana ku rida waxaa ka mid ah ereyadaan soo socda:

Waxaad tahay damiin. Waxba ma taqaanid. Maskaxda ayaad la`dahay? Hebel ayaa kaa fiican.iwm

Waxaa kaloo ilamaha niyad jebiya in ilamah lagu ceebeeyo ilmo kale hortooda. Waxaa haboon in ilmaha kolkii waxloo sheegaayo aan xitaa walaalihiis hortooda loogu sheegin ee si gaar ah loogu sheego. Waxaa waalidka laga doonayaa inuu ilmaha ka dhiso meelaha uu ku liito isaga oo aan dhaawacaynin kalsoonida ilmaha. Haddii ay taasi kugu adkaato iskuday inaad la kaashato macalimiinta soomaaliyeed ee arinkan khibrada u leh. Bar ilmahaaga inuu qaado masuuliyada tacliintiisa, una muuji inaad adigu tahay mid kaalmeynaaya.

Ilmuhu waxaa ay jecelyihiin iney mar walba matalaan oo ku daydaan waalidka sidaas darteed waxaa waalidka laga doonayaa iney noqdaan tusaale fiican.

Xusuusin: Qoraalkani waxaa uu ku saleysan yahay khibradayda macalinimo. Anigoo ku dhexjirey arimaha tacliinta muddo ka badan 20 sano. Anigoo macalin kasoo noqday wadankeenii soomaaliya iyo dalkan aan ku noolahay ee Sweden

Qore: C/risaaq Maxamed Xuseen
Eskilstuna, Sweden
habdirisak@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

16 Jawaabood " Waxyaalaha horseedi kara in ilmahaagu guul ka gaaro tacliinta | C/risaaq "

  1. cabdulaziiz says:

    runtii waa qoraal aad ufiican aad ayaana uga faa’iidaysan doonaa insha alaah wax bada oo iga maqnaa ayaan kafaa’iidaysatay. aad ayaad ayuu umahad sanyahay qoraagu

  2. Maanshaa Allaah, kheyr badan Allaah ha kaa siiyo talada qaaliga ah eed u soo jeedisay ummadda soomaaliyeed.Laga bilaabo hada si toos ah ayaan ugu dhaqmi doonaa talooyinkaada qaayaha leh.waayo waxaan ahay aabe 6 caruur ah leh oo ku mashquulsan tacliintooda. FADLAN HAKA DAALIN INAAD MAR WALBA WAX WANAAGSAN NOO SHEEGTO OO KHIBRADAADA AAD NOOGU DEEQDO. Waayo waay jiraan aqoonyahaniin badan oo soomaaliyeed laakiin sidaada oo kale uma hagar baxaan oo khibradooda waay la bakheylaan, weliba waay yasaan ooy iska weyneysiiyaan dadkooda umiga ah, inta aay ugu yaboohi la haayeen cilmigooda. Sidaada oo kale. Waxaan rajeynayaa in la helo dad badan oo kugu deydo una faa’iideeyo ummaddooda. JIZAKALLAAHU JANNAH. CABDIRISAAQ.

  3. Ilyaas says:

    A/c Awalan waa sax maqaalka waa mid muhiim ah oo macna weyn ugu fadhiyo ubadka iyo waalidkoodba, iyo cidkasto oo ay dani kaga jirto muhiimadda ay leedahay aqoonto hase ahatee MR_Abdirisaaq waa ku mahadsantahy sidad u soo qortay talada wax ku oolka ah waana dowrkaagii macalinmo suaasho waxa ay tahay mar haddii ad muhiimada ku dartay xirirka waalidka iyo macalimiinta maxaad adigoo og u diiday inaad wax lawadaagto waalintiinta aa ciyaalkooda macalinka u tahay ee aad wax barto kasukow adigoon fiirinba deegaanka iyo waxii dadka ka dhexdhacay maxeey tahay sababta kuugu kalifeeyso inaad meel iska tagto umadda dhan oo ah qoomiyad aad madxooda ku shaqaaleeysantahay oo wax u dhigto ubadkooda.`? waliba adigoo ah ruux wax bartay ee leh aqoon heersara ah.. runtii waxaan oranlahaa adigu marka hore ku dhaqan oraahad wanaagsan oo la heshii waalidka aad caruurtooda wax u dhigto ee soomaaliyeed ee ah dadka dagan Eskilstuna, Sweden

  4. ASALAMU CALEYKU WALAAL WAAN KUSALAAMAY SALAAN KADIB WAXAAN AQISTAY MAQAALKAA MACAANTABADAN OO AAD NOO SOO GUDBISAY MAXAA YEELAY WAXAAN AHAY ARDAY WAX KA BARTA JAAMACAD KUTAALA DAKLA UGAANDA OO BARTANA MAAMULAK WAX WEEN AYEEY IGA BADALLAY QORAALKAAG WAXAAN RAJEEYNAYAA IN AAN DHAQAN GALIYO MUSTAQBALKA HADUU ILAAHAY IDMO WAXAAN KAA FILEEYNAA IN AAN WAX WEEY NOOSOO GALISID WEBSETKA SOMAALITALK WAXAAN AHA DADKA AAD WAX U AQRIYO SIIBA WAXAAN AAD UGU TIXANAHAY TOOMAALITALK MAASHA ALLAAH LOOOOOOOOOL

  5. Malyuun says:

    ASCWRWB dhamaan somaaliweyn meelkasta oo aad dunida ka joogtaanba.Salaan kadib waxaan Salaan gaar ah u soo dirayaa walaalka qaaligaa ee wadanigaa ee wakhtigiisii u huray in uu umadiisa wax faaiido leh u soo diyaariyo.Aad ayaan kugu mahadinaayaa maqaalkaan qiimaha leh ee aad kuguubaabineeyso waalidiinta soo maaliyeed.Talo iyo tusaalaba waan uga baahanahay aqoonyanka adigoo kala aad ayaana ugu faraxsanahay in Somaali leedahay aqoonyan wadani ah jecelna in uu dadkiisa wax taro.Waxaan rajeeynayaa in aan qaato kuna dhaqmo,tusaalooyinka qeemah leh ee aad noosoo gudbisay.Qeerbadan ayaan kuu rajeeyna.

  6. Cismaan sh.c.lahi dakhare says:

    Salan ka dib waxan u maleynaaya inana akh rinin maqal kan ka xisa badan abid intan wax akhrinayay waxad qortay sxb qoral lo bahna waxana u qortay si dagan oo caqliyey san wana waxan u aminasanahay mar walbana ugu taxanahay somalitalk meshas ka si wad sxb waliba isku day inad wax ka qorto arimaha bulshada sida carurta&taclinta tasa ka muhimsan kana fa ido badan siyasad an jihana ka socon jihana u socon wa sxb ka cisman oo south africa ka so leh waxan ku siyay qoralka 2009

  7. Said Ali says:

    Asalama Caleykum, dhamaan akhristayaasha,bahda somalitalk iyo shicibka soomaaliyeed meel ay joogaanba.
    Waxaan ahay dadka mar walba akhriya maqaalada iyo macluumaadka internetka lagu soo bandhigo. Maqaalkaan walaalkeen c/risaq xuseen soo bandhigay waxaan qabaa inuu yahay maqaalka sanadka. Waa maqaal daboolaaya baahi badan oo dadka soomaaliyeed,gaar ahaan waalidiintu qabaan.Tacliinta ilmaha waa mid aad iyo aad muhiim u ah. waalidiinta soomaaliyeed oo aan ka mid ahay, waxaan hubaa iney aad uga faaìideysan doonaan. Qoraaga maqaalkana waxaa aan leeyahay halkaas ka wad howsha wadaniga ah ee aad wado. waxaan kale oo aqoonyahanada soomaaliyeed ku boorinayaa iney noo soo diyaariyaan maqaalo kan oo kale ah si aan uga faaiideysano.
    Wa bilaahi towfiiq
    Said

  8. hani says:

    masha alaah runtii walal keen wax aad u wanaag san buu noo shaagay ilaah ha ka abaal mariyo anagana kuwa ku dhaqaaqa hawshaas hanaga dhigo aamiin runtii waa hawl dadaal badan u baahan.

  9. walal waan ku salaamayaa salaanata islaamka 114 quraanka cadadiisa walaal waxaan ilaahay kaaga baryayaa inuu ajar iyo xasanaad aan la soo koobi karin kaa siiyo waxa wanaagsan oo aad nagu baraaru jisay walaal anana allah naga dhigo ku dhaqma kuna maamulah ubad kooda waana madsantahy

    Allaa Mahad Leh wabilaahi Towfiiq

  10. HASSAN QASIM says:

    good article aad iyo aad ayaad umahadsantahay waxa aankarejeynayaa waalidiinta soomaalida in aay sida aad fartay sameeyaan iyo si ka hufan qeer ayaan kuu rejeynayaa wabilaahi towfiiq

  11. Boqor Faysal says:

    A.w.wabarakathu Alle ha ka ajirsiyo xaqiiqdii waxaad modaa qoralkaga in uu ka hadlayo Aabayaal badan oo aan ka mid ahay kuwaas dayacay xaquuqdii waridnimo. Qoralkaga waxa uu i xasuusiyay warid badan oo ku mashqulay sidii ay u radin lahayeen dhaqalo lakiin dayacay ka war qabkii tacliinta caruurtooda kuwaas oo ay noqdeen caruurtoodii ma gudbayaal bankiyadase ay uga buxaan lacago.

  12. bishaaro says:

    bismilaah asc wr wb salaan ka dib walaalkay cabdirisaaq mahamed ilaahay waxaan kaaga baryin inuu kuugu abal mariyo kheyr badan aduun iyo aakhiro ku anfaca . waana qoraal aad & aad noo anfacaya hadan nahay waalidiinta somaliyed gaar ahaan hooyooyinka ilmahooda ku mashquuliya tvga.ilmo iskuulka markay ka yimaadeen tv daawanaya ilaa inay cunto ama musqul \suuli u kacaam maahee. ilaahoow noo hiili. qoraalkana oo kalena qofkii akhrista wax weeyn ayuu ka badalaaya dhaqanka walidiin badan oo somaliyed .sida hoyooyin telfoonada aadka ugu hadla ilmahana iskaga mashquuliya tvga .ilahay ajar badan ha kaa siiyo anagana kuwii ku dhaqma taladaada wanaagsan qaata naga dhigo aamiin

  13. Abbdirisak Hussein-qoraaga maqaalka says:

    Waa ku mahadsan yahay walaalka inoogu daray in ilmaha laga dhiso dhinaca diinta,caqiidada iyo xuquuqda waalidka.
    Waxaan jeclahay inaan maqaal gaar ah arinkaas ka sameeyo
    haddii alle idmo
    Cbdirisaq m Xuseen

  14. caasha says:

    asc ilaahay ajar iyo xasanad hakasiyo walaalka nuqalkan qaliga ah nooso gudbiyey hadanu nahay waalidinta somaliyed. kuwi kutosnadana ilaahay hanaga dhigo amiiiiiiiiiin

  15. ali xaaji says:

    Good article!

    Waa runtii maqaal aad iyo aad u muhiim ah, taabanayana meelo badan. Waxaan leeyahay waalidinta soomaaliyeed haka faaìideysteen. Qoraagana waxaan leeyahay halkaa ka wad maqaalada qiimaha leh, ajar iyo xasanaadna rabi hakaa siiyo
    Ali Haji

  16. adam says:

    aad bay u fiican tahay waxa iyana muhiima in xagga diinta iyo xuquuqda waalidka laga dhiso carruurta