Home » AmiinYuusuf »

Website-yada Qaar Nooc Isbaaro Cusub | Amiin Yuusuf

Your browser may not support display of this image. Warbaahinta waxaa Aasaas u ah saddex tiir oo kala aha Jaraa’id oo ah akhris iyo Idaacad oo ah dhageysi iyo Tv oo ah Daawasho, mid walibana si gaar ah ayuu u taagan yahay hase yeeshee markii soo ifbaxeen Technologiyadda Casriga ah ayaa saddexaad waxaa isku darsaday Web-Site oo yeeshay qaybihii Akhriska, Dhageysiyga iyo Daawashada. 

      Website-yada Soomaaliya oo marba marka ka dambeysa sii kordhaya ayaa haatan waxaa la sheegay in ay gaarayaan ilaa iyo dhowr kun oo Website hase yeeshee tiro yar ayaa laga helaa wararka gudaha iyo dibadda oo xaqiiqda ku fadhiya , Website-yadaas qaarkood waxay ku darsadeen qaybo Waxbarasho,mid Diimeed,mid  Nabadeed iyo mid Dib u heshiishineed  halka kuwo kalana ay inta badan ku saleysan yihiin warar been ah kana fog xaqiiqda, waxaana la dhihi karaa waxay u shaqeeyaan si caksi ah, Tusaale haddii uu gaari rogmado, waxay Website-yada qaarkood yiraahdaan waxaa loo dhigay Qarax, Haddii Dab meel ka kaco waxay u dhigaan dhanka kale , haddii Diyaarad si caadi ah u dhacdo waxay qoraan Gantaal ayaa lala beegsaday, Haddii Aroos uu dhaco waxay qoraan in Arooskaa la isku diley, waxay isku direen Qoys dhisnaa Tusaale waxay Xuuraansanayaan Ragga Naagahooda Maseyrka badan ka dibna waxay faafinayaan Tahniyad Aroos oo been abuur ah subaxii markii la akhristo oo  Haweeneyda ogaato waxaa halkaa ka dhacaya dagaal  ah in reerkii kala tagaan waxaan goobjoog u ahaa ragg Madaxa la jebiyey markii Guriga fooda soo geliyeen ka dib markii  haweeyneydii la soo gaarsiiyey Tahniyad been abuur ah  ama Cabdalla Shideeye ah ,Haddii dad Masaakiin ah waxa loo ururiyo waxay sheegaan Warka duwan wararkii ay faafiyeen Warbaahinta kale ee ay ka shaqeeyaan dadka aqoonta saxaafadeed leh ,marka beentaas aadka u weyn waxay uga jeedaan lama garan karo, hase yeeshee qofku markuusan aqoon u laheyn dhinaca saxaafadda wax badan ayuu kharibayaa,waxayna hore u faafiyeen warar been oo dadka qaar run u qaatey waayo Soomaalidu waxay tiraahdaa “Been Fakatey Run ma Gaarto”. Beentaas ay sheegayaan waa mid aan sinaba looga goyn Karin.Haddii qofka uusan garan Karin waxa uu u nool yahay ama Aduunkaan loo keeney waa adag tahay in loo Aqli celiyo ama la waaniyo Soomaalida waxay tiraahdaa”Waano Abuuris baa ka horeysey” Bahalka Haraanka la yiraahdo ayaa damcay in uu ka gudbo Webi, isagoo meelaha meermeereysanaya kana fekeraya sidii uu uga gudbi lahaa webiga ayaa waxaa sheedda ka arkay Qubo, waxayna u soo dhaqaaqday dhinicii Haraanka waxayna ku tiri “Waxaan u maleynayaa Haraanow inaad dhinaca kale rabto, sidaan dareemayo”, waxa uuna ku yiri “Waa runtaa”, waxa uuna u sii dabadhigay “Maanta waxaan jeclaan lahaa wax iga gudbiya webiga”, Qubaddii ayaa ku tiri “Haaraanow dusheyda soo fuul”, markii uu dusha Qubadda fuulay oo bartamaha wabiga la marayo ayuu qaniiyo Qubaddii ku tolay, Qubaddiina intay xanuusatay ayay ku tiri “War Haraanow sow uma jeedid meesha aad mareysid, waxaan awoodaa inaan meeshaan kuugu sii daayo oo aad ku dhimato?”, Haraankii inta uu jeesjeestay ayuu yiri “Ha ila  yaabin Qubow, Dabeecadda ah in aan wax Qaniino waan u dhashey waana mid aan iska goyn Karin”. Halkaas waxaa ka garan kartaa in ay jiraan dad aan xumaanta iska dhaafi Karin oo jecel in ay wax Dulmiyaan, wax isku Diraan , Been sheegaan 

      Dulucda Sheekadu waxay u dhaceysaa in dadka qora Website-yada qaarkood aan sinnaba looga goyn Karin beentaas ay maalin walba afuufayaan, sidaasi darteed waxay ku qaab noqonayaan Haraankii aan ka soo sheekeeyey ee isagu sheegay in uu u dhashay dabeecadda wax Qaniinyada, waxaa ka sii daran si beentooda loo rumeysto waxayna ka garab sameysteen kuwoodii hore Website-yo kale si ay qiil ugu helaan beenta ay sameynayaan, haddii aad ku tiraahdo “Walaal maxaad wax aanan sameyn iiga faafisay”, wuxuu kuugu jawaabayaa “Aniga waxaa iiga horeeyey Website oo aan ka soo xigtay warkaan”, haddii aad u fiirsato waxaa ugu dambeyn ogaaneysaa in labada Website isagu isku leeyahay. Ama uu leeyahay Shana iyo wax ka badan   

Waxaa iigu yaab badnaa markii aan arkay Website Shirkad Xayeysiin u sameynaya isla markaana ka qoraya hadalo aflagaado ah, markii ay Shirkaddii soo cabatay, waxay Raggii Website-kaasi lahaa ku andcoonayeen in aysan warkaan iyagu bilaabin balse ay ka soo xigteen web kale, haddii aad Click siiso warkaa waxa uu kugu xirayaa webkii kale oo ah meeshii ay sheegeen in ay ka soo xigteen. Waa yahay ma xuma in aad War soo xigato laakiin ma aflagaadaa soo xiganeysaa Xaqiiqda marka hoos loo dhaadhaco ujeedada Arrintaan loo sameynayaa waxay tahay si xayeysiin kale looga helo Shirkadda oo loo soo saaro webka kale oo runtii ah web uu isaga leeyahay si .halkaas uu ugu ururusado lacago  fara badan  

Haddii aad aragto rag jid isbaaro dhigtay oo baad ka qaadaya Gawaarida iyo Dadka, waxaa hadda kuwaas aan waxba ka duweyn Website-yada qaarkood oo hadda nooc isbaaro u dhigtay Bulshadda waayo waxay doonayaan in ay helaan wax baad ah, waxayna Shirkadda laga faafiyey hadalada beenta ah ku khasbanaaneysaa in ay bixiso lacag  baad ah si uga badbaado in ganacsigeeda wax loo dhimo, waxayna Shirkadaha qaarkood hadda diiwaangeliyaan Website-yada qaarkood oo ay sheegeen in ay mustaqbalka la tiigsan doonaan Maxkamad. Waxaa kale oo la yaab leh markii uu Website ka qoray war mid ka mid ah Diyaaradaha Soomaaliya yimaada taasoo ku soo degtay meel ka mid ah Soomaaliya ay Cilad ku timid, isla markaana Batari looga qaaday Diyaar kale Garoonka fadhidey si loogu kiciyo, wuxuuna Webka uu sheegey in arrintaas ka war heleen Rakaabkii Diyaaradda saarnaa oo iyana diidey in ay raacaan Diyaaradda, Runtii dadka aqoonta u leh diyaaradaha  wey garan karaan in aysan dhici Karin in Diyaarad laga soo qaado Beteri ka dibna inta lagu kiciyo loo celiyo Diyaaradii kale ,Warkaas markii dib loo baaray waxaa caddaatay in uusan waxba ka jirin, balse ujeedkiisu ahaa in shirkaddaa laga helo Xayeysiin baad ah Waxaana halkaas kaaga soo baxayaa “Afkii shaley kuugu Caayey maanta ku amaan”.  

Guntii iyo Gebadii waa jiraan website-yo xaqiiqda ka hadlaya oo ay ku xiran yihiin Boqolaal kun oo Soomaali ah, waxayna website-yadaan faafiyaan warar xaqiiq ah oo la tafaftiray,Waxayna aamin san yihiin Oraahdii ahayd ”War been intii aad siideyn lahayd waxaa kaaga Wanaagsan in War la waayo” waxaase jira websites faafiiya warar aan sal iyo raad toona laheyn oo keliya u furan qaab isbaaro oo ah in lagu dhibaateeyo Bulshada Soomaaliyeed,Haddii qof booqanaya Web-site-yadda Qubxiga iyo beenta aad tiraahdii maxaa u furuneysaa wuxuu kuugu Jawaabayaa “Iska fiiri Meeshana uga tag”Qofka Bini’aadamka ah waxaa celiya Caqiidada Islaamka, haddii uu taa ka tagana waxa uu falaa wixii uu doono, Ummadda Soomaaliyeedna waxay isweydiinayaan bal inta ay gaari karaan website-yadaasi oo ah nooc isbaaro cusub.  

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Website-yada Qaar Nooc Isbaaro Cusub | Amiin Yuusuf "

  1. xasan cowke says:

    bismilaahi waxaan u argaa arin fiican badashada alaada websitka waan ahurmar vxaga saxaafada ah mana jirto ayaan isleeyahay sabaab iminka lagu caayo websityada soomalida marka waa hurmar waxeeyna wararka xaqiiqda kusaleeysan usoo quraan qeeybaha kaladuwan ee aqristayaasha marka anigu waan taa geeyrsanahay byyyyyyyyyyyyyyyy waat mahadsan tihiin

  2. Shukri Sh. M says:

    AAWW,

    Ha ogaado qofka websidekiisa aan wax wanaagsan ku qorin inuu sumcad beelayo haddii xitaa uu wanaagsanaado oo towbad keeno, tan kale Amiin khasaaro hadalka ah in Soomaali tiri: “Waana Abuuris baa ka horeysay”, aniga ma qabo inay sax tahay inkastoo la yiri waayo, Alle Kitaabka Quraanka ma soo dejiyeen haddii aanu qofka iska bedelaynin abuurkiisa, oo in lagu waana qaato ayuu Alle u soo dejiyey, Alle ha caafiyo waa qof jiran qofka webkiisa ku qora waxyaabaha isku dirka keeni kara ama beenta ah.

    AAWW

  3. xamse says:

    magacaygu waa xamse riiraash marka hore waxaan salaamayaa dhamaandood somalitalk iyo dadka soomalida ah waynu ognahay saxaafadu inay ka mid meesha kaliya ee waxna laga hagaajin karo waxna laga xumayn karo hadaba anigoo ka mida qorayaasha dada yar ee juhdiga badan u bixiya ayaan ogaaday dadka websiteyada badankii iska leh inayna tixgalin waxyaala dadna guud sida mqaalada mujtamaca taariikhda wanaaga nabadgaliyada lakiin dadku ay ka helaam waxyaalaha siyaasada iyo waxyaalaha aflagaadada ah runtii markaan websiteyada qaarkood kusoo bandhigo dadbadanbaailasoo xidhiidha iguna dhiiri galiya inaan halkaasi kawado waxyaalaha danta guud hadaba saxaafada waxaan u sheegi lahaa fadfadlan waar waxyaalaha qiimaha badan sida taariikhda nabadgaliyada iyo danta guud ka horamariya waxyaalaha siyaasada iyo qabyaalada qudhonku ku jiro waxaan u mahadnaqayaa websiteyada badankii fikradayda tixgaliya iyo dadka badan ee iisoo dira waraaqaha dhiira galinta oo iyaga la/aantood aanan heerkan ku gaadhaan waadna mahadsantihiin

  4. Aadan says:

    masha allah waa maqaal wanaagsan sidaa ku wad walaal oo soomalida wax qorta fahansii in aan laiskuxadgudbin iyo qaabka wax loo qoro, waxaan ku boorinayaa dadka iskaleh website-yada in ay ka taxadaraan dhibka ay sameenayaan hadii kale ayagana inta aysameeyeen in laeg unbaa soogaari maalin ay noqotaba, qof walba beerta uu fasho unbuu miraheeda helayaa hadii aad geed kharaar abuurto waxaad gurani miro kharaar. hadii aad geed macaan abuurto waxaad guranaysaa miro macaan.
    mahadsanid
    Adan

  5. Hassan says:

    Waa run,

    Hadda waxay noqdeen haddii aadan lacag isiin wax xun ayaan kaa qorayaa,
    waana arrin khatar ah, wax sharci ah oo qabanayaana ma jiro. aqoonna ma leh waxayna is leeyihiin wax kula hadli karaa ma jiro, dhinac marka laga eego waxaad is dhahay way soo shaqo tageen, qaab isbaaro ah, qofkii aan iska laaluushin way la dirirayaan.

    Bal akhriya Webside yada qaar Waxaa ku qoran cay iyo warbixino aan wax reference (Tixraac) ah lahayn, waxay qaarkood caayaan madax, qaar waxay caayaan oday dhaqameedyo (isimmo) qof kasta oo aan aqoon lahayn wuxuu dareemayaa in si aan xirfadaysnayn u shaqeynayaan,

    Marmarka qaar waxay dhahayaan qofkii xalay la dilay hebel ayaa dilay, oo xittaa maxkamaddii ayey kala hor marayaan.

  6. Amiin waa runtiis wax jira oo cad ayuu sheegay waa waxa aan la yaabahay, website nin ay is hayaan hooyadiis caayaya ama habaarayana waa aragnay marka waa yaab iyo amakaag.

  7. Aadam Zaki says:

    Haddii ay dadka wax qora ay aamin sanaan lahaayeen kuna dhaqmi lahaayeen waxay farayso diintu ma dhacdeen dhibaatooyinka haatan na haysta
    waa dhab in ay jiraan dad ku qawlaysto qalinka hasa ahaatee maalin ayaa la waydiin doonaa qof waliba wuxuu qoray
    Somalitalk waxaan mar kale ku amaanayaa xilkasnimada iyo ka fiirsashada qormooyinka ay shaaciyaan
    waa laga yaabaa inay mar mar dhacdo khaladaad ama qoraallo si khaldan usoo gala hadda waxay ogolyiniin aragtida qofka kale