Home » Maqaallo »

Muqdisho: Jaaliyada Soomaaliyeed Ee Norway oo gacan ka geysanaysa Wax u qabashada Dugsiyada Qur’aan

Muqdisho:-Jaaliyada Soomaaliyeed Ee Dalka Norwey ayaa bilowday qorshe lagu tabarucaayo dhaqaale lagu kabayo Dugsiyada Qur’aanka Kariimka Ee Magaalada Muqdisho.

Dugsiyada Qur’aanka Kariimka Ee Muqdisho ayaa waxaa qaarkood lagu bilaabay dib u dhis iyo taageerida Macalimiinta Dugsiyada Qur’aanka Kariimka Ee Magaalada Muqdisho.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Dugsi Qur’aan ay dhistay Jaaliyada ayaa waxaa dhawaan lagu sameeyay dib u dhis iyadoo Jaaliyada Norwey ay u soo dirtay 200$ taasi oo loogu dhisay Dugsiga Qol Cusub oo ay Ardayda wax ku baranayaan.
Macalin Xasan Maxamed Muxumed oo ah Macalinka Dugsiga ayaa waxa uu sheegay In uu u mahad celinayo Jaaliyada Dalka Norwey oo u soo dirtay lacag uu ku dhisay dhismo 1-qol oo 4-Mitir ka kooban.

Macalinka ayaa sheegay in Walaalaha Soomaaliyeed Ee Norwey ay garab siiyeen Dugsigiisa islamarkaana haatan Ardayda loo helay Tobo Biyood ay Looxda ku dhaqdaan taasi oo lacagta ay Jaaliyada Soo dirtay lagu galiyay Dugsiga.

Macalin Xasan ayaa waxa uu isagoo u mahadcelinayay Jaaliyada uu soo bandhigay Baahida Guud ee haatan Dugsiga Qur’aanka Kariimka lagu barto haysata Sida:-

1.Kitaabo MQur’aanka Kariimka ah oo ardayda loo soo xurmeeyo.

2.Baahida Laba Musqul oo ay galaan gabdhaha iyo Wiilsha Dugsiga.

3.Deer ama Daash ay ardayda fariistaan Xiliga galabtii ah si ay ugu leersadaan oo ay Waxbarashada ugu sahlanaato.

4.Masjid iyo Ceel loo dhiso Dugsigaasi maadaama uu ku yaalo dhul banana oo Alle dartiis loo dhiibtay.
5.in laga bixiyo lacagta ay keento Biyaha tubada laga Cabo maadaama ardayda ay ku dhaqanayaan Looxda oo aanay macalimiinta dhiibi Karin lacag ahaan.

Ugu danbayntii Macalin Xasan Maxamed Muxumed ayaa sheegay in Qofkii Alle Dartiis u Caawiya goobaha Alle lagu Caabudo iyo goobaha Diinta Islaamka lagu barto ay guran doonaan Faa’iidadeeda iyo ajarka Maalinta Qiyaamaha.

Macalinka oo ay ka muuqatay sida uu ugu faraxsanyahay garab qabadka Jaaliyada Soomaaliyeed Ee Dalka Norwey ayaa ku baaqay in ay sii wadaan gacan qabadka Dugsiyada Qur’aanka Kariimka.,waxaana u ugu baaqaay jaaliyadasha somaaliyeed ee dalalaka dibadda ku nool in ay ku daydaan jaaliayadda dalka norway ayna agaraab siiyaan goobaha alle dartiis wax lagu barro shalaanka soomalaiyeed oo ah mustaqbalki berito ee dalka iyo dadkaba.

Mahamud Ahmed Hassan
xuurshe114@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.