Home » Faallo »

Al-Shiikh Maxamed Saalax Al-Cuthaymiin (1) | Saahid

DHALASHADIISII:

Abuu C/llaahi mohamed ibnu saalix alcuthaymiin AL-tamiimi Al-najdi wuxuu ku dhashay magaalada Cunayza, Gobolka Qasiim 27 Ramadan1347 H oo ku aadaneyd 1926 M, wuxuuna ka dhashay qoys caan ku ah Diinta Islaamka (1).

WAXBARASHADIISII:

Waxbarashadiisii ugu horeysay wuxuu Quraanka xifdiyey asagoo yar, kadibna wuxuu arday u noqday oo wax ka bartay Caalimkii weynaa ee reer Najdi , Shiikh C/raxmaan Al-Sicdi oo uu ka bartay luqaadda carabiga, towxiidka,fiqhiga, axaadiista iwm.
kadibna markii la furay machadkii ugu horeeyey ee Barashada Diinta islaamka ee Riyaadh ayuu galay waxaana macallimiintiisii ka mid ahaa Sheikh Mohamed AL-Amiin Al-Shunqeydi iyo sidoo kale Shiikh C/aziz ibnu Baaz oon horay uga soo sheekeynay..

SHAQOOYINKIISII:

Markii ugu horeysayba wuxuu macallinnimo ka bilaabay masaajidka dhexe ee magaaladiisii Cunayza, kadib markii uu machadkii soo dhameeyeyna isla masaajidkii ayuu ka sii waday waxbaridii , ilaa uu markii danbe la wareegay markii uu dhintay macallinkiisii Al-shiikh C/raxmaan AL-Sicdi, Masaajidka khudbadiisa iyo Duruus ka bixintiisa.

Shiikhu wuu ka weyn yahay in la sheeg sheego, wuxuu ka mid ahaa Hay’adda Culumadda waweyn ee Dalka Sacuudiga, Macallin ka mid ah macallimiinta Jaamicadda Imaam Mohamed ibnu Sacuud qeybteeda Quseym.

Shiikhu wuxuu qoray kutub badan oo ay ka faa,ideysteen kuwa u dhawi iyo kuwa ka fogi ee adduunka ku firirsan, Sidoo kale wuxuu sharax macaan oo fudud ku sharxay Kutub badan oo ka mid ah kutubta usuusha ee cilmiga Islaamiga ah Sida kuwa Towxiidka, Tafsiirka, Fiqhiga ,Axaadiista,Luqadda Carabiga iyo kuwa kale.

Shiikhu Sidoo kale wuxuu lahaa Fatwooyin uu uga jawaabo waxa dadweynuhu Diintooda ka soo weydiiyaan Sida Shiikhiisii Ibnu Baazba u lahaa ,Allaah kuligood ha u naxariistee.

Fataawidaas oo ku saleysan daliilka saxa ah ee Quraanka iyo sunaha.

Waxaa kaloo lagu yaqaanay Shiikha Sida fudud uu Ardeydiisa wax u fahamsiin jiray iyo sida uu ugu adkaa in uu Raaco jidka Salafka ee Suuban, wuxuuna ku dadaali jiray Arrimaha Caqiidada iyo kitaabka Quraanka iyo sunahaba.
Wuxuu kaloo caan ku ahaa in uusan mad-habna u tacasubin walow uu ku barbaaray madhabta Xanbaliyadda, se wuxuu raaci jiray meesha Daliilku jiro sidaas buuna Ardeydiisa kula dardaarmi jiray.

Wuxuuna xoogga saari jiray in uu Ardeydiisa baro kutubta cilmiga ah ee Salafka sida kuwii Shiikhu Islaam Ibnu Tiimiyah iyo Ardeygiisii Ibnu Qayim raxmatulaahi caleyhim kuligood, asagoo u soo gudbinaaya hab fudud oo lagu raaxeysto oo u fudud qofkasta oo cilmiga bilaabaaya, taas oo wax badan soo jiidatay ardey badan oon hor fariisan se Akhristay kutubtiisa iyo Shuruuxdiisaba.

Sodon iyo Shan Sano ayuu Duruus ka bixinaayey Xaramka Makkah:

Waxaa kaloo lagu Xasuustaa Shiikha Allaah ha u naxariistee in uu Waqtiga Xajka muddo 35 sano ah ka bixn jiray Duruus uu ugu tala galay dadka Xajka imanayaa ee aan nasiib u helin in ay kula kulmaan magaaladiisa Cunayza.
Duruustaas oo haddana cajallado lagu duubi jiray oo dib loo siin jiray Xujayda laguna faafn jiray dunida oo dhan.
Duruustaas Ardeydiisa wuxuu wax ku bari jiray hab su,aalo ah oo wixii darsiga uu ku sheegay oo dhanba uu dib u weydiin jiray, asagoo ku saleynaaya in ay markasta Daliil u keenaan waxa ay sheegayaan, Haddii aanu daliil jirin wuxuu Shiikhu Caan ku ahaa in uu yiraahdo ( WAL DALIIL …. CADMU DALIIL ) oo macnaheedu yahay haddii mas’alladda aysan daliil laheyn daliilkeedu waa Daliil la,aan.

Runtii 17 Cajallood oo ah Duruustaas uu Shiikhu ku duubay Makkah ayaan Dhageystay markaas ayaan isku tiriyey in aan ka mid ahay Ardeyda Shiikha ee aan la kulmin.
Waxaa ii cadaatay Makaanada Cilmiga ee uu leeyahay iyo in uu yahay Faqiihii Casrigan, iyo in uu leeyahay hab wax barasho oo ka gooni ah sida uu Ardeydiisa wax u barro Macallimiinta kale ama Shuyuukhdaba aan dhahee.

QAAR KA MID AH KUTUBTIISII :
التفسير
تفسير سورة الفاتحة والبقرة
تفسير سورة الكهف
تفسير جزء عَم
تفسير سورة الحجرات – الحديد
أصول في التفسير
شرح مقدمة التفسير
التوحيد أسماء الله وصفاته وموقف أهل السنة منها

القواعد المثلى في صفات الله وأسمائه الحسنى
شرح العقيدة الواسطية
مختصر لمعة الاعتقاد الهادي إلى سبيل الرشاد
تقريب التدمرية
شرح ثلاثة الأصول
منهاج أهل السنة والجماعة

أحكام الأضحية والذكاة

فقه العبادات
الزواج

تلخيص فقه الفرائض
شرح المنظومة البيقونية
الأصول من علم الأصول
شرح رياض الصالحين
كتاب العلم
من مشكلات الشباب
التعليق على ميمية ابن القيم
Shiikhu wuxuu ahaa mid ka mid ah inta yar ee ka soo hartay salafkii saalixa ahaa, marka laga fiiriyo ku dhaqmidda Diinta islaamka.
waa inoo qeybta labaad ee Siiradda Callaamatu Cuthaymiin inshaa alaah.

fii amaani laah.

Shiikh saahid mohamed yusuf
Eastleigh,Nairobi, Kiinya
Sahid_yusuf@yahoo.com
AL-muthakhasis fil xarakaat AL-islaamiyah.

(1)kitaabka culumo aan weynay ( culumaa faqadnaahum).

Akhri: http://www.somalitalk.com/2009/jul/04dh209.html

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Al-Shiikh Maxamed Saalax Al-Cuthaymiin (1) | Saahid "

  1. muslimah says:

    As-Salaam caleykum waRaxamtullaahi Tacaala waBarakaatuh.

    Allaahu Akbar wa Lillaahil Xamdu.
    Masha Allaah, waa Illaah mahadii in ay maalin walba walaalheena muslimiin ah sidaa (Sheikh Saahid Mohammed Yusuf) uu duruus ama sheeko run ah halkaan noogu sheegaan, si aynu u barano wixii diinteena ku saabsan oo cusub.
    Jazaka Allah kheeran.
    wa as-Salaam caleykum waRaxamtullaahi Tacaala waBarakaatuh