Home » Warar »

Xafladda Furitaanka Mac-Hadka Quraanka ee MAS Boston

 
Waxaa xalay oo Sabti aheyd bishu Jan 9, 2010 ka dhacay Masjidka weyn ee Jaamaca oo loo yaqaan (Islamic Society of Boston Cultural Center) Xaflad aad iyo aad loo soo agaasimay oo loogu dabaal degayey furitaanka Mac-Had lagu baran doono diinta Islaamka. Xafladan waxaa soo qaban qaabiyey Bulshadda Soomaaliyeed ee magaaladda Boston. Furitaankii xafladda waxaa furay Maamulaha Mac-Hadka Quraanka Shiikh Cabdirixman Abiib oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed khibrad dheer u leh maamulka iyo maareynta Mac-Hadyadda Quraanka.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Cabdirixman abiib wuxuu ahaan jiray Maamulaha Mac-Hadka Imaamu Shaafici ee Nairobi, Kenya. Reer Boston waxay nasiib u yeesheen in ay ka faa’iideystaan Shiikh Cabdirixman iyo Daadaalkiisa ku aadan badbaadinta iyo waxbaridda bulshadda Soomaaliyeed. Xafladda waxaa ka hadlay culimadda Soomaaliyeed ee magaaladda Boston iyo qaar ka mid ah macalimiinta Mac-Hadka Quraanka. Xafladda waxaa ka hadlay Shiikh Maxamed Axmed oo ah caalim Soomaaliyeed oo degan magaaladda Boston. Sidoo kale xafaladda waxaa ka hadlay Shiikh Mukhtaar, macalin Maxamed Shariif. Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay maclimadii ugu horeysay magaaladda Boston Shamso Khaliif, aqoonyahaniinta reer Boston Shahmad Xalwo iyo Deeqo Jibriil.

Gabagabdii Xafladda waxaa erayo mahad-celin ah ka soo jeediyey Gudoomiyaha ururka MAS ee magaaladda Boston Bilal Kaleem oo ah runtii walaal u jajaban, jecel Soomaalidda reer Boston. Sidoo kale waxaa halkaas isqoray oo islamarkiiba ku biiray Mac-Hadka ardey gaareysa 30 qof oo raba in ay xifdiyaan Quraanka.
 
Abdulkadir Hindi
Boston, USA
abdulkadirhindi@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.